Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Iibsiga Alaabada: xuquuqdaada
Buying Goods: Your Rights

xuquuqdaada

haddii ay cusubyihiin iyo haddii kale, alaabada aad ka iibsato dukaanka, suuqa, kataloga (buuga) ama ganacsade kasta waa inay tayo macquul ah lahaadaan (quality).

Waamaxay tayada macquulka ahi? Tan lagu qiimayn karaan qiimaha, iyo sida laguugu sheegay, iyo wixii kale ee khuseeya sida da’dooda.

Ku talogalka arimahan, waa in alaabadu

  • Loo isticmaali karo ujeedada loo iibsadey.
  • Ay macquul tahay araga iyo tafo-tirnaanta
  • aanay lahayn cilado yar
  • khatar lahayn, tayona leh
  • siduu u sheegay iibiyuhu buuga iyo calaamadaha.

Hadiiaad cilad ka hesho ka dib markii aad iibsatay waa inaad iibiyaha sida ugu dhaqso badanula xidhiidhaa ulana socodsiisaa xaalada. Hadii ciladu ay ahayd mid aan qarsoonayn, ama laguu tilmaamay kadibna aad goosatay inaad iibsato, kama noqon kartid mana diidi kartid adoo ku dacwoonaya inaanay fiicnayn.

Maxaad samayn kartaa

Xuquuqdaaduwaxay khusaysaa iibiyaha, haddii ay dukaan tahay ama suuq. Ha ku tegin cudur daarashada caadi ah ee iibiyaha ‘’waxa qaladka leh kii sameeyey’’.

Hadiiaanay alaabadu shaqayn markii aad baadhay ee ugu horeesay lacagtaada waad lasoo noqon kartaa.

Xaqlaguguma leh in aqbasho jiwan dayn (marka aad dalbato in lacagta laguu celiyo).

Hadiiaad kula heeshiisyo in la sameeyo, kadibna uu fiicnaan waayo ma joojinayso inaad dalbato lacagtaadii.

Xuquuqdaadainaad diidid ma waayeysid, hadii aad saxeeday jiwanka laguugu keeney (note of delivery).

Hadiiaad alaabada muddo haysato aad ku tijaabiso, ama aad u isticmaashey in kabadantijaabo, ma soo celin kartid laakiin waxa aad dalban kartaa kabniin.

Waxaad codsan kartaa qiimo dhac ku yimi alaabada iyo dhibaatada kaa soo gaadhay isticmaal la’aantooda ama isticmaalkooda, tani had iyo jeer waa sameen bilaash ah, ama bedelis ama sicirka oo hoos loo dhigo.

Waxafiican in jiwanka alaabada lagaaga iibiyey aad haysato, haseyeeshee ma’aha caddaynta keli ah ee aad ku doodi kartid. Waxa kale oo aad tusi kartaa nuqulka bangiga (bank statemen), haddii ay ku qorantahay tafaashiisha iibku.

Hadii aad ku bixisay kaadhka daynta (credit card)

Sidakaadhka daynku u yahay mid meheradaha UKiyo debedaba intooda badanmid ay aqbalaan waxa uu ka dhigayaa nooca daynka ee ugu badanee la isticmaalo.

Hadiialaabada aad ku iibsatay kaadhka daynka mid leeg ama ka badan£100, waxa ka dalban karkaa qiimaha alaabada oo dhan shirkada kaadhka, hadii iibsigaa ama adeegaasu xumaado. Tani waa caadi xataa hadii aad carbuun £100 bixasay inta kalena aad kaash ku bixisay. Tanu ma khusayso kaararka debit, charge iyo switch-ka.

Ururada ku caawin kara

Bogaganinternetka waxa ku jira macmcluumaad muhiim ah. Sidaad u hesho latalinta macaamiisha ee wadanka.

Http://www.ConsumerComplaints.org.uk

<http://www.consumercomplaints.org.uk/>

Http://tradingstandards.org.uk <http://tradingstandards.org.uk/>

Wixii faafaahin guud iyo jihayn ah ee ku saabsan ashkatada macaamiisha, fadlan la xidhiidh xafiiska ‘Office of Fair Trading (OFT) Enquiries on 08457 22 44 99, ama email [email protected] <mailto:[email protected]>

This document was provided by Islington Law centre. www.islingtonlaw.org.uk