Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Hordhac ku saabsan xanuunada galmada lagu kala qaado
An Introduction to Sexually Transmitted Diseases

Waa maxay xanuunada galmada lagu kala qaado?

Xanuunada galmada lagu kala qaado (STD) waa xanuuno jidhku isu gudbiyo. Waxa sababa waa bukaano, iyo bakteeriya. Waxa loo yaqaanaa xanuunada galmada lagu kala qaado (Sexually Transmitted Infections (STIs)) ama magaca hore loogu yaqaaney (Venereal Diseases (VD)). Waxa jira ugu yaraan 25 xanuun oo galmada lagu kala qaado. Waxa ku yimaadaan marka cawrooyinku is taabtaan, ama jidhka taabtaan. Xanuunada aan bogagan kaga hadlayno ma’aha bukaanada ay galmadu sababto oo dhan, ee waa kuwa ugu muhiimsan. Waxa kale oo aanu haynaa bogag macluumaad ah oo ku saabsan isu gudbinta HIV-da.

Sidee aad u ogaanaysaa inaad qaaday STD?

Qof kasta oo baaluq ahi waxa ku dhici kara xanuunada STD –da. STD qaar waxay leeyihiin astaamo sida dheecaan ka yimaada cawrada, xanuun marka la kaajayo, ama barar cawrada. STD qaar sida ‘Chlamydia’ si joogta ah ayaaney astaan u yeelan karin. Sababtan awgeed waxa lagula talinayaa hadii aad xanuunadaa khatar u geli karto inaad is baadho. Waxa lagu arki karaa astaanaha xanuunadan mudo dheer, waanad mudadan sii gudbin kartaa xanuunadaa hadii aad xaasle tahay, lagaana daweeyey xanuunadaa, ma’aha khasab in lamaanahaagu wax qarsanayey. Astaamaha qaar mudo bilo ah ayey kusoo bixi karaan.

Sidee naftaada uga badbaadin kartaa qaadista xanuunada STD-da?

Waxa aad naftaada uga badbaadin kartaa adoo iska xafida dadka qaba STD. iyo inaad ku dadaasho inaad nadaafadu jidhka ilaashato. Inaad nadiifiso xubnaha lagu qaado xanuunadaa sida xubnaha cawrada oo la nadiifiyo, iyo inaad iska jirto la seexadka (galmada) dadka qaba xanuunadaa.

Maxaa muhiim ka dhigay inaad ogaatid inaad qabto xanuunada STD-ga?

Xanuuno badan oo kamida kuwa STD-ga waa khatar, waxaaney reebaan dhaawac raaga, sida dhalmada oo joojo, Hadii aan la daween. Xanuunadanu waad un gudbin kartaa lamaanhaaga, hooyaduna waxay u gudbin kartaa ilmaheeda. Sidoo kale waxay hawl yareen karaan isugudbinta HIV-da.

Jiheen ku saabsan STD-da.

Bacterial Vaginosis (BV) khasab ma’aha inuu yahay STD, sababtoo ah laguma kala qaado galmada. Hasa yeeshee waxa sii kharibi kara galmada. Waxa inta badan laga helin dumarka aan loo tegin. Waxa ku yimaada isu dheeli tir la’aan bakteeriyada ku dhasha agagaarka cawrada dumarka. Waxa ay sameen karaan ur aad u xun oo dheecaan wata. In kastoo aan la hubin waxa dhaliya xanuunkan, waxa lamoodaa in aysiid dabiiciga ah ee shahwadu keento. Waxa suura gal ah in ay wax u dhimaan aysiidha dabiiciga ah ee cawrada dumarka. Waxa kale ee sababi karaa waa cinjirka dhalmada jooja ee dumarku isticmaalaan. Waxa la ogyahay inaan dumarku u gudbin raga xanuunkaa BV-ga, laakiin waa in la daweeyaa dumarka iyadoo uu raaci karo xanuunkanu tuubka ilma-galeenka uuna sababi karo dhaawac weyn. Daweenka xanuunkanu waa kiriim la mariyo meesha bukta iyo antibiotics.

Balanitis waxa inta badan loo yaqaanaa astaamo xanuun, ma’aha xanuun. Ma’aha khasab inuu ahaado xanuun STD ah. Waxa ay ku dhacdaa raga oo keli ah. Waxa barara caarada cawrada, waxa aad ugu badantahay raga aan gudnayn. Waxa sababi kara nadaafad xumo, ama cinjirka galmada lo gashado, ama xadarada ama saabuunaha qaar. Waana iska dhaafi kartaa waxyaalaha sababa. Waxa lagu daweeyaa kiriim, iyo antibiotics hadii ay khasab noqoto.

Chlamydia waa xanuunka ugu dawada sahlan ee kamida STD-ga. Waxa dhalin kartaa natiijo xun hadii muddadu dheeraato, hadii aan hore loo daween.. Chlamydiyadu waxa waxyeeshaa madaxa ilma-dhaleenka. Iyo indhaha lab iyo dhadigba. Astaamaha xanuunku xili kasta way soo bixi karaan. Inta badan waa 1 ilaa 3 wiig marka uu qofka ku dhaco. Hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaaney muuqan ilaa muddo dheer laga soo wareego. Ogow faahfaahin intaa kabadan oo ku saabsan chlamydia.

Crabs or Pubic Lice (injirta) waxay dhiiga ka jaqdaa jidhka. Waxa inta badan ay gashaa timaha isku duuban. Laakiin waxa kale oo geli kartaa kilaakilada, jidhka, iyo xataa timaha wejiga iyo suniyaha. Waxa kale oo ay ku noolaan karaan maryaha, tuwaalka, gogosha sariirta. Waxa ku geli kara cayayaankaas adaan ogayn, waxa aad dareemaysaan cuncun ilaa 2 ama 3 wiig kadib. Waxa aad kaa soo raaci karaan qof aad sariirta wadaagteen, ama maryaha ama tuwaalka. Waxa joojiyaa majiraan inaad qaado, laakiin waxa aad sameen kartaa inaad joojiso inaad dadka qaadsiiso hadii aad qabtid adoo maryaaha iyo huga sariirta ku maydhaya biyo kulul. Buufimooyinka ayaad ka soo iibsan kartaa farmasiiga, kadibna isku buufin kartaa. Timaha qarsoon oo la xiiraa khasab ka dhigi mayso inay cayaankaasu kaa baxaan.

Epididymitis waa xanuun ku dhaca, ama barairiya tuubka shahwadu (biyuhu) ku keedsanto. Ma’aha had iyo jeer xanuun STD ah. Laakiin had iyo jeer waa xanuun la xidhiidha jabtida, iyo xanuunada la midka ah. Astaamaha lagu gartaa waa middhicirka, ama xiniinyaha oo barara. Sida ugu fiican ee aad uga badbaadi kartaa waa isticmaalka caaga hadii ay galmo jirto, taas oo aad iyana kaga badbaadi karto xanuunada sida jabtida. Xanuunka ‘Epididymitis’ qudhiisa ma’aha mid lakala qaadi karo. Daweentiisu waa isticmaal dawooyinka ‘antibiotics’.

Genital herpes xanuunkanu wuxuu ku dhacaa afka, agagaarka cawrada, iyo faraha. Marka ka kugu dhaco ee hore baaba’o wuxuu ku hadhaa jidka hoose halkaa oo uu keeno hargab, cuncun xubnaha u dhow cawrada, finan yaryar oo xanuun badan, xanuun marka aad kaajaysid, dhabar xanuun. Waxa uu soo baxaa ilaa 26 cisho marka xanuunka hore baaba’o. wixii faaffaahina akhri: genital herpes.

Genital warts Waa cad kasoo baxa xubnaha cawrada ee raga iyo dumarkaba. Waxa sababa xanuun la dhaho ‘Human Papilloma Virus (HPV). Waxa ay kasoo bixi karaan xubnaha cawrada ama xubno kale sida gacmaha. Marka uu xanuunku kugu dhaco waxa ay qaadataa ilaa 1 ilaa 3 bilood inta u dhaxaysa in astaamaha kaa muuqdaan. Waxa aad dareemi kartaa barar yar oo huruudi ama cadaan ah oo kasoo baxa. Waxa ay noqon karaan koox ama midmid. Waxa keeni karaan cuncun, laakiin inta badan xanuun malaha wax astaan ah. Dumarka qaar waxay ku sababi kartaa inuu kayimaado dhiig, ama dhiicaan midab leh. Hadii aad wax macluumaad u baahanyhay fiiri genital warts.

Gonorrhoea (jabtida) waa bakteeriya. Waa lakala qaadi karaa, waxa ay gaadhi kartaa ilaa ilma galeenka iyo mindhicirka. Astaamaha xanuunku waxay muuqan karaan kadib 1 ilaa 14 maalmood markii xanuunku kugu dhacay. Waxa suurogal ah in xanuunkanu kugu dhaco aaney wax astaan ah lahayn. Raga ayaa inta badan ay astaamu ka muuqdaan. Wixii faahfaahfina eeg gonorrhoea.

Gut Infections (xanuunka mindhicirka) waxa la gudbin kartaa galmo ahaan. Labada xanuun ee muhiimsani waa ‘Amoebiasis’ iyo ‘Giardiasis’. Waa xanuun bakreeriyo ah, markaa marka ay gaadhaan mindhicirka ayey sababaan shuban iyo calool xanuun. Xanuunka sida laga badbaadi karaa waa hadii aad isticmaasho cinjirka galmada qofka qaba, iyo nadaafada oo aad gacmaha iyo jidhka aad meedho. Waxa lagu daween karaa dawada shubanka, ama waxa kaloo la isticmaali karaa ‘antibiotics’.

Hepatitis (jooniska) waxa uu sababaa in beerku bararo. Waxa jira noocyo badan oo joonis ah, kuwa ugu caansani waa A, B iyo C. nooc kasta si gooniya ayuu u dhaqmaa. Jooniska waxa keeni kara mukhaadaraadka iyo khamriga, laakin inta badab waa infekshan. Wixii faahfaahina eeg hepatitis.

Molluscum waa xanuun dusha jidhka (haraga) ah. Waxa ay ka bilaamantaa fin yar oo jidhka dushiisa ah, waxaaney ku dhamaataa ilaa dhoowr wiig ilaa dhowr sano. Waa fin yar oo wareegsan oo ka soo baxa bawdada, badhida, inta xundhurta ka hoosaysa, iyo marmar wejiga. Waxa loo gudbiyaa hadii labada jidh is taabtaan, ama galmada. Waxa lagaga badbaadi karaa hadii laga fogaado qofka xanuunsaya. Inta badan ‘molluscum’ uma baahna wax dawo ah waxaaney iska baaba’aan marka muddo laga soo wareego. Hasa yeeshee waa la qaboojin karaa ama sun baa lagu buufin karaa.

Non-Specific Urethritis (NSU) waa barar ku dhaca kaadi mareenka raga. Bararkan waxa sababa xanuun sida ‘Chlamydia’. NSU waxa aan la dareemi Karin bilo, xataa marmar sanado isu taga kadib. Astaamaha NSU waxa kamid ah xanuun ama cuncun marka la kaajayo, dheecaan cad oo raga ka yimaada marka ay kaajayaan khaasatan subaxii. Adoo u baahda kaadi siyaado ah. Had iyo jeer waxa suurogal inaad wax astaamo helin, tana macnaheedu ma’aha inaad ugudbin karayn xanuunka lamaanahaaga. Sidaa wixii dheeraada uga ogaatid, eeg NSU.

Scabies waxa sababa cayayaan yar oo gala jidhka, kadibna keena cuncun. Cayayaanku waa mid aad uyar oo aan ishu arkayn, dadka inta badanina ma oga inay leeyihiin. Waxa sababaan cuncun bilaama 2 wiig ilaa 6 wiig. Astaamaha waxa kamid ah khad cas oo cadka hoose ee gacmaha ka muuqda. Sida badan ee lagu kala qaadaa waa isutaga (galmada). Inkastoo wadaaga maryaha iyo tuwaalada lagu kala qaado, laakiin sida caadiga ma dhacdo. Waxa aad kaga badbaadi kartaa majirto, oo aan ahyn inaad qofka qaba loo sheego inaanu dadka qaadsiin, isagoo gacmaha iyo maryaha biyo kulul ku maydhaya. Waxa laga soo iibsan karaa farmasiiga kiriim lagu dilo cayayaankaas.

Syphilis (xabada) aad uguma caan aha UK, laakiin wadamada kale ayuu caan ku yahay. Waa infekshan bakreeriya ah. Inta badana galmada waa lagu kala qaadaa. Laakiin waxa ay hooyadu ugudbin kartaa ilmaheeda aan dhalan. Astaamaha xanuunku waa isku mid raga iyo dumarkaba. Way adagtahay inaad aragtid, waxaaney qaadan kartaa ilaa 3 bilood in astaamuhu muuqdaan, kadib isu taga. ‘Syphilis’ waxa ay leedahay dhowr darjo. Wixii faahfaanina eeg xanuunka syphilis.

Thrush, waxa kale oo loo yaqaan candiasis, waa khamiir kunool jidhka inta badana ay dhamayso bakteeriyada aan dadka waxyeelin. Hasa yeeshee hadii ay aad u badato, waxa ay sabibi kartaa cuncun, barar, iyo dheecaan rag iyo dumarba. Dumarku waxay arki karaan dheecaan ka yimaada marka ay kaajayaan. Raga laftoodu waxa ay arki karaan dheecaan iyo xanuun. Trush-ka waxa lagu kala qaadi karaa isu taga, iyo hadii aad xidhato maro nayloon ah oo jidhka aad ugu dhegsan, ama aad dawooyin antibiotics-ka qaadato. Marmar waxa sababa lama yaqaano. Waxa lagaga hortegi karaa xanuunkan iyadoo cinjir la xidho galmada horteed, iyo maydhis. Daweenta waxa kamid ah isticmaalka dawooyinka lidka ku ah cayayaanka. . Thrush-ku waa soo noqnoqon karaa khaasatan dumarka.

Trichomonas Vaginosis, waxa kale oo loo yaqaan Trich waxa dhaliya cayayaan kusugan kaadi-mareenka raga iyo cawrada dumarka. Inta badan ma jirto wax astaan ahi. Hadii ay jiraan waa kaadida oo xanuun wadata, iyo dheecaan raga kayimaada, iyo xanuun xiliga galmada, iyo barar tuubka dumarka. Kala qaadista inta badan waxay ku timaadaa galmada. Waxa daweentu u badantahay antibiotics, waa inaanu xanuunku dibdib usoo noqon.

Macluumaadka halkan ku sugani ma’aha mid bedeli kara wixii dawo ama talo ah ee khubro ku siiso. Fadlan la xidhiidh xarunta caafimaadkaaga hadii wax mushkilad ahi ku haystaan.

Avert.org waxa leedahay bogag kale oo ku saabsan xanuunada STD-related pages.

This document was provided by AVERT, last updated July 26, 2005 . www.avert.org.uk