Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Daryeelka qof isbitaal ka soo baxaya
Caring for Someone Coming Out of Hospital

Waxay noqon karta wakhti werwer leh, haddaad ka fekerayso daryeelka qof isbitaalka laga soo saaray oo aan iyagu isu xanaanayn karin sidii waqtigii hore.

Waa laga yaabaa in ilaa iyo hadda aanad isu arag inaad tahay daryeele, markaas waxaad u baahan doontaa sidaad arrintan kugu cusub u maarayn lahayd - laga yaabee, tusaala ahaan, in guriga la keeno qof waayeeloo ehel ah oo markiisii hore keli u noolaan jiray.

Ama waxa la arkaa inaad cid guriga ku daryeeli jirtey, laakiinse aanad hadda hubin in aanay suuragal ahayn inaad siin karto xanaano dheeraad ah oo la mid ah markay isbitaalka ku jireen.

Waxa halkan ku qoran war kaa caawin kara marka arrintan oo kale kula soo gudboonaato:

  • Yaa go'aamiya marka qof isbitaal ka baxaayo.
  • Maxaa looga baahanyahay shaqaalaha isbitaalka marka qof ka baxayo isbitaal
  • Sidee baad u hubinaysaa in maalinta bixintaanka la habeeyey.
  • Maxaa taageero adiga iyo dadka aad xanaanaysa heli kartaan kadib marka isbataalka laydinka soo saaro.
  • Maxaa la samayn karaa haddaad dareensantahay in aanad daryeele noqon karin.
  • Sida loo dacwoon karo.

Yaa go'aamiya marka gof isbitaal ka baxo

Dhakhtarka u xilsaaran daryeelka qofka ayaa go'aamiya marka qof u diyaar yahay inuu ka baxo isbitaal - shaqaalaha isbitaalku way ka hadli karaan saarida qofka buka. Haddii dhakhtarku yidhaahdo qofka bukaa diyaar ayuu u yahay inuu isbitaal ka baxo, taas ujeedadeedu waxay tahay, in qofku caafimaad ahaan fiican yahay iyadoo isla markaas wixii caawima ee daruuri ahaa ama taageero ay u socon doonaan.

Ma u baahan tahay kaalmo kale? Tilmaan ku saabsan habka qofka isbitaalka looga saari karo waxa laga heli karaa qoraalada fiican ee ay ku sheegayaan Waaxda Caafimaadka "Buuga ka Saarista Isbitaalka" (Hospital Discharge Workhook) oo laga heli karo Waaxda Caafimaadka Sanduuqa Boosta 777 London WE1 6XH, Fax 01623 724524 ama Adaabka Caafimaadka (Health Literature) Tel: 0800 555 777. Haddii aad u baahato inaad la hadasho qof si aad talo u weydiiso talo ku saabsan go'aaminta marka qof buka uu diyaar u yahay in uu ka baxo isbitaalka iyo in kale, ku dhufo halkan.

Waxa shaqaalaha isbitaalka looga baahan yahay inay u qabtaan marka qof bukaa isbitaalka ka baxo.

Mar haddii dhakhtar go'aamiyo in qof bukaa isbitaal ka bixi karo, shaqaalaha isbitaalka waa inay siiyaan fiiro gaar ah dadkaas:

  • gooni u nool
  • Caafimmad ahaan liita ama duqoobay
  • La deggan daryeele duqoobay
  • Qaba cudur daran ama naafa socoto (continuing) ah
  • Maskaxda ka jirran
  • Xanaano gaar ah u baahan (tusaala - aan ceshan Karin kaadida ama saxarada)
  • La xidhiidhku ku adag yahay
  • Naf ka eeg ah

Daryeelidda gaarka ahi waxay u baahan yahay in qorshayn haboon loo sameeyo qofku markuu isbitaal ka baxayo (tan waxa loo yaqaan qorshe ka saaris isbitaal).

Qorshahaas waxa kalo ku jira war ku saabsan waxyaabo loo baahanyahay in la qabto si loo hubiyo in aad loo darfyeelo qofka buka kadib marka isbitaal lago saaro iyo qofka u xilsaaran daryeelkaas.

Sidaad u hubin karto in maalinta ka bixitaanka si haboon loo habeeyey

Ka bixista isbitaalku waxay waayo aragnimo jaah wareer ah u noqon karta qofka buka iyo daryeelahaba.

Shaqaalaha isbitaalku waa inay arrimo dhowr ah sameeyaan si ay u hubiyaan in maalinta bixinta qofka buka ay u noqoto mid aan walwal lahayn. In maalintaas si haboon loo habeeyey iyo in kale waxaad eegi kartaa taxanaha hoos ku qoran:

  • Qofka buka ma la ogeysiiyey 24 saacadood ka hor bixitaankiisa?
  • Gaadiid guri geeya ma loo diyaarshey haddii loo baahdo?
  • Dib ma loogu celiyey haddii hanti qiimo leh loo hayey?
  • Ma la siiyey qalabka ama tababarka lagama maarmaan u ah?
  • Ma la ogeysiiyey dhakhtarkiisa bulshada (GP) in ay soo baxayaan?
  • Ma la siiyey wixii dawooyin uu u baahanayo intaa uu arkaayo dhakhtarka bulshda (GP)?
  • Ma lala socodsiiyey ilaalinta calaamadaha dareenka caafimaadka (symptoms) iyo uu meelaha caawimo ka heli karo hadduu u baahdo?

Adiga, xubnaha qoyska ama saxiibadaba ayaa iyana ka caawin karaan tabaabushaynta malintaas sida:

  • In dhar debedda loogu bixi karo loo keeno haddii loo baahdo
  • In la siiyo ama loo diyaariyo gaadiid haddaan isbitaalku hore ugu habayn
  • In la hubsado in qofka gurigiisu hagaagsanyahay hadday guriga tegayaan (tusaalo ahaan, ma la nadiifiyey ama diyaariyey? Si ku filan ma u diirran yahay? Cunto iyo caano mayaalliin guriga?}
  • Haddii qofku guriga keligii tegayo, hubso in cidi raacdo lana joogo dhowr saacadood ama maalmood haddii loo baahdo.
  • Hubso in aanay ku goglanayn guriga waxyaabo khatar u geeysan kara (tusaalo ahaan, derin (mats) qofka sita ulaha lagu socdo (crutches) uu ku sinbiriiraxan karo)

Maxaydun kaalmo adiga iyo dadka aad daryeeleysaaba heli kartaan kadib marka ay isbitaal ka baxaan

Waxa la arkaa in qofka aad daryeeleysaa u baahdo taageerooyin gaar ah oo kala duwan marka uu isbitaalka ka baxo. Waxaana laga yaabaa in aad ka fekerto sida ugu haboon ee aad u heli karto iyadoon lagaa caawin.

Sidaa darteed waxa muhiim ah in aad si haboon u garatid habkaad kaalmada u heli kartid - xusuusnow, laga yaabee in adiga ama qofkaad xanaanaysaa sharci iyo xaq u leedihiin in aad heshaan kaalmooyin dhowr ah.

Caawimada waxa dhacda inay habeeyaan (laakiin badanaa lagama yaabo in lacag la bixiyo) adeegga caafimaadku (health service) ama adeegga bulshadu ee dawladda hoose (local aurthority social services). Haddii kalena, waxa laga yaabaa inaad ka heli karto caawimo aan wax lacag ah laga bixin (ururo) sida kuwa samafalka (charity) ama kooxa iskaa-wax-u-qabso (self-help group) ama adigoo laga yaabo inaad si gaar ah u bixin kara.

Hadduu qofku xaq uu leeyahay gunnada bulshada lagu gargaaro (social security benefits) wuxuu heli karaa in laga bixiyo lacagta dheeriga ku ah daryeelkiisa. Haddii qofku isbitaal ka baxayaa uu u caawimo daryeel qof ahaaneed ah ama maarayn ama dhibaatooyin ka haystaan xagga socodka iyo dhaqdhaqaaqa waxa laga yaabaa inay xaq u yeeshaan gunnada naafada (disability benefit). Ku andacoodka Gunnada Naafada (Disability Allawance) ama Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance) waxay u furi kartaa inuu daryeeluhu ku andacoodo Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance) ama xaq nooc kale ah. Waxa la arkaa in isbitaalku leeyahay waax khaas ah oo talo ka bixin karta gunnooyinka kana caawin kara habka foom kasta loo buuxiyo.

Adeegga Caafimaadka

Adeega Caafimaadka Qaranka (NHS) ayey waajib ku tahay in uu bixiyo adeegyo dhawr ah oo laga yaabo in uu u baahdo qofkaad daryeeleysaa. Wax ka mid ah:

  • Shaqo dhaqancelin ah
  • Kaar dejinta - tan macnaheedu waxay tahay in la siiyo daryeel ka gargaara dhibaatada xaanuunka.
  • Daryeel nasasho leh - tan macnaheedu waa in la siiyo daryeel si uu daryeelaha caadiga ahi uga nasto hawsha.
  • Taageero xirfadle caafimaad.

Adeegyo caafimaad ayaa isbitaalku siiyaa kadib marka qofka bukaa hooygiisa qabto (tusaalo ahaan, waxa guriga ku soo booqda dhakhtarada baanashada jidhka (physiotherapist) iyo ka habaynta awooda hadalka (speech therapist)) laakiin inta badan daryeelka caafimaadka waxa siiya adeegga caafimaadka ee degaanka.

Iyadoo ku xidhan baahida qofka, taageerada caafimaadka ee degaanka ayaa laga yaabaa inay bixiyaan dhakhtarka daweynta guud (GP), kalkaaliyaha caafimaadka ee degaanka, kormeeraha caafimaadka, dhakhtarka baanashada jidhka (physiotherapist), kalkaaliyaha celmi nafsiga ee bulshada, kan habaynta awooda hadalka (speech terapist), la taliyaha kontoroolka kaadida iyo saxarada (continence advisor), ama kalkaaliye ka socoda Macmillan or Marie Curie.

Adgeegga bulshada

Qofkaad daryeelaysa waxa la arkaa in uu taageero xaq ugu leeyahay waaxda adeegga bulshada ee degaanka.

Waxyaabaha caawimada ee la siin karo waxa ka mid ah:

  • Caawimo la taaban karo oo guriga laguu siiyo (tusaale, nadiifinta, wax soo gadashada, qubaysiga iyo isticmaalidda masqusha)
  • Qalabka iyo gargaarka taageerada naafada
  • Wax ka beddelka ama wax ku kordhinta hoyga
  • Cunto guriga lagu siiyo ama meel kale
  • Ku daryeelka guriga
  • Adeeg fadhi ah (tusaale ahaan, muddo gaaban oo qof kale la fadhisato qofkaad daryeelayso)
  • Baraarujiye bulsho (tusaalo ahaan, qalab wax baraarujiya ama digniin bixiya oo lagu rakibo guriga kaas oo ku xidhan adeega degdega ah (emergency service).

Haddii qofku kaalmo uu baahdo, hawlwadeen bulsho oo ka tirsan isbitaalka ama qof ka socoda waaxda adeegga bulshada ee degaanka ayaa u tegi kara oo baahidooda soo qiimeyn kara. Hadday kuula muuqato inay lagama maarmaan tahay in qiimeyn la sameeyo, taas oo aan hore loogu dhaqaaqin, la xidhiidh adeegga bulshada ee isbitaalka ama adeegga waaxda bulshada. Lambarka telefoonka isbitaalka ee waaxda adeega bulshada degaanka oo laga heli karo buuga telefoonada isagoo ku hoos qoran magaca maamulka degaankaaga.

Haddii qiimeynta laga arko in qofku kaalmo u baahan yahay, maamulka degaanku waxay weli u baahanyihiin inay go'aamiyaan in ay abaabuli karaan ama bixin karaan adeegaas loo baahday iyo in kale. Ayaan darro, haddaan lagu fuliyo la hayn lagama yaabo in adeegaas la si bixiyo, xataa haddii qofku u baahanyahay. Isla markaas, waxa la siin karaa adeegyo bilaash ah, laakiinse kuwo kale ayaa kharash yeelan kara.

Xusuusnaw, adeegga bulshada waxad kaloo weydiinsan kartaa inay qiimeeyaan inaad u baahantahay taageero daryeele iyo in kale. War kale oo dheeraad ah kuna saabsan qiimeynta daryeelaha

Heyadaha sadaqada ama ururada tubaroca

Waxa jira heyado farabadan oo ah kuwa sadaqada iyo tobaroca oo bixiya kaalmooyin kala duwan, ay ka mid yihiin:

  • War iyo talo
  • Amaaho iyo deeqo
  • Qorshe daanshood (Holiday scheme)
  • La talin iyo kaalmayn
  • Gaadiid

Waxad kaloo heli kartaa in ururada qaarkood bixiyaan barnaamajyo daryeel qofku markii uu ka baxo isbitaal - Tani waxay ku lug leedahay siinta waxyaabo ayka mid yihiin dhaqancelinta (rehabilitation) iyo daweyn caafimaad.

Kooxaha iskaa-wax-u-qabso

Waxa la arkaa in ay aagiinna (area) jiraan koox iskaa-wax-u-qabso ama taageero kuwaas oo adiga iyo qofkaad daryeeleysaaba aad ku biiri kartaan. Waxaydun la kulmi kartaan dad idinla mid ah, waxaydun heli kartaan talo ama war ku saabsan dhibaatadda idin haysata, waxaydun xataa heli kartaan kaalmo toos ah.

Kaalmo khaas ah

Daryeelka qof ama adiga oo lagu daryeelaa qiimo badan bay ku kici kartaa, markaas waxa lagama maarmaan ah in aad hubiso helitaanka daryeel aan lacag ku kicin ama kabid dhaqaale oo aad xaq u leedahay intaanad wax kharash ah ku bixin kaalmadaas khaaska ah.

Si aad u hesho kaalmo khaas ah waad xayeysiin kartaa ama waxad isticmaali karta wakaalad takhusus u leh kaalmada aad u baahantahay. Wakaaladaha degaanku waxay ku taxanyihiin buuga Hurdiga Bogagiisa (Yellow Pages). Fadlan hubi inaad baadho tixraac qof kale - taasi waxa ka mid ah la xidhiidhka dad ay hore ugu shaqeeyeen oo kuu caddaynaysa inay shaqadaasi si haboon u qaban karaan.

Maxaad qaban kartaa hadday kula tahay in aanad noqon Karin daryeele

Waxay noqon karta go'aan adag in aanad xanaanayn karin qof, ama mar dambe daryeelin qof markay ka soo baxaan isbitaal.

Waxa laga yaabaa inay kuula muuqato inaad qofka dayacayso laakiin fadlan ha dareemin inaad dembi gashay. Ilaalinta qof ma aha markasta wax fudud ama laga maqsuudo, daryeelkuna wuxu noqon karaa mid kaa shuba dhaqaale, dareen iyo awooda.

Haddaad muddo dheer qof daryeeleysay oo ay hadda kuula muuqato in aanad ka bixin karin, waxa la arkaa inay aad kuugu adkaato inaad go'aan ka gaadho. Waxa la arkaa inay kula noqoto inay haboontahay in la geeyo hoyga dejinta ama hoyga xanaanada laakin kuuma hubana in aad sidii toosnayd samaynayso.

Waa in aad xusuusataa in ay tahay arrin muhiima inaad siiwaddo daryeelka qofka xataa haddii aanad gurigaaga ku ilaalinayn - taasi wuxuunbay tahay daryeelidda oo si kale loo fulinayo. Waxaana la arkaa in ay kuula muuqato inaad kari karto in wakhti kaloo fiican aad u hurto intaad daal la dhici lahayd gabaldhaca.

Haddii aanad daryeeli karin qofna isbitaal ka soo baxayo

Waxa laga yaabaa in aad u baahantahay inaad go'aan muhiima oo degdeg ah qaadhatid inta qofka aad xanaanaysaa isbitaal ku jiro, laakin ha isdareensiin inay ku cadaadinayaan shaqaalaha isbitaalku kuwaas oo la arko inay male awaalaan daryeelka aad sameeysaa inta uu le'eg yahay. Haddaad u baahato wakhti dheeraad ah ood arrintan kaga tashato, ogaysii shaqaalaha. Waxa fiican inaad waaqici noqoto oo aanad korka iska saarin wax aanad fulin karayn.

Haddii shaqaalaha isbitaalka ay weli la tahay inaad wadi doonto daryeelka qofka xata haddaad u sheegto in aanad wadi karin, waad ka dacwoon kartaa ama diidi kartaa daryeelka qofkaas

Si dacwad loo sameeyo

Mar kasta ma hawl yara sida dacwad loo sameeyaa hase ahaatee waxa la arkaa inay tahay sida ugu fiican ee aad samayn kartaan adiga iyo qofka aad daryeeleysaba.

Haddii aanad raalli ka ahayn qorsha isbitaalka ee qofka isbitaal ka soo baxaya:

  • Maxaa laga qaban karaa haddii qofkaad daryeeleysaa isbitaal ka soo baxaayo laakiin ay adiga kula tahay in aanay diyaar u ahayn ama aany kula ahayn inaad ilaalin karto
  • Maxaa laga qaban kara haddii aanad raalli ka ahayn go'aanka ah in loo diro qofkii aad daryeeleysay hoyga dejinta ama hoyga xanaanada
  • Maxaa laga qaban karaa haddii aanad raalli ka ahayn waxyaabo kale oo ku saabsan qorshaha isbitaalka ee qof ka soo baxaya isbitaal.

Haddii aanad raalli ka ahayn habka loo daryeelo qof kadib ka bixista isbitaalka:

  • Waxa la qaban karo haddii aanad raalli ka ahayn kaalmada adeega caafimaadku siiyo qof ka kadib markuu isbitaal ka baxo
  • Waxa la qaban karo haddii aanad raalli ka ahayn kaalmada adeega bulshadu siiyo qof kadib markuu isbitaal ka baxo

Waxaad qaban karto haddii qofkaad daryeeshaa isbitaal ka soo baxayo laakiin aanay kula ahayn in ay diyaar u yihiin ama aanay kula ahayn in aad ilaalin karto

Ka bilow inaad u sheegto kalkaaliyaha ka mas'uul ah. Haddaad meelna ka gaadhi weydo, u qor Maareeyaha Guud/Maamulaha Guud ee isbitaalka ood weydiisato in go'aanka isbitaal ka saarista qofka aad daryeesho dib loo eego.

Waxad kaloo kari kartaa inaad diido in aad qof ilaaliso kadib marka ay ka soo baxaan isbitaal markaa aad isku daydid inaad ku kellifto adeegyadu inay tabaabulsho kale oo daryeel u sameeyaan. Ama waxad weydiisan kartaa in qofku joogo isbitaalka ilaa caawimada ay kula tahay inuu u bahanyahay la siiyo

Waxaad qaban karto haddii aanad raalli ka ahayn go'aanka ah in qofka aad daryeesho loo diro hoyga dejinta ama hoyga xanaanada

Qofka bukaa waa diidi karaa in la saaro laakiin xaq uma laha inay isbitaal ku jiraan muddo aan xadidnayn. Haddii taasi dhacdo, waa in loogu bedelaa daryeel lagu siiyo guriga. Haddii aanad raalli ka ahayn daryeelka la siiyo, waxad weydiisan karta madaxda caafimmadka ee degaanka qofka buka degan yahay in go'aanka ah in aan daryeel lagu siin isbitaal dib loo eego. Haddii madaxda caafimaadka laga codsado inay go'aan dib u eegaan waan inay muddo laba todobaad gudohood ah faahfaahin qofka buka soo gaadhsiiyaan. Haddii aanad u bogin wixii ka soo baxay, la xidhiidh Dacwad Baadhaha Adeeaga Caafimaamka (Health Service Ombudsman)

Waxaa qaban karto haddii aanad raalli ka ahayn wax yaabaha kale ee ku saabsan qorshaha isbitaalka marka qof ka soo baxayo isbitaal

Ka billow dacwad aan rasmi ahayn ood u dirto kalkaaliyaha ka masuulka ah. Haddii aanad u bogin jawaabtooda, ballan sameeyso aad ku aragto lataliye. Haddii aanad weli raalli ku ahayn, telefoon degdega ballan kula sameyso Maareeyaha Guud/Maamulaha Guud ee isbitaalka. Haddii aanad weli u bogin, qor dacwad rasmi ah. Haddii aanad maqsuud ku ahayn jawaabta isbitaalka, la xidhiidh Dacwad Baadhaha Adeegga Caafimaadka (Health Service Ombudsman).

Waxaa qaban karto haddii aanad raalli ka ahayn kaalmada ay siiyaan qofka adeega caafimaadku kadib karka qof ka baxo isbitaal

Ka billow inaad la hadasho xirfadlaha caafimaadka laakiin haddii weli taasi ay ku raalli gelin weydo, waxad u dacwoon kartaa madaxda caafimaadka Degaanka ama Golaha Caafimaadka Bulshada ama Golaha Caafimaadka Degaanka (Scotland).

Waxaa qaban Karto haddii aanad raalli ka ahayn kaalmada aay bixiyaan adeegga bulshaddu kadib marka qof ka baxo isbitaal

La xidhiidh waaxda adeegga bulshada weydiisana inad la hadasho qofka qaabilsan wax ka qabashada. Haddaad meelna ka gaadhi weyedo u qor Agaasimaha Adeegga Bulshada ama la xidhiidh mudanaha dawladda hoose ee degaanka.

This document was provided by Carers UK.