Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Waxbarashad naafada
Community Care - an overview

Soo koobid

Xaashidani waxay ku siinaysa warar ku saabsan daryeelka bulshada, la socoshada iyo u dhabagalista xaaladaha ,qorshaynta daryeelka iyo dib u qiimaynta xaaladaha.

  • Waa maxay daryeelka bulshadu?
  • Waa maxay adeegyada loo haya?
  • Ayaa mudan;in uu helo adeegyada daryeelka bulshda?
  • Sidee loogu dhabo gali karaa oo loo badhi karaa baahiyahaga?
  • Sideen u heli karaa in xaladahayga la eego ama llogu fiirsado?
  • Maxay tahay u fiirsashada ama eegista Caawiyuhu?
  • Maxay tahay qorshaynta daryeelku?
  • Adeegyada iyo bixinta tooska ah
  • Eegis iyo u dhabo gelid, daraasaiyo dib u eegis
  • Cabashooyin

Sifayn

Waa maxay daryeelka bulshadu?

Daryeelka bulshadu waa adeegyo kala duwan kuwaas oo caawin kara dadka u baahan.Hay`adda xafaddaada u qaabilsan arrimaha bulshada ayaa ku deeqda aeega daryeelka bulshda.

Maxaa adeegyo la hayaa?

Daryeelka arimaha bulshadu wuxuu ka cawin karaa arrimaha soo socda:

Guriyeynta – cawimadani waxay noqon kartaa guri aad si xor ah adigu ugu noolato,ama in lagu dajo guryaha dadka la daryeelaayo lagu hsayo.(marmar waxa loo yaqaan daryeelka adeegyada dadban)

Daryeelka cafimaadka- tani waxay caawin kartaa baahida xannaanada ama baahida maskaxda caafimaadkeeda.

Daryeelka shakhsiga – arrintani waxay waxay ka caawin karetaa qofka Cunto siinta, u maydhista, iyo dhar xidhashada.

Bahida bulshada - Tani waxay noqon kartaa bahida jirta xilliga dhaq dgaqaayada ciyaaraha, ama u soc socodka muraadada maalin laha ag ama ka kaalmaynta shaqadiisa.

Shaqo raadinta –tani waxay gacan ka geysanaysa la raadinta iyo la diyaarinta shaqo helista.

Waxbarashada – tani waxay ka caawinaysaa sidii waxbarashoada dadka waaweyn iyo ta sare loola raadin lahaa.

Dhaqaalaha – arrintani waxay caawin kartaa gacanna ka geysan kartaa arrimaha dhaqaalaha iyo lacagta.

Ayaa xaq u leh oo heli kara adeegyada daryeelka bulshada?

Adeegyada daryeelka bulshada waxa loogu deeqa dadka u baahan caawimada dheeraad ka ah, ha noqoto arrin ama in ka badan oo noloshoodu u baahan tahay Waxaana dadka ka mid ah :

  • Dadka wax barashada naafaha ka ah ama aan awood ay wax ku bartaan lahayn.
  • Dadka xubnahooda ama dareemayaashoodu kala dhiman yihiin.
  • Dafka caawimo dhinaca maskaxda ah u baahan.
  • Dadka gaboobay ama wayeelka ah.

Aaeega daryeelka bulshada waaloo hayaa caruur iyo wayeelba .qof walba ma aha in uu helaayo adeega daryeelka bulshada. Hay`adda Daryeelka Bulshada ayaa eegaysa baahida qofka si loo hubiyo in uu mutaystay caawimada iyo in kale.

Haddii uy arrintu tahay mid degdeg ah tahay, waxa la siin karaa caawimada inta aan arrintiisa la eegin.\Waase in baadhitaanka si degdeg ah loo dhameeyaa.

Sidee baahidayda loo eegi karaa ama loo baadhi karaa?

Waxa eegaaya Daryeelayaasha Bukshada qofka baahiyihiisa oo ay ka mid yihiin:

  • Guriyeynta ama Ho`yga
  • Daryeelkiisa cafimaad
  • Daeyeelka shakhsiga ah
  • Baahida uu u qabo bulshanimada
  • Shaqaalayn
  • Waxbarasho
  • Hantidiisa

Baadhitaanka ama eegista waxa lagu samayn karaa gurigaaga ,xarun caafimaad, ama xarunta daryeelk bulshada.Qof Shaqaale bulsho ah ama Agaasime Daryeel Bulsho ah ayaa baadhitaanka ama eegista samayn kara. Laakiin waxa suuragal ah in dad kale ku shaqo yeeshaan arrinta sida Dhakhtar, ama Kalkaaliye caafimaad, ama farsamo yaqaan daawo,.Xaashida qiimaynta dadka -Waraaqda Cad(2001)waxay talo ku bixisay in arrinta uu ku l,ug yeesho U Doode ama Daryeele Bulsho arrinta marka la baadhaayo ama la eegaayo.

Mudada baadhitaanku socdo waxa laga yabaa in qofka la weydiiyo :

  • Wax yaabaha ay qaban karaan iyo wax yaabaha aanay qabn karin
  • Wax yaabaha markay isku dayaan in ay qabtaan ku adag
  • Wax yabaha ay sida gaarka ah ugu baahanyihiin,sida cuntada iyo diinta.

Sideen ku heli karaa in arrintayda la baadho ama la hubsado?

Haddaad u malaynayso in aad adeeg u bahaantahay,waxaad la xidhiidhi kartaa waaxda degaankaaga ee u adeegga bulshada,waxaanad ka codsan kartaa in qiimayn iyo hubin lagu sameeyo arrimaha baahida hay`adda adeegga bulshada.

Daryeele,saxiib,xubin ka mid ah qoyska ama qof khabiir ah intuba way u codsan karaan qof ay u maleeyeen in uu u bahan yahay qiimayn iyo hubin arrintiisu.

Hay`adda adeega bulshada waxa ku waajib ah in ay qiimayso qof kaste oo u baahan daryeelka bulshada. Hay`adaha adeega bulshada qaarkood ayaa laga yabaa in ay ku sameeyaan “u fiirsasho” gudbin – tani macnaheedu waxa weeyaan in ay kula hadlaan telfoonka si ay wax kuu weydiyaan taasi oo ka caawinaysa in ay gartaan sida xaalku yahay ,in uu deg deg yahay iyo in kale.

Waad codsan kartaa baadhitaan ama hubsaasho adiga iyo ciddi kale ee aad garanaysaaba:

  • Haddii aad u baahantahay dqaryeelka bulshada ama caawimo kale
  • Haddii aad u guurtay cinwaan kale

Hagaha ama tusaha dowladaha hoose ayaa sheegaaya in baadhitaan ama hubsashadu qaadan karto ‘waqti macquul ah’ Ha’adda daryeelka bulshadu waa in aanay shaqaalaha oo ku yar darted aanay u habsaamin baadhitqaanka ama hubsashada arrinta.

Ha’adda daryeelka bulshadu way diidi karaan in ay sameeyaan baadhitaanka daryeelka bulshada.waase in ay bixiyaan sabata ay u goosteen in aanay baadhitaan samayn.

Hadii aanad ku faraxsanayn go’qaankooda, waxaad samayn kartaa cabasho.wax kharash lagama rabo qofka loo samaynaayo baadhitaan.waa in lagu sameeya badhitaanka kumana xidhna intaad lacag haysato.si kasteba ha ahaatee waxaa waxa suura gal in ha’adda daryeelka bulshadu ka doonto woxooga kharash ah adeegyada ay bixiyaan qaarkood.sidaa darted waxa suura gal ah la eego dakhlaygaaga.

Muxuu yahay Daryeelaha badhitaankiisu ama hubsashadiisu?

Hadii aad ilaaliso qof curyaan ah , oo aanad wax lacag ah ku qadan waxaad xaq u leedahay in aad codsato in lagu sameeyo baadhitaan ama hubsasho lagu sameeyo.

Daryeelaha waa loo samayn karaa badhitaan ama hubsasho, \xataa hadii uusan rabin qofka uu dqaryeella.

Waa maxay qorshaha Daryeelku?

Qorshaha daryeelku waa qoraal la ururiyey oo ku saabsan baadhista ama hubinta qorshaha daryeelka , waana in ay ka muuqdaan waxyaabaha soo socda :

  • Ujeedooyinka; mid gaar ah iyo mid guudbal
  • Darajada lagu qiimeeyo ujeedoonka
  • Adeegyada lagu deeqaayo
  • Hay’adaha ku lugta lleh
  • Inta ay kharash garaynayso isticmalaha
  • Xulashooyinka kale ee la isla eegi karo
  • Baahiyaha aan la dabooli karayn
  • Magacaabista qofka ka masuulka ah dabiqidda qorsha daryeelka
  • Taariikhda dib loo eegi doono

Hay’adda daryeelka bulshada waxa waajib ku ah in ay ku deeqdu adeegyada ku qoran qorsha daryeelka.

Diyaarinta adeegyada waa in waqti ku filan la isla meel dhigaa. Haddii habsaan laga baqo waa in hay’adda daryeelka bulshado mid waqti gaaban diyaarisaa.\haddii habsaanku sii dheeraado waa in aad weydiisaan inta uu qaadanaayo iyo sababta keentay habsaanka. Waa in lagu siiyaa nuqul (copy) qorshaha daryeelka bulshada.

Adeegyada iyo bixinta tooska ah.

Adeegyada ku qoran diiwaanka qorshaha daryeelka bulshada waxaa sida badan si toos ah ugu deeqa hay’adda daryeelka bulshada ama daryeele madax banaan oo gaar loo leeyahay. Haddii daryeele madax banaani qabto shaqada daryeelka, waxa wali mas’uul ka ah hay’qadda daryeelka bulshada bahida gaarka ah ee shakhsiga in la helo.ama la abaaro.Qofka ayaa xaq u leh in la siiyo lacag toos ah iyo in looadeego

Waxaa kale oo la hubinaaya in qofku lacagta maamulan karo iyo in gacan laga siiyo.

Baadhista, dib u eegista iyo hubinta

Adeegyada lama yarayn karo, lagamana qaadi karo qofka, lagamana bedeli karo iyada oo aan dib u eegis lagu samayn arrimihiisa gaarka ah qofka.

Qofka ayaa codsada in dib u eegis lagu sameeyo arrimihiisa

  • Haddii aanay ku faraxsanayn qaybo ka mid ah qorshaha adeega.
  • Haddii ay u baahan yihiin adeeg ka duwan kay haystaan ama mi dheeraad ah.
  • Haddii shay noloshooda khuseeya wax iska belelaan,sida adiga oo guuray.
  • Guur ama ubad dhashay.
  • Xaaladaha qaarkood, marka dib u eegis la sameeyo,hay’adda daryeelka bulshadu waxa laga yabaa in ay sameeyaan
  • Joojin, yarayn, ama bedelid adeeg ay siinaayeen.taas oo ay sababtay:
  • Xaalado la ogaaday.
  • Qofka oo ay baahidiisii is bedeshay.
  • Qofka oo ay baahidiisii si kale ku haboon tahay.
  • Dawladda hoose oo darajada mudnaanteedii is bedesho qofka tiisiina isla bedesho
  • Iyada oo aan la mutaysan adeegii la heli jiray.
  • Qofkqa oo aan doonayn in uu helo adeegga.
  • Qofka oo u dhaqma si aan la aqbali Karin; oon macquul ahayn.

Cabasho

Haddii aanu qofku ku faraxsanaynqaybo ka mid ah baadhitaanka am hubsashada , waxay xaq u leeyihiin in ay gudbiyaan cabasho.Sharcigu wuxuu ka rabaa in dhammaan hay’adaha daryeelku yeeshaan nidaam cabashada oo qoraal ah, waanad ka helaysaa nuqul ama( copy) hay’addaada daryeelka bulshada.

Kelmado fureyaal ah

1. Eligibility Criteria – waa dariiqada mudnaanta Dawladda Hoose ku gaadho Go’aanada xaq u yeelashada adeegyada.

2. Means test – Waa tijaabada lagu eego dakhliga qofka in uu mudan yahau in laga caawiyo iyo in kale dhinaca dhaqaalaha.

3. Advocate – Caawiye Naafo.

4. Care manager –Xannaaneeye Sare.

5. Income – Dakhliga (wxa soo gala qofka).

6. White Paper – Warqadda Cad ee Dawladda.

Xidhiidhada Webabka

Tusaha Sharciga xuquuqda xannaaneeyah - Wixii warar ah ee dheeraad ah ee ku saabsan xuquuqda xannaaneyaha kala soo xidhiidh:

http://www.carersnet.org.uk/acts/acts.html

Si toos ah Dawladda – Wixii warar dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka bulshada kala xidhiidh:

http://www.direct.gov.uk/DisabledPeople/HealthAndSupport/HealthAndS

ocialCareAssessments/fs/en

Si toos ah Dawladda – (daryeelka Daryeelayaasha) Wixii warar dheeraad ah ku saabsan daryeelka kala xidhiidh;

http://www.direct.gov.uk/CaringForSomeone/fs/en

Tusaha Bixinta tooska ah – Wixii warar ah ee dheeraad ah eek u saabsan Bixinta Tooska kala xidhiidh :

http://www.dh.gov.uk/assetRoot/04/06/92/62/04069262.pdf

This document was provided by Mencap, http://www.mencap.org.uk