Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Adeega caafimaadka qaranka NHS oo joogto ah
Continuing NHS health care services,

Naafo, xanuun daa’im ah, ama daween cisbitaal kadib

Hadii aad buuxiso (shuruuda), waxa aad adeega ku qaadan kartaa meelo kala duwan – sida cisbitaalka, guriga, guryaha daryeweelka, cisbitaalka maalineed, ama xarunta. Jiheenta dawlada waxay adkaysaa in aan samaynta daryeel joogto ah khasab ka dhigayn xaq u yeelashada daryeel qaran oo joogto ah.

Adeega waxa ka mid ah:

  • Daryeel qaran oo joogto ah, oo guri daryeel ama meel kale (lagu qabto);
  • Xanaaneenta iyo adeega ka soo kabashada;
  • Daryeel nasin ah;
  • Daryeel Caafimaad oo mudo u dhaxayso;
  • Taageero daryeel caafimaad khaas ah;
  • Qalab daryeel caafimaad khaas ah;
  • Gaadiid khaas ah.

Taageero labixiyo oo NHS caafimaad joogto ah ee guryaha dadka lagu taageero iyo meelaha kale

Hadii laguu baadhay in aad u baahantahay hoy iyo taageero khaas ah, laakiin ahmiyada weyni tahay daryeel caafimaad, daryeelistaada waxa ka masuul ah oo bixinaysa NHS –ta.

In badan, waxa daryeelkan lagu bixiyaa guryaha daryeelka (care home), oo uu jiro daryeel khaas ah iyo hoygu. Daryeelka khaas ah (personal care) iyo daryeel xanaanada (nursing care) waxa masuuliyadiisa tahay PCT (Primary Care Trust). Hase yeeshee daryeelka waxa lagu sameen karaa guryha, cisbitaal ama hoy xanaanada.

Dib u dejinta iyo adeega dib u kabashada

Dib u dejinta iyo adeega dib u kabashada waa inay dhiiri geliyaan dib ukabashadaada, ayna kor u qaadaan madax banaanida. Waxa lagu siinayaa hadii aad gashay qaliin culus, wadna xanuun, faalidh, ama xanuun weyn oo joogto ah. Adeegu wuxuu soconayaa wiigag ama bilo, waxaana ku jira daween xaga hadalka ama liqida, ama daweenta muruqyada si lagaa taageero socodka, ama daweenta xanuunada la xidhiidha shaqada, si loo ogaado qalab haboon. Waxa kamid ah muddo daween ah hadii aad muddo dheer ku jirtay cisbitaal aanad u baahanathay inaad gurigaaga ku noqoto.

Daryeelka dhexe (Intermediate care) waxa loogu talogalay inay buuxiso shaqo la mid ah, laakiin wakhti xadidan.

Daryeel xanuun jebin ah (Palliative care)

Tanu waxa lagu sheegaa daryeel ay qaabilaan farsoyaqaano kala duwan. Waxa loogu talogalay in adiga (iyo reerkaaga) lagu taageero hadii xanuun ku helo khatar ah oo dawada caadiga aan qaadanayn. Daryeelka xanuun jebinta ahi waxa loo sameeyey si nolol ladan u heli lahyd adiga iyo reerkaagu. Sababtaa awgeed waxa kamid ah sidii aad u maamuli lahayd xanuunka iyo astaamha jidheed.

waxay bixinayaan daryeel caadifadeed (emotional) marka ama kadib xanuunka, waana qayb muhiim ah oo kamid ah daryeelkooda. Eeg qaybata ‘ururada muhiimka ah’, wixii faahfaahin ah ee ku saabsan ururada tabaruca ee gargaar samayn kara dadka kastarta qaba iyo reerahooda.

Daryeel caafimaad oo qaboojin ah (Respite health care)

Daryeel caafimaad oo qaboojin ahi waxay tahay daryeelis qof si caadi ah loo taageero guriga, inta badan qaraabo ama saaxiib. Waxa inta labixiyaa hadii daryeelihii xanuusaday, ama nasasho u baahdo.

Hadii aanad buuxin shuruuda u taala PCT’da waxa aad ka dalban kartaa xafiiska dawlada ee deegaankaaga. Markan waxa lagu waydiin karaa inaad daryeelka bixisid.hadii xafiiska dawladu uu ku waydiiyo inaad bixisid, kadinba uu kuu diyaariyo guryaha xanaanada, waa inay iyagu bixiyaan qaybta kamidka xanaanada guriga (nursing care), khaasatan kuwa muddada daryeelka u baahda dib udejin firfircoon (active rehabilitation).

Ururada deeqaha, tabaruca waxay kuu diyaarin karaan taageerada qaboojinta – xaruntooda – hadii ay la jiraan ama aanay lajirin ururka adeega bulshada (social services). Waxa laga yaabaa in lagu waydiiyo inaad adeega iska bixisid. Eeg ‘ururada muhiimka ah’ wixii xidhiidh ah.

Gaadiid khaas ah

Dhooliyada (ambalaasyada) iyo gaadiidka kale ee khaaska waa la isticmaali karaa, hadii ay kaliifto xaaladaada caafimaad, si laguu geeyo daryeel caafimaad. Tan waxa kamid ah:

  • Gaadiid lagu tegayo ama lagaga imanayo cisbitaalka.
  • Gaadiid xaalad deg-deg ah ee guriga xanaanada;
  • Gaadiidka aan xaalada deg-dega ahayn ee dadka guryaha xanaanada ku nool, ama guryahooda.

Gaadiidka noocan ah waxa ogolaalada, diyaariya farsomo-yaqaan caafimaad ku shaqo leh daryeelkaaga.

Taageero daryeel caafimaad iyo qalab

Adeega kale ee aad xaq u yeelan karto ee bilaash u helaysid hadii la ogaado inaad u baahantahay waxa kamid ah:

  • Talo joogto/marmar ah iyo daween;
  • Daryeelis khaas ah, sida xaga jooniska, hadalka, iyo cagaha (wixii dawo ama talo ah).
  • Qalab wixii macquul ah, iyo qalabka xanaanada;
  • qalab caafimaad oo khaas ah, sida kan cunto quudinta ah, oo aan warqad dhakhtar lagu qaadan Karin, inta badana laga heli karo uun cisbitaalka.

Baahi joogto oo caafimaadka asaasiga iyo adeega caafimaad bulsho

Meel kasta oo aad degantahay, waxa aad u baahantahay inaad GP aragto mar uun, waxana u baahan kartaa adeega caafimaadka bulshada, sida dhakhtarka ilkaha ama indhaha.

Waa inaad GP is qortaa, waana inaad adeeg lamid ah ka heshaa guryaha daryeelka, hoyda dadka la dejo, sidaad u heli jirtay markaad gurigaaga degentahay. Waa inaan kharsh deeraad ah lagaa qaadin adeegan. Waxa kale aad helaysaa adeega ilkaha iyo indhaha. Hadii caafimaad awgii aanad xarumahooda kusoo booqan karayn, waa inaan kharsh dheeraad ah lagaa qaadin marka halka aad degantahay lagugu soo booqanayo, waxa aad ku khasbantahay inaad xaruntooda ku soo booqato hadii aad qalabkooda khaaska u baahato.

Ogow: Guryaha iyo xanaanada is diiwaan geliyey iyo daryeelka dhexdhexaadka ah waxa u noqon karaan ikhtiyaar (option) dadka haysta daryeelka joogtada ah.

Ururada muhiimka ah

Commission for Social Care Inspection (CSCI), 33 Greycoat Street, London SW1P 2QF, helpline 0845 015 0120 (local call rate), website: www.csci.org.uk. CSCI (may be referred to as “see-sky) waxay masuul ka tahay is diiwaan gelinta, iyo baadhista daryeelka caafimaad, marka lagu daro daryeelka guryaha. Waad u ashkantoon kartaa komishanka hadii aanad raali ku ahayn daryeelka aad hesho. Hadii aad khadkan telifoon ka wacdo, waxay ku siiyaan xafiiska ka masuulka ee xaafadaada.

The Healthcare Commission, Finsbury Tower, 103-105 Bunhill Row, London EC1Y 8TG, tel: 020 7448 9200, website: www.healthcarecommission.org.uk Email: [email protected]

Ururka (xeer ilaalinta) daryeelka caafimaad waxa leeyihiin masuuliyad badan sidii ay u kobcin lahaayeen daryeelka caafimaad ee igland. Waxa kale oo ku jira warbixin ku saabsan NHS –ta, iyo baadhis laga qaaday dadka buka.

Health Service Ombudsman, Millbank Tower, Millbank, London SW1P 4QP, tel: 020 7217 4051, enquiryline: 0845 015 4033 (local call rate), website: www.ombudsman.org.uk.

boga internedka ee adeega caafimaadka ee dul-ka-ilaaliyaha xarantiisu tahay: Millbank Tower, Millbank London SW1P 4QP, tel: 020 7217 4051.

NHS Direct, 0845 46 47 (local call rate) is the 24 hour NHS helpline. Waxay ku siinaysaa meelaha ay ka shaqayso SHA iyo PCT ee England. Waxa kale oo ku siinaysaa nidaamka ashkatada ee NHS –ta iyo khadadka ‘Patient Advice and Liaison Service (PALS).

Office of Fair Trading, Fleetbank House, 2-6 Salisbury Square, London EC4Y 8JX, tel: 020 7211 8000, khadka macaamiisha 08457 22 44 99 (local call rate), website: www.oft.gov.uk. The booklet Fair Terms for Care can be ordered by writing to OFT PO Box 366, Hayes UB3 1XB or by calling 0870 60 60 321 (national call rate).

Hospice Information, Help the Hospices, Hospice House, 34-44 Britannia Street, London WC1X 9JG, tel: 0870 903 3 903 (national call rate), website: www.hospiceinformation.info/index.asp. Waxay ku siinaysaa macluumaadka daryeelka xanuun jebinta ee UK(palliativecare).

Macmillan Cancer Relief, 89 Albert Embankment, London SE1 7UQ. Cancerline 0808 808 2020 (free call), website: www.macmillan.org.uk. Macmillan waxay bixisaa taageero ah neerasta Macmillan iyo farsamayaqaano kale oo caafimaadka ah. Waxay bixisaa deeqda dadka xanuusanaya, waxayna bixisaa macluumaad iyo taageero qaybta Cancerline, waa khad taageero bilaash ah.

Marie Curie Cancer Care, 89 Albert Embankment, London SE1 7TP, tel: 020 7599 7777, website: www.mariecurie.org.uk. Marie Curie Cancer Care waxay bisixisaa taageero dadka kansarta qaba iyo reerahooda oo guryahooda ah. machadka Marie Curie Cancer waxa uu ku shaqo leeyahay sii kordhinta aqoonta kansatra iyo waxa sababa.

Crossroads - Caring for Carers, 10 Regent Place, Rugby, Warwickshire CV21 2PN, tel: 0845 450 0350 (local call rate), website: www.crossroads.org.uk. Kuwani waa qorshe ay kansartu u badantahay oo 200 madaxbanaan oo Crossroads ah oo England iyo Wales oo dhan ah.

Waxay bixin karaan daryeel nasasho ah oo wax ku ool ah, oo ay bixinayaan farsamayaqaano caafimaad oo aqoon lehi, oo lagu nasinayo shaqada qofka qofka xanuusanaya daryeelaya. Waxa ay qaadan karta ugu yaraan saacad wiigii waxana ku jiri kara habeenkii iyo wiikaandka iyo xiliyada fasaxa.

This document was provided by Age Concern, May 2004. www.ageconcern.org.uk