Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

ilma qoolan
Ectopic Pregnancy

Uurka qoolanku waa mid caadi ah, astaan khatar gelinaysa nafta oo ku dhacda boqolkii uurba mid. Waxay dhacdaa marka ugxanta ilmahu galo meel ka baxsan ilma-galeenkii caadiga ah. Markaa, marka ilmuhu koro ayuu keenaa xanuun iyo dhiig, kaas oo keeni kara dhimasho.

Maxaa sababa uurka ‘qoolanka’?

Beedka farcamay wuxuu inta badan socdaa 4-5 maalmood inta u dhaxaysa tuubka ‘overay’ ilaa ilma galeenka ‘cavity of the womb’ halkaa oo ku beeranto ilaa 6–7 cisho. Sababta ugu weyn ee keenta uurka qoolanka waa dhaawac soo gaadha tuubka la dhaho ‘fallopian’, kaas oo keena cidhiidhi iyo xanibaad. Waxa kale oo ciladi geli kartaa gidaarka tuubka, kaas oo yaraada, kadibna kaduwa ugxanta ilma galeenka. Astaamaha xanuuneed oo dib u dhiga socodka ugxanta, oo ku abuuraya tuubka, intaanu gaadhin ilma galeenka ayaa iyana sababi karta ciladaa, hadaba ciladanu ma badna sida caadiga ah.

Maxaa suurogal ee ka soo bixi kara?

Inta badan qoolanku wuu baaba’aa inta aan caadada la waayin, ama astaamo yaryari, sida xanuun ama dhiig-bax. Marmarkan oo kale lama daweeyo, waxa loo maleeyaa in dhicis yimi. Waxba khasab ma’aha in la sameeyo xaaladahan oo kale.

Hadii aan qoolanku dhiman (baabi’in), tuubka dhuuban ayaa kala baxa, oo ku sababa caloosha hoosteeda xanuun. Waxa dhici kara dhiig-bax hoosta kayimaada. Maraka uu uurku sii balaadho waxa uu samayn karaa in tuubku dilaaco, kaasoo sababa dhiig bax, xanuun iyo dhicid.

Inta aaney dhicin arintani ‘qoolankan’ waxa lagu ogaan karaa (daween karaa) diiga oo la baadho, kaas oo tusa in ciriqa ‘pregnancy hormones’ aaney sare u kacayn sidii caadiga ahayd.

Waa kuwee astaamuhu?

Gabadh kasta oo wax dhali karta, oo uu caloosha qaybta hoose xanuunto, waxa ay ka shaki kartaa inuu hayo qoolan ‘ectopic pregnancy’, inta aan la xaqiijin in ciladu wax kale tahay. Xanuunku wuxuu u bilaami karaa si kedis, waxa dhici kara dhiig bax. Inta badan wiigii 4aad ilaa 10aad ee uurka isaga oo astaamahan wata:

  • Calool xanuun dhinac keliya ah


kani wuxuu noqon karaa joogto aad u badan, laakiin wuxuu noqon karaa dhinaca kale ee qoolanku ku jirin.

  • Garabka xagiisa sare oo xanuuna


kanu wuxuu dhici karaa kadib dhiig bax.

Baadhista uurka

Kani wuxuu keeni karaa’positive’ laakiin ma’aha had iyo jeer. Waxa loo baahan karaa dhiig baadhis khaas ah ‘Specialised’ si loo hubiyo arintan.

  • Dhiig bax aan caadi ahayn
    Gabadhu waxa suuragal ah inaaney ogayn inay uur leedahay, uuna ka imanayo dhiig bax aan caadi ahayn. Dhiigu wuu ka badan karaa ama ka yaraan karaa kii caadada, ama ka muddo dheeraan karaa. Dhiiganu wuxuu kaga duwanyahay kan caadada waa madow biyo wata, marmarka qaarkood aad moodo dheecaan khudaar.
  • Caado aad wayday ama dib u dhacday
    waxaad ka shaki kartaa in aad uur leedahay hadii aad astaamaha uurka la kulantay, sida matag, naasaha oo ku xanuuna, ama caloosha oo soo baxda oo dhiig bax wadan.
  • Dhibaato xaga uurbaytada hoose ah
    Xanuun marka socoto ama aad xamaamka aado.
  • Dhicid
  • Waxa aad dareemi kartaa fudayd, ama dhacitaan, had iyo jeer ay tan la socoto in aad wax si yihiin. Astaamaha kale waxa ka mid ah qalayl, wadnaha oo aad u shaqeeya, xanuun, shuban, iyo dhiiga oo hoos u dhaca.

Sidee loomaamulaa?

Hadii aad ka shakido uurka ‘qoolanka’, gabadhu waa inay cisbitaalka tagdaa. Sawirarka naqshada ‘ultrasound scan’ iyo baadhis uurka ayaa loo sameenayaa. Hadii uu sawirku soo saaro ilma-galeen madhan, baadhista kalena soo saarto uur, waxa ay u dhowdahay in uu jiro uur qoolan ahi, in kastoo ay suurogal noqon karto in uurku cusubyahay, ama dhicis jiray. Hadii gabadhu ay fiicantahay, oo aanu jirin xanuun waxa la baadhi karaa ciriqa dhiiga ‘blood hormone’ muddo laba – ilaa sadex cisho si loo hubiyo in qoolan jiro. Hadii aad looga shakiyo in qoolan jiro, waxa lagu sameeyaa baadhis tuubka. Hadii ay markaa cadaato, waxa la sameeyaa qaliin lagu saarayo qoolanka, waxaana suurogal ah in dhiig lagu shubo, si loogu bedelo dhiiga lumaya.

Hadii ay suurogasho in qaliinka la sameeyo inta aanu tuubku dilaacin, waxa la siin karaa daween fudud. Qaliin ‘keyhole’ ama dawo qaadasho ayaa sahli kara, dedejin karana kasoo kabashada dhaawaca. Daweentanu waxay dumarka u hubinayaan in aan halis soo gaadhin.

  • Inta aanu tuubku qaloocan, waxa dhakhtarka qaliinku sameen karaa inuu jeexo tuubka oo uu ka saaro qoolanka isagoo isticmaalaya qalabka ‘laparoscopy’, isagoo tuubka sidiisii ahaanayo.
  • Sida kale dawada loo yaqaano ‘methotrexate’ ee disha uurka ayaa la isticmaali karaa. Dawada waxa toos loogu mudi karaa oo loo gaadhsiin karaa tuubka, ama waxa lagu mudaa muruqa gabadha si uu dhiiga u raaco oo u gaadho qoolanka, isagoo aan dhaawaceen tuubka (ilama-galeenka).

Sida cad daweentan casriga ahi waxay ku xidhantahay aqoonta dad farso-yaqaaniin ah, iyo qalab casri ah. Markaa aad looma wada helo daweentan iyadoo weli baadhis lagula jiro.

Kee khatar ku jira?

Gabadh kasta oo wax dhali kartaa khatar bay geli kartaa xanuunka qoolanka. Laakiin waxay u dhowdahay in aad hesho qoolan hadii:

  • Hadii aad lahayd xanuun tuubka (Pelvic inflammatory disease)
  • Endometriosis
    hadii uu lagaa qalay caloosha, sida hadii ilme lagaa soo saaray, ama qaliin kale lagugu sameeyey.
  • A Coil (IUCD) fitted
    Hadii ilma-galeenka la sii jeediyey (IUCD). Waxa joojijaa in ilme ku abuurmo ilma galeenka laahiin ma joojiso in ilme ku abuurmo tuubka ilma-galeenka.
  • Hadii aad isticmaasho kiniinka dhalmada jooja –only contraceptive pill (mini–pill)
    tani waxaa la ogaaday inay waxoogaa kordhiso xanuunka qoolanka.

Uurka mustaqbalka?

Hadii tuubabka qaar la jaro ama la saaro, dumarku waxa isdhimaya boqolkiiba 50 inay uuraystaan sida caadiga.

Soo noqodka uurka qoolanku waa 7–10%, iyadoo tani ku xidhantahay qaliinkii hore noocuu ahaa, iyo wixii dhaawaca ee gaadhay tuubka. Hadii mid tuubabka (ilma-galeenka) qaliin awgii uu dhaawacmay, waxa suurogal ah in kuwa kalena dhaawacmeen. Tanu waxay keenaysaa in fursada uuraysigu yaraado. Waxa kale oo sare u kaca suuragalka in qoolan kale dhaco.

Maxaa sameeyaa uuraysiga soo socda?

Xaalad kasta, dumarka hore usoo maray qoolanku waa inay la xidhiidhaan dhakhtarkooda isla markiiba, hadii ay ka shakiyaan inay uur leeyihiin, si loo baadho si joogta ah. Sidoo kale hadii dhiigii caadadu iman waayey, ama batay ama yaraaday, ama xanuun caloosha ahi jiro, waa inay dalbato in la baadho. Iyadoo xasuusinaysa dhakhtarka in qoolan hore jiray.

caadifadaada

qoolanku wuxuu noqon karaa mid murugo wata. Waxa aad ahaan kartaa mid kasoo kabanaya qaliin, ama ilme kaa socday, ama dhaliinkii kuu suurogeli waawey; ama aanad ogaynba inaad markii horeba uur lahayd.

Dareenkaagu wuu isbedeli karaa wiigaga iyo bilaha ka danbeeya halawga ilmahaaga. Waxa aad ku farxi kartaa in xanuunkii ku dhaafay, ayna kuu suurogashay inaad noolaatid, iyadoo isla markaana dareemi kartid murugo wixii kaa halaabay. Waxa suurogal ah in markiiba qaliin lagu mariyey adoo aan laguu ogalaan inaad maskixiyan is dejin, ama kantaroolin naftaada. Waxyaabo dhacay ayaa kantaroolkaaga ka baxsanaa oo shoog ku gelin kara.

Hadii aan dawo ahaan laguu sharaxin, waxa sida dabiiciga ah aad canaanan kartaa naftaada. Inkastoo tan la fahmi karo waxa muhiim ah inaad ogaatid inaad adigu sababta lahayn.

Uurkaaga mudada yar ku dhamaaday wuxuu kharibi karaa ciriqaaga ‘hormones’, tan oo kaa dhigi karta mid u jilicsan diiqada.

Cidhiidiga iyo qasnaanta reerka ku dhaca kadib uurka sida dhakhsaha ku dhamaaday ma’aha mid ay adagtahay in la qiyaaso.

Dareenka lamaanahaaga (ninkaaga)

Dareenka ku jeeda reerka kadib markii uu dhacay qoolan (ilma qoolmay) wuxuu noqon karaa mid weyn. Waayo-aragnimadani waxay isu dhawayn kartaa adiga iyo lamaanahaaga, iyadoo marmarna aad kala fogaan kartaan, isagoo lamaanahagu aanu fahansaneen duruufta aad ku jirtid, si uu kuu taageero.

Rag badani waxay ku adkaada inay qeexaan dareenkooda, isla markaana ay ku adkaato inay ku taageeraan. Laakiin waxaad ogaataa in isagu laftiisu uu dhibanyahay. Waxa hubaal ah in samahaagu uu aad muhiim ugu yahay. Sababtaa awgeed waxa suurogal inuu qarsado dareenkiisa. Si kasta ha ahaatee, bulshada manta joogtaa waxay dhiiri gelisaa in qofku sharxo dareenkiisa iyo murugadiisa.

mustaqbalka

inta aanad uurka tijaabin waa inaad naftaada u ogaato in ay ka kabato maskax ahaan in jid ahaanba. Dhakhaatiirtu waxay inta badan kula taliyaan ilaa 3 bilood in jidhkaagu soo kabto. Dareenka kadib qoolanka wuu kala duwanaan karaa. Dumarka qaarkood waxay dooni karaan in markiiba uuraystaaan, marka qaar kalena ay ka argagaxaan waayo-aragnimodii hore la mid ah inay ilme kale dhalaan.

Waxa muhiim ah inaad ogaatid in si kasta oo ad u murugootid, inaad heli karto (dhali karto) ilme caafimaad qaba.

Wixii faahfaahin dheeraad ah, iyo talo la xidhiidh cinwaankan hoos ku qoran:


Ectopic Pregnancy Trust
Maternity Unit, Hillingdon Hospital
Pield Heath Road
Uxbridge, Middlesex UB8 3NN
Tel: 01895 238025

This document was provided by The Ectopic Pregnancy Trust, 2004. www.ectopic.org,