Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Helitaanka alaab qof ka caawisa fududaynta iyo hanashada nolol maalmeedka
Getting Products that Help Make Someone's Life Easier

Waxa jira alaab badan - oo ay ka midyihiin koobabka laba dhegoodla ah ilaa

kursiyada naafada ee tamarta dab-dhalinta ku socda - kuwaasoo farshaxan ahaan loo habayey qaab dadka naafada ah ka caawisa u fududaynta gudashada howl nololeedkooda.

Waa arrin u qalanta in wakhti fiican loo huro ka baraan deggeeda. Waxa la arkaa inaad hesho kaalmo iyo taageero wax wayn ka beddeli karta nolosha qofka aad xanaanayso. Waxa kaloo la arkaa inaad heli karto caawimo ama gargaar aad alaabta ku iibsato amaba aad lacag la'aan ku hesho.

Xaggaad ka heli kartaa alaabta taageerada?

Waxa jira dhowr meelood oo aad ka heli karto taageero iyo qalab, taasoo ku xiddan habda waxyaalaha aad u baahan tahay. Ururada qaarkood - sida golaha degaankaaga ama madaxda caafimaadka - waa laga yaabaa inay awoodi karaan inay qalabkaa oo mid ah lacag la'aan ku bixiyaan amaba marka hore qadder lacag ah oo aan badnayn ay ku gadaan markaa way habbon tahay inaad soo arragto waxay fidiyaan.

  • Qalabka taageerada caafimaadka waxaad ka heli kartaa madaxda caafimaaka
  • Qalabka taageerada wixii aan caafimaadka la xidhiidhin waxaad ka heli kartaa golaha degaankaaga
  • Qalab aad ka heli karto Waaxda Shaqada iyo Gunnada Hawlgabka oo qofka ka caawisa sidii ay shaqadooda u qabsan lahaayeen
  • Waxaad ka ammaanaysan karta, kiraysan kartaa ama ka iibsan kartaa qalab heyadda samafalka, ururrada deeqda bixiya iyo kooxaha iskaa-wax-u-qabso
  • Shirkadaha aad qalabka ka iibsan karto
  • Wixii aad yeeli lahayd haddii aad doonayso inaad adiga samaysato alaabta gaargaarkaaga iyo qalabkaaga

Qalabka taageerada caafimaadka ee aad ka heli karto madaxda caafimaadka ee degaankaaga

Waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarka guud (GP) ee qofka aad daryeelayso haddii aad u baahan tahay qaar ka mid ah alaabta hoos ku qoran ama qalab kale oo la xiddiidha taageerada caafimaadka:

  • Qalabka loo adeegsado kontorool la'aanta kaadida iyo saxarada (Incontinence products)
  • Qalabka caloosha - waxa loogu talo galay dadka lagu sameeyey qalliin caloosha ah qaarkood.
  • Qalabka caawiya maaraynta cudurka kaadi macaanka (sukarawga)
  • Dhaymaha nabarrada ama gargaarkooda
  • Qalabka loo adeegsado dhibaatooyinka neef-mareennada

Haddii qofka aad daryeelaysaa uu isla xilliga ka soo baxayo isbitaal, la taliyahooda isbitaalka waa inuu soo siiyaa shayada ay u baahan yihiin marka ugu horrayse ee ay gurigoodii ku soo noqdaan.

Fadlan xasuusnow in qalabkaas badankooda lagu bixiyo lacag la'aan amaba qadder lacag ah oo aan badnayn lagu gatto.

  • Sidaan lacag u dhaqaalayn lahayd iyadoo aanad bixin cashuur kor socod ah (VAT) oo saaran alaabta taageerada
  • Sidaan ugu heli lahayd caawimo kharashka qalabka taageerada

Qalabka aan teegeero caafimaad ahayn waxaad ka heli kartaa golaha degaankaaga

La xidhiidh waaxda adeegga bulshada ee degaankaaga haddaad u baahan tahay qalab aan taageero caafimaad ahayn (non-medical support aids) oo kaa caawin kara nolol maalmeedka (sida qalabka socodka loo adeegsado iwm "walking aids")

Waa inaad la xidhiidhaa waaxda Adeegga Bulshada ee degaanka haddaad ku nooshahay Scotland ama adeegyada caafimaadka iyo Amaana Haynta (Trust) bulshada haddaad ku nooshahay Woqooyiga (Northern) Ireland.

Fadlan xusuusnaw in qalabkaas badidooda lagu bixiyo lacag la'aan amaba qeddar yar oo lacag ah.

Alaabta aad ka heli karto Waaxda Shaqada iyo Gunnooyinka Hawlgabka ee ka kaalmaysa inuu qofku hawlihiisa qabsado

Waaxda Shaqada iyo Gunnooyinka Hawlgabka waxay maamushaa mashaariic khaas ah oo kaalmo iyo qalaba leh ooy u fidiso dadka naafada ah ama laxaadka dhiman oo ka kaalmaysa inay hawlahooda qabsadaan. Waxaa ka mid ah waxyaabo sida kombuyuutarro khass ah iyo xisaabiyayaasha hadla, kuwaasoo lagu helo lacag la'aan.

Waxa inyana jira deeqo loogu talo galay loo shaqeeyeyaasha si ay uga caawiyaan inay goobahooda shaqada ka dhigaan meelo dadka naafada ah ku habboon.

Fadlan la xidhiidhaa Barta Kulanka Shaqada ee degaankaaga si aad warar dheeraad ah u hesho.

Ammaanaysiga, kiraysiga ama gadashada qalabka ee ay hayaan heyadaha deeqda, ururada samafalka iyo kooxa iska-wax-u-qabso

Waxa jira dhawr urur oo qalabka taageerada laga ammaanaysto, kiraysto ama laga iibsado:

  • Lamaha degaanka ee Ururka Laanqayrta Cas ee Ingriiska waxay ammaano u bixisa qalab aasaasi ah oo ay ka mid yihiin kuraasta naafada. Motability waxay bixisaa kuraasta Naafada ee tamarta dab-dhalinta ku socda iyo babuuro aad iyaga kaga iibsan karto habka HP ama haftada (ta macnaheedu wuxu yahay, uma baahnid inaad isla markaaba lacagtii wada bixiso laakiin muddo ayaad marba qayb bixinaysaa) Motability waxa qudha ee ay u furan tahay dadka haysta caddaynta heerka naafada loo yaqaan DLA derejada ugu sarraysa.
  • Ururka Latalinta Kontorolka Kaadida iyo saxarada (Continence Foundation) waxay bixisaa qalab khaas ah oo caawiya kontorool la'aanta kaadida iyo saxarada (incontinence).

Shirkadaha aad ka iibsan karto alaabta

Shirkado dhawr ah ayaad qalab ka iibsan kartaa, kuwaasoo intooda badani ay leeyihiin habka Boosta adeegga lagaga dalbado oo loogu talo galay dadka aan awoodi karin inay tagaan bandhigyada/dukaamada (showrooms) qalabka lagu gado. Inta aanad habkaa Boostu wax ku dalban, waxa fiican inaad ka hor la tashato baaniyaha hawlgelinta (occupational therapist) ee waaxda adeegga bulshada ee degaankaaga.

Ururka Samafalka Nolosha Naafada (Disabled Living Foundation) waxay siin karta warar faahfaahin ah oo ku saabsan qalabkaas. Waxa lagala xidhiidhi karaa Tel: 0845 130 9177

Waxaad samayn lahayd haddaad doonayso inaad taageerdaada iyo qalabkaaga adigu samaysato.

Haddaad doonayso inaad taageeradaada iyo qalabkaaga adigu iskaaga u samaysato, waxa halkan laguugu hayaa qoraal kugu la talinaaya meeshii aad ku dhaqaaqi lahayd:

Qalabka gacanta lagu sameeyey ee caawiyaa nolosha naafada, oo uu qoray Stuart Granger,
Batsford, £12.99 ISBN 071 34 3935 1

Iniga naftaydu waan samayn kara, oo uu qoray Wouter Van Leeuwen iyo Han Elzenger
£6.95 ISBN 0 907 349315

Halkaad ku sii arki karta ood ku sii shirrabi karta qalabka taageerada ka hor intaanad iibsan, ammaanaysan ama kiraysan?

Waxa jira dhowr siyaabood oo aad u sii arki karto qalabkaas ka hor inta aanad gadan, ammaanaysan ama kiraysan.

  • Tag Rugta Naafada/Rugta Nolosha ee Madaxa Bannaan (Disabled/Independent Living Centre)
  • Tag rugta dadka indhaha la'a iyo dadka laxaadkooda araggu kala dhantaalan yahay
  • Tag rugaha ama baraha loogu talo galay dadka dhegaha la'a iyo dadka maqalkii ka lumay

Baraha/Rugta Nolosha Naafada ama Baraha/Rugta Nolosha Madaxa Bannaan

Haddaad tagto barahaa/rugta, waxad la hadli kartaa baaniyaha hawlgelinta (occupational therapist) - waa aqoon yahan ku xeeldheer naafada - oo aad kala hadli karto waxay baahidaadu tahay ka dibna aad alaabta taageerada iska eegto.

Si aad u hesho rugta degaankaaaga (your local centre) la xidhiidh Rugta Nolosha Madaxa Bannaan ee Golaha (Independent Living Centres Council).

Baraha/Rugta dadka indhaha la'a iyo dadka araggoodu kala dhantaalan yahay

Ilaa 50 barood/rugood yaa ku yaal dalka Ingriiska (UK) kuwaasoo aad ka heli karto talo bixin ku saabsan alaabta loogu talo galay dadka indhaha la'a iyo kuwa araggoodu kale dhantaalan yahay. Si aad u hesho meesha baraha/rugta ee degaankaaga, la xidhiidh Machadka Boqortooyada Qaranka ee dadka Indhaha La'a (the Royal National Institute for the Blind).

Baraha/Rugaha Nolosha waxay iyana hayaan taageero iyo qalab kala duduwan oo loogu talo galay dadka xagga aragtida dhibaato ka hayso. Si aad u hesho baraha/rugta ee dagaankaaga la xidhiidh Barta Golaha Nolosha Naafadu ku Noolyihiin (the Disabled Living Centres Council).

Baraha/Rugta dadka dhegaha la'a iyo dadka maqalkii ka lumay

Dadka uu maqalkii ka lumay waxay tegi karaan baro/rugo gaar ah oo lagu qiimeeyo, lagula taliyo, lagu taba baro laguna tuso qalabka. Si aad u hesho barta/rugta degaankaaga meesha ay tahay, la xidhiidh Machadka Boqortooyada Qaranka ee dadka dhagaha la'a (the Royal National Institute for deaf people).

Waxa kaloo iyana jira Baro/rugo gargaarka iyo Isgaadhsiinta (communication aid centres) ama isafgarasho, kuwaasoo si khaas ah ugu xeeldheer qalabka loogu talo galay dadka hadalka ama maqalka dhibaatooyin ka haystaan. Xirfadlaha hadalka ee qofkaa xaaladdiisa gacanta ku haya ayaa haddii loo baahdo u gudbin kara meeshii kale ee ku habboon.

Sidaa loo beekhaamiyo/kaydiyo lacag iyadoo aan la bixinayn cashuurta kor socodka ah (VAT) - ee saaran qalabka taageerada qiimahooda

Maaha inaad cashuur kor-socod ah bixiso - waa cashuur la bixiyo marka dadku iibsado badeeco ama adeeg - qalabka iyo alaabta taageerada qaarkood. Si aad uga baxsato inaad cashuur kor-socod ah bixiso waa inaad saxeexdo xaashi (form) loogu talo galay oo aad ku sheegayso in badeecaddaas ay leeyiyiin dad qaba xanuun dabadheer ama naafo ah. Waxaad ka heli kartaa xafiiska cashuuraha tooska ah ee degaankaaga (your local Customs and Excise office) qoraal iyo xaashiyaha ku sabsan in aanad bixinin cashuur kor-socod ah.

Sida loo helo taageero la xidhiidha kharashka alaabta lagu bixiyo

Alaabta ama qalabka ay bixiyaan madaxda caafimaadka ama golaha degaanka badidoodu waa bilaash aan lacag laga bixin amaba qadder yar oo lacag ah ayaa lagu helaa.

Hase yeeshee, haddiiba aanay awoodi karin ama aanay bixinayn qaar ka mid ah alaabta taageerada ama qalabka, waxa la arkaa inaad gacan lacag bixinta ah ka hesho:

  • Sanduuqa Bulshada
  • Urur deeqo bixiya ama uruu naafada
  • Sanduuqa Qoyska

Sanduuqa Bulshada

Haddii qofka aad daryeeshaa uu qaato dakhliga Taageera (Income Support), waxa laga yaabaa inay deeqda daryeelka bulshada ka helaan Sanduuqa Bulshada. Si aad u dalbato, waxaad la xidhiidhaa xafiiska daryeelka ee degaankaaga.

Heyadaha samafalka iyo uruada naafada

Heyadaha samafalka waaweyn iyo qaar ka mid ah ururada naafada waxay bixiyaan deeqo laga codsado oo loo sii maro adeegga bulshada ama shaqaale caafimaad. Warar dheeraad ah waxa laga heli karaa buug magaciisu yahay (A Guide to Grants for Individuals in Need), Tusmada Deeqaha loo fidiyo dadka baahan, kaasoo laga heli karo magtabadaha badankooda iyo rugta talo bixinta.

Sanduuqa qoyska

Sanduuqa Qoyska, oo ay maamusho heyadda Joseph Rowntree, waxay mararka qaarkood bixiysaa qalab ay siiyaan carruurta jidh ahaan si wayn wax u qabta ama carruurta wax barashada ka naafaysan.

This document was provided by Carers UK.