Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Foojignaanta Caafimaadka
Health Awareness

Fojignaanta Cafimaadku waxaa weeyi in aad u foojignaato una fiirsato sida jidhkaagu u eeg yahay iyo wuxuu dareemo,wixii aad caadi u aragto iyo wixii is badalo ah ee aan caadi kuugu muuqan ee aad dareento.

Xaashidani waa tusaha calaamadaha soo shaac baxa ee u baahan in loo fiirsado.

Isbadalo kaste ama calaamado aan cadi ahayn oo soo shaac baxaa , macnaheedu waxa weeyi waa Kansar(cance).Sida xaqiiqda ah waxay calaamadahani ku bilaabmaan si aan xanuun badan lahayn,qaar koodna markiiba way qarsoomaan.

Haddii isbaladu ama calaamadahu muuqdaan muddo ka badan 2 Todobaad (weeks) oo aad raysan weydo fadlan la xidhiidh GP gaaga sida ugu dhakhsaha badan si laguu jeeg gareeyo

Ha sugin in aad xanuun dareento , maxaa yeelay sida badan marka Kanasarku bilowga yahay ma xanuun badna.

Iyada oo hore loo ogaado iyo daaweyn fiican oo la sameeya waxay keenaysaa in tirada daka ka kaaca badato.

Fursadaha aad ku qaadi kartaa xanuunka kansarka way kordhaysaa haddii aad haysato waxyaabahab soo socda:

  • Qoyskiina oo hidde taariikheed u leh Kansarka.
  • Adiga oo si joogta ah u isticmaali jiray sigaarka ama badeecadda(shiishadda)
  • Adiga oo si joogta ah u cabi jiray khamriga (alkoosha)
  • Adiga oo intaad noolayd cuni jiray ,cunto dux aad u badan leh.
  • Iayada oo uu kugu dhacay shucaac said shucaacada loo yaqaan x-rayga iyo Ultraviolet rays kaas oo ka yimaad qoraxda oo aad la isugu dhigo.Isticmaalka sariiraha lagu cadceedsado waxa laga yabaa in ay ka dhibaato badan yihiin falaadhaha qorraxda sababta oo ah way ka awood badan yihiin.
  • Adiga oo muddo qaatay walxo kimiko ah shaqadaada awedeed sida,biraha qaarkood ama waxyaabaha isku darsan sida e.g asbestos,nickel,cadmium,uranium iyo benzene.

Calaamadaha Ku Haboon In Loo Fiirsado

Isbedel ku dhaca dabada ama dabeecadaha kaadi haysta oo isbedela: ka eeg oo u fiirso calool tag raagay,shuban,xaarka oo qiyaastiisu isbedesha,kaadida oo ku xanuunisa,

Xanuun aan bogsanayn meel jirkaaga ka mid ah ama afkaaga:Afka ka eegxanuun joogta ah, gaar ahaan haddii aad sigaarka cabto ,ama aad daanka digto buuriga, ama aad cabto khamriga..Sidoo kale waxaad eegtaa in ay jirto calaamad ama ka soo baxyo aan tegayn oo waqti dheer jooga,ama wax dildilaac ah oo jidhkaaga ka muuqda,boog ama ka soo bax debnaha (bishimaha) dushooda ama afka hoostiisa ka soo baxa kuwaas oo aan bogsanayne.

Dhiig aan cadi ahayn ama qoyaan socda:dhiig walamaddka ama ka yimaad ama dhiig xaarka la socda(xaar madow), dhiil kaadida la socda ama ibta ka yimaad..

Qaro weynaan ama ka soo bax aan caadi ahayn ama barrar,aad ku aragto meel ka mid ah jidhkaaga: Ka eeg cad ka soo bax ah;nasahaaga, xiniiyahaaga (Bukurahhaga) iyo qanjidhadaada,kuwaas oo noqon kara cad wareegsan ama mid hoose oo qaro weyn ama barrar , ama dheecaamo ka yimaad meelo jidka ka mid ah ama isbedel aan caadi ahayn oo . Sida badan lama moodo cadadka ka soo baxa kuwo kansar sida kuwqa loo yaqaan “cysts”

Dheef Sheed xumo ama Liqid kari la’aan:U fiirso oo eeg in xanuun iyo liqid kari la/aan wixii adag iyo wixii dareere ihi ku dhibaayaan.

Isbedelo burooyin ah oo yimaada:U fiiso oo ka eeg brooyin cusub oo ka soo baxa jidhka ama maqaarka korkiisa ama qaybo kale oo xubnahaaga ka mid ah.,isbel kasta oo ku dhaca burooyinka chiness, bleeding.

Qufac xanuun badan ama jiitamaNagging :Bal u fiirso in aad leedahay qufac xanuun badan markaad qufacayso ama wax dhiigb ah kaa soo go’aayaan.

Culayskaaga oo si aan la garanyn hoos ugu dhaca: u fiirso culays kaaga oo uu ku yimaado hoos u dhac weyn (si lama filaan ah) oo aan la garanayn wax keenay.Taas oo noqon karta qiyaastii 10 rodol.

Xumad iyo dhidid habeenkii yimaad:Eeeg oo ufiirso cabirka heerkulka jidhkaaga,haddii uu ka sareeyo 38 digrii oo santi geradh ah oo aad dareento xumad dhaaf una nuglaato xanuunnada sida hargab/duray soo noq noqdaequent.

Daal ama Noog:U fiirso in aad leedahay daal ama noog joogta ah .

Xanuun: u fiirso in aad leedahay lafo xanuun xoog badan ama xanuun xoog badan oo aad ka dareento qaybaha kale jidhkaaga.

Diirka ama maqaarka jidhka oo isbedela:Eeg oo u fiirsoisbdel ku yimaada midabka aragtida diirkaaga, kas oo noqon kara madow,dacar ama jaale , ama casaan amaba yeesha cun cun.

Madax xanuun:Eeg oo u fiirso madax xanuun ba’an kaas oo wata matag ka duwan kuawa cadiga ah kaas oo aan ka raysi lahayn markii la qaato daweyn mudooyin ah.

Xaqiiqada Kansarka

  • Dad aad u tiro badan ayaa ka badbaada cudurka kansarka in ka badan intii hore sababtuna waxaaa weeyi hore u ogaanta iyo daaweynta.ka fiican sidii hore.
  • Ogaansho iyo barasho fiican oo loo yeesho kansarka iyo calaamadiiisa xilli hore.
  • Waxaa muhim ah in aad barato dhismaha jidhkaaga si aad u ogaato wixii is bedel ah ee jidhkaaga ku yimaadda . Haddii wax is edel ihi ku yimaadaan jidhkaaga la xidhiidh Dhakhtarkaaga (GP),haddii isbedelkaasi socdo muddo ka badanthat 2 wiig.
  • 1 hal qofbaa 3 diiba, laga daaweeya kansarka mudada uu qofku nool yahay.
  • Inta badan wuxuu ku dhacaa kansarku , dadka ka weyn 60 jirka , laakiin kuma wada dhaco.Nooca kansaro tiro yar baa ku dhaca raga da’doodu ka yar tahay 35 jir, sida kansarka ku dhaca xiniin yaha. Kansarku wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka yar yar ee da’doodu ka hoosayso 14 jir.
  • Waxaa jira in ka badan 200 oo kansaro ka;la duwan ah kuwaas oo muujiya calaamado kala duwan .

Waano

  • Ha cabin sigaar ama tubaco oo dhan.
  • U cab si haboon.Hana u cabin khamrada si xad dhaaf ah.
  • Cun khudrad fara badan , caleemo badan iyo cuntadad nuxurku ku badan yahay.
  • Fir fircoonow oo miisaan xad dhaaf ah ha yeelan.
  • Iska hadhee qoraxda , oo jidhkaaga ha gubin.
  • Isku ilaali walxaha kiimikada ah (isla fal gala) adiga oo raacaaya talaabooyinka badbaadada iyo caafimaadka leh ee u yaal.
  • Jeeg garee jidhkaaga . Una fiirso wixii isbedel ah ee soo kordha.
  • Si joogto ah isku jeeg garee.

Wixii waano ah,ama war ah ama caawimo ah kala soo xidhiidh

Toos NHS 0845 46 47

24 Saacadood

www.nhsdirect.co.uk

Digital TV

Hay’adda Afiya

Hay’adda Afiya waa hay’ad samo fal.Ujeedadeeduna waa in “la yareeyaa sinaan la’aanta ka jrta dhinaca caafimaadka iyo arrimaha bulshadaee ururrada kala asalka ah”

Mashruucan waxaa ku jira oo xubin ka ah :

Dadka madow iyo dadka laga tirada badan(BME),Uruurada daryeelka (carers Network), Ururada Daryeelka caafimaadka Dhibirka Ama Maskaxdaa ee (BME).

Hay’adu waxay si fir fircoon ugu xidhan tahay ,ugana mid tahay waxaha waaweyn ee dawladda sida waaxda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada iyo ha’adaha khibradda u leh wararka kanasarka.r.

Hay’adda Sinnaanta Kansarku waxay la shaqaysaa hay’adaha ay leeyihiin dadka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay(BME), si ay u soo wada saran wararka khuseeya kansarka si kor loogu qaado qacyi galinta kansarka iyo sidii loo yaran lahaa khataraha kansarka.Hay’addan kkansarku waxay wada jir ula shaqaysaa ka shaqeeya u adeega hore u marinta hawlaha kansarka, si loo muujiyo baahida jaaliyadaha madowga iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Xaashidan xaqiiqo sidka ihi “Wacyi Gakinta Caafimaadka”waxa markii hore soo saaray hay’adda Afiya iyada oo uy gacan ka gaysatay wasaaradda caafimaadku.

The Afiya Trust, BME Cancer Awareness, 27-29 Vauxhall Grove, London, SW8 1SY

Tel: 020 7582 0400, Fax: 020 7582 2552

http://www.afiya-trust.org

This document was provided by The Afiya trust, http://www.afiya-trust.org