Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Taageero xaga kharashka caafimaadka dadka waaweyn
Help with health costs for older people

Ururka ‘Age Concern’ waxay helaan codsiyo ah inay jiraan taageero daweenta ilkaha, muraayada, iyo safarka cisbitaalka dadka shaqo ka fadhiisiga ah ee dakhligoodu yaraa, laakiin aan xaq u lahayn ‘celista la balan qaaday’ [guarantee credit], qayb kamid ah beenshan celiska.

ogow: hadii aad qaadato ‘guarantee credit’ xaq baad u leedahay, umana baahnid inaad gooni uga dalbato qaybta gunada caafimaadka waxyaalahan:

  • Daweenta qaranka (NHS) ee ilkaha;
  • Tigidhka aad ku bixinaysid muraayada ama caaga indhaha;
  • Dib u bixinta kharashka cisbitaalka ee socodka.

Warqadan macluumaadka ahi waxa loogu talagalay kuwan dakhliga yar, laakiin uu dakhligoodu ka badanyahay intii lagu siin lahaa ‘guarantee credit’ celis la damaanad qaaday. Qayb kamid ah beenshan celiska. Waxay sharxaysaa sida qorshahan dadka dakhliga yari, uu ka caawin lahaa kharashka dawada qaran ee ilkaha.

Adeega daweenta qaran (NHS) ee dadka waaweyn

Adeegan soo socdaa waa u bilaash WIXII 60 AH AMA KA WEYN

  • Warqad dawada (NHS Prescriptions)
  • Eegista indhaha
  • Baadhista ilkaha, hadii aad ku nooshahay Wales

Qof kasta oo dhego-culus wuxuu xaq u leeyahay inuu ku qaato qalab dayn qaran oo bilaash ah. La xidhiidh GP-gaaga, hadii ay ku khusayso, oo aad u malaynaysid inaad ka faa’idi tijaabada maqalka.

NHS –ta qorshaha dhakhliga yar

Qorshahanu wuu ku caawin karaa hadii aad hadda::

  • NHS daweenta ilkaha
  • Caaga ama muraayada indhaha
  • Kharashka u socodka cisbitaalka ee daweenta qaranka iyo eegista hadii uu ku daryeelayo lataliye caafimaad ee cisbitaalka

Waxa aad xaq u yeelan kartaa hadii adiga / ama lamaanahaagu:

  • Uu dakhli yaryahay
  • Uu haysato kayd aan ka badnayn £12,000 (£8000 hadii aad ka yartahay 60)
  • Kayd aan ka badnayn £20,000 hadii aad si joogto u degentahay guryaha la isku xanaaneeyo

Fadlan ogow hadii aad leedahay lamaane wixii kayd haystaan waa laguugu xisaabinayaa kaaga marka la eegayo wixii xaq u leedahay.

* kaydka waxa kamid ah wixii aad kaash, ama kaydka boosta, bangiga ; shahaadada kaydka; boondka; iyo shuraakada ama maal gashi ah ee aad haystato, iyo wixii daar ee aad leedahay marka laga reebo meesha aad degantahay.

Sidee u dalbataa hadii aad u malaynayso inaad xaq u leedahay

Aad dhakhtarka ilkaha, indhaha ama xarunta damaanad qaadka bulshada (social security) ama la hadal cisbitaalka lagugu daweenayo weydii foomka HC1 (kaas oo wata bushqad tigidh leh). Dhakhaatiirtoo dhami ma wada hayaan foomka laakiin waa suuro gal.

Hadii aad tihiin lamaane, oo aad u malaynaysaan inaad labadiinuba xaq u leedihiin, buuxiya foom keli ah. Midkiin ama labadiinu saxeexa foomka. Hadii aad labadiinuba xaq u leedihiin xafiiska gunada caafimaadku waxay midkiinba u soo dirayaan shahaado gooni ah.

Foomka HC1 wuxuu leeyhay 15 bog. Laakiin waxa suurogal inaad u wada baahan inaad buuxiso, sida loogu tala galay dadka shaqo ka fadhiisiga ah, ardayda, iyo dadka shaqeeyaba.

Nooc far waaween ku qoran waxa aad ka heli kartaa hadii aad wacdo 0845 610 1198.

Celi foomka aad saxeexday, buuxisay ee HC1 kuna rid bushqada tigidhaysan. Ilaa mudo dhowayd foomka waxa ku shaqo lahaa qaybta gunada caafimaadka (Health Benefits Division). Waxa hada maamula qaybta adeeega dadka buka (Patients Services Division) ee ururka qiimayn warqada dawooyinka (prescription Pricing Authority (PPA). Hadii foomkaaga uu ku qoranyahay ‘Health Benefits Division’, waxa loo gudbinayaa qolada kale. Waa inay kuu soo jawaabaan 15 cisho gudohood marka ay foomka helaan. Hadii mudadan aanad ku helin, ama aad wax su’aal ah haysid waxa wici kartaa PPA helpline on 0845 850 1166 (local call rate).waxa kale oo aad u qori kartaa cinwaankan: Sandyford House, Newcastle upon Tyne NE2 1DB.

Ka soo jawaabida foomkaaga, waxa laguu soo dirayaa:

  • Shahaadada HC2
  • Shahaadada HC3
  • Ama sharaxaad sababta aanad xaq ugu yeelan taageerada qorshahan.
  • Shahaadaha HC2 waxay xaq u siinaysaa qofka sita kharashka daweenta ilkaha ee NHS (qaranka), inta ugu badan ee la ogolyahay kharshka muraayada indhaha, iyo wixii macquul ah ee kharshka u socodka cisbitaalka marka aad ku jirtid daryeelka lataliyaha (dhakhtarka).

Shahaadada HC3 waxay xaq u siinaysaa qofka sita xaquuqda xaga sare ku xusan oo xadidan. Shahaadadanu waxay ku tusinaysaa inta ugu badan ee lagaa doonayo inaad ka bixiso dawada ilkaha, iyo muraayada indhaha, iyo kharshka u socodka cisbitaalka marka aad ku jirtid daryeelka lataliyaha (dhakhtarka).

Shahaadadu waxay inta badan dhamaataa 12 bilood

Maxaad samaynaysaa marka aad booqanaysid dhakhtarka ilkaha ama indhaha, ama aad u safraysid cisbitaalka

Dhakhtarka ilkaha

Hadii aad haysato shahaadada HC2 - waxa lagu waydiinayaa inaad foom buuxisid, aad leedahay waa lai-daweeyey mana bixin kharash.

hadii aad haysato shahaadada HC3 - waxa lagu waydiinayaa inaad foom buuxisid, aad leedahay waa lai-daweeyey. Kadibna waxa aad bixinaysaa inta shahaadada ku xusan, ama inta xisaabtu tahay, ama inta ugu badan ee ay tahay inaad bixiso – marba tan yar. Tusaale, hadii shahaadadu leedhay £30 ayna dawadu tahay £45, waxa aad bixinaysaa £30.

Dhakhtarka indhaha

Bulshada guud waa in la eegaa indhahooda 2 sanoba mar. laakiin dadka ka weyn 70 sano waa inay sanadkiiba mar is baadhaan. Kala tasho dhakhtarka indhahah sida joogtada ah ee la doonayo inaad isu baadhid.

Dhakhaatiirta indhaha oo dhami ma leh adeeg eegista indhaha ee qaranka (NHS) ee bilaashka ah, markaa waydii inay adeegaa bilaashka leeyihiin marka aad la xidhiidhaysid. Eegista indhuhu waa u bilaash wixii 60 ama kawayn. Hubi in baadhista ay ku jirto xanuunada dadka waaweeni u jilicsanyihiin sida ‘glaucoma (xanuun keeni kara indha la’aan), diabetic retinopathy (joonis xun) complication of diabetes) and age-related macular degeneration (AMD) xanuunka da’da la xidhiidha oo dhumucda isha wax yeela.

Waxa suurto-gal ah inaad baadhista indhaha ku qaadatid guriga hadii aanad awoodaynin inaad dhakhtarka indhaha aadid naafo ama xanuun awgii. Hasa yeeshee dhakhaatiirta indhaha oo dhami ma sameeyaan adeegan.

U sheeg soo dhoweeyaha (receptionst) inaad haysato shahaado kaa caawinaysa khrashka baadhista indhaha, iyo muraayada.

Kadib marka aad tijaabada dhamaysato, waxa uu kuu qorayaa dhakhtarka induhu warqad tusaysa natiijada iyo nooca muraayada aad u baahantahay. Waxaad waydiisan kartaa kobi.

Hadii aad xaq u leedahay in lagaa taageero muraayada, waxa lagu siinyaa tigidh. Hadii aad u baahantahay laba muraayadood, mid akhris iyo eegida fog ah, waxa lagu siinyaa laba tigidh (shati).

Ma’aha khasab inaad muraayada ka iibsato kan tijaabada kaa qaaday. Waxa tigidhkaaga la tegi kartaa kii aad doonto inaad ka iibsato. Hadii aan lagu siin tigidh marka tijaabada lagaa qaaday, waxa aad waydiisanaysaa kan ku siinaya muraayada shatigaa. Hadii dhakhtarkan aad ka iibsanayso muraayada aanu foomka tigidhka haynin, ma qaabilo NHS-ta (caafimaadka qaran). Sababtaa awgeed waxa fiican inaad tigidhka kasoo qaadato ka tijaabada kaa qaaday.

Qiimaha tigidhka waxa ku xidhanayahay nooca muraayada ee aad u baahanatahay – marka awooda muraayada sii badatoba qiimaheedu wuu sii badanayaa. Tigidhku wuxuu noqon karaa arag keli ah, ama kuwa labada arag ee kala duwan leh (bifocal lenses). Ama caaga muraayada ah (contact lenses).

Hadii aad haysato shahaadada HC2 - waxa aad xaq u leedahay qiimaha buuxa ee tigidhka aad sidato. Hadii ay muraayadu ka qaalisanthay qiimaha ku qoran tigidhka adaa bixinaya faraqa.

Hadii aad sidato shahaadada HC3 - waxay sheegaysaa inta ugu badan ee lagaa doonayo inaad ku darto iibsiga muraayada. Tusaale hadii shahaadadu qeexayso in aad ku darto £15, tigidhkuna yahay £46.50, waxa laguu ogolyhay in lagaa bixiyo £31.50 oo qiimaha muraayada ah.

Taageero xaga khrashka bedilida, ama hagaaginta muraayada indhaha marka aad haysato qorshaha tigidh

Hadii lumis ama dhaawac soo gaadho muraayada, xanuun awgii, la xidhiidh dhakhtarka indhaha. Waxa suurtogal ah inaad hesho taageero hadii aad haysato shahaadada HC2 ama HC3.

Dhaawaca caadi ah ee isticmaala la xidhiidha lama aqbalo. Sababtaa awgii waxa haboon inaad ka faa’iidaysato damaanad, ama caymis laxidhiidha wixii bedelis ama hagaajin ah.

Gaadiidka cisbitaalka

Hadii aad haysato HC2 ama HC3, cisbitaalka ayaa ka masuul ah wixii lacag celin la xidhiidha xaga gaadiidka. Sidaa awgeed had iyo jeer la xidhiidh iyaga intaanad qaadan gaadiid si u ogaatid waxa aad xaqa u leedahay.

Hadii aad caafimaad awgii aad u baahantahay qof ku raaca kharashka qofka kula socda waa la bixinayaa hadii ay aqbalaan dhakhtaradu ama farsamoyaqaanada caafimaadku inay khasab tahay in qof kula socdo. Had iyo jeer tijaabi inaad ogolaansho hesho intaanad safrin. Fadlan ogow inaanay shahaadooyinkanu khusayn qofka qof buka dhakhtarka ku soo booqanaya.

Waa inaad tijaabisaa inaad sida ugu jaban ku safartid. Cisbitaalku isaga ayaa go’aanka leh wixii khasab ah. Waxay eegayaan qaadashada gaadiidka dawlada, ka gaarka ah marka shiidaalka la eego, ama isticmaalka gaadiidka tabaruca ah. Tagaasidu kuma jiraan. Hadii tagsigu yahay sida keli ah aad ku safri karto kala tasho cisbitaalka intaanad safrin.

Laxidhiidh cisbitaalka hadii ay dhibaato kugu tahay inaad iska bixiso gaadiidka oo aad doonaysid in laguu celiyo (kharashka). Waxay eegayaan inay kuu soo qadimaan bixinta.

Had iyo jeer qaado shahaadada HC2 ama HC3 si aad u cadayso inaad xaq u leedahay.

Shahaadada HC2 waxay xaq kuu siinaysaa in laguu celiyo wixii kharsh ah ee macquul ah oo dhan.

Shahaadada HC3 waxay sheegaysaa inta lagaaga baahanyahay inaad ku darto kharshka gaadiidka, marka aad u socoto cisbitaalka. Hadii ay shahaadadu leedahay bixi £10, kharshkuna yahay £15, cisbitaalku wuxuu ku darayaa £5 kale.

Maxaad samaynaysaa hadii aad u malynaysid inaad u xaqleedahay taageero xaga kharashka ah oo ah daween aad qaadatay 3 bilood ee tagtay.

Hadii aanay duruuftaadu is bedelin intii aad qaadatey daween lkaha ah, muraayada, gaadiid, waxa aad dalban kartaa celin marka aad dalbanaysid foomka HC1. waydii foomka lacag celiska HC5 kuna dir codsigaaga. Qaybta daryeelka caafimaadka waxay eegayaan in aad xaq u leedahay wax celin ah waanay kuu soo sheegayaan.

Wakhtiga ugu badan ee dalban karto celiska waa 3 bilood. Xadidaadan waa la dhaafi karaan hadii ay jirto duruuf khasabtay dib udhaca.

Ogow

Dadka dhaafay da’da shaqo ka fadhiisiga, waxa ay dalban karaan cashuur celiska dadka shaqeeya (Working Tax Credit). Marmarna waxay dalban karaan taagero xaga caafimaadka ah. Wixii faahfaahin ah la xidhiidh 0845 300 3900 ama Minicom 0845 300 3909. labaduba waa khad deegaan ah (local rate).

Hadii aad doonaysid macluumaadkan oo khad-waawen ah wac,

phone 0800 00 99 66 (free call) ama u qor: Concern FREEPOST (SWB 30375), Ashburton, Devon TQ13 7ZZ.

Inaad wax ka ogaatid ‘Age Concern England’

www.ageconcern.org.uk

fadlan ogow magacyada, wakaaladaha, shirkadaha, adeega ku jira qoraalkan ma aha wax ay ansixay ‘Age concern’. In kastoo hawl weyn loo galay sixideeda, Age concern kama masuul aha wixii qalad ah, ama laga tegay.

Wixii xuquuq ahi way xafidanyihiin. Qoraalkan Age concern way daabici kartaa iyadoo aan wax laga bedlin. Wax daabacaad ah loo ogolyahay ma jirto (wixii ururka ka baxsan) hadii aan ogolaansho qoraal laga soo qaadan Age concern.

This document was provided by Age Concern, May 2005. www.ageconcern.org.uk