Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

HIV AND AIDS: MACLUUMAAD ASAASI AH
HIV AND AIDS: BASIC INFORMATION

Waa maxay HIV?

HIV –du waxay u taagan tahay xanuunka dadka ee lidka ku ah difaaca jidhka (human Immunodeficiency Virus). Waa xanuunka sababa in qofku qaado AID-iska. HIV waxay dhaawacdaa qofka imuunkiisa (u adkaysiga xanuunada), ay u jilcisaa in qofku ku dhaco bukaano. Hadii aad haysto HIV, ma’aha macnaheedu qofku Aydhis buu qabaa. Waxa ay ku qaadan kartaa HIV-da inay dhaawacdo imuunka qofka dhowr sano, uuna qofka aanu markaa wanaag dareemayn. Mudada qofku qabo HIV-da waa caafimaad qabaa, waxayna qaadatan kartaa sanado badan inta ay isu bedelayso aydhis.

Waa maxay aydhisku (AIDS)?

AIDS waxa uu u taaganyahay imuunka oo baaba’ay (Acquired Immune Deficiency Syndrome). Aydhiska waa bukaano iyo kansaro qofka HIV qaba ku dhasha. Hadii qofka qaba HIV ay bukaanada mid kamidi ku dhasho waxa la dhahaa waxa uu qabaa aydhis. Walxaha dhaliya bukaanada aydhiska waa kuwa aan cilad wayn u lahayn qofka caadiga ah. Hasa yeeshee qof ay u adkaysigii xanuunadu ciladoobeen, waxay ku sameeyaan xanuun badan iyo dhimasho.

Sidee qofku u qaadaa HIV-da?

Afar siyood oo ugu weyn oo qofku u gudbiyo HIV-da waa:

  • Galmo isagoo aan xidhnayn cinjir qof qaba HIV
  • Isku mudis irbad mukhaadaraadka (xashiishad)oo qof xanuunkaa qaba dhiigiisii wadata.
  • Gabadh HIV qabta oo ilmaheeda ku qaadsiisay uurka, marka ay dhalaysey, ama naas nuujin.
  • Dhiig loo kala shubay qof xanuunka qaba iyo qof kale.

Kuma qaadaysid HIV-da isdhexgalka bulsho sida:

  • Dhunkashada, istaabadka, isgacan qaadka, IWM
  • Wadaagiska meesha lagu dabaasho, weelka wax lagu cuno, ama cuno uu diyaariyey qof qaba HIV
  • Qufaca, hindhisada, ama cayayaanka wax qaniina.

Maxay noqonaysa galmadu?

Waad qaadi kartaa HIV-da ama xanuunada kale hadii galmo aan xafidnayn (cinjirka) lahayn jirto. Hadii galmo jirto cinjirku wuxuu badbaadin karaa kala qaadista HIV-da. Waxa kaloo laga badbaadi karaa xanuunada kale ee galmada lagu kala qaado, iyo uuraysigaba.

Maxuu noqonayaa mukhaadaraadku?

Waxa aad qaadi karaa HIV iyo xanuunada kale ee dhiiga raaca sida jooniska C hadii aad mukhaadarad isku mudo irbad ay dad kale isticmaaleen. Hadii aad isticmaalaysid irbad, waxa haboon inaad isticmaasho mid cusub oo aan hore la isugu mudin.

Maxay noqonaysaa hadii ilme dhalaysid?

Hadii aad uur leedahay, aanad HIV qabto, daryeel haboon, kahor, kadib, iyo xiliga dhaliinka ayaa dhimi kara u gudbinta xanuunka ilmahaaga, isagoo hoos uga dhigaya 20% kana dhigaya 1%. Sidaad hoos ugu dhinto ugudbinta HIV-da waa inaad:

  • Daween ku lid ah HIV-ga lagu siiyaa xiliga uuraysiga
  • Lagugu sameeyaa qaliin khaasa xiliga dhaliinka
  • Aad ilmaha masaasad waxa ku siisaa, sababtoo waxa suuragal ah ilaa 10% inaad caanaha naaska ilmaha ugu gudbiso HIV-ga.

Waa sidee dhiiga aad shubto ama lagugu shubo?

Ku deeqisda dhiiga ee UK waa aamin. Qalabkoo dhan waa la nadiifiyey, waxa la isticmaalaa mar keli ah. Wixii dhiiga, cad ah, ama dhiicaan jid ah waxa laga baadhaa HIV. Markaa wakhtigan xaadirka inaad HIV ka qaado dhiig la shubay waa mid aan dhicin.

Waa sidee baadhista HIV-du?

HIV waxa lagu ogaadaa tijaabo dhiiga loo yaqaano ( HIV antibody test) ama (HIV test). Baadhistanu waxay tustaa difaaca lid ah ee dhiiga hadii uu jiro HIV. Marka qofku qaado HIV waxay ku qaadan kartaa ilaa sadex bilood in dhiigu soo saaro arintaas.

Hadii lidka difaaca la helo, jawaabtu waa ‘positive’. Taa macnaheedu waa qofku wuxuu qabaa HIV. Hadii la waayo lidkaa difaaca jawaabtu waa ‘negative’, weliba waa hadii baadhista la qaaday sadex bilood kadib marka uu qaaday xanuunka. Hadii aad ka werwersantahay inaad qabto HIV, waxa aad la xidhiidhi kartaa khadkan: (0800 567 123) kaas oo laguu sheegayo sida arintu tahay, iyo meeshii aad baadhis ka heli karto.

Ma la daween karaa HIV-da?

Daweenta ku lidka HIV-da waa dawo weerarta HIV-da. Dawooyinkanu waxay hakiyaan sida HIV doonayo inuu jidka ugu dhasho. Laakiin ma dili karaa HIV-da dhamaanteed.

Dawooyinka lidka ku ah HIV-da inta badanwaxa loo qaataa sadex nooc, ama in kabadan. Tan waxa loo yaqaan (combination therapy or Highly Active Antiretroviral Therapy (HAART). Intii la soo saaray 1996 HAART waxa ay noqotay mid muhiim ah oo kantaroosha HIV, dibna uga dhigta dad badan AIDS-ka, laakiin qof kasta ma’aha.

Daweentanu waxay caawisay dad badan, laakiin waxa ay leedahay mushkilado kale, oo marmar aad u xun. Kani waxay ka dhigtaa mid daweenta qaadashadeeda adkaysa, waxa la socda nidaam adag oo ah in qofku raaco. Dhibaatadan la xidhiidha qaadashada kiniinka ayaa suura-geliya inaanay dawadu waxba tarin. Sidoo kale marka mudada la qaadanayo dawadu sii dheeraatoba waxa dhaca in wax tarkeedu sii yarado.

Daweentu waxay fashilantaa marka jidhku adkaysan u yeesho daweenta. Marka dhowr dawo oo la isku qaato fashilantoba waa dhowr kale la isku qaataa, laakiin marka qaadanshadu sii badataba wax tarkeeda ayaa hoos u dhaca, waxa ku danbaysaa inaaney waxba marka dabne tarin.

Dawooyinkanu ma joojaan ku dhicintaanka HIV-ta marka hore?

Wakhtigan xaadirka ma jiraan talaal jooja HIV-da, mana jirto wax dawo oo uu leeyahay aydhisku. Weli tijaabooyin ayaa la wadaa, laakiin wax ishaaro ah ma jiraan in xal mudo dhow ay ku keenayaan.

This document was provided by The National AIDS Trust, November 2003. www.nat.org.uk