Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Adeega kale ee daryeelka asaasiga caafimaad ee NHS ta
Other NHS primary care services

Farsamo yaqaaniinta NHS ta ee daryeelka asaasiga ah

GP gaagu waxa uu kuu gudbin karaa farsamo yaqaano u khibrad leh inay daweeyaan astaamo gaar ah. Waxay kugu soo booqan karaan guriga ama wareegto ayey ku sameen karaan xaruntaada ama xarumaha kale ee caafimaad ee xaafadaada. Xaaladaha ay khasab tahay in aad u baahato qalab gaar ah, waxaa khasb ah in aad ku booqato cisbitaalkooda.

Waxa kale oo aad adeegsan kartaa neerasyada gobolka , daaweyaasha xubnaha, daaweeyayaasha dhaqdhaqaaqa, hadlka, kuwa nafaqada, duugista.

Adeega Jirobodiga (dawada cagaha iyo xanuunkooda), had iyo jeer waxa jira jid u xaqyeelasho ah, si laguugu daweeyo caafimaadka qaran NHS ta. Adeega sida cidiyo jarista, hadii aan cafimaad daro jirn, lama aqbali karo in lagu siiyo daween NHS ta ah. GP gaagu wuu kula talin karaa.

Physiotherapists (ku daweyaasha xubnaha duugitaan iyo iwm ) waxay is ticmaalaan farsamooyin badan inay xubnahaaga caadi ku soo celiyaan. Sida dhibaatada dhabar xanuunka, muruqyada is gala iyo waxay kaa caawin karaan lafo xanuunka iyo xiiqda.

Occupational therapists (ku daweyaash dhaqdhaqaaqa maskaxda iyo jidka xanuunada) waxay kaala talin karaan qalabka ama habka kuu faaiidada leh si uu madax bananidaada guriga iyo dhaqdhaqaaqa qofka naafda ahi u sahlanaado. Waxa laga soo geli karaa GP iyo (ururka) adeega bulshada si ay kuugu gudbiyaan.

Speech and language therapists (daweeyaasha dhibaatada hadalka) waxay kaa caawin karaan dhibaatada hadalka , iyo dhibaatada la xidhiidha cunista iyo liqista. (xanuunadanu) waxay ka dhalan karaan xanuunka faalidhka, ama dementia (maskax guurka). Waxa kuu gudbin kara ururka adeega bulshada (social services).

Dietitians (culimada nafaqada) waxay khibrad u leeyihiin nafaqada. Waxay kugula talinayaan cunada fiican iyo xiliyada aad wax cuni lahayd sida dadka xanuunada uurbaytoda, sonkorta wadna xanuunka. Waxa kalo kula talin karaan cunada lagu cuno guryaha daryeelka iyo talo guud sidii aad cuno caafimaad wadata aad u samaysan lahayd.

Daweyn kabis ah (Complementary therapists)

Xiisaha loo qabo dawooyinka kale ee loo yaqaano ‘complementary therapies’ sida irbadaha la isku mudo ‘acupuncture’, daweenta halka xubnahu iska galaan ‘chiropractic’, ku daweenta caleemaha ‘herbal medicine’, ku daweenta dawada qofka caafimaadka qabaa ku xanuusanayo ‘homeopathy’ iyo ku daweenta dhaqdhaqaaqa lafaha ‘osteopathy’ way kordheen tobankii sano ee lasoo dhaafay. Badiyaa lagama helo caafimaadka qaranka NHS ta. Hadii aad suuqa madaxa banaan ka raadsanayso, waxa fiican inaad dhakhtarkaaga GP soo martid. Tani weliba waxay aad u fiicantahy marka aad dawo qaadanaysid ee laga yaabo in mid caleen ah kugula taliyo, iwm. Waxa kale oo muhiim ah daweeyaashu haystaan shahaadooyin mucrarif ah iyo caymis.

Talo bixiyaasha

Xarumaha qaarkood GP gu wuxuu kuu gudbiyaa talo bixiye. Si kasta ha noqote’e waxaad sugi kartaa liis dheer. GP gaagu wuxuu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida talo bixiyaha uu kuu gudbiyey.

Qalabka jaaliyada

Kuwan waxa ku jira qalab badan oo guriga loogu talogalay had iyo jeer ay bixiso NHS tu, sida furaashka kaar jebinta. Waxa kale oo ka mid ah qalabka caadiga ee ay bixiso adeega bulshadu sida shawarka qubaysiga, kursiga musqusha oo la dheereeyey, qasabadaha gacanta. Qalabka xidhiidhka sida kuwa araga dheereeya, telifoonada dhalaala iyaguna way ku jiraan.