Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Culays dhibaato kadib
Post Traumatic Stress

Tusid iskaa isu caawi ah

Kuwani waa afkaar iyo dareemo laba qof oo la kulmay dhacdooyin shil dhibaato.

“waxaan dareemayaa xumaan, nasasho darro iyo cidhiidhi. Kanu aniga ma’aha. Shilka gaadhigu wuxuu dhacay 6 bilood ka hor, haddana ma dareemayo nabadgelyo gawaadhida ah. Waxaan dareemayaa baqdin, waana iska dhaafaa gawaadhida markasta oo ay suurogal noqoto. Sawirkii shilka gaadhiga ayaa maskaxdayda ku soo noqnoqonaya. Mana iga tegayaan, xataa habeenkii waxaan ku riyoodaa shilkii marba dhacaya … aad bay ii dhibtaa…”

“Sawirkii aan nolosha ka haystey oo dhan baa isbedeley, waxaan dhahaa maxay anaga noogu dhacdey? Waxaan dareemaa denbi inaan intaa wax kabadan samayn lahaa oo aan ku badbaadiyo saxiibkay dhintey noloshiisa? Waxaan dhahaa ‘hadii aad sidaa samayn lahayd’, ‘hadii aad sidaa samayn lahayd’ … aad baan u niyad jabsanahay, diiqadna u dareemayaa marmarka qaarkii…raaxo madareemayo, waxaan dareemayaa cabsi, waxaan leeyahay inaad dhimato bay ahayd…., mustaqbal kama fekeri karo…, waxaan dareemayaa taageero daro….”

Hadii aad shil dhibaato aad adigu la kulantey, waxaa kugu dhici kara waayo-aragino taa la mid ah.

Buugan yari waxa qoray culimada cilmiga nafta, waxa ujeedadiisu tahay inuu kaa taageero fahanka dhacdooyinka, iyo in uu kuusii iqtiraaxyo wax ku ool ah sidii aad isu taageeri lahayd.

Waa maxay shilka dhibaato (reebaa)?

Shilka dhibaato wuxuu noqon karaa wax kasta oo aan caadi ahayn oo dhacdooyinka maalin kasta ah oo qof cidhiidhi gelin kara.

Waxyaalo badan ayaa raad ku yeelan kara. Wuxuu noqon karaa dab, shil, dhac, jabsi ama weerar, ama inaad la kulantay dhacdo shil sida dhimasho. Waxay noqon kartaa dhacdo shil aad u weyn oo dad badan ku dhacay, ama mid khasi-ahaan adiga kugu dhacay, saaxiib, ama mid reerkaaga ka mid ah.

Sidee dadku u dhaqmaan dhacdo shil ka dib?

Kuwanu waa qaar kamid ah dhaqamada aad la kulmi karto dhacdo shil ka dib. Dhaqanka dadka guud wuxuu hoos iman karaa sadexdan kooxood mid:

  • Dib-ula kulan danbe maskaxdaada.
  • Iska-dhaafis waxyaalaha la xidhiidha dhacdooyinkii.
  • Dareemis cidhiidhi, diiqad amafeejignaan aan caadi ahayn
  • dareemis diiqad, oohin.

Waxay kaa caawin kartaa inaad eegto inaad la kulanto astaamahaas oo kale.

Dib ula kulanka dhaco maskaxdaada

  • haysasho sawiro aanad rabin oo dhacdo (inta badan waxa la dhahaa ‘flashbacks’) oo maskaxdaada ku soo noqnoqda..
  • la kulan riyooyin aan fiicnayn oo dhacdadii ama waxa kaa bajiya.
  • Dareemista in dhacdadii ay soo noqonayso – dareen xoogoon oo dhacdadii oo nool ah.
  • Dareemis cidhiidhi markaad xaaladaha qaar la kulanto ama dareemista waxyaalaha ku xasuusiya dhacdadii
  • la kulanka cidhiidhi jid, sida wadnaha oo aad u boodbooda, wareer, iwm. Marka aad waajahdo xasuuso dhacdooyin ama xaalado ku xasuusin kara iyada.

Ka duruga waxyaalaha la xidhiidha dhacdada iyo ka maqnaanta

  • tijaabinta ka duruga afkaarta, dareenka iyo sheekada dhacdada ku saabsan
  • ka duruga xarakada, meelaha, ama dadka ku xasuusin kara dhacdada.
  • Awood darri inaad xasuusato waxyaalaha dhacdada ku saabsan.
  • Lumista xiisaha nolosha, dareemista inaad ka go’antahay dadka kale ama inaad dareenkaagii hore helin.
  • Inaad dareemin inaad nolol caadi ah heleyn – waxaad dareemi kartaa si aad nolosha soo deynsatey.

Dareemis cidhiidhi iyo feejignaan aan caadi ahayn

  • dareemis cadho ama cidhiidhi
  • aanad awoodayn fiiro yeelato
  • ay kugu adagtahay inaad hurdo seexato
  • feejignaan xad-dhaaf ah iyo xanaaq dhow.

Diiqada dhacdo kadib waxay inoo saameen kartaa afar siyood:

  • Sidaynu dareemayno
  • Sidaynu u fekerno
  • Sida jidkeenu u shaqeeyo
  • Sidaynu u dhaqano

Waxa ku caawin kara inaad fahanto sidaad dareemaysid adoo hor dhigaya sax calaamada aad had iyo jeer la kulanto:

Sidee dareemaysaa?

  • Sahal darro, xaslooni darro,werwer, baqdin.
  • Dareemista in wax aad u xumi dhacayaan.
  • Kacsanaan, adayg, degenaansho darro.
  • Aan caadi ahayn, qariib, gooni.
  • Diiqadaysan

Maxaa jidhkaaga ku dhaca?

Wadnaha orda oo ruxma.

  • Laabtu waxay dareemaysaa adayg
  • Muruqu waa xidhxidhanyahay
  • Waxaa dareemaysaa daal
  • Jidhkaa ku xanuunaya.
  • Waxaad dareemaysaa jaah-wareer, iyo fudayd.
  • Waxaad dareemaysaa cabsi
  • Waxaad dareemaysaa diiqad, hoosayn iyo lunsanaan.
  • Dareemaysaa cadho.
  • Oohin.

Sidaa u fekertaa?

  • Werwer joogto ah.
  • Ma feejignaan karo.
  • La kulanka sawiradii dhacdada oo masaxdayda ku soo noqnoqonaya.
  • Ku canaanshaha nafta dhacdadii.
  • Ka feker in ay dib u dhaci doonto mar labaad.
  • Wax go’aan ah ma gaadhi karo.
  • Dareemis canaan, ceeb ama qalafsanaan.
  • Feker aad u badan
  • Dareemis kacsanaan ama nasasho darro.
  • Caloosha oo lagu maroojo.
  • La kulanka hurdo xumi/riyo aad u xun.
  • Si fudud u xanaaq.

Maxaad samaysaa

  • Marba dhinac u boodbood.
  • Ka fogaansho waxa ku xasuusin kara dhacdada.
  • Ma fadhiisan karo, mana nasan karo.
  • Ka fogaadka dadka
  • Ka fogaadka keli ahaan.
  • Dareemista xidhxidhnaan, iyo cidhiidhi.
  • Burburista xidhiidhka dadka.
  • Cabsi/sigaar xad dhaaf ah.
  • Isku halaynta dadka kale si xad dhaaf ah.

Fekerka caadiga ah

“waxay ahayd qaladkayga”

“waan isku daadanayaa”

“wadne xanuun baa igu dhacaaya”

“iyada ayaa in kantaroolaysa”

“iskuma fillaan karo”

“Waa suuxayaa/dhacayaa”

“maxay arintanu u dhacday?”.

“ujeedada ma fahmi karo”.

Maxay si xad dhaaf ah ugu ajiibnaa dhacdada?

Waxa jira sababo badan oo sheegaya waxaynu ugu debecsanaano maskaxiyan dhacdada.

Marka hore waxay burburisaa rumaysnaan asaasiga ah ee nolosha: in noloshu tahay nabadgelyo, iyo amaan, in weji keli inoo leedahay, macne iyo ujeedo. Malaa sawirkii aynu ka haysaney ayaa burbura, milaa si kale ayuu ula dhaqaney dhacdada sidii aynu doonayney inaynu u dhaqano.

Marka labaad, dhacdada shil marka waxay timaadaa si kedis ah digniin la’aan. Ma heli karno fursad fiican oo aynu ugu diyaar garawno. Badiyaa way ka baxsantahay khibrada aynu leenahay, inagoo garanayn wixii aynu samayn lahayn iyo sidii aynu u dhaqmi lahayn. Waxa laga yaabaa inaad moodey inaad dhimanaysid, dadkii kuu dhowaa baa dhintey, waana argagaxdey. Wajahaada khatartan waxa maskasdeenu qaybtaa xasuusta dhacdada si aad u adag, khaasatan si ay iskugu dhifaacdo inaan dhibaato la mid ahi dib u dhacin. Natiijadu waxay noqonaysaa in dhibaatoda dhacda kadib ee kor ku xusnay aad la kulantid.

Maxaan samayn karaa sidii aan naftayda ugu caawin lahaa inay aafada dhacdo ka gudubto?

Waxaa muhiim ah inaad fahanto aafada shil kadib aad la kulantaa ay yihiin caadi ah yihiin, mana aha astaamo liidasho, ama isku buuq. Talooyinkan soo socda ayaa kaa caawin kara inaad ka gudubto aafada shilka:

  • Inaad aafada macno u yeeshid
  • inaad debrtid riyooyinka iyo sawirada maskaxda
  • inaad ka gudubtid feejignaanta, cidhiidhiga iyo cadhada
  • ka gudubtid keli ahaanta
  • Ka gudubtid niyad jabka

1. Macno u yeelista aafada shil.

Tijaabi inaad ogaatid wixii dhacay. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad isku xidho sawir aad si cad ugu fahanto dhacdada. Tani waxay kaa caawin kartaa kabashadaada.

Hadii kuwa kale ay shilka ku jireen, lahadal oo weydii fekradooda shilka. Dhibanaayasha kale, caawiyaasha, kooxda badbaadinta, dhaafayaasha, waxay kaa caawin karaan fahan balaadhan oo ku saabsan wixii dhacay. Kooxda adeega badbaadada ayaa khaasatan kaa caawin kara arintan.

Waxa ku caawin kara inaad ka fekertaan adiga iyo dadka kale. Waxa aad dareemi kartaa in dhacdada shilku uu bedelay afkaartaada nolosha, waxa muhiim ah inaad caddayso wixii aad dareemaysid, markaa ka hadalka ayaa arintan kaa caawin kara.

Dadka qaarkood waxay kala hadlaan saaxiib, qaraabo, qaarna dhakhtarkooda inay talo waydiistaan. Qaarna waxaa u hawl yar inay waayo aragnimadooda qoraan.

Tijaabi inaad miridho yar isku hawsho sidii aad macno ugu samayn lahayd waxa dhacay. Waxa aad tijaabisaa inaad qorto fekrado:

  • Dadka aad la hadli karto sidii war badan u heli lahayd
  • Dadka aad arinta kala hadli lahayd.
  • Waxyaalaha aad adigu samayn lahayd, sida waayo aragnimadaada.

2. Dib u xasuusiga iyo riyada xun

Dad badani waxay tijaabiyaan inay waayo-aragnimada dhacda xun inay iska fogeyaan iyagoo aan ka fekerayn. Inkastoo tani u muuqato mid dabiici ah, inta badan kaama caawiso in aad dhibaatada ka guulaysato. Dadku waxay la kulmi karaan inay dhibto sawiro dhacdadii oo maskaxdooda ku soo noqnoqonaysa, iyo riyooyin xun-xun oo dhacdada ah.

Waxa ka mid ah siyaabaha dhima riyooyinka xun iyo sawirada maskaxda kusoo noqnoqda ee shilka, in aad maalin walba siiso waqti aad dib u jaleecdo xasuusahaaga iyo riyooyinkaaga.

Dad bani waxay ogaadeen hadii maalintii siiyaa 20 mirir oo ay kaga fekeraan ama qoraan aafada dhacdada shil in xasuustooda iyo riyooyinkooda xumi ay is dhimi karaan, aaney awoodoodu iyo soo noqnoqodkooduba hoos u dhacayaan. Tani waxay aad kuu caawin kartaa (hadii aad samaysid) in yar ka hor intaanad seexan.

Khidadanu waxay kuu ogolaan kartaa in aad kantarooshid afkaartaada, intii ay ku qasilahaayeeen. Waxa muhiim ah in qaybo dhinaca fiican ah aad u fiirsato marka aad ka fekeraysid aafada shil aad la kulantay.

Tijaabi siyaabahan soo socda:

1. Qor tafaashiisa xasuusta soo noqnoqonaysa iyo riyooyinka aad la kulanto.

2. Ogow xili maalintii ka mid ah oo aad ka fekeri karto waxa dhacay. Tani waa inay ahaato meel degan oo aamin ah.

3. Ka feker dhinacyo fiican oo xaaladaada hadda ah: sida “waad ka badbaadey haddana waanigan halkan jooga” , “Waxaan haystaa saaxiib wacan oo i taageeraya”, “Waxa hadda qorshayn karaa mustaqbal fiican”.

3. Ka raynta xidhxidhnaanta, cidhiidhiga iyo cadhada

xidhxidhnaanta, cidhiidiga iyo cadhada waa astaamo u caadi ah kadib marka shil dhaco. Waxaana jiri kara astaamo jidhka ah sida neefta oo kugu yaraata, wadnaha oo boodbooda, iyo muruqyada oo xidhxidhan. Tijaabi siyaabahan soo socda inaad ku dhinto astaamahan jidhka.

Si aad u yareeso badnaanta astaamaha jidka, waxa muhiin ah inaad goor hore ogaatid adoo ictiraafaya astamahaas.

Marka dareentid astaamaha xidhxidhnaanta ayaad ka hortigi kartaa adoo adeegsanaya farsamada nasasho. Dadka qaar waxay ku nastaan jimicsiga, dagaysiga raadyaha, TV –ga ama buug la akhriyo.

Dadka qaarna waxa ku khasab ah inay jimicsi nidaamsan raacaan. Dadka qaar nasashada aan waxba la qabayn baa u fiican, qaarna sida Yoga-da ayaa u fiican. Qaarna cajaladaha ayaa caawiya. Waxaad cajalada nasashada ka soo qaadan kartaa GP ga, waxa kaloo dukaamada ku diyaar ah cajalooyin nasasho oo badan.

Nasashadu waa farsamo sida kuwa kale u baahan in la barto. Jimicsigan soo socda ayaa ku baraya sidii aad muruqyada u nasin lahayd. Dad badana waxay ka taageertey hoos udhiga xidhxidhnaanta iyo kacsanaanta.

Nasinta muruqyada ee dheer – waxa fiican inaad akhrido tafaashiisa marka hore, kadibna is bartid. Dooro meel qaylo yar, diiran, oo raaxo leh oo aan lagu arbuusheen. Dooro xiliga maalinta kuugu haboon. Jiifso, oo naso, xidhna indhahaaga. Ka feker neeftaada, qunyarna u neefso: labo-sadex oo jooji, labo-sadex. Naftaada ku Dheh kelmada “naso” ama “raaxayso” marka aad neefta soo saaraysid. Jimicsiganu wuxuu u gudbayaa muruqyo badan, marka inaad muruqyada adkayso kadibana debciso. Adoo ka bilaabaya gacmahaaga, mid adkey, ka feker adkayntaa, tani waxa hagaajinaysaa muruqyada cududa iyo gacmaha.

Baro jiidista muruqyada in yar, kadibna debci gacanta. Waxaa fiirin kartaa faraqa u dhexeeya adkaynta iyo debcinta. Waxa aad dareemi kartaa inyar oo xanuun ah, laakiin jimicsiganu wuu dismayaa ka dib.

Gacanta labaadna ku samee sidoo kale.

Markasta oo koox muruqyo ah aad nasiso, ka feker sida aad dareemaysid. Ha tijaabin inaad nasato, laakiin muraqa deebci. Muraqa debci intii aad doontid. Ka feker sida aad ka dareemaysid marka aad adkayso iyo marka aad debciso. Hada ku samee muruqyada jidhka sidoo kale. Markasta adkee sekeno yar, kadibna debci. Eeg sidaad dareemaysid, kadibna ka saar adayga.

Waxa muhiim ah inaad si nidaamsan aad u jimicsatid, marka aad koox muruqyo ah jimcinaysid:

  • Gacmaha –giiji marka hore, kadiba debci.
  • Cududaha – isku celi suxulada kallana bixi cududaha. Dareen isku celinta, gaar ahaan cududa xaga sare. Xasuuso inaad tan dhowr jeer samayso, kadibna naso.
  • Luqunta – madaxa dib u celi, kadibna marba dhinac eeg qunyar. Waa inaad dareentaa addayga. Kadibna madaxa ku soo celi sidii caadi ahayd.
  • Wejiga – waxa ku jira dhowr muruq, laakiin ka feker salaanta iyo daamanka. Marka hore suniyaha soo rog, debci salaanta. Waxa aad qaadi kartaa suniyaha, kadibna debcin kartaa. Adkee daanka, kadibna debci, waxa aad dareemi kartaa faraqa marka aad nasiso.
  • Laabta - neef buuxda qaado, hay sekono yar, kadibna sii daa. Neeftaada caadi ku soo celi.
  • Caloosha – adkay muruqyada caloosha si xoog ah, kadibna debci.
  • Badhida – addkee badhiga, kadibna debci.
  • Lugaha – toosi lugaha, kadibna cagta xaga wejiga u soo jeedi. Dhamays tir adoo warwareejinaya cidhbaha.

Waxaa ku taageeri kara saaxiib kuu akhriya tafaashiisa. Ha isku adkayn, ee si hawl yari ah u samee.

Sidaad uga faa’iidaysato jimicsiga waa inaad:

  • Samaysaa maalin walba.
  • Aad samaysaa jimicsigaa xaalad kasta.
  • Aad barataa inaad nasato adoon giijinayn muruqyada.
  • Aad samaysid qayb nasashada ka mid ah xaaladaha adag, sida neefsiga qunyar ah..
  • Inaad dhisto nolol raaxo leh.

Jimicsagan raaxada leh waxa laga heli karaa isagoo cajalad ku duuban GP –ga.

Xasuuso, nasashadu waa farsamo sida kuwa kale, ayna waqti qaadato barashadeedu. Qoraal ka samee sidaad cidhiidhi u dareesantahay, ka hor iyo kadib nasashada, darajo sii u dhaxeeya 1 – 10.

Kantaroolidda neefsiga

Neefsiga badan waa u caadi dadka werwersan, cadhaysan, ama diiqadaysan. Tan macnaheedu waxa weeye isbedel baa ku dhaca neefsigaaga. Waxay ka bilaabi karaan in aad u neefsadaan iyagoo moodaya in neeftu ku dhegayso. Tanu waxay ku samayn kartaa inay wareer dareemaan, kadibna ay sii werweraan.

Tijaabi inaad eegto inaad taa samaynaysid, kadibna qunyar. Samaynta neefsi caadi ah “labo-sadex qaado, labo-sadex siidaa” waxay neefsigaaga ku celin kartaa si caadi ah. Dadka qaar waxay isticmaalaan saacada gacanta inay wakhtiga ku eegaa. Qaarna inay ku neefsadaan baag warqad ah ama gacmaha oo lasoo duubay ayaa caawiya. Si tani u shaqayso qari sanka iyo afka (baaga gudihiisa).

Waxay qaadataa ugu yaraan sadex mirir ugu yaraan oo quyar u neefsato ama baag ku neefsato in neefsigaagu caadi ku soo noqdo.

Ismashquulinta

Hadii aad masxkaxdaada aad ka sii dayso (ku fekerka) astaamaha, waxa aad ogaan kartaa in inta badan ay iska tagaan. Tijaabi inaad eegto hareerahaaga. Baadh tafaashiisa waxyaalaha, gawaadhida nambarkooda, kabaha dadku xidhanyihiin, hadalkooda. Marlabaad waa inaad ilaa ugu yaraan sadex mirir ismashquulisaa intaan astaamuhu is dhimin.

Inkastoo nasashada, jimicsiga neefta, iyo ismashquulintu ay dhimaan werwerka, iwm, hadana astaamahaasu wax khatar ama dhibaato weyn nafta uma leh. Xataa haddii aynaan isticmaalin xeelad ay ku dhimayno dhibaatooyinkaa, waxba nafteena kuma dhacayaan. Waxa keli ah waa xasilooni darro inoogu jirta haddii aynu astaamahaa la kulano.

Cadho

Waxa fiicnaan kara inaad dareenkaaga cadho kala hadasho dadka kuu dhow. Cadhada waxa suurogal ah inaad iyaga ula jeedin, laakiin ay isu qaataan. U sheeg in cadhadu tahay waxaad soo martay. Waydii inay sugaan inta cidhiidhiga iyo cadhadu tegayso. Fahansii inaad iyaga ula jeedin.

4. Ka gudubka keli ahaanta

keli ahaanta kadib aafada shil waxay noqon kartaa wejiyo badan. Waxay keeni kartaa inaad ka fogaato inaad shilka ka hadasho, waxa kale ay noqon kartaa inaad ka fogaato qof, wax, ama arin ku xasuusin karta shilkaa dhacay. Ka fogaanshahanu wuuxuu iskagaa hortaagayaa inaad dhacdadaa ka soo gudubtid, marmarna inaad nolol caadi ah ku noolaatid.

Tijaabi inaad aqbashid waxayaalaha aad doonaysid inaad ka fogaato, waxa kuu hawl yareen kara inaad qorto.

Samee hawlo yar inaad qabato sidaad baqdintaa wax uga qaban lahayd. Waxaan dhahnaa tan ‘salaanka werwerka’. Kuwa ayno aad uga baqnaa waa xaga sare, kuwa ugu baqdinta yarina waa kuwa ugu hooseeya.

Way ku caawin kartaa haddii aad tusaalahan eegtid.

Mary waxaa lagu qabtay qori caaradii markay khasnaji ka ahayd bangiga. Haba yaraatee, hadda ma tegi karto xafiisyada yaryar ee meelaha caamka ah ku yaala, waxay ka fogaataa telifishanka iyo jaraaidka lagu sheegayo dhacyooyinka rabshada wata. Waxay samaysay salaanka werwerka ee soo socda:

Waxa ugu baqdinta yar:

1.eegista maqaalada jaraaidka ee ku saabsan weerar.

2.eegista warka 6 saac soo gala.

3.daawashda barnaamijka ‘crime Watch‘.

4.is hortaaga bangiga bulshada.

5. Gelista bangiga bulshada.

6.Gelista bangiga meel lagu badanyahay ku yaala.

7.Gelista bangiga meesha weerarku ka dhacay.

Waxa ugu baqdinta badan

Waxay ka bilaabaysaa 1 ilaa ay gaadho 7. waxay ogaanaysaa in cabsideedu ay sii yaraanayso marka ay mid dhaaftaba, kadibna waxay ka gudbaysaa ka fogaanshaheedii.

Xasusnow waad cabsan kartaa marka hore, laakiin hadii aad ku sugnaato xaalada cabsida leh siyar baad marka danbe degenaasho u dareemaysaa.

5. Ka gudubka niyadjabka kadib marka shil dhaco

dadku inta badan waxay la kulmaan niyadjab marka aafo shil timaado. Tani waxay kordhin kartaa kalsooni darro, nusqaan, taageero darro iyo dareemis denbi.

Waxa muhiim ah inaanad iska dhaafin afkaar dhinaca xun adoon wax ka qaban. Marka dadku ay dareensanyihiin aafada shilka waxa inta badan fillaan waxa ugu xun ee ku saabsan naftooda, noloshooda iyo mustaqbalolkoodaba.

  • Raadi marka aad niyadjabsantahay.
  • Qor afkaarta aan wanaagsanayn ee aad waqtigaa haysid.
  • Tijaabi inaad ka hortagto afkaartan adoo qoraya dood aad kaga soo horjeedid. Qiyaas waxii aad ku odhan lahayd saaxiib haddii uu haysto afkaar xun oo naftiisa ku saabsan. Tani aad bay u fiicantahay haddii aad denbiile daraymaysid.

Waxa ku caawin kara buug xasuus qor ah wixii aad jeclaysatay ee aad qabatey wiiga. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad dhinaca fiican ka fekerto, intaad dhinac xun wax ka fiirin lahayd.

Samee wax firfircoon

Jimicsiga jidhku runtii aad buu u fiicanyahay. Socod, orod, baaskeelad, boodo; wax kastoo kordhiya firfircoonidaada waxay hore u marin karaan dareemkaaga. Qorshee 15 ilaa 20 mirir maalin walba, ama labdii maalmoodba mar inaad ku bilowdo. Firfircoonidanu waxay ku dareensiin kartaa daal yar, ayna niyadaada sare u qaadi kartaa.

Eeg wax aad xiisaynayso, waqtina ku lumi. Qorshee waxyaalaha aad xiisaynayso, kadibna waqti sii maalin kasta. Waxa aad ka faa’iidaysan kartaa inaad wax cusub oo aad xiisaynayso samayso. Dadka qaarkood waxa caawiya farsamada la sameeyto sida ciyaarta, qoraalka gabay, sawirka, waxay ka taageeri karaan inay wanaag dareemaan.

Naftaada ilaali

Is hortaag inaad ku dhacdo inaad niyadjabka ku xalisho khamri cab, dawooyin qalad ah, mukhaadaraad iyo iwm. Kuwanu waxay ku siinayaan nefisaad dhow, laakiin in yar kadib waxay kugu sii kordhinayaan niyadjab iyo caafimaad darro intii hore ka badan oo aanad u dul qaadan karin. Si fiican wax u cun; nafaqo wacani waxay kordhinaysaa caafimaadkaaga, isla markaana waad ka soo kaban kartaa si hawl yari ah.

Tjaabi inaad naftaada waxay sida caadi ah u xiisayso aad samaysid.

6. Markee taageero dheeraada waydiistaa?

Waxa rajaynaynaa talooyinka ku qoran buugan yar inay ku caawin karaan. diiqad la socota kadib aafo shil, waqti sii socda ayey la baaba’daa. Hase yeeshee haddii aad u malaynaysid inaad hore mar badan ka gaadhin, taageerooyin kale ayaa kuu diyaara inay ku kabaan sidii aad dhibaatadaa uga gudbi lahayd. Gaar ahaan haddii aad isku fillayn, ama wax qabadkaagii ama cilaaqadaadii ay yaraatey, ama inaad naftaada waxyeesho ku fekertey. Waxa kale oo fiican in aad taageero dheeraada dalbato haddii aad wax horu mar ah aad samayn weydey bilo kadib.

7. Xagee taageero dheeraad ah ka raadsadaa?

GP gaagu waa qofka ugu fiican ee aad la hadli kartid marka hore. Isagu ama iyadu waxay kuu sheegi karaan adeega kuu diyaarka ah. Neerastaada ama booqdaha caafimaad way ku caawin karaan.

Victim support waa urur taageera, bixiyana caawimo wax ku ool ah dadka la kulamy aafo shil.

Victim Support line: 0845 3030900

[email protected]

Ururada soo socdaa iyo nambarada taageero way ku caawin karaan:

  • CRUSE Bereavement Line – waa khad dadka murugaysan iyo kuwa daryeelaya loogu talogalay. Tel: 0870 1671677
  • Disability - DIAL - UK waa shebeked ku saabsan macluumaadka naafada iyo talooyin dad waayo aragnimo u leh naafada. Tel: 01302-310123.
  • Domestic Violence - Refuge - 24 saacadood waa khad bixinaya talooyin wax ku ool ah dumarka la kulamay rabshad guriga ah. Tel: 0870 5995443
  • Claims Line Direct – waxa loogu talogalay dadka dhaawac shil soo gaadhey. Waxa loo gudbin karaa qareen. Free call: Tel: 08700 667545.
  • Mind Info line: 08457 660163.
  • NHS Direct - Telephone help line/information. Neeras si sir ah ula hadal: at local rate, tel: 08 45 46 47.
  • Rape and Sexual Abuse. Rape Crisis Centre – Taageero dumarka ama hablaha la kulmay kufsi, ama waxyeelo anshax xumo ah. Tel: 0207-8371600.
  • Relate – taageero dhibaatooyinka guurka, iyo iwm. Tel: 0845 1304010 (local rate)
  • Samaritans. Tel: 08457-909090. taageero sir ah qof kasta oo dhibaato haysato.

8. Buugaag faa’iido leh oo aad ka soo iibasan karto ama daynsan karto laybereerigaaga.

  • Herbert, C., Wetmore, A (1997) Overcoming Traumatic Stress. Robinson London.
  • David Burns (1980). Feeling Good, the New Mood Therapy. New American Library. New York.
  • Gilbert, Paul (1997) Overcoming Depression. Robinson London
  • Hodgkinson, P.E., and Steward, M. (1991). Coping with Catastrophe. Routledge.
  • Kinchin, D. (1994). Post Traumatic Stress Disorder – A Practical Guide to Recovery. Thorsons.
  • Matsakis, A. (1992). I can’t get over it - A handbook for trauma survivors. Harbinger.
  • Parkinson, F. (1993). Post Trauma Stress.

Thank you to Victim Support in Northumberland for helpful comments and suggestions on this booklet.

This document was provided by Newcastle, North Tyneside and Northumberland Mental Health NHS Trust. www.nnt.nhs.uk/mh.