Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Diyaarinta Daryeelka Bulshada
Preparing for a Community Care

Soo koobid

Xaashidani waxay ka koobantahay qooraaalo caawin doona dadka wax barashada naafada qaba, marka ay u diyaar garoobaan in ay maraan eegista daryeelka bulshada.eet.

  • Ayaa xaq u leh in la eego?
  • Shirka eegista iyo hubinta ka horeeya
  • Shirka eegista iyo hubinta ka dambeeya

Sifayn

Ayaa xaq u leh in arrintooda la eego?

Haddii adiga ama qof kale oo aad garanaysa uu u baahan yahay cawimo dhinaca bahida bulshada,waxa laga yabaa in hay’adda adeega bulshadu ay caawimo ama adeeg ugu deeqdo.

Hay’adda adeega bulshadu, waxay eegaysaa, nooyada caawimo ee uu qofku u baahan yahay.

Hay’adda adeegga bulshadu waxay samaysaa eegis iyo hubsasho inta aanay go’aan qaadan in lagu siiyo adeegista iyo in kale. Dadka da’doodu ka weyn tahay 18 iyo wixii ka weyn,wqaxay maraan eegista iyo adeegga daryeelka bulshada.

Daryeele ayaa qaadaya eegista iyohubinta, waxana la yidhaa eegistan. Hubinta Daryeelaha.

Hubintu waa in ay wada saamaysaa ama wada gaadhaa qofka baahidiisa oo dhan,marka lagu daro:

  • Gureyeyntiisa
  • Ilaalinta Caafimaadkiisa
  • Xanaanadiisa gaar ah
  • Baahidiisa bulshanimo
  • shaqaalayntiisa
  • Waxbarashadiisa
  • Dhaqaalihiisa

Eegista iyo hubinta waxa lagu qaadi kara guri, ama xarun caafimaad, xarunta adeegga bulshada.Saraakiil ka socota hay’adda adeegg bulshada ama xanaaneeye sare ayaa inta badan qaada eegista iyo hubinta qofka, waxase dhici karta in dad kale ku leg yeshaan,sida Dhakhtar,Neers,iyo kuwa duugmada iyolafaha aqoonta u leh.

Shirka eegista iyo hubinta ka horeeya

Hay’adda adeega bulshadu waa in ay hubisaa in aad ka qayb qaadan karayso eegista iyo hubinta arrinkaaga – inkaste oo aanay qasab ahayn haddii adigu aanad doonayan in aad ka qayb qaadato.

Waxa suura gal ah, in aad hesho adeegyada aad doonayso haddii aad ka qayb qaadato.

Qaado caddaymahaaga oo dhan(magacaga,cinwaankaga iyo telefoonkaga) iyo adeegyada aad u baahan tahay.wixii caddaymo aad keeni kartaa wuxu cawinaaya dacwaddaada (sida waraaq caawimo ah oo uu dhakhtarkaagu (GP), Qolooyinka caafimaadka ee wax duuga,saaxiib, qoys,la taliye dhinaca wax barashada iyo wixii la mid ah.

Haddii aad wax su’aala hayso qor,si aanad u ilaawin in aad weydiiso.Shirk adiga oo keli ihi waad tegi kartaa, waase ka fiican adiga oo qof sii kaxaysta, sida saaxiib,qof qoyska ka mid ah ama qof la taliye ah.

Haddii aanad haysan qof ku raaca,laakiin aad jeceshahay in gacan lagu siiyo waqtiga eegista iyo hubsashada, waxaad la xidhiidhi karta la taliyaaga hay’adaha degaankaaga, ama hay’adaha sama falka.

Haddii aad ku hadasho luqad gaar ah, ama aad baahi dhinaca isgaadhsiinta hadalka,tusaale ahaan haddii aad u baahan tahay tarjumaan, waa in aad ogaysiisa hay’adda adeega bulshada waqti badan ka hor,si laguugu diyaariyo tarjume.

Shirka eegista iyo hubinta ka dambeeya

Marka eegista iyo hubinta arrintaadu dhamaato,wax la samayn doona qoraal, waa in aad weydiisataa nuqul.

Weydiiso nuqulka qoraalka buuxa eek u saabsan arrintaada iyo ‘qorshaynta daryeelka’ (kaas oo sharxaay nooca tageerada ay ku deeqdo hay’adda adeegga bulshadu), tani waxay ku siinaysaa waqti aad ku fakirto kagana fiirsato arrinta,iyo iada oo aad dad kale isla eegtaan arrrinta,haddii aad sidaa jeclaato.

U soo jeed ilalinta xuquuqdaada.Haddii aanad ku raacsanayn waxyaabaha lagaa qoraayo qaarkood, marka ay socoto arrinta eegista iyo hubintu ama laguu diido u adeegista aad codsatay,waxa markaa aad gudbin kartaa cabasho(complain).

Ha saxeexin shayna ,ilaa aad ogaato in uu yahay wixii aad doonaysay.Haddii aad doonayso in aad la hadasho qof kale, sug ilaa aad la hadasho.

Devon Total Communication Project: Wuxu qoray “Noloshayda – Qorshahayga ( "My Life - My Plan"), waa arrin caawinaysa dadka Laxaad la’aanta weyn qaba in ayku lug yeeshaanna way fiican tahay.

Kelmedaha muhimka ah

1. Eegista ama hubinta – waa eegista ama hubinta baahida dheeraadka ah ee ay qabaan dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay iyo sidii adeegyo daboola bahiyahooda loogu samyn lahaa.

2. Xannaaneeye Sare –Waa Xannaaneye Sare, kaas oo qora; isuna duba rida adeegyada uu u baahan yahay qofka qaba waxbarashada naafada.

3. Advocate – Waa qofka caawiyaa dadka kale, si ay u gaadhaan muraadadooda, waxay doonaayaan iyo waxay jecel yihiinba..

Xidhiidhka Webabka:

Devon Total Communication Project – to download a copy of "My Life,

My Plan"

http://www.learningdisabilitydevon.org.uk/symbols/easyto-readinfo.htm

This document was provided by Mencap, http://www.mencap.org.uk