Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Is qorida dhakhtarka (GP-ga)
Registering with a GP

Qof kasta oo ku nool UK waxa uu xaq u leeyahay in uu is qoro dakhtar (GP). Xuquuqdunua waxay ku xidhantahay degenaashahaaga wadanka ee kuma xidhna dhalashadaada ama cashuur bixiska. Waad dooran kartaa GP ga hadii liis ka banaanyahay waanay ku aqbali karaan.

Xarumaha GP gu waxay ka shaqeeyaan eeriyooyin la qaybiyey. Waxay had iyo jeer aqbalaan dadka u dhow si ay ugu suura gasho inay soo booqdaan wixii khatar ah. Meelaha qaarkood waxa jiri kara nidaam adag oo dariiqyo go’an (dakhtarku) aqbalaayo.

Si aad u ogaatid xarumaha xaafadaada la xidhhidh toos adeega caafimaadka qaran ‘NHS’ – talo iyo macluumaad qarsoodi ah. Soo wac nambarka deegaanka 0845 46 47.

Liiska ay kuu soo diraan waxa ka mid noqon kara tafaasiisha sida inta dhakhtar ama lab iyo dhadig kii ay yihiin ee diyaar ah.

Macluumaadka dhakhtarada caadiga ah iyo kuwa ilkaha waxay diyaar ku yihiin boga intrnedka ee NHS –ta; www.nhs.uk adoo gelinaaya magaaladaada ama koodkaaga boosta.

Hadii ay jiraan dhoor xarumood xaafadaada telifoon u dir oo waydii inay aqbalayaan dadka cusub. Waxa jira dad go’an oo ugu badnaan loo ogolyahay xarun kasta. Hadii ay xaruruntu aqbalayso dad cusub waydii in ay waraaqo xaruntooda hayaan oo kasoo qaado. Waxaad ka helaysaa dhakhtarada magacyadooda, xiliga ay shaqeeyaan, iyo in balan lagu tago iyo in kale, iyo inaad talo telifoon ahaan kugu siin karaan, nidaamka dawooyinka celceliska u qaadan lahayd, adeega diyaarka ah marka xaruntu xidhantahay, iyo booqashada guriga. Waxa kale oo ku jira tafaashiisa daweenta xanuunada daa’imka ah sida macaanka. Waxa kale oo ku qornaan kara daweenta kabista ah sida ee xaruunta.

Booqasho aad xarunta ku tagtaa waxay kuu suuro gelinaysaa inaad eegto qalab iyo sida ugu sahlan ee aad gaadhi u dhigan lahayd meel udhow, ama gaadiidka dawlada ee u dhow. Waxa kale oo wax ka waydiin kartaa wax kuu gaar ah ee aad u baahan karto. Kuwan waxa kamid noqon kara kursiga dadka lagu riixo ama in dhaklhtar afkaaga ku hadlaa uu diyaar yahay, hadii aanad ingiriisuda afka aad dooranaysid ahayn.

Inta aan laguu aqbalin buke cusub ama diiwaanka cusub, waxa laguu qadimayaa baadhis asaasiga ah, had iyo (waxa sameenaya) neerasta xarunta.

Hadii ay dhibaato kaa haysato xarun ku aqbasha la xidhiidh NHS ta toos. Waxa ka saaran masuuliyad inay GP kugu qoraan, hadii aanad awoodeen ina aad mid heshid. NHS toos ayey kuugu sharaxayaan nidaamka loo maro.

Is qorista dhakhtarka GP ga dadka guryaha lagu daryeelo

Hadii si rasmi ah aad ugu wareegtey gurayaha dadka lagu hayo ee xaafadaada, GP –gaagu waxa suuragal ah in uu kuusii adeego. Hadii aanay suurogal ahayn waxaad heli kartaa dhakhaatiirta u adeega gurigaas ee xaafada. Waa inaad heshaa adeeg lamid ah kii aad heli jirtay marka aad gurigaaga joogtay. Waa in aan lagaa qaadin wax khrash oo dheeraada adeega dhakhtarka ama caafimaadka qaran ‘NHS’.

Samaysiga balanta

Xarumaha (dhakhtarka) intooda badani waxay ku shaqeeyaan nidaamka balanta. Hadii GP aad doonatay uu yahay faaruq, waxaad ka samaysan kartaa balan. Waxa inta badan jira nidaam aad ku arki karto GP –ga xaalada khatarta ah, hadii aanu faaruq ahyan. Xarumaha intooda badan waxaad kula hadli kartaa GP ga ama neerasta telifoon wakhtiga aad ku heshiiseen.

NHS –tu waxay wadaa balaan ay doonayso inay ka dhigto aragtiinka dadka bukaanka ahi dhakhtarkooda muddo 2 wiig ah, ama farmasa yaqaan caafimaad muddo wiig ah dhamaadka 2004 ka.

Booqashada guriga

Dhakhaatiirta GP da intooda badani way booqdaan guryaha laakiin waa dadka aad u xanuusanaya ee aan xarunta tegi karin. U sheeg astaanta aad u xanuusanaysid oo dhan marka aad telifoon u soo dirtid xarunta. Tanu waxay sahlaysaa in go’aan fiican laga gaadho in booqashada gurigu muhiim tahay. Hadii ay suurogal tahay telifoon u dir xarunta subaxda hore si isla maalintaaba lagu soo booqdo.

Adeega saacadaha aan shaqadu jirin

Xarumo badani waxa loo sameeyey wada shaqayn sidii saacadaha aan la shaqayn ay u dabooli lahaayeen. Wacida xarunta waxay kuu gudbin kartaa nambar adeeg ah. Eeg bogaga xarunta wixii tafaasiil ah.

Hadii aanad helayn telifoonka xaruntaada, wac NHS Direct. Waxay kuu gudbinayaan GP nambarkiisa saacadaha aan shaqadu jirin. Waxa jira qorshe la doonayo in la isku wada xidho GP oo dhan si ay u wada shaqeeyaan.

Bedelista GP -ga

Hadii aad ka guuraysid xaafada ama aad heshay GP kale waxa muhiim ah in aad u sheegtid GP –gaaga in aad iska bedelaysid.

Marka GP –ga cusubi ku aqbalo, waxay la xidhiidhayaan GP gii hore si ay uga helaan waraaqahaagii caafimaad. Hadaba si tixgelin leh waxaad u sheegi kartaa GP gaaga qorshahaaga aad doonaysid in aad kaga wareegtid.

Adeega GP ga marka aad guriga ka maqantahay ama aad fasax jirtid

Hadii aad ogtahay in aad ka maqnaanaysid gurigaaga muddo ka badan sadex bilood, waxaad ka dalban kartaa xarunta deegaankaa in laguu aqbalo ‘ degenaasho ku meel gaadh ah’. Hadii aan liiskoodu buuxin waxa u dhowdahay in ay ku aqbalaan.

Hadii aad ku xanuusatid fasaxa , waxaad soo dhoweeyaha hoteelka waydiin kartaa in uu balan kaaga samayn karo xarunta xaafadaas. Hadii aad la joogtid saaxiibo waxa aad tegi kartaa xaruntooda caafimaad in ay ku daween karaan.

Waxa kale oo aad toos ula xidhhidhi kartaa Adeega caafimaadka qaran NHS ta. Waxay kula gorfayn karaan fursadaha kuufuran.