Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Adeegyada lagu kabo adeegyaada GP-ga (dhakhtaarka guud)
Services to complement GP services

Adeega caafimaadka qaran (NHS tooska ah iyo NHS tooska ee inernetka)

NHS tooska ah (NHS Direct – 0845 46 47) - waa khad qarsoodi ah 24 saacadood ah ee wixii macluumaad ah oo kuu hayaan neeresyo iyo farsamo yaqaano taliyeyaal ah.

  • Waxa aad waci kartaa NHS toos ah hadii reerkaaga qof ka buko oo aad talo u baahantahay. Waxa laguu gudbinayaa neeras ku waydiinaya suu’aalo badan. Markaa iyagoo isticmaalaya aqoontooda, waayo aragtinimadooda, qalabka kombuyuuutarka oo aad u casri ah kuu sheegayaan wixii aad samayn lahayd. Waxaad isku daween kartaa gurigaaga adoo booqanaya farmasiiga kuu dhow. Hadii dhibaatadu aad u weyntahay waxaad u tegi kartaa dhakhtarkaaga ama cisbitaalka. Hadii dhibaatadaadu aad uu weyntahay neerastu waxay kugu xidhikartaa gaadhiga ambalaaska ah.
  • NHS tooska ahi waxay ku siin karaan tafaasiisha dhakhtarkaaga, ka ilkaha, adeega ilkaha ee degdega ah, meelaha aad balan la’aan tegi karto, dhakhtarka indhaha, iyo farmasiiyada goorta danbe fuuran. Waxay kuu sheegi karaan PCT ama SHA xaafadaada ka shaqaysa.

NHS toosta ahi waxay ku siinayaan macluumaadka xaalkaaga ku saabsan; ama sidii aad isku caawin lahayd; kooxaha ku caawin kara.

Hadii ingiriisidu aanay ahayn luqadaada, waxay bixiyaan turjumaad qarsoodi ah. Wac 0845 46 47 kadibna dheh kelmada afkaga aad dooranaysid. Dabadeed waxa laguu gudbinayaa tuurjuubaan caawiya shaqaalaha NHS tooska, kaas oo kusiinaya wixii macluuumaad ah ee aad u baahantahay. Hadii kale waydiiso saaxiib in uu telifoonka kuu diro. Saaxiibku waxa uu kuu gudbin karaa telifoonka marka uu turjumaanku khadka soo galo.

24-saacadood foonka qoraalka waxa aad ka heli kartaa 0845 606 46 47. adeeg lamida – talo hadii aanad fiicnayn oo xaalkaaga caafimaad ah – ayaa ku diyaar ah fone qoraalka ah.

Waxa kale oo jira adeeg internetka ah www.nhsdirect.nhs.uk. Khadkan waxa kuu ogolaanayaa inaad baadho macluumaad badan oo ku saabsan caafimaadka, daweenta iyo qaliinka. Waxa kale oo ku siinayaa sida ugu fiican ee caafimaad qab loogu noolaan karo iyo bogaga internetka kale ee faaiido kuu yeelan kara. Qayb takhasus ah ayey

leedahay oo eegaysa xanuunada sonkorta, faalidhka, kansarta naaska. Waxa kale oo ku qoran sidii aad iskaa isu daween lahyd gurigaaga.

NHS Xarumaha socotoda (Walk-in centres)

Hada waxa jira ilaa 40 xarumood oo furan 7da cisho marka laga soo bilaabo ilaa fiidkii. Waxa loogu inay bixiyaan kaalmo degdeg ah hadii aanad fiicnaan dareemayn. Dhakaatiirtu iyo neerastu waxay bixiyaan adeeg noocyo badan oo ay ku daweenayaan xanuunada iyo dhaawacayada yaryar. Waxa kale oo ay bixiyaan wixii macluumaad ah iyo talo ee caafimaad ku saabsan. NHS tooska ah telifoon u dir sidaad u ogaatid in uu jro mid kuu dhoowi.

Xarumaha NHS ee daweenta dhaawacyada yaryar

Kuwanu waxay furanyihiin 7 cisho wiigiiba, waxaanay daweeyaan dhaawacyada yaryar. Telifoon u dir NHS tooska ah inaad ogaatid in uu jiro mid kuu dhowi.

Farmasiistaha xaafada

Farmasiistuhu waxaa loo ogolyahay in talo ka bixiyaan xanuunada caadiga ah sida cuno xanuunka, durayga, iyo kaarka. Astaamaha xanuunka awgii waxay eegayaan in aad dhakhtar u baahntahay iyo in kale. Waxa kale oo kaaga jawaabi karaan suaalaha ku saabsan dawada dhakhtarka iyo tan aad ka iibsanayso ee wixii sahlan ah.