Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Adeeg caafimaad (NHS) ee dadka waaweyn
Special NHS Services for older people

Dhiiri gelinta caafimaadka iyo is hortaaga xanuunada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka caafimaadka. Talaabooyin dhowr ah baa la bilaabay sidii dadka waaweyni ay u heli lahaayeen nolol xor ah oo caafimaad leh.

Dawo wixii 60 ka wayn

Qof kasta oo ah ama ka weyn 60, ma bixinayo dawada (NHS -ta). Waxa lagu waydiinayaa inaad warqada dawada xageeda danbe saxeexdo, si loo xaqiijiyo u xaq yeelashadaada.

Wixii ka weyn 60 – eegista indhaha oo bilaash ah

Qof kasta oo ah ama ka weyn 60 wuxuu helayaa tijaabada indhaha oo bilaash ah. Waxa inta badan la dhiiri geliyaa in dadku ay 2badii sano mar indhahooda baadhaan. Waxa lagula taliyaa dadka yaryar ilaa 2labii sano mar inay indhahooda baadhaan, wixii ah ama ka weyn 70 sano 12kii bilood mar. dhakhtarada indhuhu waxay kaashan karaan farsamadooda sidii ay kuugu sheegi lahaayeen sida joogtada ah ee aad isu baadhayso.

Dhakhaatiirta indhaha qaar gaar ah (private). Hubso in aad helayso daween qaran (NHS) oo bilaash ah. Hubi inay baadhis dhan sameeyaan.

Tijaabooyin astaamaha indha beelka sida (glaucoma), iyo xanuunada indhaha ee kale ee dadka weyni ay u jilicsanyihiin baadhistoodu waa muhiim. Dadka asalkoodu ka soo jeedo Afrika iyo kuwa qaba xanuunka jooniska, ayaa inta badan u jilicsan inuu ku dhasho xanuunada (indhaha).

Hadii aad u baahantahay muraayad, ma’aha khasab inaad kan tijaabiyey indhahaaga ka soo iibsato. Waxaad waydiin kartaa dhakhtarkan indhaha inuu ku siiyo warqad, kadib kaga iibsan kartaa meel kale oo haysa qaar jaban, ama noocyo badan oo kala duwan.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan baadhista indhaha qaranka (NHS) la xidhiidh: The Royal National Institute of the Blind (RNIB). Eeg qaybta ‘wixii macluumaad dheeraad ah’.

Baadhista caafimaad wixii kaweyn 75

Hadii aad kaweyntahay 75 aanad u baahan aanad xarunta caafimaad sanad iyo wixii kabadan, waxa aad xaq u leedahay inaad dalbato latalin caafimaad guud iyo wixii muhiim kuu ah.

Hadii caafimaad daro awgii aanad xarunta caafimaad aadi Karin, waxa lagugu soo booqanayaa guriga.

Eegista caafimaad ee wixii ka weyn 75

Nidaamka qaran ee dadka weyn ayaa ku taliyey in daka ka wen 75 in sanadkiib mar is baadhaan. Oo dadka qaata afar iyo in ka badan oo dawo ah ay 6 bilood mar isbaadhaan. Qaar badan oo kmid ah PCT-ta ayaa ku taageersan jihaynta dawada. Weydii GP –ga ama farmasiilaha jihaynta deegaankaaga (guideline).

Hadii laguugu yeedho baadhis (tijaabo), waxa aad waydiin kartaa warqadada “Focus on Your Medicines”. Waxa loogu talogalay in ay kaa taageerto baadhista, wixii ikhtiraac ku saabsan su’aalaha aad waydiin karto ee dawooyinka aad qaadanaysid.

Wixii 60 kaweyn, talaal bilaash

Xanuunada xun, sida sanbabka oo barara waxa keeni kara hargab. Sababtaa awgeed waa siyaasad dawladeed in dadka ah ama kaweyn 65 la siiyo talaal harab sanadkiiba. Sidii kale dadka da’da yare e difaaca jidkoodu liito ee xanuunada u jilicssan. Waxa inta badan lagu soo bandhigaa inaad talaalka hargabka (flu jab) marka xagaagu dhamaanayo ee dayrtu soo gelayso.

Wixii kaweyn 65 – talaal bilaash ah oo xanuunka sanbab bararka

Talaalku waxa kaa difaaci karaa xannuno badan oo ku jiro ka sanbabka ku dhaca, ka dhiiga sumeeya, ama madaxa (meningitis). Talaalkan oo inta badan loo yaqaano (pneumo jab), waxa la siiyaa dadka ah ama kaweyn 80. kuwa kaweyn 75 ilaa 2003 (baa la siinayey), wixii kaweyna 65 ilaa 2005. ma’aha in talaalkan aad sanad kasta qaadatid. Hadii aad wax macluumaad ah oo intaa ka badan u baahantahay, waydii xarunta caafimaad, ama la xidhiidh NHS-ta oo waydii warqada khaaska ah (special leaflet).

Sawirida (Raajada) kansarta naaska, iyo noocyada kale ee kansarta

Dumarka u dhexeeya 50 ilaa 70 waxa lagu dhoweenayaa inay is sawiraan iyagoo isticmaalaya adeega NHS –ta. Hadii aad ka weyntahay 70, si toos ah laguu dhoween maayo, laakiin waxaad codsan kartaa in lagu baadho sadexdii sano mar. la xidhiidh NHS ta wixii macluumaad ee ku saabsan barnaamijka eegista ee qaybta deegaankaaga iyo macluumaad kale ah.

Dumarka u dhexeeya 50 ilaa 64 waxa lagu soo dhoweenayaa eegista kansarata ilma galeenka.

Dawladu waxay rajaynaysaa inay barnaamij usamayso baadhista kansarta uur-baytada ee raga iyo dumarka, marka laga bilaabo April 2006.

Nolol caafimaadka leh ee firfircoonida wadata

Dawladaha hoose oo ay la jirto PCT, ayaa soo bandhigayaan firfircooni iyo barnaamijyo mijo-baxsi ah ee xarumaha ‘leisure’ ka, khaasatan dadka weyn ee daneenaya inay dhisaan nolol caafimaad qabta. Waxay qaabilaan qof kasta oo awood jilicsan, waxaaney lihiin jimicsiyo qofka kursiga ku fadhiya, iyo qofka aan muddo dheer istaagi karin. Waxa laga yaabaa in adeega kharsh lagaa qaado. Ururada tabaruca, sida ‘Age Concern’ ayaa laga yaabaa iyana in hayaan adeeg noocan oo kale ah.

Wixii macluumaad dheeraad ah

Ururada muhiimka ah

British Red Cross, 9 Grosvenor Crescent, London SW1X 7EJ, tel: 020 7235 5454, website: www.redcross.org.uk. The British Red Cross waxay deeqdaa adeeg bulsho oo badan, marka lagu darro adeega gaadiidka iyo kuraasta naafada oo lasoo daynsanayo. Telifoon u dir nambarka kor ku xusan inay kusiiyaan nambarka xafiiska deegaankaaga, ama eeg boga internetkooda. Waxay bogoodu ka helaysaa kooxaha iyo adeega gaarka ah ee bixiyaan.

Community Transport Association, Highbank, Hatton Street, Hyde Cheshire SK14 2NY, Office tel: 0870 774 3586 (national call rate), advice service tel: 0845 130 6195 (local call rate) website: www.communitytransport.com. Community Transport Association – waxay kuu sheegayaan in qorshe gaadiid uu ka jiro xaafadaada, waxayna ku siinayaan nambarkooda. Ma hayaan adeega qorshe kasta oo kooxi bixiso.

Royal National Institute of the Blind (RNIB), Customer Services PO Box 173 Peterborough PE2 6WS, Helpline: 0845 766 99 99 (local call rate). Teebka hadalka (typetalk) wac 18001 0845 766 99 99, website: www.rnib.org.uk. RNIB waxay bixisaa adeeg muhiim ah dadka aragoodu liito. Khadkoodau wuxuu kaala talinayaa wixii adeegooda ah.

Royal National Institute for Deaf People (RNID), 19 - 23 Featherstone Street, London EC1Y 8SL, Helpline number 0808 808 0123 (free call); textphone 0808 808 9000 (free call). Also a tinnitus helpline 0808 808 6666 (free call); textphone 0808 808 0007 (free call), website: www.rnid.org.uk waxay soo saaraan macluumaad badan oo ku saabsan dadka dhibaatadu ka haysato maqalka. Waxayna ku siinayaan macluumaad ku saabsan wixii qalab maqalka ah, iyo macluumaad ku saabsan iibsiga qalabka maqalka si gaar ahaan ah (privately).

Health professionals organisations

Health Professional Council (HPC), Park House, 184 Kennington Park Road, London SE11 4BU, tel: 020 7582 0866, website: www.hpc-uk.org. HPC waa urur cusub oo maamula (ilaaliya) 12 kooxood oo caafimaad oo UK ah, marka lagu daro kuwan: chiropodists/podiatrists, dietitians, occupational therapists, physiotherapists iyo speech and language therapists. Hadii aad doonayso in si gaar ah isugu daweeso mid kuwan ka mid ah, waxay kuu baadhayaan in uu liis garysanyahay qofka daweenayaa. Is liis garynta waxa laga helayaa boga internedkooda.

Chartered Society of Physiotherapy, 14 Bedford Row, London WC1R 4ED, tel: 020 7306 6666, website: www.csp.org.uk . boga interdka qaybta ‘physio2u’ waxay kuu saamaxaysa in baadho daweeyaasha gaarka ah ee xaafadaada, eeg u takhasusay farsamoyaqaano, sida maamulista xanuunka (pain management). Waxa kale aad ka helaysaa macluumaad ku saabsan astaamaha uu dhakhtarka maskaxdu daween karo (physiotherapists can treat).

Society of Chiropodist and Podiatrists, 1 Fellmonger’s Path, Tower Bridge Road, London SE1 3LY, tel: 020 7234 8620, website: www.scpod.org.uk. Ururkanu waxay soo saartaa macluumaad ku saabsan daryeelka cagta. Boga internedkoodu waa: www.feetforlife.org. waxa ku qoran macluumaad sidii loo daryeeli-lahaa cagta iyo dhibaato la xidhiidha. Waxa kale oo aad ka helaysaa sidii aad u baadhi lahayd dhakhtar cagta ee xaafadaada.

Websites (internedka)

www.nhsdirect.nhs.uk

kani waa macluumaadka iyo latalinta caafimaad ee NHS ta.

www.nhs.uk

waxay kuu saamaxaysaa baadhista adeega xaafadaada, sharaxysaa waxqabadka cisbitaalka iy darajadiisa, awood ku siinaysaa eegida darajada cisbitaalka xaafadaada. Waxa kale oo si kooban u eegaysa taariikhda adeega caafimaad iyo wixii isbedel dhowaan lagu sameeyey nidaamka NHS –ta.

www.dh.gov.uk/PolicyAndGuidance/HealthAndSocialCareTopics/OlderPeoplesServices/fs/en

waa boga internedka ee ururka dadka weyn (NSF).

www.healthcarecommission.org.uk/Homepage/fs/en

Ururka (xeer ilaalinta) daryeelka caafimaad waxa leeyihiin masuuliyad badan sidii ay u kobcin lahaayeen daryeelka caafimaad ee igland. Waxa kale oo ku jira warbixin ku saabsan NHS –ta, iyo baadhis laga qaaday dadka buka, waxa xaruntiisu tahay kooxdan: Finsbury Tower, 103 – 105 Bunhill Row, London EC1Y 8TG, tel: 020 7448 9200.

Ogow: magaca ‘Commission for Healthcare Audit and Inspection (CHAI) waa magic sharci ah.

www.nice.org.uk/

(National Institute for Clinical Excellence) boga internetka wuxuu sharxayaa sida NICE u shaqayso, si ay u soo saarto jihayn ku saabsan daweenta iyo daryeelka dadka buka ee NHS –ta. Waxay kaloo ku jira wixii qoraal soo saartay Nice intii la bilaabay 1999.

www.ombudsman.org.uk

boga internedka ee adeega caafimaadka ee dul-ka-ilaaliyaha xarantiisu tahay: Millbank Tower, Millbank London SW1P 4QP, tel: 020 7217 4051.