Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Codsiga Magangelyo
Claiming Asylum

Xuquuqdaada hadii aad qaxoonti tahay Codsiga magangelyo ee UK dhowr siyood ayaa loo samayn karaa. Bogaganu waxay sharaxayaan wixii muhiim ah ee magangelyo doone u baahanyhay inuu ogaado. Waxa kugu imankara waxay ku xidhanyihiin xaaladahaaga gaarka ah iyo nidaamka dawlada UK isticmaasho. Waa inaad talo khabiir marka ugu horaysa ee aad awoodid raadsato. • Qofka u xaqa leh magangelyo waa kee? • Sidee u codsadaa magangelyo? • Maxaa dhaca marka aad codsato? • Maxaan ku noolaadaa marka aan sugayo? • Maxaa xuquuq ah ee aan leeyahay marka aan sugayo? • Xaqee taageero codsigayga ku saabsan ka helaa? • Muxuu noqonayaa natiijada codsigaygu? • Maxay noqonaysaa hadii codsigayga la diido? • Maxaa dhacayaa hadii rafcaankayga la diido? Bogagan taxaneha ah waxaad ka helaysaa dulmar xuquuqdaada sharci ku saabsan. Ma’aha tusmo dhan, loogumana talo gelin sida gaarka ah ee sharcigu u khuseeyo arintaada gaarka ah. Kee xaq u leh magangelyo? U xaq yeelasho magangelyo waxay ku xidhantahay inaad qaxoonti tahay, sida xeerka 1951 ee Qaramada Midoobey dhigayo. Waxa uu leeyahay magangelyo doonuhu waa qof wadankiisii asalka ahaa ka baxay baqdin in wax layeelo oo shantan arimood khusaysa: • Jinsi (cida); • diin; • dhalasho; • Xubin koox bulsho oo gaar ah; ama • Fekrad siyaasadeed. Magangelyo doone waa inuu tusaa inuu khatar ku suganyahay, una baahanyahay difaac caalami sababahaa aynu sheegnay midkood. Waxa muhiim ah in aad taageero gaar ah raadsato. Xeerka magangelyadu waxa uu leeyahay laguma celin karo wadankii aad ku dhalatay hadii aad khatar gelaysid. Tan macnaheedu waxa weeye dawlada UK kuguma celin karto wadankaagii asalka ahaa hadii aaney caddayn in khatar nabadgelyo yartahay, ama aaney jirin. Waad joogi kartaa wadankan in keeskaaga go’aan ay gaadhayso kooxda soo galku (wasaarda daakhiliga). Hasa yeeshee tanu waxay gaar u tahay oo keli ah wadanka aad ka timi, ee waxa laguu diri karaa wadan sadexaad iyadoon codsigaaga laga fekerin. Xaaladaha inta badan waxa laguu ogolyahay inaad (wadanka) joogto inta rafcaanka aad ka qaadanaysid, laakiin tanu waxay ku xidhantahay meesha aad ka timi iyo sababta aad magangelyada u doonaysid. Home Office – ku (wasaarada arimaha gudaha) waxa uu codsigaaga ku diidi karaa sababo badan. Masalan, hadii aad qaybo wadankaaga ka mid ah ku noolaan karto, waxa kagugu celin karaa sidaad qaybtaa ugu noolaato. Magangelyadu waxa macnaheedu yahay inay khatarta mustaqbalka ku iman kara kaa difaacdo. Waana laguu diidi karaa hadii xaalada wadankaagu is bedesho oo aanad khatar gelaynin hadii aad noqoto. Inta badan way adagtahay in la cadeeyo in aad khatar gelaysid. Waa inaad xaqiijisaa inay hubaal tahay inaad khatar gelaysid. Qofka aaney saamayn Xeerku wuxuu dhigayaa inaaney dadka qaarkood aaney mutaysan magangelyo. Kuwan waxa kamid ah dadka denbiyo waaweyn galay, ama ku xadgudbay xuquuq bani-Aadnimo. Waxa kale oo jira xeerka burinta (cessation clauses), kan oo dhigaya inaad xaquuqdaada waayeysid xili danbe, masalan: • Hadii xaalada wadankaagu fiicnaato, inta dawladu go’aan kaa gaarayso; ama • Aad ku noqoto wadankaaga, kadib marka aad qaxoonti noqotay. Hadii arimahanu dhacaan waxa lagaa joojin karaa magangelyada, mana aha khasab inaad UK lagaa saaro. Kiisas gaar ah Codsiyada qaar way ka adagyihiin kuwa kale. Sharcigu wuu adkaan karaa in la hirgeliyo, marka: • waxa aad sheegatay inay wax ku yeelayaan ciidamo, aan kuwa dawlada ahayn; • Waxa aad ka carartay dagaal sokeeye; ama • Waxa ka baqday in wax lagu yeelo waayo ‘waxa aad xubim ka tahay koox bulsho’. Hadii codsigaagu soo gelayo kuwan aynu sheegnay (waxa haboon) inaad raadsato talo qof khabiir ah. Codsiyada la xidhiidha bani-Aadanimada Waxa suurtogal ah inaad codsi samayso ku salaysan qodobka 3aad ee xeerka bani-Aadnimo ee Yurub. Kanu wuxuu xarimayaa ciqaabta, iyo waxyeelaynta bani-aadamka. UK waxay ku xadgudbaysaa xeerkaa hadii ay kugu celiso wadan aad khatartaa ku gelaysid. Iyadoon aaney la mid ahayn xeerka qaxootiga (ee UN), ma’aha khasab inaad tusto sababta waxyeeladaa, ama cida ku lug leh. Hadii aad tusi karto in waxyeeladaa uu xarimayo xeerka 3aad, dawlada UK waa inay kuu ogolaataa inaad wadanka joogtid, waxaana inta badan ku siinaasa ilaalo bani-aadam (humanitarian protection). Waxa kale oo aad ku doodi kartaa in hadii UK lagaa saaro ay ka horimanayso xeerarka kale sida ixtiraamka reerka iyo nolosha gaarka ah. Inta badan way adagtahay inaad ku gulaysato doodahan. Hadii aad doonaysid inaad ku doodo arimahan, waa inaad si degdeg ah u raadsataa qof sharci-yaqaan ah. Sidee loo codsadaa magangelyo? Waa inaad ka codsataa • Sarkaalka soo gelista ee eeriboodka ama dekeda marka ugu horaysa ee soo gasho; ama • Wasaarada arimaha gudaha (Home Office) qaybta baadhista magangelyada ee Croydon ama Liverpool hadii aad UK ku suganatahay. Waa inaad sida caadiga ah codsataa: • Marka ugu horaysa ee UK soo gasho; ama • Hadii aad halkan ku sugantahay (sida arday) marka kugu horeysa ee cabsida in (wadankaaga) wax lagugu yeelayo ay timaado. Dad badani dib bay u dhigaan, waayo waa xili ay reerkooda ama asaxaabtooda la kulmaan, ama qof sharci-yaqaan ah bay doonayaan, hadii aanad si degdeg ah u codsan, dawladu way ka shakiyayaan codsigaaga. Hadii aaney rumaysan waxaad leedhay, kuma siinayaan magagelyo. Waxa kale oo taageero lagu siinayaa hadii aad markiiba codsato. Taageero dheeraad ah Community Legal Service Direct Waxay bulsho-waynta siisaa macluumaad bilaash ah oo ku saabsan dhibaatooyinka caadiga ah ee xaga sharciga. Wac 0845 345 4 345 Hadii aad xaq u yeelato taageero sharci (legal aid), waxa kale oo ka helaysaa khabiir sharci wixii talooyin ee ku saabsan dakhliga, cashuur celiska, deynka, waxbarashada, shaqada, iyo guriyeenta. Waxa kale oo raadsan kartaa talo-bixiye deegaankaaga, ama qareen. Riix www.clsdirect.org.uk sidii wixii dheeraad ah u ogaatid. Amnesty International telifoon: England: 020 7033 1500 Wales: 029 2037 5610 www.amnesty.org.uk Immigration Law Practitioners Association (ILPA) Wixii macluumaad ee sidaad taageero u heli-lahayd, waydii diiwaanka (Directory of Members). telifoon: 020 7251 8383 www.ilpa.org.uk Immigration Advisory Service www.iasuk.org telifoon: 020 7967 1200 (head office) Eeg boga internedka wixii ku saabsan tafaasiisha (cinwaanada, iwm) ee xaafadaada Ingland iyo Wales Law Society Law Society waxay ku siin karaan macluumaadka garyaqaanada ku meteli kara wixii ku saabsan dacwadaha magangelyada. telifoon: 0870 606 6575 www.solicitors-online.com National Asylum Support Service Frank Corrigan, 27 Old Gloucester Street, Bloomsbury, London WC1N 3XX www.asylumsupport.info Office of the Immigration Services Commissioner (OISC) telifoon: 0845 000 0046 www.oisc.org.uk Refugee Legal Centre telifoon: 020 7780 3200 www.refugee-legal-centre.org.uk maqaal kale, ‘Legal Advice for People who are Detained by the Immigration Service’ ayaa waxa soo saarey Law Society, Law Society of Scotland, OISC, CLS and ILPA, waxaana laga heli karaa ururadaa aynu soo sheegney. Maqaalkan waxa la qoray, iyadoo la kaashanayo ‘Immigration Law Practitioners Association iyo Mick Chatwin, garyaqaane iyo qareen ku takhasusay sharciga soo galka (immigration law).

This document was provided by Community Legal Service Direct, April 2006, www.clsdirect.org.uk