Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Fursado loo simanyahay: wax ka qabadka noocyada kale ee sinaan la’aanta
Equal Opportunities (5): Dealing with other types of discrimination

Wax ka qabadka noocyada kale ee sinaan la’aanta

Waa inaad dacwadaada ugudbisaa maxkamada deegaanka ‘county court’ hadii aad la kulantay sinaan la’aan waayo jinsigaaga (lab iyo dhadig) adoo:

  • Guri iibsanaya ama kiraysanaya;
  • Gelaaya jaamacad ama iskuul; ama
  • Iibsanaya alaabo ama adeeg.

Kooxda usinaanta fursadaha ‘The Equal Opportunities Commission’ ayaa kaa caawin kara wixii talo ah. Waxay kaala talin karaan ashkatada, marka lagu daro tegida maxkamada ama gudida (ashkatada).

Eeg ‘taageero dheeraad ah’ wixii faahfaahina.

Tegida maxkamada

Hadiiaad doonayso inaad dacwad u gudbiso maxkamada, waa inaad bilawdo muddo lix bilood oo maalin dhiman markii ay arintu dhacday. Maxkamadu waxay ku siin kartaa foomka N1, iyo faahfaahino ku saabsan nidaamka.

Sideeloo bixiyaa dacwada

Hadiiaad ku doodayso in ka badan£5,000, waa inaad aad uga fekertaa sidii aad u bixin lahyd keeskaaga, waayo kharashka ayaa badanaya. Hadii aanad awoodeen inaad dacwada adigu iska bixiso, waxa jira dhowr siyood oo loo bixiyo:

  • Hadii aad ku doodaysid sinaan la’aan la xidhiidha ninimadaada ama dumarnimadaada, ama dakhliga, kooxda ‘Equal Opportunities Commission’ waxay aqbali karaa dacwadaada, tusaale tijaabo ahaan.
  • Waxa aad maalgelin ka heli kartaa ‘Community Legal Service (oo hore loo yaqaaney Legal Aid), hadii aad buuxiso shuraha qaarkood. eeg ‘The Community Legal Service’ wixii taageero dheeraad ah.
  • Waxa aad raadsan kartaa qareen dacwadaada aqbala isagoo heshiiska aanu waxba qaadanayn hadii aanu ku guulaysan ‘no-win, no-fee’. Eeg bogaga ‘Community Legal Service Direct leaflet ‘No-win, no-fee actions’ wixii faahfaahin ah.

Xeerka xuquuqda bani-aadanka ‘The Human Rights Act’

Xeerkaxuquuqda dadka ee 1998 waxa uu daboolayaa sinaan la’aan badan– oo ku jiraan qaar aanu dhigin sharciyada sinaan la’aanta ee kale. Hasa yeeshee, sharcigan waxa keli ah oo la isticmaali karaa marka qodobada kale mid soo galo sida xuquuqda ‘inaad hesho ixtiraam nolol kuu gaara iyo reerkaaga’.

Waxasidoo kale aad adeegsan kartaa xuquuqda hay’adaha dawlada oo keli ah (sida booliska, konsilka, xarunta shaqo bixinta) ee uma adeegsan kartid shirkadaha gaarka loo leeyahay. Hasa yeeshee maxkamadu waa inay qadarisaa waxa uu dhigayo xeerka xuquuqda bani aadnimo. Wixii faahfaahina eeg bogaga‘The Human Rights Act’.

Sinaan la’aanta la xidhiidha da’daada

Haddama jiraan sharciyo joojinaya in dadku ama ururadu ay kula kacaan sinaan la’aan la xidhiidha da’da. Shaqada, tusaale ahaan waxa loo ogolyahay in shaqo bixiyuhu ka tashado da’da marka uu shaqada bixinayo. Ama uu dooranayo in cid dalacsiiyo, ama shaqada ka fadhiisiyo. Hadii aad ka yartahay 65, aanad shirkad u shaqaysay in ka badan 2 sano waxaad si toos xaq u leedahay gunada shaqo ka fadhiisiga ‘redundancy pay’. Laakiin shaqo bixiyuhu waxa uu khasab kaaga dhigi karaa inaad shaqada ka fadhiisato marka aad gaadhid da’da qaarkood (inta badaninta u dhaxaysa 60 ilaa 65).

Nidaamkaqorshaha shaqada ee la dhaho ‘Code of Practice on Age Diversity in Employment’ waa jahayn ay dawladu diyaarisay si aan shaqo bixiyayaashu sinaan la’aan u samayn la xidhiidha da’da. Maaha sharci, laakiin waxa dhigaysaa si aan shaqo bixiye uu caadil uga ahaado dadku da’da ay doonaan ha ahaadeene.

  • Shaqo qorista;
  • Dalacista;
  • tababarka;
  • shaqo ka fadhiisinta iyo,
  • maamulista dadka shaqo gabka noqday.

Waxaydaboolaysaa sida shaqooyinka loo xayaysiiyo, sida loo qoro. ‘taageerada dheeraadka’ sidii aad dhaqankan wax uga sii ogaan lahayd.

Hadii aad shaqaynaysid, shaqo bixiyahaagu waxa laga yaabaa inuu leeyahay nidaam fursad loo simanyahay ah, taas daboolaysa sinaan la’aanta da’da. Hadii ay leeyihiin oo aaney ku dhaqmin, waxay jibinayaan heshiiskii aad shaqada ku gashay, waxaanad geen kartaan ashkato maxkamada ama gudida shaqaalaha ‘employment tribunal’

Bilawgii 2001 dawladu waxay baahisay inay keenayso sharci wax ka qabta sinaan la’aan shaqada ee la xidhiidha da’da, si ay Yurubta kale ay kala mid noqoto sharciga ‘European Union Equal Treatment Directive’. Tan macnaheedu waa in wadamada Yurubta ay iskaga mid noqdaan. Sharciga mana hirgelayo ilaa Oktobar 2006.

Hasha yeshee, hadii aad u malaynayso in laguu eryey cadaalad daro la xidhiidha da’daada, waxa aad dacwadaada u gudbin kartaa gudida shaqaalaha ‘employment tribunal’ ama maxkamada adoo adeegsanaya xeerka shaqaalaha (eeg ‘Going to an employment tribunal’). Hadii aad tahay shaqaale dawladeed. Waxa heli kartaa dacwad la xidhiidha xeer xuquuqda bani-aadanimo. (eeg ‘The Human Rights Act’).

Taageerodheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxaydiyaarisaa macluumaad bilaash ah, caawimo iyo talooyin loogu talagalay shacabka oo ka kooban arimo khuseeya qawaaniinta guud.

Wac 0845 345 4 345

La hadal lataliye aqoonyahan ah wixii arimo ku saabsan gunooyinka, cashuuraha, deynka, waxbarashada, guriyeenta, ama shaqaynta, ama kuu raadiaya qolooyin kale oo talo ku siiya wixii arimo kale ku saabsan.

Riix halkan: www.clsdirect.org.uk

Baadholataliye xaga sharciga oo deegaankaaga ah. Iyo wixii kale ee macluumaad internetka ah iyo taageerooyin.

Equal Opportunities Commission

phone: 08456 015 901

www.eoc.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talooyin ee ku saabsan sinaa la’aanta xaga iskuulada

Helpline open Monday to Friday 2 to 5pm

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidaad u ogaatid goobta macluumaadka bulsho ee kuugu dhow

phone: 08457 474747

www.acas.org.uk

Age Concern

phone: 0800 00 99 66

www.ace.org.uk

Employment Tribunal Service

Khadka macluumaadka Gudida shaqaalaha

08457 95 9775

www.employmenttribunals.gov.uk

The Gender Trust

For transgender people

phone: 0700 0790 347

www.gendertrust.org.uk

Stonewall

For lesbians, gay men and bisexual people

phone: 020 7881 9440

www.stonewall.org.uk

Terrence Higgins Trust

Waxa loogu talogalay Dadka qaba HIV ama AIDS

phone: 0845 1221 200

www.tht.org.uk

Third Age Employment Network

phone: 020 7843 1590

www.taen.org.uk

wixii ku saabsan nidaamka ku dhaqanka ee la xidhiidha shaqaalaha da’dooda ee xafiiska shaqada iyo gunooyinka shaqo ka fadhiisiaga ‘Age Positive Team within the Department for Work and Pensions

phone: 08457 330 360

www.agepositive.gov.uk

This leaflet is published by the Legal Services Commission (LSC). It was written in association with Sara Leslie of LeslieOwen

This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk