multikulti

Fursado loo simanyahay: sianaan la’aanta la xidhiidha jinsiga (lab iyo dhadig)

Equal opportunities (2): Sex and sexual discrimination

Sinaan la’aanta jinsiga

Waxa jira laba xeer oo loogu talogalay in dumarka iyo ragu sinaan helaan.

  • Xeerka lab iyo dhadig ee 1975 (dib loo bedelay 1986) waxa uu ka dhigayaa sharci darro in ay dumarka iyo ragu sinaan la’aan la kulmaan dhinaca, waxbarashada, guriyeenta,ama iibsiga adeega kale, iyo xayaysiinta arimahaas. Waxa kale oo sharci darro ah in qof sinaan la kulmo waayo waa xaasley.
  • Xeerka dakhliga loo simanyahay ee 1970 (ee wax laga bedelay1984) waxu dhigayaa in dumarka sida raga mushar loo siiyo, marka ay xaga darajada iyo shaqada ka simanyihiin. Sharciga Yurubna waxa uu dhigayaa in dumarka iyo ragu ay in isleeg la siiyo marka laga hadlayo shaqada is leeg. Wixii faahfaahina eeg dakhliga siman ‘equal pay’.

Dalbasho shaqo

Xeerka jinsiga (The Sex Discrimination Act) waxa uu ka dhigaa sharci darro in uu shaqo-bixiyuhu marka uu bixinayo shaqo sinaan la’aan kugu sameeyo waayo jinsigaaga, ama hadii aad reer leedahay. Sharcigu wuxuu daboolayaa sadex meelood:

Marka aad go’aan ka gaadhaysid qofka shaqo la siinayo. Marka aad xayaysiinaysid qofka la rabo, marka la buuxinayo foomka codsiga, marka aad qaabilayso dadka la soo koobay, marka aad waraysanaysid dadka shaqada raba, iyo marka ugu danbaysa ee aad dooranaysid.

Shuruudaha shaqada, sida mushaharka, fasaxa.

Iyo inaad ula kac aanad ugu soo darin dadka la dooranayo

Sharcigu wuxuu daboolayaa dadka qandaraaska, waqtiga buuxa iyo kuwa waqtiga dhiman shaqeeyaba.

Tusaale sinaan la’aan noocana oo toos (direct) ah waxa kamid ah inaan dadka laga tashanayo (in shaqo lasiiyo) aanad kusoo darin dumarka, ma ragaba (tusaale – inaad diido in xoog-haye laga dhigo nin).

Tusaale ah sinaan la’aanta aan tooska ahay, waxa kamid ah in aad tidhaahdo qof kasto oo shaqada codsanayaa waa inuu ciidamada kamid ahaan jiray (hadii aad sabab weyni jirin). Waayo dumar badani may soo marin ciidamada, sababtaa awgeed dumar badani ma dalbanayaan shaqadan.

Inaad ula macaamisho qofka aan reerka lahayn macaamilo ka fiican kuwa reerka leh waa sharci darro,marka la eego xeerka sinaan la’aanta jinsiga (Sex Discrimination Act). Waxay noqonaysaa sinaan la’aan toos ah, hadii shaqo-bixiye shaqada u diido gabadh xaasley ah, waayo waxa uu u malaynayaa in ay u dhawdahay inay uur yeelato, oo shaqada fasax ka qaadato.

Sinaan la’aanta aan tooska ahayn waxa kamid ah hadii shaqo-bixiyuhu uu meel kale u guuro, hadii aan sabab weyni jirin, oo aanu caddayn inay muhiim tahay in meeshaa uu u guuro.

Marka loo ogolyahay in shaqo-bixiyuhu uu la yimaado sinaan la’aan

Mamar waxa loo ogolyahay shaqo-bixiyaha inuu shaqo siiyo rag keliya, ama dumar. Tan waxa la dhahaa ‘genuine occupational qualification’ (GOQ). Mararka ugu badan ee shaqo-bixiye uu samayn karo arinta waa:

  • Sharafta iyo qarsoodiga: masalan hadii nin shaqo la siiyo si rag xanuusanaya maryaha uga bixiyo, ama xamaamka u kaxeeyo;
  • Adeega shakhsi: si in dumarka shaqo la siiyo caawinaya tabarucaada loo fidiyo dumarka;
  • Marka shaqaale loo baahanyahay meel la seexda dumar ama rag oo aaney jirin meel gaara oo la kal seexiyo (dumarka waxa shaqaale loo dhigi karaa dumar keliya);
  • Shaqooyinka rag ama dumar keli ah la shaqaalaysiiyo. Sida cisbitaalada, jeelasha;
  • Shaqooyinka gaarka ah, sida kuwa daryeelka;
  • Shaqooyinka u baahin caawin jidhka ah, sida maryo u gelinta ama ciyaaraha;
  • Iyo marmar shaqooyinka debeda ee u baahan laba qof oo is qaba.

Hasa yeeshee shaqo-bixiyaha looma ogola inuu isticmaalo (xayaysiinta) kelmadaha xoog, karti si sabab uga dhigo inaan dumar loo baahnayn.

Shaqo ka eri ama ka fadhiisin

Looma ogola shaqo-bixiyaha inuu sinaan la’aan ku kaco ku waajahan dumarka ama raga qaar marka uu shaqo ka fadhiisin ama ka eryayo shaqaale. Waa sharci darro in:

  • In la eryo nin haddii uu ilmo xanuusanaya daryeelayo, haddii loo ogolyahay dumarka arintaas oo kale;
  • La eryo qof shaqo ka habsaan awgii, hadii qof kale oo jinsiga ka soo horjeedaa uu habsaamo sidoo kale;ama
  • Lama ogola in shirkadi nidaam samaysato ay leedahay dadka ugu shaqada yar baa la eryayaa, waayo waxa ay u dhowdahay in dumarka caruurta daryeelaa ugu shaqo yaraadaan.

Wixii faahfaahin ah ee la xidhiidha eriga ama shaqo ka fadhiisinta eeg bogaga ‘Community Legal Service Direct leaflet, ‘Employment’.

Waxaad leedahay ilme

Waa qalad in shaqo-bixiye kula kaco dumarka sinaan la’aan waayo uurbay leeyihiin, ama waxa qaateen fasax la xidhiidha dhaliinka. Masalan waa:

  • La eryey, ama shaqada laga fadhiisiyey;
  • Loo diidey dalacniin;
  • Waxa la geeyey darajo hoose markii fasaxa dhaliinka la xidhiidha kasoo noqotey;
  • Waxa loola macaamiley si kale oo xun.

Waxa ay shirkadu ku xadgubi kartaa xeerka sinaanta hadii ay dumarka ula dhaqmaan macaamilo xun hadii ay daryeelayaan caruurtooda. Waxa loo sheegay in hadii ay shaqada doonayso inay kusoo noqoto inay shaqayn karto oo keliya saacado go’an. Markaa waxa laga doonayaa shaqo-bixiyeha inuu c