multikulti

Weerarada midabka ama diimaha

Racially and religiously motivated attacks

Macluumaadkanu waxay khuseeyaan England iyo Wales

Waa maxay Dhiirigelinta weerarada la xidhiidha midabka iyo diinta qofka

Weerarka ama jidh dilka noocan ahi waa mid qof dhaawac loogu gaysanayo diintiisa ama midabkiisa awgii, ama diin yari awgeed. Tan waxa ka mid ah:-

  • Jidh dil qof ama reer ay ku sameeyaan qof ama dad kale
  • Weerar lagu qaado qof, ama reer hoygooda, sida daaqad la jebiyo, wax sanduuqa boosta laga soo rido, ama gaadhiga oo dab lagu qabto
  • Waxyeelada af lagaadada ah, ama hanjabaada
  • Cay qoraal ah, sida warqad, iimayl, fariin telifoon ama iimayl.
  • Cay (ama aflagaado) lagu sawiro gidaar ama daar

Weerarada midabka ama diimaha

Hadii lagu soo weeraray ama wax lagu yeelay diintaada ama cidda aad tahay awgeed, qofka arintaa sameeyey waxa uu ku kacay denbi (sharci darro ah).

Sidoo kale hadii qof dhiiri geliyo nacayb la xidhiidha midab ama qolo, sida qoraalo la qaybiyo, waxa lala tiigsan karaa sharciga. Waa isku sharci diimaha qofka wax lagu yeelaa.

Sharciga khuseeya weeradada qofka wax lagu yeelayo diintiisa ama midabkiisa waa adagtahay fahankiisu, waxaana aad u baahantahay talo ay ku siiyaan ururadu, sida ururka la talinta muwaadainka ‘Citizens Advice Bureau’.

Waxyeelada (denbiyada) la xidhiidha midabka iyo diinta

Hadii denbi (waxyeelo) ay ku raadleedahay midab ama diin waxa maxkamadu siinaysaa denbiilaha ciqaab ka badan hadii aanu denbigaasu ku shaqo lahayn midab ama diin. Waxaana kamid ah denbiyada la xidhiidha