Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Calaamadaha miyir dhinaanta (Asperger syndrome): waxa inaga inoo tahay
Asperger syndrome: what it means to us

Maxay tahay dhandhaaimada maahsani ?

Waxa laga yaaba in aad akhrideen dabaca ay soo saartay Hay`adda Guud ee Dhakaakaha kuna saabsan maxay tahay dhaasndhaanimada maahsani? Markii aan la xidhiidhnay kooxo kala duwan oo bulshada London ah, waxxanu dareenay in aanay ka tarjumayn waayo aragnimada dadka waaweyni arrintan, dabadeedna waxaanu xaashidan ku sifanay sida dhaandhaanima maasani inoo saamaso maalin kaste iyo wixii inna caawin lahaa.

Waynu sifaynay waayo arqagnimadeenii, laakiin qof kaste oo Dhaandhaan maahsani waa shakhsi wuxuuna leeyahay wanaag iyo dhibaato uu kaga duwan yahay inta kale.

Dhaandhaanimada maahsani waa curyaanimo taa oo qayb ka ah noocyada dhakaakaha. Wa la talaali karaa dadka u muuqda in ay khatar ku jiraan.

Talaalada kale ee nooca dhinaanta waxa ka mid ah dhakkake tir iyo dhakaake tirka sare.Dhaandhaanimada maahsan iyo dhakaakenimada sare sida badan waxa loo isticmaala in la is waydaariyo.Dhaandhaanimada maahsan waxa la galin karaa darajada kala daadsanaanta oo hore u martay.

Sheekada john

Marka ugu horasa ee dadku john la kulmaan, waxa laga yabaa in ay u maleeyan in aanu wax dhib ah qabin.Lakiin john wuxu aad u doonaaya in uu schoolka la qabsado waxaanay ku keentay diiqad markii uu la qabsan kari waayey.waligii may dooran teamaumka schoolku isaguna ma garanaayo sidii loogu xidhmi lahaa marka garoonka la joogo. Sidaas oo tahay wuu ku fiican yahay xisaabta iyo kombuutarka waxaana la ogaaday in uu qayrkii madadaalin karo, xusuus wanaaga uu uleeyahay maadaynta..18 jirkiisi waxa laga talaalay Dhaandhaanima maahsan.Mar danbana waxa laga talaalay xanuunka maskaxda,waxaana ku dhacay xanuunka diiqada.

Markii uu weynaadayna.in kaste oo uu darajo fiican helay GCSE iyo A level kiiba, hadana collegekii wuu ku adkaaday ila uu siiyo qof takhasuslihi gacan.Way ku adkaatay in uu shaqo helo ilaa uu gacan siiyey qof takhasus lehi sidii uu uga jawaabi lahaa sua`laha lagu siinayo shaqada iyo sidii uu isugu abaabulilahaa shaqadiisa,waxayna arrintani siisay fursad.Shaqa bixiyuhu wuxu ku arkay shaqo badnaan badan markii uu aad ugu fiirsaday.

Sheekada jane

Jane kumay haysan saaxiibo schoolka,waxayna is aragtay iyada oo ku dawakhday ciyaaraha garoonka. Ardayda ay isku glaska yihiin waxay marmar ku yidhaadaan nuuti. Maxaa yeelay waxay ka faloota arrimaha dadka kale iyada oo aan odhan karayn. In kaste oo ay qof weyn tahay hadana dhib bay ku tahay intay baxdo in ay saxiibo yeelato,lakiin waxay ku raxaysataa ciyaarta jeska waxayna kula kulantaa ninkeeda naadiga jeska.Ninkeeda iyo caruurtu waxay fahmeen in ay jeceshahay waxyaabaha soo noqnoqda,waxaana ku dhaca niyad jab haddii isbedel degdeg ihi dhaco, marka waxay caadaysteen ciyaaraha guriga gudihiisa oo iyada u haboon.

Waxay heshay shaqo xisaabiye, waxayna u waday si fiican ilaa hay`addii dib hayn lagu sameeyey shaqaale badanna lakala badalay. Jane aad bay arrintaa uga murugootay,waxana u tagtay dhakhtarkeedii. Wuxuuna jane u diray dhakhtar cilmi nafsiga yaqaan . kaas oo ka talaalay xanuunka dhaandhaan maahsan oo ay qabtay.

Maxay tahay dhibaatada haysataa dadka qaba dhaandhaanimada maahsan?

Dhaandhaanimada maahsani waa xaalad adag-waana mid qarsoon waxaanay keentaa mararka qarkood in aan daku fahmin.Iyada oo ah xaalad murugsan. Way adag tahay mararka qaarkood talaalisteedu.waxa sida badan lagu sifan karaa kaladhantaali jirta – seddexda urur ee dhibaatau waxay yihiin :

  • Dhibaato ka haysata la xidhiidhka bulshada..
  • Dhibaato ka haysata fahanka iyo la xidhiidhka mujtamaca
  • Dhibaato ka haysata qiyaasidda iyo malaynta.

Dhaandhaanimada maahsani waxa laga yabaa in ay ku jiraan arrimo xiisa lihi,kuwaas oo ah kuwo murugooda haddii xaaladda caadiga ihi is bedesho.

Hoos waxa ku qoran waayo arragnimadayadii seddxdaa adadag.

Dhibaatada la xidhiidhka bulshada

  • “Waan jecelahay in aan xaflad samaysto, lakiin wax fikrad ah kama haysto sidii loosamayn lahaa mid.”
  • “Iima fududa in aan saaxiib samaysto, sida dadka kale.”
  • “Bulshonimado uma timaado si dabeeci ah – waa in aynu baranaa.”
  • “Mararka qaarkood waan fahmi waynaa xaaladaha iyo calaamadaha.”
  • “Waa adiga oo ka dambeeya gidaar qarsoon.”
  • “Waa xaalad u eeg gooryaan ku jira qaruuradda jamka.”
  • “Waxaan ka bartay xidhiidhada dawashada filimda. Waxaanan ogahay in aanay sawiradani xaqiiq ahayn.”
  • “Way igu adag tahay in aan hore u dareemo bulshada sifafaalaheeda, waanay igu adag tahay waxaan yeelilahaa markay arrimo murgaan.”
  • “Way I murug galisaa awood daradaydu marka aan ka qayb qaadan kariwaayo arrimaha.”
  • “Way nagu adag tahay mararka qaarkood in aan malayno qof da`dii ama in uu wehel lammaane ah leeyahay iyo in kale.”
  • “Mararka qaarkood wuu nagu adag yahay in haasawuhu socdo.”
  • “Mararka qaarkood way noo fududaha in aanu is fahanno dadka dalalka kale

Dhibaatada gudbinta iyo isgaadhsiinta

  • “Maraka qaarkood si dhakhso ah uma fahanno waxa dadka kale leeyahay.”
  • “waxa laga yabaa in aanu fahmi weyno tixaha qaarkood sida`Laba laba uma geyn karo`.”
  • “waxaanu isku daynaa in aanu arrimaha qaar duu duub u qaadano.”
  • “Mararka qaarkood annaga oo wax ka hadlayna waxa laga yabaa in aanan hadalka kala joojin annaga oo ann dareemin in aan qofka kale xiisaynayn.”
  • “Way nagu adag tahay in aanu fursadaha qaadanaa.”
  • “Mararka qaarkood way nagu adag tahay in aan naftayada fahanaa.”
  • “Haddii aad dhaandhaanimada maahsan qabto, fahank hasaawuhu wuxu kaaga dhigan yahay qof isku dayaaya in uu fahmo af shisheeye.”
  • “Mararka qaarkood way nagu adag tahay, waanay xanuun badan tahay in aanu qof toos u eegno, dadkuna nama fahmi karaan waxana u haystaan in aanu ka leexanayno ama aaan daacad ahayn.”

Dhibaatada malaynta.ation iyo qiyaasidda

  • “Dhibaatooyinka qaar badan oo naga mid ah haystaa waa malaynta iyo qiyaasidda dareenka dadka kale.”
  • “Waqtiga carruurnimada waxaanu dhibaato kala kulanaa in aanu ku xidhanno sheekooyink qiyaasaha iyo malaawaadka ku fadhiya ee garoomada ciyaaraha,ama kaftanka. Qaar naga mid ah ayaa barta marka ay koraan.”
  • “Way adag tahay in aanu ka shaqayno waxa dadka kale garanaayaan. Waxa nagaga sii adag in aanu malayno waxa dadka kale ku fakiraayaan.”
  • “waxa nagu adag in aanu fahanno cayaaraha iyosheekooyinka.”
  • “mararka qaarkood waxa nagu adag in aanu garano dadka kale qiiradooda.”
  • “Astaamaha qiirada iyo waji ka hadalkuba way nagu adag yihiin in aanu fahano –haddii qof si wacan u qoslo, waa caddaan, laakiin qiirada qarsooni way adag tahay.”

“Dadku waa in ay xusuustaan in aanay ahayn dadka qaba dhaandhaanimda maahsan oo kaliya kuwa ay ku adag tahay gudbinta iyo xidhiidhka bulshadu.Ee qof kaste ayey arrimahani ilaa xad ku adkaan karaan,lakiin dadka dhaandhaanimada maahsan qaba way ku sii adag tahay gaar ahaan marka xaaldaha noloshoodu adag tahay.”

Arrimo la xiiseeyo

  • “Waxaanu jecelahay arrimaha xiisaha gaarka u leh noloshayada.”ives.”
  • “Way igu adag tahay in aan joojaa arrimaha xiisaha gaarka ah ii leh mark aan u baahanahay.”
  • “mararka qaarkood arrimaha xiisaha gaarka ah lehi way hore u mari karaan,waanau ka shaqayn karaa barashada arrimaha xiisaha gaarka ah noo leh
  • “Kuwa kale had iyo jeer uma muuqdaan kuwo igula wadaagaaya arrimahayga xiisaha leh calan tag.”
  • “sida dhabta ah waan ku raaxaystaa in aan waqti ku qaato eegista biraha laydhka qaada iyo dhismahoodas.

Xaaladda caadiga ah

  • “Hadii xaaladda caadiga ihi is bedesho,sidii loo maamuli lahaa wuu nagaga adag yahay dadka intiisa kale.waxaana nagaga sii adag haddii aanu samaynayno qabanqaabo fasax samaynayno ama ku helayno shaqo cusub waqti go`n.”
  • “Haddii la ii digo,waxba kama qabo in aan is bedelo,waxayse u baahantahay in waqti hore la sii qorsheeyo oo aanay kadis nagu noqon.”

Sababo

Waxa jira arrimo badan oo sababa Dhaandhaanimada maahsan ,sida arrimo deegaanka iyo cimilada,maskaxda maskaxda oo dhaawacanta,dhibaato waqtiga dhalashada ama xanuun carruurnimo.cidna hadda si dhab ah uma hubto waxa sababa.Cilmi baadhis baa socota,lakiin waxa loo malaynaaya in hidda sidayaashu qayb weyn ka ciyaaraan.

Dhacdooyinka guud

Dhaan dhaanimada maahsani waa mid ay sii kordhiso dhaqamada iyo luqadaha kala duwani.waxay samaysa in badan oo rag ah marka dumarka loo eego.Way ku adag tahay dadku in ay arkaan dhibaatada ay qabaan dumarka leh dhaandhaanimada maahsan.

“Dadka qaba dhaandhaanimada maahsani waxay u badan tahay in ay qadaan xanuuno dhibaato leh marka loo eego dadweynaha kale, sida xanuunka maskaxda,deef shiidka iyo xanuuno dhinaca maskaxda ah.”

Maxaynu ku fiicanahay?

Dhaandhaanimada maahsani waa arrin warwar iyo niyad jab leh.Laakiin waxa jira arrimo aynu ku fiicanahay oo ay adagtahay in dadweynuhu fahmaan.In badan oo innaga mid ihi waa dad garaad badan, lehna maskax garashadeedu sarayso.Hoos waxa ku qoran waxyaabo dadka kooxdeena ku jira ay ku fiican yihiin.

“Waxaan ku fiicanahay xusuusta xaqiiqooyinka iyo xisaabadka, sida namberka gaadhiga iyo jadwalka (time table).waligay umaan baahan in aan telefoon namber qoro. Waxaanan u leeyahay xusuus gaar ah kaftanka iyo maadayska, majajilada iyo dhammmaan jilidda aflaamta”

“Waxaan si faahfaahsan u xusuusan kara hasawihii aan yeeshay toban sano ka hor.(tani waxay keeni kartaa khilaaf idin dhexmara qof aan xusuusanayn wuxu leeyahay!)”

“Waxaan leeyahay dareen xoog badan oo caddaalada ku saabsan.”

“Waxaan ku fiicanahay computerka”

“Waxaan ku fiicanahay luqadaha.”

Maxaa Gacan Na Siinaya?

  • “Dadka waqti bay ku qaadata in ay fahmaan dadka qaba Dhaandhaanimada Maahsan.”
  • “ Wax barashada gacan baanu uga baahannahay _ tusaale Koolajka waxaan uga baahanahay cid I tusta waxyaabaha qaarkood.”
  • “Waxaanu u baahanahay in aanu ku noqnoqono markaanu wax baranayno.”
  • “Gacan baanu uga baahanahay barashada xalinta xaaladaha qoyska,iyo sidii looga shaqayn lahaa hore u marinta kalgacalka iyo saaxiibtinimada.”
  • “Dadku waxay nagu caawin karaan iyaga oo si hufan noola xidhiidha – iyaga oo si faahfaashsan noogu sharxaaya waxa la qaban doono,taas oo ay si fudud u fahmaayaan; gacanna ka siinaysa in ay hawsha si fudud u qabtaan.”
  • “Dadkani gacan bay uga baahan yihiin shaqo helista, waxaa kaloo ay uga baahan yihiin gacan shaqo wadista ama shaqo gudashada marka ay helaan.”
  • “Waxaa kale oo ay gacan u baahan yihiin marka ay yihiin dad iskood u shaqaysta.”
  • “Dadku waa in ay si cad u hadlaan iskana ilaaliyaan muhmalka.Dadku in ay isku dayaan in ay ku taagnaadaan dulucda (Mowduuca) hadalka , waana in ay xusuusnaadaan wixii ay noo sheegeen.”
  • “Waa mid na caawinaysa haddii daku aqbalaan una dul qaataan xaaladda,taas oo nagu ah xaaladda udub dhexaadka u ah arrinta.”
  • “Waa mid na caawinaysa haddii ay dadku garwaaqsadaan, in aanan annagu bilaabin isdhex galka dadka, laakiin waanu ku xidhanaa haddii gacan la nagu siiyo.”
  • “Waxaanu u baahannahay in shuruucda la noo cadcadeeyo.la noona sheego wixii aan qaban lahayn iyo wixii kale arrimaha ijtimaaciga
  • “waa mid na caawinasa haddii aad si toos ah oo diiran noola dhaqntaan.”
  • “Una fiirsataan qiimahayaga dadnimo iyo hibada ilaahay na siiyey.”

Akhris la dhiiri galinaayo

Tony Attwood Asperger’s Syndrome a guide for parents and professionals Jessica Kingsley Publishers 1998*

Gunilla Gerland A Real Person: life on the outside Souvenir Press 2003*

Temple Grandin Thinking in Pictures Vintage Books 1996*

Temple Grandin and Margaret Scariano Emergence Labelled Autistic Warner Books 1986*

Martine Ives What is Asperger Syndrome and how will it affect me? The National Autistic Society 2001*

Luke Jackson Freaks, Geeks and Asperger Syndrome Jessica Kingsley Publishers 2002*

Wendy Lawson Life Behind Glass Jessica Kingsley Publishers 2000*

Clare Sainsbury Martian in the Playground Lucky Duck Publishing Ltd 2000*

Gisela and Christopher Slater-Walker An Asperger Marriage Jessica Kingsley Publishers 2002*

Digby Tantam and Sue Prestwood A Mind of One’s Own The National Autistic Society 1999*

Donna Williams Nobody Nowhere Jessica Kingsley Publishers 1992*

A useful reference work for use on computer – a CD ROM or DVD ROM developed by the University of Cambridge: Mind Reading: the interactive guide to emotions Human Emotions 2002*

* Available from NAS Publications. To find out how to order:

Tel: 020 7903 3595

Email: [email protected]

For a full list of publications and to order on line see the NAS website: www.autism.org.uk

Xidhiidhada faahfaahsan ee soo socda waa wax tar

Jaliyadda guud ee Dhakaakaha(The National Autistic Society)Telefoonkooda caawimadu wuxu u shaqeeyaa kuwa ay samaysay Dhakaakanimada ama Dhaandhaanimada Maahsan ee dalkan Ingiriiska.Tusaale ahaan waxaad weydiisan kartaa buqshadda wararka faahfaasani ku jiro,ama cinwaanka meesha kugu dhow ee aad caawimo ka heli kartid xafaddaada ama ariyahaga,ama waraaqda ku saabsan xaalad gaar ah.Telefoon direyaasha ( wacayaasha) u baahan waraysi qoto dheer,waxa lagu xidhaaya caawiye ku shaqeeya khadka telefoonka.

Autism Helpline 0845 070 4004 Mon – Fri 10.00am-4.00pm

The Helpline can also be contacted by letter or email at:

Autism Helpline

393 City Road

London EC1V 1NG

Fax: 020 7833 9666

Email: [email protected]

A newsletter written by people with Asperger syndrome for people with Asperger syndrome:

Asperger United

c/o The National Autistic Society

393 City Road

London EC1V 1NG

Tel.: 020 7903 3541

Email: [email protected]

Prospects Employment Consultancy – National Autistic Society supported employment service for adults with Asperger syndrome:

Prospects London

Studio 8

The Ivories

6-8 Northampton Street

London N1 2HY

Tel: 020 7704 7450

Fax: 020 7359 9440

Email: [email protected]

Prospects Glasgow

1st Floor

Central Chambers

109 Hope Street

Glasgow G2 6LL

Tel: 0141 248 1725

Fax: 0141 221 8118

Email: [email protected]

Prospects Manchester

Anglo House

Chapel Road

Manchester M22 4JN

Tel: 0161 998 0577

Fax: 0161 945 3038

Email: [email protected]

Prospects Sheffield

Sheffield Hallam University

School of Education

35 Broomgrove Road

Sheffield S10 2NA

Tel: 0114 225 5695

Fax: 0114 225 5696

Email: Prospects-Sheffield.org.uk

For students over the age of 16 with any disability: Skill (National Bureau for Students with Disabilities)

Chapter House

18 Crucifix Lane

London SE1

Tel: 020 7450 0620

Fax: 020 7450 0650

Helpline: 0800 328 5050

Email: [email protected]

Website: www.skill.org.uk

Autism Helpline 0870 600 8585

Mon – Fri 10.00am-4.00pm

The Helpline can also be contacted by

contact details may be helpful:

The National Autistic Society’s Helpline provides an information service to those

Autism Helpline 0870 600 8585

This document was provided by The National Autistic Society. www.nas.org.uk