Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Waxbarashad naafada
Learning disability

Koobis (ama Gaabin)

Warqadani waxay sidaa xaqiiqada waxbarashadqa naafada.

  • Maxay tahay wax barashada naafadu ?
  • Imisa dadba qaba waxbarashada naafada?
  • Sideed u sheegi karaysaa in qofku qabo waxbarashada naafada?
  • Dhibaato intee nooceeya ayay la kulmaan dadka qaba waxbarashada naafadu?
  • Muxuu xuquuq leeyahay qofka qaba waxbarashada naafadu?

Sifayn

Maxay tahay waxbarashada naafadu?

Waxbarashada naafadu waa ta ugu caansan dalkan UK.Waxa jira noocyo kala duwan oo waxbarashada naafada ah,waxayna noqon karaan:

  • Mid fudud
  • Mid caadi ah
  • Mid xun
  • Mid aad u xun

Dhammaantood waa xaalado nolosha la soconaaya.Wax barashada naafadu waa mid saamayn ku leh awooda qof wax ku baran karo, ama xidhiidh ku samyn karo ama arrimo kale oo nolol maalmeedkiisa ku saaabsan.Ma ahaa xanuun ama cudur. Waxbarashada naafada waxa loo yaqaanay ‘maskax ka naafood’kelmadahan hadda laguma yidhaah, maxaa yeelay dadka qaarkood ayaa u arka mid meel ka dhac ah.

Dad badan oo qaba waxbarashada naafada ayaa dhibaato fahan la’aani haysataa marka dadka kalenloo eego,taasina waxay keentay in gacan lagasiiyo arrimaha maalintii la qabto sida dhar xidhashada, cunto karinta iyo xirfadaha la xidhiidhka dadka. Dadka mida aadka u xun qaba waxa laga yabaa in uu u baahan yahay 24 sacadood oo daryeel ah.

Dad badan oo waxbrashada nafada qaba ayaa si madax banana u nool. Waxa muhiim ah in la garto in dadka qaba naafadani ay yihiin ashkhaas leh arrimihii u gaarka ahaa, sida in ay wax jeclaan karaan ama ay nici karaan ama ay yeelan karaan himilo iyo rajo.Waxbarashada naafadu kama horjoogsanayso qofku in uu wax barto oo uu gaadho guulo waaweyn, haddii uu helo caawimo sax ah.

Imisaa dad qaba waxbarashada naafada?

Waxa la rumaynsan yahay in qiyaastii 1.5 milyan oo qof oo qaba waxbarashada naafada ay ku nool yihiin UK.

Tani waa qiyaastii 3 qof 100 kiiba numberkanina wuu sii kordhaya. Qiyaastii 200 oo carruur ah ayaa dhasha todobaad walba kuwaas oo qaba waxbarashada naafada.Dadka wax barashada naafada qaba waxay noolaadaan in ka badan inta dadka kale noolaado.

Sideed u sheegi kartaa in qof qabo waxbrashada naafada?

Had iyo jeer suurta gal ma aha in laga garto muuqaalka qofka in uu qabo waxbrashada naafada .Dadka badhkood muuqaalkooda way ka muuqataa in uu qabo wqaxbrashada naafada , sida kuwa qaba Isdhaafka aan caadiga ahyn(Down’s syndrome), Sida uu qofku ula xidhiidhaayo dadka ayaa laga gartaa ,qaar baa hadalka yara joo joo jiya.Dad ka mid ah kuwa qaba waxbarashada naafada; ayaan wax dhinaca isgaadhsiinta hadalka lahayn haba yaraatee,sidaa dartee waxa suuragal ah in la istcmaalo calaamadaha is afgrashada,sida calaamadda qoraalka caawisa (Makaton) iyo calaamadaha faro ku hadalka nidaamka Ingriiska (signalong),si ay uga caawiyaan dhinaca isgaadhsiinta iyo is afgrashada.

Dhibaato noocee ayay la kulmayaan dadka qaba waxbrashada naafadu?

Waxa jira dhibaatooyin frabadan oo ay la kulmaayaan dadka qaba waxbrashada naafadu.Waxa suura gal ah in aanay uga qayb qaadan adeegyada asaasiga ah ee bulshada, sida caafimaadka,wqaxbrashada iyo guriyeynta.

Waxay sida badan la kulmaan caga juglayn ama handadaad iyo hanjabad,waana dad u nugul tacadiga iyo xad gudubka danbi falayaasha,waxa lagu sameyn karaa takoor dhinaca shaqada,sida badan ma fahmaan bahidooda iyo awoodooda waxqabashaba dad weynaha, shaqo bixiyeyaasha,warbaahinta iyo xukuumadduba.

Muxuu xuquuq leeyahay qofka qaba waxbrashada naafadu?

Qofka qaba waxbrashada naafada iyo kii aan qabinba waa isku xuquuq.Sannadihii tegay sinaanta xuquuqda arrintan ayuu sharicigu ogolaaday.

Sannadkii 1970 kii ayuu xeerka wax barashadu ogolaaday xuquuqda waxbarashada caruurta qabta waxbarashada naafada.

Sannadkii 1990 kii xeerka daryeelka bulshadu wuxuu gacansiiyey xulashada guryaha dadka qaba waxbarashada naafada iyo in ay xaq u leeyihiin in ay ku dhex noolaadaan bulshada.(woqooyiga Ireland sharcigu wuu kala duwan yahay, lakiin rumaysnaantiisu waa waa isku mid)

Sannadkii 19995 kii xeerka dadka curyaamiinta waxay u ahayd tallaabo hore u mar oo la aqoonsaday xuquuqda dadka qaba waxbarashada naafada. Waxaana taam noqday xuquuqda sinnaanshaha.

Sanadkii 2001dii waraaqda cad ee dawladdu waxay qiimaysay dadka ku nool England,iyada oo fulinaysa ballanqaadyadeed qorshaha Wales iyo gobolada loo dajiyey, iyo mudnaanta kowaad in la siyo dadka qaba wax barashada naafada, waxayna meel wanaasan dhigaysaa doorashada dadka qaba waxbarashada naafada, waxayna siinaysaa qiimayn wanaagsan.

Sannadkii 2005, xeerka midab takoorka ayaa la badalay iyada oo ha’adaha waaweyn ee adeega bulshada la siinaayo wajibaad cusub, sida caafimaadka iyo wax barashada oo kale, waajibaadka cusub waxa ka mid ah:

  • In dhammaan gaadiidka dadweynaha qaada laga dadka kala dhimani (curyaamiintu)
  • marka lagu daro kuwa gaadhi curyaanka istimaalaya
  • in dadka curyaanka ahoo awkood loo bedelo kaadhka gaadhiga ee bluuga ah.
  • In si macquul ah loo kordhiyo waajibaadka ka saran dadka guryaha leh iyo kuwa guryaha kirada maamula in ay noqdaan kowo ay si fiican ugu noolaadaan dadka kal dhimani.
  • Ssidoo kale kuwa guryaha la kireeya maamula waa in ay yeelaan.

Sidoo kale sannadkii 2005 tii, xeerka awood siinta dadka dhiman ayaa la sameeyey si loo ilaaliyo dadka aan lahayn awood ay ku qaataan go’aano naftooda khuseeya.

In kasta oo uu leeyahay qofk qaba waxbarashada naafadu mid la mid ah tan dadka caadiga ah,haddana waxaa jirta in marmar la takooro iyada oo aan marmar la siin fursadaha sida dadk kale loo siiyo, ama adeegyada ay u baahan yihiin dadka qaba wax barashada naafadu aanay helin.Dadka qaba waxbarashada naafadu kama laha go’aan qaadasho adag arrimaha noloshooda khuseeya..

Kelmado muhiim ah

1.Waxbarshada naafau – Wax barashada naafadu waa mid cumriga qofka la

socota oo saamaysa awoodiisa waxbarasho.

2. Isdhaaf Hide Sidea - Waa hide side xaaladiisu keento waxbarashada naafada.

waxaan keena iyada oo ay bataan cunsurada laga

abuurmo ee 21 ka oo si qalada ah u kordha.

3. Calaamadda qoraalka – Waa calaamadda qoraalka caawisa, sida ay

calaamadaha qaarkoodba u cawiyan hadalka.

4. Faro ku hadalka – Waa faro ku hadalka nidaamka Ingiriiska.

Xidhiidhka websaadyada

Kooxda qiimaynta dadka – wixii warar dheeraad ah eek u saabsan warqadda cad ee xukuumadda iyo wixii ay qabtaan kooxda qiimaynta dadkuba kala xidhiidh.

http://www.valuingpeople.gov.uk/

Waaxda cafimaadkar – wixii warar faah faahsan ee ku saabsan dadk waxbarashada naafada qaba cafimaadkooda kala xidhiidh.

http://www.dh.gov.uk/Home/fs/en

Xuquuqda dadka naafada – Wixii warar dheeraad ah kala xidhiidh xeerka xuquuqda naafada 1995 iyo kii 2005 tii

http://www.drc-gb.org/thelaw/thedda.asp

Xuquuqda dadka naafada ah – Wixii war dheeraad ah kala xidhiidh ee ku saabsan dadka qaba waxbarashada naafada.

http://www.drc-gb.org

Kooxaha go’aan qaadashada – wixii wara ee ah faah faahsan kala xidhiidh

http://www.makingdecisions.org.uk

NHS Toos ah – Wixii warar ah ee intaa dheer kal xidhiidh

http://www.nhsdirect.nhs.uk

Waaxda u qaabilsan xeerarka – wixii faah faahina ,ee ku sabsan xeerka awoodda maskaxda ee sannadkii 2005 tii, kala xidhiidh

http://www.dca.gov.uk/menincap/bill-summary.htm

Cafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xeerka 1990 – faah faahinta xeerka kala xidhiidh

http://www.opsi.gov.uk/acts/acts1990/Ukpga_19900019_en_1.htm

British Instituteka ee waxbarashada naafada (BILD) – wixii dheeraad ah ee ku saabsan dadka qaba waxbarashada naafada kala xidhiidh.

http://www.bild.org.uk

Xidhiidhka qoyska(CaF) – Wixii faah faahina ee ku sabsan carruurta qabta waxbarashada naafada iyo xaaladahooda kala xidhiidh.

http://www.cafamily.org.uk

Wax ka qabashada Suuxdinta – Dadk suuxdinta iyo waxbarashada naafada qaba warkooda oo faahfaahsan kala xidhiidh

http://www.epilepsy.org.uk

Hay’adda Assasiga ee Waxbarashada Naafada – Warar dheeraad ah oo waxbarashada naafada ah, kala xidhiidh

http://www.learningdisabilities.org.uk

Hay’adda Assasiga dadka qaba waxbarashada naafada-wixii wararar ah ee dheeraad ah eek u saabsan dadka qaba wax barashada naafad kala xidhiidh

http://www.learningdisabilities.org.uk/page.cfm?pagecode=ISBISTBI

Hay’adda Isdhaafka Hide Sidaha – Kala soo xidhiidh wixii warar ah ee ku saabsan isdhaafka hide sidaha

http://www.downs-syndrome.org.uk

Mashruuca hore u marinta kelmadaha calculus ee calaamadaha – Wixii warar ah ee dheeraad eek u saabsan mashruuca isla xidhiidhka iyo calaamadaha kala xidhiidh

http://www.makaton.org

Faro ku hadalka – warar dheeraad ah oo ku saabsan isla xidhiidhka iyo fara ku hadalka, kal xidhiidh

http://www.signalong.org.uk

This document was provided by Mencap, http://www.mencap.org.uk