Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Gunooyinka: maxaa la heli karaa sideese loo helaa
Benefits: What's Available and How to Get Them

Waxa jira noocyo badan oo gunooyinka ah ooy Dawladdu dadweynaha siiso.

Nidaamka loo dejiyey helitaanka gunooyinka waa mid adag. Wakhti badanna waa qaataa haddii aanad hubin inaad dalban karto iyo in kale waxad u talo doonataa Xifiiska Latalinta Dadweynaha ee degaankaaga (Citizens' Advice Bureau, ururada naafada (disability organisation), mashruuca daryeelayaasha (carers project) ama laanta Waayeelka Danaysa (Age Concern branch).

Waxa jira gunooyin kale oo loogu talo galay qoysaska, geerida (bereavement) dumarka uurka leh, waalidka (guardian), dhaawaca wershadaha (industrial injuries) iyo dhaawaca dagaalka (war injuries). gunooyinkaa laguma soo darin shebekadan caalamiga ah.

Dadka buka ama naafada ah

Waxa jira gunooyinka badan ooy heli karaan dadka buka ama naafada ihi. Qaybtan qoraalkani waxay ka warramaysaa waxyaabaha soo socda:

  • Gunnada Nolosha Naafada (Disability Living Allowance) - waa gunno loogu talo galay dadka naafada ah ee da'adoodu ka hoosayso 65 sano, ee ay dhib ku tahay inay iskooda isu hanan karaan ama ay dhibaato ka haysato inay u lugayn karaa gurigooda debaddiisa.
  • Gunnada Ilaaliyaha (Attendance Allowance) - waa gunno loogu talo galay dadka naafada ah ee ka wayn 65 jir ee ay ku adag tahay inay iyagu is ilalaaliyaan
  • Gunnada Awood la'aanta (Incapacity Benefit) - waa gunno loogu talo galay dadka aan shaqo qaban karin sabab la xidhiidha bukaan ama naafo darteed.
  • Gunnada Cashuurta Qofka Naafada ah (Disabled Persons Tax Credit) - waa gunno loogu talo galay dadka naafada ah ee shaqeeya ee mushaharkoodu hooseeyo.

Gunnada Nolosha Naafada

Waa gunno loogu talo galay dadka naafada ah ee ay ku adagtahay inay iyagu is daryeelaan ama ay dhib ku tahay inay bannaanka lugayn karaan. Waa inaad gunnada dalbataa inta ka horraysa dhalasho maalmeedkaaga 65aad. Haddaad tahay 65 jir ama ka weyn tahay waxad eegtaa Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance).

Waad heli kartaa gunnadan haddii sababto tahay bukaankaaga ama naafadaada darteed:

  • aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidaad wax u karsato, ama ay aad kuugu adag tahay arrimo ay ka mid yihiin hugaaga inaad lebbisato ama maydhato ama aad u baahan tahay inuu qof kale isha kugu hayo si uu u hubiyo inaad nabad qabto. Waxa lagu bixiyaa gunnadan saddex qaybood oo kale duduwan miduun. Si qof aan qangaadh ahayn ee da'diisu ka yar tahay 16 jir ay ugu suganto gunnadan, waa inuu qabaa baahi aad uga wayn baahida uu qabo ilmaha kale ee da'adiisa ah ee aan wax bukaan ah ama naafo ah qabin. Carruutu kuma dalban karto sababo ah inay u baahan yihiin in siday wax u karsadaan laga caawiyo. Ma jirto heer ugu hooseya oo loo xadeeyey da'ada lagu dalban karo gunnadan.
  • Waxa ku haysta dhibaatooyin aan kuu suurta gelinayn inaad bannaanka lugayn karto. Gunnadan waxa lagu bixiyaa laba heer oo kale duwan miduun. Haddii ay kugu adagtahay inaad socon karto waxad helaysaa heerka sare. Haddii aad u baahan tahay qof ku wada ama ku ilaaliya markaad debedda u baxdo, waxad heleysaa heerka hoose. Carruutaka ka yar 16 jir waa inay tusaan inay u baahan yihiin kaxayn dheeraad ah ama ilaalin aanay u baahnayn carruurta filkooda ah ee aan naafada ahayn. Heerka sare waad heli kartaa laga bilaabo da'ada 3 sano, heerka hoosana 5 sano.

Si aad u dalbato Gunnada Nolosha Naafada, telefoon u dir 0800 882 200 England, Wales iyo Scotland iyo 0800 220 674 Woqooyiga (Northern) Ireland. Weydiiso foomka (form) DLA1 ama (DLA1 Carruurta qofkii ka yar 16 jir).

Warar kale oo ku saabsan Gunnada Nolosha Naafada:

  • dhibaatooyinka aad tilmaantay waa inay ku hayeen ugu yaraan muddo 3 bilood ah lagana yaabo inay ku hayn doonaan 6da bilood ee soo socda (haddii aany ahayn jirro ilgeeriyaad leh, markaasoo gunnada degdeg lagu siinayo).
  • waa inaad dalbataa dhalasho maalmeedkaaga 65aad ka hor, laakiin way kuu sii soconaysaa ka dib markaad 65 gaadho. Haddaad tahay 65 jir ama ka wayn tahay, waa inaad dalbataa gunnada Ilaalinta.
  • waad heli kartaa gunno, wax kasta oo dakhligaaga kale, kaydkaaga ama gunooyinkaaga kale aad qaadato yihiin.
  • haddaad hesho gunnada nolosha naafada (disability living allowance), waxa la arkaa inaad hesho taageero dakhli oo dheeraad ah (Income Support), Gunnada Guriyenta (Housing Benefit) ama Gunnada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit) (oo Woqooyiga looga yaqaan (Northern) Ireland heerka lacag celinta (Rate Rebate). Waxa laga yaabaa inaad heli karto iyana calaamadda bluugga ah (Blue Badge) ee mudnaanta gaarka leh marka baabuurka meel la taagayo (Parking Previleges) iyo in aanad bixinayn cashuurta waddooyinka.
  • haddaad gunnadan hesho, qofka adiga ku daryeelaa waa laga yaabaa inuu xaq u yeesho Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance).

Gunnada Ilaalinta

Waa Gunno loogu tala galay dadka naafada ah ee 65 jir ah ama ka weyn ee ku dhibaataysan sidii ay isu daryeeli lahaayeen. Haddii aad 65 ka yar tahay waa inaad dalbataa gunnada nolosha naafada (ku xidh)(link). Gunnada Ilaalinta waad heli karaa haddii ay dhibaato kugu tahay dhar xidhashadu ama maydhashadu, ama haddii aad u baahan tahay qof isha kugu haya oo hubiya inaad nabad qabto. Gunnadan waxa lagu bixiyaa laba heer xisaabeed mid uun:

  • heerka hoose waxa loogu talo galay dadka ay dhibaatooyinku haystaan maalintii ama habeenkii,
  • heerka sare waxa loogu talo galay dadka ay dhibaatooyinku haystaan maalintii iyo habeenkiiba.

Si aad u mutaysato inaad gunnadan hesho waa in dhibaatooyinkaasu ku haysteen ugu yaraan 6 bilood (haddii aanu ku hayn cudur ama xanuun ilgeeriyaad leh, taasoo isla markiiba lagu siinayo gunnadaas).

Si aad u dalbato Gunnada Ilaalinta (Attendance Allowance), u dir telegoon 0800 882 200 gudaha England, Wales iyo Scotland iyo 0800 220 674 gudaha Woqooyiga (Northern) Ireland waxaanad weydiisataa xaashida/foomka (form) DS2.

gunnadanu waa mid lagu siinayo waxkastaba ha ahaato dakhligaagu, kaydkaagu ama gunooyinka kale. Helitaanka gunnadu wuxu jidaynayaa inaad weliba hesho Taageero Dakhli oo dheeraad ah (Income Support), Gunnada Guriyenta ama Gunnada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit) oo looga yaqaan Woqooyiga (Northern) Ireland heerka lacag celinta (Rate Rebate).

Helitaanka gunnadan macnaheedu wuxu noqon karaa in qofka ku daryeelaa uu dalban karo Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance).

Gunnada Awood La'aanta

Tani waa gunno loogu talo galay dadka aan shaqayn karin sababtoo ah bukaan ama naafo darteed. Waxa la bixiyaa haddii:

  • haadaad hore u bixisay lacag ku filan Cashuurta Caymiska Qaranka (National Insurance contributions).
  • aanad loo shaqeeyahaaga ka helin karayn lacag bixinta sharciyeysan ee bukaanka (Statutory Sick Pay)

Haddii da'daadu ka yar tahay 20 (ama ka yar tahay 25 jir haddii aad waxbarasho ku jirto) oo aad bugtay muddo ugu yaraan 28 todobaad ah waxa la arkaa inaad heli karto gunnada awood la'aanta (incapacity benefit) iyadoo aanad bixin cashuurta caymiska qaranka (national insurance contributions) - waxa quman arrintan inaad la talin dheeraad ah u doonato.

Gunnadan waxa lagu bixiyaa saddex heer:

  • heer hoose 28ka todobaad ee ugu horeeya haddii uu ku hayey xanuun culus ah ood ka shaqayn kari weydey;
  • heer sare marka laga bilaabo todobaadka 29aad ilaa todobaadka 52aad;
  • heerka ugu sarreya marka laga bilaabo todobaadka 52aad iyo wixii ka dambeeya - waxa loo yaqaan heerka muddada dheer. Todobaad kasta oo aad lacag fasaxeed ka hesho loo shaqeeyahaaga waa laguu xisaahinayaa marka aad xanuun culus darteed u shaqayn kari weydo;
  • waad heli kartaa heerka muddada dheer ee ka bilaabma todobaadka 29aad haddii:
  • aad qabto xanuun ilgeeriyaad leh;
  • Haddaad hesho heerka ugu sarreeya ee Gunnada Nolosha Naafada (Disability Living Allowance).

Gunnada Cashuurta Qofka Naafada ah

Gunnadadan waxa loogu tala galay dadka naafada ah ee mushaharkoodu hooseyo. Caddedka aad heleeysa wuxu ku xidhan yahay oo la heer yahay dakhligaaga iyo kaydkaaga.

Si aad u hesho lacagta cashuurta (tax credit) waa inaad shaqaysaa ugu yaraan 16 saacadood todobaadkii aadna tahay naafo kaa wiiqaysa tartanka saylada shaqaalaha. Weliba, waa inaad qaadato ama aad dhowaan heshay, mid ka mid ah gunooyinka (benefits) kale oo laguu siiyey xanuun muddo dheer ku hayey ama naafo ahaan.

Si aad u dalbato Gunnada Cashuurta ee Dadka naafada (Disabled Person's Tax Credit), weydiiso Xafiiska Cashuuraha (Tax Credit) inay kuu soo diraan xaashiyaa lagu dalbado (claim pack).

0845 605 5858 gudaha England, Scotland iyo Wales, ama 0845 609 7000 Woqooyiga (Northern) Ireland.

Dadka ku nool dhaqaale hoose

Waxa jira dhawr gunooyin oo loogu talo galay dadka dakhligoodu hooseeyo. Kuwa ugu muhimsani waa:

  • Taageerada Dakhliga (Income Support) - waxa loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeyo ee aan laga filayn inay shaqa doontaan;
  • Gunnada Shaqo Raadsadayaasha ee ku salaysan Dakhliga (Income-based Job Seeker's Allowance) - waxa loogu talo galay dadka aan shaqayn ama hayn shaqo wakhti dhan ah ama la filayo inay shaqo wakhti dhan ah raadsadaan.
  • Gunnada Cashuurta ee Dadka Naafada ah (Disbled Person's Tax Credit) - Waa lacag loogu talo galay dadka shaqeeya todabaadkii 16 saacadood ama ka badan kuna shaqeeya mushahar hoose isla markaana qaba xanuun riiq dheeraaday ama naafo.
  • Gunnada Cashuurta Qoysaska shaqeeya (Working Families Tax Credit) - waxa loogu tala galay dadka carruurta koriya ee shaqeeya 16 saacadood ama ka badan todabaadkii ee mushahar hoose qaata.
  • Gunnada Guriyeynta (Housing Benefit) - waxa loogu talo galay dadka dakhligoodu hooseyo ee kiro bixiya.
  • Gunnada Cashuurta Golaha (Council Tax Benefit) - waxa loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeyo ee bixiya cashuurta golaha.
  • Sanduuqa Bulsha (Social Fund) - waxay bixiyaan deyn iyo deeq ooy siiyaan dadka ku nool dakhli hoose.
  • Gunooyinka Caafimaadka - in laga caawiyo dadka dakhligoodu hooseeyo sidii ay isaga dabooli lahaayeen kharashyada caafimaadkooda la xidhiidha.

Taageerada Dakhliga DSSta

Gunnadan waxa la siiyaa dadka aan dakhli soo gelin ama dakhligoodu ka hooseeyo heerka ugu hooseeya ee Dawladdu habaysay/meelaysay. Heerka ugu hooseeyaa waa kala duduwan yahay waana hadba sida xaaladahaadu yihiin. Heerka ugu hooseeya waxa ku jiri karta qadar lacaga ah oo kaa caawin kara bixinta lacagta kor socodka ah ee rahanka guryaha.

Dadka dalbada taageerada dakhliga DSSta (income support) waa in aanay shaqayn ama waa inay shaqeeyeen 16 saacadood in ka yar todobaadkii (haddii aad wehel/saaxiib leedahay (sida carradan looga yaqaan) waa inay shaqeeyaan in ka yar 24 saacadood todobaadkii). Dadka shaqeeya badidoodu waa inay shaqo raadsadaan oo u hawl galaan si ay u helaan gunno iyo oy u dalbadaan Gunnada Shaqo Raadinta. Dadka qaarkii ayaan laga filayn/sugayn inay shaqo raadsadaan oo halkeedii markaas ka dalban karaan Taageerada Dakhliga DSSta (Income Support). Dadka dalban kara taageerada dakhliga (income support) waxa ku jira waalidka keligood ah (single partents), dadka da'adoodu 60 jir ka sarrayso iyo dadka buka ama qaata gunnada naafada.

Daryeelayaashu way dalban karaan Taageerada Dakhliga DSSta (Income Support) iyadoon la xadayn tirada saacadaha ay shaqeeyaan.

Dakhligaaga iyo kaydkaagaba waa lagu xisaabtamayaa haddii aad dalbato Taageerada Dakhliga (Income Support):

  • Dadka kaydkoodu ka sarrayso £8,000 (ama £12,000 hadday 60 jir ka weyn yihiin) ma heli karaan Taagerada Dakhliga DSSta (Income Support).
  • Dadka kaykoodu yahay £3,000 ila £8,000 (ama £6,000 ila £12,000 hadday 60 jir ka weyn yihiin) waxay helayaan faaiido la dhimay.

Xeerka kaydku waa ka duwan yihiin haddaad ku jirto hoyga daryeelka.

Helitaanka Taageerada Dakhliga macnaheedu waa inaad caadi ahaan heshaa:

  • caawimo aad ku bixiso kirada iyo Cashuurta Golaha (Council Tax) (oo looga yaqaan (rate)Woqooyiga (Northern) Ireland) gunooyinka caafimaadka (tusaalo, daweyn lacag la'aan ah iyo eegitaanka indhaha oo bilaash ah).
  • gunooyinka kale (sida cuntada dugsiyada oo lacag la'aan ah).

Sidaad u dalban lahayd Taageero Dakhliga ah (Income Support) la xidhiidh Wakaalada Gunnada. Tafaasiisha sida loola xidhiidho waxad ka heli kartaa buugaaga telifoonka.

Gunnada Shaqo Raadiska ku salaysan Dakhliga

Tan waxa la siiyaa dadka aan shaqayn ama shaqeeya wakhti aan dhamayn lagana filayo inay raadsanayaan shaqo wakhti dhan ah.

Dadka gunnadan dalbanayaa waa inay muujiyaan wixii tallabooyin ah ee ay qaadeen si ay shaqo u helaan. Dakhligaaga iyo kaydkaagaba waa lagu xisaabtamayaa haddaad dalbato gunnadan:

  • dadka kaydkoodu ka sarrayso £8,000 (ama £12,000 haddaad 60 jir ka weyn tahay) ma heli karaan Taagerada Dakhliga DSSta (Income Support).
  • dadka kaykoodu yahay £3,000 ila £8,000 (ama £6,000 ila £12,000 hadday 60 jir ka weyn yihiin) waxay helayaan gunno la dhimay.

Gunnada shaqa raadiska waxa haddana ku jira arrin ku salaysan hore wixii loo bixiyay cashuurta caymiska qaranka. Waxa lagu bixiyaa heer cayiman (oo ku xidhan da'adaada) muddo ila 28 todobaad ah. Wax saamayn ah kuma laha kaydkaagaga. Waxa wax ka dhima wixii ku soo gala iyo gunooyinka gaarka ah, laakiin ma saameeyaan wixii dakhli ah ee kale.

Si aad u dalbato Gunnada Shaqo Raadiska ee ku salaysan dakhliga la xidhiidh Barta Shaqada (Jobcentre) ee degaankaaga. Tafaasiisha sida loola xhidhiidu waxad ka heleysaa buuggaaga telifoonka.

Gunnada Cashuurta Qoysaska Shaqeeya

Gunnadan waxa loogu talo galay qoysaska caruurta leh ee labada waalid mid ka mid ahi shaqeeyo in ka badan 16 saacadood todobaadkii. Dahkliga dadka (qoyska) guriga ku nool waa inuu aad u hooseyaa. Caddedka aad heleysaa wuxu hadba ku xidhan yahay yaa qoyskaaga ka mid.

Dkhligaaga iyo kaydkaaba waa lagu xisaabtamayaa haddii aad dalbato gunnada cashuurta qoysaska shaqeeya. Ma dalban kartid gunnada cashuurta qoysaska shaqeeya haddii kaydkaagu ka badan yahay £8,000

Si aad u dalbato gunnadan u dir telifoon khadka caawimada Gunnada Cashuurta (Tax Credit helpline) 0845 609 5000 ee England, Scotland iyo Wales iyo 0845 609 7000 ee Woqooyiga (Northern) Ireland.

Gunnada Guriyeynta

Gunnadani waxay dadka dakhligooda hooseeyo ka caawisaa siday kirada guriga isaga bixin lahaayeen. Caddedka aad heleysaa wuxu ku xidhan yahay yaa ka mid ah qoyskaaga iyo heerka kirada lagaa doonayaa intay tahay. Laakiin dakhligaaga iyo kaydkaagaba waa lagu xisaabtamayaa. Ma dalban kartid haddii kaydkaagu ka badan £16,000.

Waxad ka heli kartaa foomka (form) wax lagu dalbado golaha degaanka (ama Maamulaha Guriyeynta Woqooyiga (Northern) Ireland).

Haddii aad qaadato Gunnada Daryeelka Naafada (Invalid Care Allowance), waxa la arkaa inaad caawimo dheeraad ah oo bixinta kirada ah ka hesho Korodhsiimada Daryeelaha (Carer Premium)

Gunnada Cashuurta golaha (ee looga yaqaan 'heerka lacag celinta' Woqooyiga (Northern) Ireland)

Gunnadan waxay dadka ka caawisaa, siday isaga bixin lahaayeen Cashuurta Golaha (Council Tax). Caddedka aad helaysaa wuxu ku xidhan yahay yaa ka mid ah qoyskaaga iyo heerka cashuurta golaha. Dakhligaaga iyo kaydkaagaba waa lagu xisaabtamayaa. Ma dalban kartid cashuurta golaha haddii kaydkaagu ka badan yahay £16,000.

Waxa dhici karta in lagaa dhimo cashuurta golaha iyadoo aan lagu xidhayn dakhligaaga iyo kaydkaaga midna. Tusaale, cashuurta waa lagaa dhimayaa haddii hoygaaga loo habayey sidii qof naafo ah ama daryeele ahi uu ku nool yahay guriga. Fadlan ogow in habkan lacag dhimista aanu jirin Woqooyiga (Northern) Ireland.

Haddaad qaadato Gunnada Daryeelka Naafada, waxa laga yaabaa inaad caawimo dheeraad ah ka hesho oo aad ku bixiso cashuurta golahaayadoo laguu so marsiinayo dariiqada Korodhsiimada Daryeelaha.

Si aad Gunnada Cashuurta Golaha u dalban layad, la xidhiidh golaha degaankaaga. Haddaad ku nooshay Woqooyiga (Northern) Ireland, ka dalbo Maamulaha Guriyeynta haddaad tahay kirayste iyo Wakaalada Ururinta Xisaabta (Rate Collection Agency) haddii guriga aad adigu iska leedahay.

Sanduuqa Bulshada

Sanduuqu wuxu dadka ka caawiyaa mid ka mid ah kharashyada. Waxa ka mid ah:

  • Kharashka aaska (funeral expenses)
  • Kharashka shidaalka jiilaalka (winter fuel payments) - waa kharash lagu caawiyo dadka 60 jir ka weyn sidii ay isaga bixin lahaayeen qiimaha dheeraadka ah ee tamarta markay tahay jiilaalka.
  • Kharashka wakhtiga qabow (cold weather payments) - waa laga bixiyaa dadka gunno cayiman qaata markay wakhtiga qabawga tahay.
  • Kharashaka umusha (maternity expenses)
  • Deynta haddaad lacag degdeg ah u baahan tahay (loans if you need money urgently) - haddaad lumisay lacagtii gunnada ee todobaadka
  • Deeqo loogu tala galay dadka qaataa Taageerada Dakhliga (Income Support) ama Gunnada Shaqo Raadiyaha ee ku salaysan Dakhliga (Income-based Jobseeker's Allowance) lagu caawiyo siday bulshada ugu dhex jiraan halkii ay ka tegi lahayeen hoyga daryeelka, inay hoy degaan ka dib markay hoy la'aan ku jireen, inay dhibaatooyinka qoyska ka fududayso, ama inay soo booqdaan qof buka ama xabsiga ku jira,
  • Deyn loogu talo galay dadka qaata Taageerada Dakhliga (Income Support) ama Gunnada Shaqo Raadiyaha ee ku salaysan dakhliga (Income-based Jobseker's Allowance) inay ka caawiso sidii ay qalabka guriga u soo iibsan lahaayeen.

La xidhiidh wakaaladda golaha degaankaaga si aad uga hesho warar faahfaahis ah oo ku saabsan bixinta lacagta Sanduuqa Bulshada

Gunnada Caafimaadka

Gunooyinkani waxay caawinayaan dadka ku nool dakhli hoose ee kaydkoodu ka hooseeyo £8,000 (ama £12,000 hadday ka weyn yihii 60 jir). Waxa dadka lagu siiyaa sababta da'adooda ama qofkii:

  • qaata gunooyin khaas ah;
  • uur leh ama dhowaan ilmo dhalay;
  • dhakhligiisu hooseeyo.

Waa laga yaabaa inaad caawimo ku hesho:

  • qiimaha dawooyinka;
  • caanaha iyo fitamiinada dumarka uurka leh iyo caruurta yaryar;
  • kharashka ilkaha samayntooda;
  • eegista aragga indaha (eye test) iyo qiimaha muraayadaha aragga;
  • in lagaa caawiyo lacagta booqashada isbitaalka kaaga baxda;
  • kharashka NHS ee timaha aan dhabta ahayn (wigs) iyo waxyaabaha kale ee jidhka taageera.

Dadka da'ada ah

Gunnada Hawlgabka Dawladda

Gunnadan waxa la siiyaa dadka dhaafay da'adii hawlgabka. Da'ada hawlgabku waa 60 haweenka iyo ragga oo 65 ah.

Caddedka aad heleeysaa wuxu ku xidhan yahay hadba intii aad bixisay Caymiska Qaranka. Dumarka la qabo, dadka maglefka ah (laga dhintay) iyo kuwa is furay ee aan bixin Caymis Qaran ku filan si ay u helaan gunno buuxda waxa laga yaabaa inay helaan gunno dhiman oo ku xidhan intii uu bixiyey ninkeedii/afadiisii.

Waxa laga yaabaa in gunnadaada hawlgabka ay raaci karto taageero dakhli (income support). Marka dadka hawlgabka la siiyo taageerada dakhliga ah, taageerada dakhliga (income support) waxa kaloo loo yaqaan dakhliga ugu hooseeya damaansan "minimum income guarantee".

This document was provided by Carers UK