Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Xuquuqda iyo gunnada fasaxa

Xeerka waqtiga shaqada 1998 wuxuu shaqaalaha siinayaa xuquuqda sharciga ah ee ugu yar ee ku saabsan fasaxa sanadkii. Tani waan inta ugu yar ee asaasiga ah ee uu bixnayo shaqo bixiye, hasa yeeshee wuxuu bixin karaa shuruudo heshiish oo ka deeqsisan. Waa inaad baadhaa heshiish-kaaga shaqo, ama wixii heshiis qoraal xuquuqeed ah ee shirkadu leedahay.

Kumaa xaq u leh in la siiyo lacag fasaxa?

Xeerarka (sharcigu) waxay u ogolyihiin in shaqaalaha gunno la siiyo fasaxa. Tan waxaa soo hoos gelaya kuwa waqti-buuxa shaqaysta (full-time) ama waqti dhiman, wakiilada iyo kuwa iskood u shaqaysta. Laakiin waxa ka baxsan kuwa ganacsiga iyagu leh ama shaqo bixiyuhu uu yahay macaamiishooda ama ay lacag ku qaataan u shaqayntooda (clients).

Laga bilaabo 1st August 03, xeerka xuquuqeed ee fasaxa iyo gunada waxa soo hoos gelaya shaqaalaha hawada, tareenada, dariiqyada, badda, harooyinka, biyaha jasiiradaha, iyo kuwa ka shaqeeya gaadiidka harooyinka, kaluumaysiga badda, iyo kuwa farsamooyinka kale ee bada ku jira.

Waa maxay fasaxa ay xaq u leeyihiin shaqaaluhu?

Shaqaale wuxuu xaq u leeyahy afar wiig oo fasax oo guno wata. Kuwa saacadaha dhiman shaqaysta (part time) waxay xaq u leeyihiin fasax la mida kuwa saacadaha buuxa, waxaana loo xisaabinayaa (gunada) inta uu shaqeeyey. Shaqo bixiyayaashu waxay bixin karaan ogalaansho ka fiican. Eeg heshiis-kaaga, ama buuga shirkada wixii faah-faahina.

Tusaale:

Qofka saacadaha buuxa shaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay 5 maalmood x 4 = 20 maalmood.

Saacada dhiman (part-timer) oo shaqaynaya 2 maalmood wiigii wuxuu xaq u leeyahay 2 maalmood x 4 = 8 maalmood.

Qofka shaqaynaya 15 saacadood wiigii wuxuu xaq u leeyahay 15 saacadood x 4 = 60 saacadood fasaxii.

Majirto guno sharci ah oo ku saabsan maalmaha fasaxa wadanka, markaa shaqo bixiye-yaashu waxay ku dari karaan fasax wadanka afarta wiig ee fasax ah sanadkii. Marka shaqayste ku soo biiro sanad shaqada gudihiisa, waxuu xaq u leeyahay in u qalanta (oo fasaxa). Tusaale, shaqayste soo galay lix bilood oo tagtay, wuxuu xaq u laeeyahay 2 wiig.

Fasaxyada wadanku miyaa lagu daraa (fasaxa caadiga ah)?

Majirto guno sharci ah oo ku saabsan maalmaha fasaxa wadanka, markaa shaqo bixiye-yaashu waxay ku dari karaan fasax wadanka afarta wiig ee fasax ah sanadkii.

Waa intee gunnada fasaxa ee aan qaadanayaa?

Shaqayste wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo mushaharka wiigii ee caadiga ah wiig kastoo uu fasax xaq u leeyahay. Tan waxa soo hoos gelaya xuquuqda (fasaxa) ee lagu heshiiyey, sida bixinta (dheeraadka ah) ee shaqada habeenkii.. Shaqada dheeraadka (over time) lagu dari maayo hadii saacadahanu ku qeexneen heshiiska shaqaalaha. Marka aan shaqaaluhu si aa joogto ahayn u shaqeeyaan, gunada fasaxa waxaa loo xisaabinayaa in la soo qaato celceliska 12 kii wiig ee la soo dhaafay, kadibna lagu dhufto saacadahan inta saacadii tahay.

Goorma ayuu fasaxa sandku bilaab maa?

Shaqaaluhu (muddada) fasaxu waxuu uga bilaab maa maalinta ay shaqada u bilaabantay. Marka fasaxa kuu bilaabmayo sanadkii waxay noqon kartaa

  • Inaad ku qeexantahya heshiishka shaqada
  • In laga soo bilaabo maalinta shaqdadu kuu bilaabantay
  • 1st Oktobar (marka xeerarka la hirgeliyo)

Mudo ogaysiina oo intee leeg baan siiyaa shaqo bixiyaha?

Shaqaystuhu waa ogaysiiyaa maalmaha isagu/iyadu rajaynayso in fasax qaataan. (mudada) ogaysiintu waa in laban laab ka badantahy intuu fasax ku maqanyahay. Wiig fasaxi wuxuu u baahanyahay laba wiig oo ogaysiina. Shaqo bixiyuhu wuu diidi karaa waqtiyada (fasaxa) qaarkood isagoo ogaysiinaya shaqaystaha. Shaqo bixiyuhu wuxuu habayn karaa mudada fasax la qaadan karo, sida marka shirkadu xidhantahy ama xiliga krismaska.

Maxaa dhacaya hadii aan ka maqanahay shaqada?

Hadii aad heshiiska shaqo ku jirto waxa kuu biiraya fasaxa, (sida hadii aad xanuusato ama uur u fadhido). Marka fasaxa aanad qaadan sanadka shaqada, xuquuqda fasxa waad waayaysaa, hadii aanad la gaadhin shaqo bixiyaha in uu hore kuugu qadimo fasaxa.

Maxaa dhacaya marka aan ka tago (shaqada)?

Maarka shaaqayste iskii shaqo uga tago, ama eris wuxuu xaq u leeyhay in uu qaato (lacag ahaan) wixii fasax u biiray sanadka ee aanu qaadan.

Tusaale: Shaqaysato waxay shaqada ka tagtay 6 bilood, iyadoo qaadatay 3 maalmood oo fasaxa. Waxay xaq u lahayd 20 maalmood oo fasax sanadkii. 6 bilood waa 10 maalmood, marka laga jaro 3 waxa u soo hadhaya 7 maalmood oo ah in (kaash) loo siiyo marka ka tegayso (shaqada).

Hadii shaqayste qaadatay fasax ka badan kan u biiray sanadka shaqada, wuxuu xaq u leeyahay shaqo bixiyuhu inuu ka jaro wixii dheeraada, hadii ay jiro qodob heshiiska shaqada ah oo ogolaanaya in wax laga jari karo, oo keliya.

Sidee u hir gelisaa xuquuqdaada?

Hadii aad daraymaysid in aanad qaadanayn xuquuqdaada fasax la bixiyo, ka uu dhigayo xeerka waqtiga shaqada ama heshiiska shaqadu, waxaad ka hergelin kartaa xuquuqdaada gudida shaqada (employment tribunal). Waa in aad dacwada soo gudbisaa 3 bilood gudihood marka laga soo bilaabo marka codsiga fasaxa laguu diiday. Intaanad dacwada gudbinin waxaanu kugula talinaynaa in aad ururka shaqaalaha, xarumaha xuquuqaha yar yar, citizen’s advice bureau, xarumaha talada, ama qareen ka raadsato talo madax banaan.

Wixii faah-faahina ee ku saabsan fasaxa iyo gunooyinkiisa, eeg www.dti.gov.uk, www.acas.gov.uk, www.employmenttribunals.gov.uk wixii faah-faahina ee ku saabsan wakiilada talooyinka, ururada shaqaalaha la xidhiidh www.lawcentres.org.uk, www.citizensadvice.org.uk, www.tuc.org.uk

This document was provided by Islington Law Centre www.islingtonlaw.org.uk

Islingtonlawcentrebanner1