Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Heshiisyada shaqada
Employment contracts

Bogaganu waxay kuu sheegayaan wuxuu heshiis shaqo yahay, iyo siduu u shaqeeyo, iyo wixii aad xuquuq ku leedahay heshiiskaa shaqo.

Muxuu yahay heshiis shaqo?

Heshiis shaqo waa heshiis dhexmaray laba dhinac. Heshiiskan wuxuu shaqo bixiyuhu waydiisanayaa shaqaystaha inuu shaqeeyo ama adeeg sameeyo, taasoo shaqaystuhu uu lacag ku qaadanayo. Hasayeeshee waad geli kartaa heshiish shaqo adaan shaqaynayn. Heshiisku waa lagu siiyanayaa hadii aad iskaa u shaqaysato, ama aad wakiil katahay wakaalad ama urur.

Muxuu heshiiska shaqadu dhigayaa?

Inkastoo aanay khasab ahayn in heshiiska shaqadu qoraal ahaado, wuxuu sharcigu dalbayaa in shaqaystuhu ka haysto shaqo bixiyaha qiraal mudo laba bilood gudohood, kaasoo u sheega wixii macluumaad asaasi ah. Waxa ku sugan shan iyo toban shey, oo ah in shaqaystaha qoraal loo siiyo kaasoo khuseeya qodobada heshiishka. Waxaanay khuseeyaan magacyada laba dhinac, taariikhda shaqadu bilaabantay, saacadaha, mushaharka, fasaxa iyo mudada lagu dhiibayo nuqulka shaqo katigida.

Maxaa dhacaya hadii aan wax qoraal ah la samayn?

Maxaa yeelay sharcigu wuxuu dhigayaa in shaqo bixiyuhu uu layimaado ‘qiraal’ labo bilood gudohood markii ay shaqadu bilaamantay, taasoo ay ku caddahay macluumaadka asaasiga ahi. Markaa shaqaystaha aan helin qiraalkasu wuxuu u tegi karaa gudida shaqada (employment tribunal) tasoo uu ka dalbanaayo wixii ay ku caddaynayaan qoraal.

Muxuu kalee heshiisku odhanayaa?

Qeexida wuxuu qaanuunku dhigayo, waxa dheer oo heshiishka ku qornaan kara arimo ay laba dhinac (shaqaalaha iyo shaqo bixiyuhu) ay ku heshiiyeen. Hadii aan arimahaasu aanay sharciga jebinayn ama aan qaar aan macno samaynayn ahayn, waxa suura gal ah in shaqayste iyo shaqo bixiye ku heshiiyaan wixii ay doonaan. Tusaale waxa ah, in ay ku heshiiyaan in shaqaystuhu uu ka shaqeeya meelo kala duwam, ama in uu sir ka dhigo ganacsiya shaqo bixiyaha.

Waa maxay heshiis jebintu?

Marka shuruuda heshiiska lagu heshiiyo, laba dhinac midna ma jebin karo shuruudaha. Hadii aad haysato heshiis dhigaaya in shaqo bixiyuhu uu wax ka bedili karo, tani waxay noqon kartaa xeer jebis. Tusaale waxa noqon kara in uu kaa dalban karo in aad aqbasho in lacagta aad ku heshiiseen uu wax kadhimi karo ama saacado dheeraada kugu khasbi karo.

Ma ka ashkatoon karaa?

Waxa suuro-gal ah in uu shaqayste ka doodo xeer jebiska qaarkood. Shaqaystuhu wuxuu caddayn karaa in xeer jebintaasi tahay mid aad u wayn, taasoo ay shaqada ka fadhiisan karaan, kadibana ku doodi karaan ‘’eri habaysan’’ (constructive dismissal) oo salaysan heshiis jebin wayn. Haseyeeshee, waa inaad marka hore doonataa talo intaanad shaqada ka fadhiisan, waayo way adagtahay had iyo jeer in ay cadaato in macquul tahay, xaqna loogu leeyahay shaqo bixiyaha mag-dhow shaqada kaa luntay awgeed.

Doodaha kale waxa ay khuseeyn karaan lacagta shaqada iyo fasaxa oo uu bixin waayo. Kuwan waa tusaale ah xeer jebinta heshiishka.

Xagee dooda la tagaa?

Shaqaalaha ku doodaya xeer jebinta (sida mushaharkii oo laga dhimay) welina shaqadii sii wataa, waxay dooda la tegi karaan maxkamada hoose ee doodaha.

Haseyeeshee, hadii shaqadu damaatay ayna jirto xeer jebin waxay dooda la tegi karaan gudida shaqaalaha (employment tribunal). Faa’idada tan ku jirtaa waxa weeye wax lacag ah lagaa qaadimayo inaad dooda gudbisid.

Wixii faah-faahina ee gudida shaqada khuseeya, eeg www.employmenttribunals.gov.uk

This document was provided by Islington Law Centre www.islingtonlaw.org.uk

Islingtonlawcentrebanner1