Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Fursado loo simanyahay: sianaan la’aanta la xidhiidha jinsiga (lab iyo dhadig)
Equal opportunities (2): Sex and sexual discrimination

Sinaan la’aanta jinsiga

Waxa jira laba xeer oo loogu talogalay in dumarka iyo ragu sinaan helaan.

  • Xeerka lab iyo dhadig ee 1975 (dib loo bedelay 1986) waxa uu ka dhigayaa sharci darro in ay dumarka iyo ragu sinaan la’aan la kulmaan dhinaca, waxbarashada, guriyeenta,ama iibsiga adeega kale, iyo xayaysiinta arimahaas. Waxa kale oo sharci darro ah in qof sinaan la kulmo waayo waa xaasley.
  • Xeerka dakhliga loo simanyahay ee 1970 (ee wax laga bedelay1984) waxu dhigayaa in dumarka sida raga mushar loo siiyo, marka ay xaga darajada iyo shaqada ka simanyihiin. Sharciga Yurubna waxa uu dhigayaa in dumarka iyo ragu ay in isleeg la siiyo marka laga hadlayo shaqada is leeg. Wixii faahfaahina eeg dakhliga siman ‘equal pay’.

Dalbasho shaqo

Xeerka jinsiga (The Sex Discrimination Act) waxa uu ka dhigaa sharci darro in uu shaqo-bixiyuhu marka uu bixinayo shaqo sinaan la’aan kugu sameeyo waayo jinsigaaga, ama hadii aad reer leedahay. Sharcigu wuxuu daboolayaa sadex meelood:

Marka aad go’aan ka gaadhaysid qofka shaqo la siinayo. Marka aad xayaysiinaysid qofka la rabo, marka la buuxinayo foomka codsiga, marka aad qaabilayso dadka la soo koobay, marka aad waraysanaysid dadka shaqada raba, iyo marka ugu danbaysa ee aad dooranaysid.

Shuruudaha shaqada, sida mushaharka, fasaxa.

Iyo inaad ula kac aanad ugu soo darin dadka la dooranayo

Sharcigu wuxuu daboolayaa dadka qandaraaska, waqtiga buuxa iyo kuwa waqtiga dhiman shaqeeyaba.

Tusaale sinaan la’aan noocana oo toos (direct) ah waxa kamid ah inaan dadka laga tashanayo (in shaqo lasiiyo) aanad kusoo darin dumarka, ma ragaba (tusaale – inaad diido in xoog-haye laga dhigo nin).

Tusaale ah sinaan la’aanta aan tooska ahay, waxa kamid ah in aad tidhaahdo qof kasto oo shaqada codsanayaa waa inuu ciidamada kamid ahaan jiray (hadii aad sabab weyni jirin). Waayo dumar badani may soo marin ciidamada, sababtaa awgeed dumar badani ma dalbanayaan shaqadan.

Inaad ula macaamisho qofka aan reerka lahayn macaamilo ka fiican kuwa reerka leh waa sharci darro,marka la eego xeerka sinaan la’aanta jinsiga (Sex Discrimination Act). Waxay noqonaysaa sinaan la’aan toos ah, hadii shaqo-bixiye shaqada u diido gabadh xaasley ah, waayo waxa uu u malaynayaa in ay u dhawdahay inay uur yeelato, oo shaqada fasax ka qaadato.

Sinaan la’aanta aan tooska ahayn waxa kamid ah hadii shaqo-bixiyuhu uu meel kale u guuro, hadii aan sabab weyni jirin, oo aanu caddayn inay muhiim tahay in meeshaa uu u guuro.

Marka loo ogolyahay in shaqo-bixiyuhu uu la yimaado sinaan la’aan

Mamar waxa loo ogolyahay shaqo-bixiyaha inuu shaqo siiyo rag keliya, ama dumar. Tan waxa la dhahaa ‘genuine occupational qualification’ (GOQ). Mararka ugu badan ee shaqo-bixiye uu samayn karo arinta waa:

  • Sharafta iyo qarsoodiga: masalan hadii nin shaqo la siiyo si rag xanuusanaya maryaha uga bixiyo, ama xamaamka u kaxeeyo;
  • Adeega shakhsi: si in dumarka shaqo la siiyo caawinaya tabarucaada loo fidiyo dumarka;
  • Marka shaqaale loo baahanyahay meel la seexda dumar ama rag oo aaney jirin meel gaara oo la kal seexiyo (dumarka waxa shaqaale loo dhigi karaa dumar keliya);
  • Shaqooyinka rag ama dumar keli ah la shaqaalaysiiyo. Sida cisbitaalada, jeelasha;
  • Shaqooyinka gaarka ah, sida kuwa daryeelka;
  • Shaqooyinka u baahin caawin jidhka ah, sida maryo u gelinta ama ciyaaraha;
  • Iyo marmar shaqooyinka debeda ee u baahan laba qof oo is qaba.

Hasa yeeshee shaqo-bixiyaha looma ogola inuu isticmaalo (xayaysiinta) kelmadaha xoog, karti si sabab uga dhigo inaan dumar loo baahnayn.

Shaqo ka eri ama ka fadhiisin

Looma ogola shaqo-bixiyaha inuu sinaan la’aan ku kaco ku waajahan dumarka ama raga qaar marka uu shaqo ka fadhiisin ama ka eryayo shaqaale. Waa sharci darro in:

  • In la eryo nin haddii uu ilmo xanuusanaya daryeelayo, haddii loo ogolyahay dumarka arintaas oo kale;
  • La eryo qof shaqo ka habsaan awgii, hadii qof kale oo jinsiga ka soo horjeedaa uu habsaamo sidoo kale;ama
  • Lama ogola in shirkadi nidaam samaysato ay leedahay dadka ugu shaqada yar baa la eryayaa, waayo waxa ay u dhowdahay in dumarka caruurta daryeelaa ugu shaqo yaraadaan.

Wixii faahfaahin ah ee la xidhiidha eriga ama shaqo ka fadhiisinta eeg bogaga ‘Community Legal Service Direct leaflet, ‘Employment’.

Waxaad leedahay ilme

Waa qalad in shaqo-bixiye kula kaco dumarka sinaan la’aan waayo uurbay leeyihiin, ama waxa qaateen fasax la xidhiidha dhaliinka. Masalan waa:

  • La eryey, ama shaqada laga fadhiisiyey;
  • Loo diidey dalacniin;
  • Waxa la geeyey darajo hoose markii fasaxa dhaliinka la xidhiidha kasoo noqotey;
  • Waxa loola macaamiley si kale oo xun.

Waxa ay shirkadu ku xadgubi kartaa xeerka sinaanta hadii ay dumarka ula dhaqmaan macaamilo xun hadii ay daryeelayaan caruurtooda. Waxa loo sheegay in hadii ay shaqada doonayso inay kusoo noqoto inay shaqayn karto oo keliya saacado go’an. Markaa waxa laga doonayaa shaqo-bixiyeha inuu cadeeyo in ay sidaas oo keliya loo shaqayn karo, oo aaney shaqada qayb kamida guriga ku samayn karin.

Dakhli loo simanyahay

Xeerka sinaanta dakhliga waxa laguu ogolyahay in dumarka la siiyo dakhliga ragu qaataan ee shaqada aad hayso ee ragu qabtaan mid lamida. Waxa kale oo laguu ogolyahay inaad dakhli lamida raga qaadato hadii ay shaqadu kale duwantahay laakiin ay isku darjo yihiin labada shaqo.

Xeerka sinaanta dakhliga (Equal Pay Act) waxa kale oo uu daboolaa shuruudaha kale ee shaqadaada, sida:

  • Saacadaha la shaqaynayo;
  • fasaxyada;
  • lacagta la siiyo qofka xanuusanaya;
  • dakhliga shaqo ka fadhiisiga (pensions).

Ashkatooyinka la xidhiidha sinaan la’aanta dakhliga intooda badanwaxa u ka yimaadaa dumarka laakiin raga laftooda la kulmay sinaan la’aan wuu khuseeyaa. Hadii aad u malaynayso inaad qaadato dakhli ka yar kan uu qaato qof jinsigaaga ka soo horjeedaa, waxa aad marka hore u gudbinaysaa cabashada shaqo-bixiyeha adoo raacaya nidaamka u yaala shirka (grievance procedure) hadii ay leeyihiin mid.

Hadii tanu aaney shaqayn, waxa aad u gudbin kartaa cabashadaada gudida shaqaalaha (employment tribunal). Hadii labada shaqo ee la isu eegayaa ay isu dhowyihiin, waxa aad dooran kartaa (marka foomka buuxinayso) ‘shaqo isku mida’ iyo ‘shaqo isku qiimaha’. Waxa ay gudidu marka eegaysaa shaqo isku mida, kadibna shaqo isku qiimo ah.

Dacwada ku doodista ‘shaqo isku mida’ ama ‘isku qiimo ah’ waxay noqon kartaa mid adag. Xataa hadii ay gudidu aqbasho in laba shaqo isku midyihiin wuxuu shaqo-bixiyehu ku doodi karaa inay jirto arin maad’i ah ‘material factor’ oo kaliiftey in lacag dhiman lagu siiyo. Wixii faahfaahina ee ku saabsan gudida shaqaalaha waxa aad ka helaysaa taageerada dheeraadka (‘Further help’).

Waxa kale oo aad ka heli kartaa wixii talooyin ah ururkaaga (trade union), ama xarunta sharciyada (law centre), ama talooyinka shacabka (Citizens Advice Bureau), ama qareenka (eeg taageerada dheeraadka ah).

Shaqooyinka saacadaha dhiman (Part-time work)

Xeerka sinaan la’aanta jinsiga wuxuu daboolaa wixii shaqaale ah oo dhan, marka lagu darro:

  • kuwa shaqeeya saacadaha yar (part-time); ama
  • kuwa u shaqeeya sida aan joogtada ahayn, ama ku meel gaadhka ah.

Dalbashada dakhli u dhigma, waa in la isu eego inta saacadii uu qaato qofka saacadaha buuxaa shaqeeyo.

Waayo inta badanee shaqeeya saacadaha dhimani waa dumar, sababtaa awgeed waxa la xisaabiyaa sinaan la’aan xaga jinsiga (dhadiga) hadii loola macaamilo ka xun kuwa shaqeeya saacadaha buuxa (full time). Waad dacwoon kartaa hadii aad doonaysid inaad shaqayso saacado dhiman, adoo daryeela inaad ilme daryeesho oo uu diiday shaqo-bixiye sabab la’aan awgeed.

Dadka shaqeeya saacdaha dhiman waxa kale oo adeegsan karaan xeerka (Part-Time Workers Regulations 2000), kaas oo siinaya xuquuq (mushaharka, fasaxa, iwm) u dhiganta kuwa shaqeeya saacdaha buuxa. Sidoo kale kuwa ku shaqeeya qandaraaska cayiman waxa adeegsan karaan xeerka (Fixed-Term Employee Regulations 2002.). laba kooxba muhiim ma’aha inuu shaqaaluhu yahay nin ama gabadh, waxa loo eegayaa ‘rate’ ka ama inta ay shaqeeyaan, eeg bogaga ‘Community Legal Service Direct leaflet, ‘Employment’.

Cadaadiska jinsiga ee meelaha laga shaqeeyo

Xeerka sinaan la’aantu waxa kale uu kaa difaacayaa cadaadiska ka dhaca meelaha laga shaqeeyo, tabarka la xidhiidha shaqada lagu qaato. Cadaadisku waa dhaqan aan la’rabin oo ku xadgudba:

  • sharafta qofka; ama
  • abuura carqalad, nacayb, ama deegaan dagaal.

Cadaadisku waxa uu la xidhiidhi karaa jinsiga, ama lab iyo dhadig qofku kuu yahay, waxaana ku jira:

  • wax ka sheega sida aad u eegtahay,
  • kelmadaha aflagaadada ah; ama
  • wediisiga u tegista (iyadoo loo balan qadayo faa’iidooyin ama dalacaad)

cadaadisku ma’aha khasab inuu toos yahay si uu u noqdo sharci darro. Waxaaney ku xidhantahay in laguula jeeday oo ay sharci darro noqon karto, sida ay qofka wax ugu dhimayso.

Waana sharci darro inuu shaqo-bixiye uu kuula dhaqmo si hooseesa, waayo waxa aad ka cabatey cadaadis, ama wax ka qabatey cadaadis kugu dhacay.Masalan, shaqo-bixiye ayaa kuu diidey in lagu daliciyo, waayo waxaad ka hortimi qof wax ka sheegay sidaad u eegtahay, ama waa lagu cadaadiyey.

Hadii qof ku cadaadinayo, oo aaney joojin marka aad u sheegto, waa inaad u sheegto shaqo bixiyahaaga, hadii aanu ahayn kan ku cadaadinaya isagu.

Sharcigu wuxuu dhigayaa in shaqo-bixiyehu ka masuulyahay wixii cadaadis ah ee shaqada ka dhaca. shaqo-bixiyeyaal badani waxay kasoo qaadaan cadaadiska la xidhiidha jinsiga, mid shaqdada lagaga eryo qofka denbigu ku caddaado. Hadii uu shaqo-bixiyehaagu aanu waxba ka qaban arintaada, waxa aad dacwadaada u gudbin kartaa gudida shaqaalaha (employment tribunal). Marar badana waxa aad qofka ku cadaadinaya, iyo shaqo-bixiyeha saari kartaa maxkamad.

Waxa kale oo aad tegi kartaa maxkamada hadii ficil la xidhiidha jinsiga uu kugula kaco qof aydaan wada shaqayni. Marmarse waxa jira nidaam qoran oo marka hore aad adeegsan karto, masalan hadii qofka aad ka ashkatoonaysaa uu yahay dhakhtarkaaga. Waxa haboon inaan raadsato talooyin, eeg ‘taageerada dheeraadka ah (Further help).

Hadii aad wax isu tihiin qof shaqaale ah

Shaqo-bixiyeyaal badani ma shaqaaleeyaan:

  • ninka reerka, ama xaaska;
  • lamaanaha (partner); ama
  • qaraabada;

qofka u shaqeeya.

Waxa Shaqo-bixiyeyaal badani ogolaan cilaaqada ka dhacda shaqada. Tanu ma’aha mid sharcigu diidayo hadii uu Shaqo-bixiye simo dadka xaasleyda ah, kuwa aan xaaska layahayn, raga iyo dumarka. Hadii kale waxa laga soo qaadi karaa siaan la’aan. Tan waxa kamid ah hadii gabadh loo bedelo qayb kale, am xafiis kale oo aaney doonayn, waayo waxay la leedahay cilaaqad qof shaqaalaha ka mid ah, arintaas oo aan loo bedelin raga ku kaca.

Sinaan la’aanta iyo dhibanaanta marka shaqada laga tago

Shaqo-bixiye waa inaanu sinaan la’aan ama dhibanaan kula kicin marka aad shaqada ka tagto. Tusaale, waa sharci darro in Shaqo-bixiye uu kuu diido inuu ku siiyo aqoonsi (reference) waayo waxaad ka tagtey shaqada.

Hadii aad iibsanayso ama kiraysanayso guri

Waa sharci darro inuu qof sinaan la’aan lagula kaco marka uu guri iibsanayo, ama kiraysanayo. Waxa kaloo sharci darro ah in kireeye uu sameeyo sinaan la’aan raga iyo dumarka marka uu kireenayo guryaha. Laakiin sharciga sinaantu ma daboolayo hadii uu kireeye ku noolyahay meesha uu kireenayo, kadibna qaybo kamida meesha la kireenayo ay wada isticmaalayaan kireestayaasha, sida fadhiga, kijada, ama xamaamka.

Waxa kale oo sharci darro ah in bangigu dadka qaar si xun ula macaamilo marka uu deynka siinayo waayo waa dumar, ama uurbey leeyihiin. Tusaale, hadii nin iyo gabadh isqabaa ay deyn bangiga weydiistaan, aaney gabadhu ka mushahar badantahay ninka waa in bangigu isticmaalo mushaharkeeda ka sare ee deynka lagu bixinayo. In ‘mortgage’ ka la siiyo dadka saacdaha buuxa shaqeeya oo keli ah waa sharci darro.

Gelista iskuul ama jaamacad

Iskuulada, kuliyadaha, iyo meelaha dadka waaweyni wax ku bartaan waa inaaney sinaan la’aan kula kicin waalidiinta ama ardayda. Masalan lataliyaasha xaga daryeelka waa iney hablaha iyo inamada isu si talo u siiyaan. Iskuulada inamada, ama hablaha keli ahi dhigtaan waa inaaney dhimin duruusta ay dhigayaan. Waxa kale oo laga doonayaa in iskuulada iyo kuliyaduhu ay sida shaqo-biyaha oo kale oo uga hortagaan wixii sinaan la’aan, ama cadaadis jinsiga, ama inamada, ama hablaha ku waajahan.

Hadii aad u malaynayso in ilmahaagu la kulmo sinaan la’aan iskuulka, waxa aad marka hore u ashkantoon kartaa macalimiinta, kadibna maamulka sare ama konsilka waxbarashada ‘local education authority’.

.

Iibsiga alaabada iyo adeega

Xeerka sinaan la’aanta jinsiga ‘Sex Discrimination Act’ waa sharci darro ganacsigu inuu sinaan la’an kula kaco dumarka iyo raga qaar, iyagoo diidaya in ay wax ka iibiyaan, ama alaabo tayo xun dadka qaar laga iibiyo. Ama wax bilaash loo siiyo macaamiisha qaar, kuwa kale loo diido. Waxaaney khusaysaa:

  • dukaamada;
  • meelaha dadku isgu yimaado, sida huteelada, madcamyada, baararka, meelaha lagu ciyaaro. Masalan hadii ay dumarka oo keliya yidhaahdaan waxaanu ogolnahay cabitaan bilaash ah, waxa ay jebinayaa xeerka sinaanta jinsiga (Sex Discrimination Act);
  • furitaanka bangiyada, deynka, caymiska, iyo kaararka;
  • socotka, ama gaadiidka dadweynaha, ama gaarka loo leeyahay; iyo
  • adeega ay dawlada hoose bixiso, sida meelaha lagu jimicsado.

Waxa jira xaalado gaar ah oo loo ogolyahay in dumarka ama raga macaamilo kala duwan lagula dhaqmo:

  • kilaabyada gaarka loo leeyahay;
  • adeega loogu talo galay dumarka, ama raga si anshax xumo loo joojiyo (sida meelaha dumarku ku dabaashaan oo keli ah).
  • Ururada tabaruca ee adeega gaarka ah u sameeya dumarka, ama raga, ama guryaha daryeelka, hay’adaha tabaruca ee adeega keliya u sameeya raga ama dumarka.
  • Shirkadaha caymiska ee tusi kara in dumarku ka fiicanyihiin ama ka liitaan raga, marka khatarta eegayaan (inkastoo tan hada dib loo eegayo sharcigeeda, waxna laga bedeli karo mustaqbalka).

Dadka jinsi bedelka ah

Sida loo hirgeliyo sharciga (aan lagu dhaqmin) ee sinaan la’aanta ku salaysan jinsiga, ama qofka lab iyo dhadig mika uu yahay, waxa aad ashkato u gudbin kartaa gudida shaqaalaha ‘Employment Tribunal’. Hasa yeeshee intaanad cabasho gaadhsiin gudida, waa inaad tijaabisey wixii nidaam ashkato ama cabasho kuu furan ee uu leeyahay shaqo bixyahaagu. Waa inaad soo gaadsiisaa gudida shaqaalaha codsigaaga 3 bilood gudahood marka arinta aad ka cabanaysaa dhacday, ama hadii dhoor cabasho jireen 3 bilood gudohood marka laga soo bilaabo tii ugu danbaysey.

Waxa muhiim noqon kara inaad talo ku saabsan sharciga iyo ashkatadaada raadsato goor hore si aad u ogaatid inaad kees haysatid iyo inta awoodiisu, ama ku guulaysigiisu leegyahay.

Waa qalad in shaqo-bixye uu sinaan la’aan la xidhiidha jinsiga uu sameeyo:

  • Marka uu doonayo inuu shaqaale qorto;
  • Marka la eryayo dadka;
  • In ku siiyo shuruudo aad u adag;
  • Inaanu ku siinin tababar ama dalacaad; iyo
  • Inaanu ku siin gunooyin, ama faa’iidooyin lamida dadka kale.

Sharciga sinaantu waxa uu ka hadlaa laba nooc oo sinaan la’aan ah:

Sinaan la’aan toos ah

Sinaan la’aanta tooska ahi waxay dhacdaa marka shaqaale ama qof dalbaday shaqo loola macaamilo si sinaan ka maqantahay, waayo jinsigiisa. Matalan, qofka shaqada laga eryey, ama loo diiday, ama aan lasiin tababar, ama in la dalacsiiyo la diidey waayo qofka jinsigiisa, ama waxa uu aaminsanyahay ama diin uu ku dhaqmo awgeed, tanu waxa ay noqonaysaa sinaan la’aan toos ah.

Duruufo aad u yar oo xadidanwaxa suurogal ah in ay tahay qayb kamid ah shaqada (GOR) uu qof ku ka shaqeenayo in loo baahanyahay in jinsi gaar ah noqdo, ama lab iyo dhadig midkood. Hasa yeeshee ‘GOR’ waa la doodi karaa shaqa-doontuhu, waxa laga doonayaa shaqa-bixiyaha in uu caddeeyo in arintaasu jirto. Shaqo bixyayaashu waa inay aad uga taxadiraan marka ay leeyihiin waxa jira ‘GOR’.

Sinaan la’aan aan toos ahayn

Sinaan la’aan aan toos ahayni waxa ay timaadaa marka shaqo-bixiyuhu uu fuliyo dhaqan ama qorshe dadka isku jinsiga ah, ama isku diintaha ah aan dhibaato u lahayn, laakiin qofka jinsi kale kasoo jeeda dhibaaya marka loo eego shaqaalaha kale. Hadii shaqo bixiyuhu diido ama fuliyo qorshe arin dad isku jinsi ah waa inuu caddeeyaa sababta ganacsi ahaan kaliiftey.

Shaqo-bixiyuhu sidoo kale hadii aad shaqada ka tagto sinaan l’aan kugulama kici karo.

Dadka qaba HIV ama AIDS

Hadii aad qabto HIV ama AIDS, waxa aad la kulmi kartaa sinaan la’aan.Waxa aad ku difaaci kara xeerka naafada ‘Disability Discrimination Act’. Wixii faahfaahina la xidhiidh: ‘Community Legal Services Direct leaflet ‘Rights for Disabled People’.

Taageero dheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxay leedahay macluumaad bilaash ah, taageero iyo talooyin loogu talo galay bulsho-weynta oo ku saabsan arimo badanla xidhiidha sharciga wadanka.

Call 0845 345 4 345

La hadal farsamo-yaqaan xaga sharciga ah wixii gunooyinka (benefits), daynka, waxbarashada, guriyeenta ama shaqooyinka ama sidii aad adeeg talo oo kale oo deegaanka u raadsanlahayd ee khuseeya wixii dhibaatooyin kale ah.

Click www.clsdirect.org.uk

Ka baadho farsamo-yaqaan xaga sharciga ama qareen ama wixii bogag kale ah ee taageero ka raadsan karto.

Equal Opportunities Commission

phone: 08456 015 901

www.eoc.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talooyin ee ku saabsan sinaan la’aanta xaga iskuulada

Helpline open Monday to Friday 2 to 5pm

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidii aad u heli lahayd meesha kuugu dhoow ee maacluud ka helayso, telifoon u dir

phone: 08457 474747

www.acas.org.uk

Age Concern

phone: 0800 00 99 66

www.ace.org.uk

Employment Tribunal Service

Khad warbixineed ee Gudida Shaqaalaha (employment tribunal)

08457 95 9775

www.employmenttribunals.gov.uk

The Gender Trust

For transgender people

phone: 0700 0790 347

www.gendertrust.org.uk

Stonewall

Dumarka iyo raga isku lamaan

phone: 020 7881 9440

www.stonewall.org.uk

Terrence Higgins Trust

Dadka qaba HIV ama AIDS

phone: 0845 1221 200

www.tht.org.uk

Third Age Employment Network

phone: 020 7843 1590

www.taen.org.uk

wixii ku saabsan nidaamka ku dhaqanka ee la xidhiidha shaqaalaha da’dooda ee xafiiska shaqada iyo gunooyinka shaqo ka fadhiisiaga ‘Age Positive Team within the Department for Work and Pensions

phone: 08457 330 360

www.agepositive.gov.uk

This leaflet is published by the Legal Services Commission (LSC). It was written in association with Sara Leslie of LeslieOwen


This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk