Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Fursado loo simanyahay: Sinaan la’aan (lagugu sameeyo) waxaad rumaysantahay iyo diintaada awgii
Equal Opportunities (3): Discrimination because of your religion or beliefs

Sinaan la’aan diintaada iyo waxaad rumaysantahay awgii

Xeerka sinaanta shaqaalaha (diinta iyo rumaysnaanta) ee 2003, waa sharci darro inaad qof lagula kaco sinaan la’aan la xidhiidha diinta iyo waxa uu qofku rumaysanyahay awgii. Xeerku waxa uu daboolayaa tababarka la xidhiidha shaqadaada.

Xeerkanu wuxuu daboolayaa diin kasta, ama ‘rumaysnaan la mida’ waxaana ka mida kuwa rumaysan sanamada ‘paganism’, kuwa aan diinta haysan ‘atheism’, kuwa rumayan dadnimada ‘humanism’ IWM, laakiin kuma jirto rumaysnaanta la xidhiidha siyaasada.

Hasa yeeshee xeerku kuma difaacayo hadii shaqo-bixiyuhu uu shaqada kuu diido waayo diin gooniya oo uu haysto, laakiin waxa uu ku difaacayaa hadii uu kuu diido waayo diinta aad haysato awgeed.

Sinaan la’aanta diintu waxa ku dhawdahay tan la xidhiidha midabka. Masalan, hadii sinaan la’aan la kulantay waayo yahuudi baa tahay, tani waxay noqon kartaa mid la xidhiidha diinta iyo qolada. Tanoo kale waad isku haleen kartaa labada xeerba. Wixii faahfaahina eeg bogaga adeega sharciga ‘Community Legal Services Direct leaflet, ‘Racial discrimination’.

Markee sinaan la’aantu ka soo horjeedaa

Qawaaniintu waxay dhigayaan in sharciga ka soo horjeedo in sinaan la’aan timaado hadii:

  • Ay go’aaminayso in aan shaqo lagu siin;
  • Lagugu eryayo;
  • Lagula dhaqmayo shuruudo iyo jawi xun;
  • Aan lagu siinayn wax tababar ama dalacaad ah;
  • Aan lagu siinayn faa’iidooyinka dadka diimaha kale haysta la siiyo.

Tusaale ah sinaan la’aanta shaqada ee tooska ah waxa kamid ah hadii qof Hinduu ah shaqada loo diido isagoo leh aqoontii iyo farsmadii oo dhan diintiisa awgeed.

Tusaale ah sinaan la’aan aan toos ahayn waxa ka mid ah in dirays lagu qasbo shaqaalaha aan u saamaxayn dadka xadhiga yar ama marada madaxa ku duubta. Nidaamkanu wuxuu is hortaagayaa dadka hinduuga ah ee xadhiga madaxa ku xidha iyo siiga madaxa duubta

Shaqo bixiyuhu sinaan la’aan ma samayn haddii adigu iskaa shaqada iskaga tagtay.

Waajibaadka shaqo ee isku dhacayaan waxaad rumaysantahay

Shaqo bixiyuhu ma’aha qasab inay ku shaqo geliyo hadii qayb wayn oo shaqadaada ay diidayso diintaadu, laakiin waxa ay noqon kartaa mid saxnayn in lagaa eryo shaqada hadii ay dhacayso in gaar ah u shaqayso oo aan diintaada wax u dhimayn. Tusaale, Hadii aad tahay Muslim ama Yahuudi, waxa dhacaysa inaad diido inaad hilibka boorka (doofaarka) aad qaadid, laakiin hadii ay dhici karto inaad si gaara oo aanad taabanayn hilibkaa u shaqayso, kuma eryi karo shaqo-bixiyuhu hadii aad diido inaad taabato hilibkaa.

Waxa aad shaqada aad ku xidhato

Diintaadu waxa ay ku amri kartaa inaad si gaar ah maryaha u xidhato. Tusaale, gabadha Yahuudiyada ahi waxay xidhan kartaa laba goono oo iska dul sareeya si aanu dhiska jidhkeedu u muuqan. Ama hindugu waxa uu luqunta ku xidhan karaa kuul si uu diintiisa u muujiyo.

Si gaar ah oo shaqada loo lebisto oo is hortaagaysa maryaha diinta, hadii aan shaqa bixuhu kuu sheegin in sabab weyn oo lagaba maarmaan ahi jirto, waxay noqon kartaa sinaan la’aan.

Ilaalinta diinta

Diintaadu waxa ay khasab ka dhigi kartaa inaad xiliyada qaarkood tukato.

Khasab am’aha in shaqa bixiyahaagu ku siiyo qol aad ku tukatid marka aad shaqaynayso.

Hasa yeeshee, hadii ay jirto meel cidla ah (oon loo baahnayn) oo dhibaato ku ahayn shirkada, hadii laguu diido inaad ku tukato, waxay noqon kortaa sinaan la’aan lagugula kacay.

Waxaad ka dhigan kartaa bireega waqti aad ku tukatid. Hadii uu kuu diido shaqa-bixiyuhu waxay noqon kartaa sinaan la’aan.

Waxa kaloo ay noqon kartaa sinaan la’aan:

  • In shaqada lagugu qasbo maalmaha ciidaha;
  • In laguu diido fasax maalmaha ciidaha iy dabaal degyada;
  • Lagugu qasbo inaad maalmo go’an sanad fasaxeedka qaadato.

In sinaan la’aan jirto waxay ku xidhantahayt in la eego duruufaha jira dhamaantood, iyo shaqa bixiyuhu uu cadddayn karo qorshaha, masalan hadii uu caddayn karo in bilaha qaarkood ay khasab tahay in shaqada la joojiyo dib-u-hagaajin awgeed. Hadii shaqaale aad u badani shirkada mar fasax wada waydiistaan, waxa adkaanaya in isu dheeli tir xaga shaqada la helo. Shirkada yar waxa suurogal ah inay culays ku tahay in dhowr shaqaale mar fasax wada qaataan; laakiin shirkada weyn waa suurogal in dhowr shaqaale ahi mar fasaxooda qaataan.

Marka loo ogolyahay in shaqo-bixiyuhu sinaan la’aan ku kaco.

Duruufo xadidan, shaqo-bixiyuhu waxa loo ogolyahay inuu sinaan la’aan ku kaco hadii duruufta shaqadu khasbayso ‘genuine occupational requirement’ oo shaqaystuhu ay tahay in diin gaar ah haysto, masalan cisbitaalku hadii ay u baahdaan wadaad masiixiya si dadka diintaa rumaysan baahidooda u daboolo, waxa uu cisbitaalka loo ogolyahay in ninkaa wadaadka ah shaqada la siiso.

Waxa muhiim ah in shaqa kasta goonideeda looga fekero. Shaqa-bixiya arintaa loo ogolyahay, hadii ay qasab tahay in shaqada qof diin gaara haystaa oo keli ahi qaban karo, ee ma’aha in shaqo-bixiyuhu uu isaga dooranayo.

Shaqo-bixiye ma helayo codsi farsamo shaqaale oo khasab ah ‘genuine occupational requirement’ hadii ay haystaan shaqaale ku filan oo shaqadaa qaban kara. Laakiin qayb yar oo kamid shaqadaa hadii qofkaa farsamada diimeed ee gaar ah wata loo baahnyahay wuu shaqaaleen karaa qof cusub – ma’ana aha arintanu sinaan la’aan.

Si loo hubiyo in arintanu jirto, waa in markasta shaqaale loo baahdo noocan ah dib loo eegaa in arintanu macquul tahay.

Hadii urur ama hay’ad ay haysato falsafad ama caqiido ku salaysan diin ama rumaysnaan kale, waxa ay dalban karaan codsi farsamo shaqaale oo khasab ah ‘genuine occupational requirement’ shaqooyinka ay hayaan, tanoo si caadi ah aan loo ogolayn shaqo-bixiyayaasha kale.

Kuwan (loo ogolyahay) waxa kamid ururada diimaha, iskuulada diimeedka, meelaha dadka lagu xanaaneeyo ee diinta dhabarka ku haysa. Si loo codsado farsamo shaqaale oo khasab ah ‘genuine occupational requirement’ ururku waa inuu tusaa:

  • In shaqada u baahntahay dhaqanka; iyo
  • ‘inay ku koobnaato’ masalan Kaniisada Ingiriiska waxa loo ogolyahay inay shaqo siiyaan macalin kamida macalimiinta ka tirsan kaniisada. Hase yeeshee looma ogola qalab hagaajinta iyo shaqooyinka maamulka inay khasab ka dhigaan inuu qofku kaniisada ka tirsanyahay ama rumaysanyahay.

Cadaadiska la xidhiidha diinta

Cadaadisku waa dhaqan aan loo baahnayn

  • waxbay u dhintaa sharafta; ama
  • samaysaa ishortaagis, nacayb, jawi shaqo oo colaad wata.

Cadaadisku waxa laga yaabaa in adiga laguula jeedo waayo diintaada ama waxa aad rumaysantahay., waxa laga yaabaa in ay tahay dhaqan jira oo u dulqaata ku jeesjeeska diimaha. Ama lagugu jeesjeeso diintaada ama diinta ehelkaaga awgii. Hadii had iyo jeer meelaha shaqada lagaaga jeesjeeso sababtan awgii waxay noqonaysaa cadaadis.

Kuwa aan diin rumaysnayn laftoodu waxa laga yaabaa in lagu jeesjeeso. Masalan hadii qof shaqaalaha kamida yidhaahdo kelmado aflagaado ah ama qofka wax u dhimaya waxay noqonaysaa cadaadis. Cadaadisku ma’aha khasab inuu toos yahay, ama adiga toos laguula jeedo, ee waxay ku xidhantahay in wixii dhacay uu wax kuu dhimi karo iyo inkale.

Taageero dheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxay leedahay macluumaad bilaash ah, taageero iyo talooyin loogu talo galay bulsho-weynta oo ku saabsan arimo badan la xidhiidha sharciga wadanka.

Call 0845 345 4 345

La hadal farsamo-yaqaan xaga sharciga ah wixii gunooyinka (benefits), daynka, waxbarashada, guriyeenta ama shaqooyinka ama sidii aad adeeg talo oo kale oo deegaanka u raadsanlahayd ee khuseeya wixii dhibaatooyin kale ah.

Click www.clsdirect.org.uk

Ka baadho farsamo-yaqaan xaga sharciga ama qareen ama wixii bogag kale ah ee taageero ka raadsan karto.

Equal Opportunities Commission

phone: 08456 015 901

www.eoc.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talooyin ee ku saabsan sinaan la’aanta xaga iskuulada

Helpline open Monday to Friday 2 to 5pm

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidii aad u heli lahayd meesha kuugu dhoow ee maacluud ka helayso, telifoon u dir

phone: 08457 474747

www.acas.org.uk

Age Concern

phone: 0800 00 99 66

www.ace.org.uk

Employment Tribunal Service

Khad warbixineed ee Gudida Shaqaalaha (employment tribunal)

08457 95 9775

www.employmenttribunals.gov.uk

The Gender Trust

For transgender people

phone: 0700 0790 347

www.gendertrust.org.uk

Stonewall

Dumarka iyo raga isku lamaan

phone: 020 7881 9440

www.stonewall.org.uk

Terrence Higgins Trust

Dadka qaba HIV ama AIDS

phone: 0845 1221 200

www.tht.org.uk

Third Age Employment Network

phone: 020 7843 1590

www.taen.org.uk

wixii ku saabsan nidaamka ku dhaqanka ee la xidhiidha shaqaalaha da’dooda ee xafiiska shaqada iyo gunooyinka shaqo ka fadhiisiaga ‘Age Positive Team within the Department for Work and Pensions

phone: 08457 330 360

www.agepositive.gov.uk

This leaflet is published by the Legal Services Commission (LSC). It was written in association with Sara Leslie of LeslieOwen

This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk