Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Codsiga magangelyo: maxaa dhacaya marka aad codsado?
Claiming asylum: What happens when I apply?

Dhowr heer baad maraysaa, dhowr waxna way dhacaan marka codsigaaga la eegayo. Dadka dalbanya kuligood nidaam ma wada maraan.

Waxa aad xaq u yeelan kartaa talo xaga sharciga ah oo bilaash ah kuna saabsan magangelyo doonkaaga.

Hadii aad xaq u yeelato ku saabsan sharciga, waxa laga yaabaa inaaney daboolin wakiilka sharciga (legal representative - a lawyer or solicitor) ee waraysiga kuugu imanaya. Hadii aad qof weyn tahay, waxa xaq u leedahy wakiil sharciga oo bilaash ah hadii:

  • Aad xanuun maskaxda ka qabto; ama
  • Waxa laguu hayaa (xidhay) qorshaha deg-dega ah ‘fast-track’ ama
  • Dawladu waxay u malaynaysaa inaad denbi gashay, oo ay kuu waraysanaysaa si digtoonaan booliis ah; ama
  • Dawladu kuu malaynayso inaad amniga qaranka khatar ku tahay.

Caruurta keligood ah waxa lala xidhiidhsiiyaa wakiil ka socda kooxda adeega bulsho (social services) ama konsilka magangelyo doonaha (Refugee Council).

Waraysiga koowaad

Heerka koowaad waxay la xidhiidhaa waraysi, ladhaho waraysiga baadhista (screening interview). Kanu waa tafaasiishaada lagaa helo, iyo sidaad UK ku soo gashay. Waxay qayb ka tahay qorshe lagu eegayo in wadan sadexaad laguu gudbiyo marka la eegayo codsigaaga. Waxay la eegaa inaad baasboor, ama dokumenti aad UK ku soo gashay.

Waraysiga baadhistu waxa uu dhacaa isla marka aad UK soo gasho, hasa yeeshee waxa dib loo dhigaa hadii turjumaan la raadinayo, ama aad xanuusanaysid.

Hadii ay jiraan dad aad UK kala xidhiidhayso, waa inaad ku adkaysato inaad la hadasho waraysiga ka hor. Waxa aad xaq u leedhay inaad qaraabo, saaxiib, ama garyaqaane la hadasho. Waxa kale oo aad hubisaa inaad turjumaanka aad fahmayso.

Waraysiga baadhista waa si faahfaahsan lagaaga waraysan waxa aad isku dhiibayso.

Waa inaad hubisaa in koobi waraysiga ku saabsan lagu siiyo (marka uu dhamaado).

Hordhaca

Waraysiga baadhista kadib waxa laguu sheegi karaa inaad timaado ‘induction’. Tan macnaheedu waxa weeye, inaad xarun gaar ah ku noolaato, ama aad timaado maalin kasta. Xarunta waxa aad ka helaysaa waxii macluumaad ah ee ku saabsan codsigaaga magangelyada, iyo nolosha UK (sida ay tahay). Hadii aad iman waydo, waxa suurogal ah in codsigaaga lagaa diido si dhakhso ah.

Waraysiga magangelyo

Kadib waraysiga baadhista, waxa jira waraysi dheer, oo si tafatiran laguu waydiinayo sababaha aad magangelyo UK uga doonayso. Hadii aad wadato wakiil xaga sharciga (kaa caawiya) warysiga waxa la qabanayaa marka uu iman karo. Hadii wakiil iman kariwaayo (masalan aad lacag u waydo) waxa waydiisan kartaa in waraysiga cajalad laguugu duubo, kadibna koobi lagu siiyo.

Hadii aan foom la buuxiyo lagu siin waraysiga ka hor, sarkaalka ku waraysanaya waxa uu qoro ayaa ah foomka codsigaaga. Hadii aad bedesho, ama ku darto wax aan saban weyni la socon, kuma rumaysanayo (Home Office –ku). Markaa hubi inaad koobi kala hadho, talooyina doono.

Dokumentiyada caddaynta

Waraysiga baadhista (screening interview) sarkaal soo gelista waxa kaa qaadayaa faro. Waxay gaadhi karaan inaaney faro ka qaadin caruurta ka yar 12 jir. Waxay ka qaadayaan sawir qof kastoo magangelyo doon ah, marka lagu daro caruurta. Kadibna waxay ku siinayaa caddayn sawirkaagu ku dhegsanyahay. Kaadhkan oo loo yaqaano sajilida magangelyo-doonka (Asylum Registration Card (ARC)), waa muhiim, waayo waa caddaynta keli aad haysato inaad UK joogi kartid iyo xuquuqdaada. Dawladu way haynaysaa wixii dokumenti kale ah aad wadanka lasoo gashay inta keeskaagu dhamaanayo>

Waa inaad iska eegto in tafaasiisha kaadhka ARC uu sax yahay. ARC waxa kaloo haynaysaa macluumaad uu qalab gaar ahi oo keliyi arki karo.

Xagee baad ka timi

Adigoo ah magangelyo doone, laguma celin karo wadan hadii aad ka baqsantahay in wax lagugu yeelo. Codsigaaga waa la qadariyaa, waxaana lagugu celin karaa wadankaagii hadii lagu diido.

Hasa yeeshee, hadii aad soo martay wadan sadexaad, xataa hadii ahayd muddo yar, Home-office wuxuu kugu celin karaa wadankaa hadii uu yahay meel nabadgelyo ka jirto. Codsigaaga ma eegayaan hadii arintanu jirto. Waxaa lagaa doonayaa inaad codsigaaga wadankaa ka diibto.

Hadii wadanka kale ee soo martay uu ku jiro liiska wasaarada ee wadamada nabada ah, codsigaaga magangelyo waa la diidayaa, rafcaana kama qaadan kartid. Liiska waxa kamid ah wadamada yurub intooda badan, Kanada, iyo USA. Hadii Home Office-ku uu goosto inuu wadankaa kugu celiyo, waxa keliya oo rafcaan ka qaadan kartaa xadii celintaasu ay xuquuqdaada bani-aadnimo ku xadgudbayso, waa adagtahay sidaad u caddayso, waxaanad u baahan kartaa khabiir xaga sharciga.

Xidhida (Detention)

Hadii aanad marka hore ee aad codsatay (magangelyo) aanad sharci aad ku joogto ama ku soo gasho Uk lahayn, waxa lagugu hayn (xidhi) karaa xarunta soo gelista. Waxa u dhowdahay in lagu hayo hadii:

  • Ay jirto in wadan kale lagugu celin karo;
  • Aad waraaqo beena ku soo gashay wadanka oo aanad u dhiibin markii aad timi;
  • Aad soo gashay kadib markii aad jarjartay baasboorkaagii;
  • Lagu ogaadey inaad dokumenti beena ku soo gashay wadanka; ama Home Office-ku u maleeyo in keeskaaga si dhakhso go’aan looga gaadhi karo.
  • Hadii lagu hayo, waxa aad xaq u leedahay:
  • Inaad waydiisato in lagu sii daayo ‘ogolaasho ku meel gaar ah’ ama
  • Aad damaanad ku baxdo marka aad UK joogtay 7 cisho. Damaanada macnaheedu waa inaad bixinayso lacag hadii aad soo noqon waydo.

Hadii lagu haynayo (xidhayo), waa in sarkaalka soo gelistu kuu sheegaa sababta oo qoraal ah. Waana inay ku siiyaan ogaysiisyo joogta ah sababta laguu haynayo.

Intii lagu hayn lahaa waxa aad ku bixi kartaa shuruudo uu ka midyahay inaad xidhto shakaal elektarooniko ah (electronic tag).

Keesaska ay caddahay inaanay jirin (unfounded cases)

Hadii Home Office-ku u maleeyo inaan keeskaagu jirin, waa lagu haynayaa marka aad dalbato. Inta badan waxay u maleeyaan inaan wadanka aad ka timi uu nabad yahay oo aanad u baahnayn magangelyo. Waxa kale oo noqon kartaa in Home Office-ku aanu u malayn in khatar nabadgelyo kala kulamayn wadankaaga, xataa hadii aad arintan ku doodo.

Hadii dawladu u malayso inaan dacwadaada waxba ka jirin waxa markiiba laguu gudbinaa xarumaha dadka lagu hayo. Keeskaaga si dhakhso ah ayaa go’aan looga gaadhayaa inta lagu hayo. Xarumaha qaarkood waxay leeyiiin lataliye xaga sharciga oo kaa caawin kara. Waxa heli kartaa talo kale oo bilaash ah hadii:

  • Lataliyaha koowaad ee aad la kulantay uu dacwadaada u gudbiyo; ama
  • Aad leedahay lataliyahaaga, kaas oo ku caawinayey adiga iyo reekiina muddo.

Hadii UK diido dacwadaada, laguuma ogolaanayo inaad usii joogto UK rafcaan. Waxa lagugu celinayaa wadankaagii, rafcaankana markaa kadib baad bilaabi kartaa.

Keesaska deg-dega ah (Fast-track cases)

Dadka magangelyo doonka qaarkood waxa lagu hayaa xarumaha dib-u-celinta marka ay codsadaan magangelyo hadii wasaaradu (Home-Office) u maleeyo in dacwadaada si dhakhso go’aan looga gaadhi karo. Hadii tanu dhacdo waxa lagu haynayaa muddo wiig ah, hadii dacwadaada la diido, waxa lagu siinayaa wiig kale oo aad rafcaan ku qaadato. Xarumaha qaarkood waxay leeyiiin lataliye xaga sharciga oo kaa caawin kara. Waxa heli kartaa talo kale oo bilaash ah hadii:

  • Lataliyaha koowaad ee aad la kulantay uu dacwadaada u gudbiyo; ama
  • Aad leedahay lataliyahaaga, kaas oo ku caawinayey adiga iyo reekiina muddo.

Keesaskan waa la dedejaa, waxaana dhibaato noqon karta inaad caddayn iyo macluumaad tusto inaad magangelyo doone tahay. Waa inaad markaa lataliyahaaga u sheegtaa wax kastoo oo aad u malaynayso in keeskaaga caawin karo.

Foomka nuqulka caddaynta (SEF)

Waxa lagu siin karaa foomka nuqulka caddaynta (statement of evidence’ form) inaad buuxiso. Waa inaad qortaa sababaha aad magangelyo ku doonayso. Wasaaradu (Home Office) waxa uu kasoo qaadayaa waxa aad ku qorto SEF sabaha aad magangelyo ku doonaysid, markaa waa inaad ku qortaa wax kasta oo loo baahnyahay in la arko. Waa inaad talo heshaa intaanad buuxin foomaka SEF.

Waa inaad SEF buuxisaa oo kusoo celisaa 10 cisho oo malmaha shaqada ah (caruurta keligood ah way ka badantahay). Dhowr wiig kadib waxa laguugu yeedhayaa waraysi balaadhan. Waxa kula joogi kara qof xaga sharciga kaa caawiya iyo turjubaan hadii aad u baahantahay. Laakiin kooxda ‘Community Legal Service’ bixinmayso kharashkan.

Hadii aanad soo buuxin SEF, ama balanta waraysiga imanwaydo, waxa laguu diidayaa magangelyada. Home Office-ku waxa uu iska diidi karaa inuu keeskaaga si faahfaahsan u eego, ama waraysi kale ayuu kuu diidi karaa. Markaa waa inaad sida ugu dakhsoha badan u sheegtaa hadii aanad:

  • Foomka buuxin karayn;
  • Dokumentiyada lagu waydiiyey keeni karayn; ama
  • Iman karayn waraysiga.

Taageero dheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxay bulsho-waynta siisaa macluumaad bilaash ah oo ku saabsan dhibaatooyinka caadiga ah ee xaga sharciga.

Wac 0845 345 4 345

Hadii aad xaq u yeelato taageero sharci (legal aid), waxa kale oo ka helaysaa khabiir sharci wixii talooyin ee ku saabsan dakhliga, cashuur celiska, deynka, waxbarashada, shaqada, iyo guriyeenta. Waxa kale oo raadsan kartaa talo-bixiye deegaankaaga, ama qareen.

Riix www.clsdirect.org.uk sidii wixii dheeraad ah u ogaatid.

Amnesty International

telifoon: England: 020 7033 1500

Wales: 029 2037 5610

www.amnesty.org.uk

Immigration Law Practitioners Association (ILPA)

Wixii macluumaad ee sidaad taageero u heli-lahayd, waydii diiwaanka (Directory of Members).

telifoon: 020 7251 8383

www.ilpa.org.uk

Immigration Advisory Service

www.iasuk.org

telifoon: 020 7967 1200 (head office)

Eeg boga internedka wixii ku saabsan tafaasiisha (cinwaanada, iwm) ee xaafadaada Ingland iyo Wales

Law Society

Law Society waxay ku siin karaan macluumaadka garyaqaanada ku meteli kara wixii ku saabsan dacwadaha magangelyada.

telifoon: 0870 606 6575

www.solicitors-online.com

National Asylum Support Service

Frank Corrigan, 27 Old Gloucester Street,

Bloomsbury, London WC1N 3XX

www.asylumsupport.info

Office of the Immigration Services Commissioner (OISC)

telifoon: 0845 000 0046

www.oisc.org.uk

Refugee Legal Centre

telifoon: 020 7780 3200

www.refugee-legal-centre.org.uk

maqaal kale, ‘Legal Advice for People who are Detained by the Immigration Service’ ayaa waxa soo saarey Law Society, Law Society of Scotland, OISC, CLS and ILPA, waxaana laga heli karaa ururadaa aynu soo sheegney.

Maqaalkan waxa la qoray, iyadoo la kaashanayo ‘Immigration Law Practitioners Association iyo Mick Chatwin, garyaqaane iyo qareen ku takhasusay sharciga soo galka (immigration law).

This document was provided by Community Legal Service Direct, April 2006, www.clsdirect.org.uk