Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Sidaad u heli lahyd talo fiican oo ku saabsan magangelyada
How to get good asylum advice

Sheekada Yuusuf:

'waxaan u baahnaa talo fiican si degdeg ah. Waxaan ku arkay kaadhkiisa daaqada dukaanka. Wuxuu lahaa xafiis fiican, wuxuuna u eekaa qof debecsan. Waxaan u dhiibay dokumentigaygii oo dhan iyo wixii aan lacag haystay. Hadda waxaan ogahay inaan isku halayn wayn sameeyey, laakiin markaa ma garanayn meel kaloo talo ka raadsado. Marba way sii adkaanaysay la hadalkiisu, inta badan mashquul buu ahaa, kamana soo jawaabayn tilifoonkayga. Mana ogayn waxa jiray. Ugu danbayntii waxaan ogaaday inkastoo uu xareeyey codsigaygii, wax kale uu qabatay ma jirin. Maalin dabe ayaan xafiiskii tegay, waanuu madhnaa. Dibna uma arag isagii iyo lacagtaydiiba. Waxaana ku danbeeyey xadhig. Nasiib wanaag waxaan helay lataliye fiican oo arintaydii dhameeyey’.

Waa maxay Advicenow?

Advicenow waa bogag inernedka oo madaxbannaan, faa’iidona sameeya, oo bixiya macluumaad sax ah oo ku saabsan xuquuqda iyo arimo sharciga la xidhiidha. Macluumaadka halkan ku qoaran wax saamayn ah kuma laha kuwa maalgeliya iyo dawlada UK -toona. Ahmiyada qoaraalkanu waa hore-u-marino wixii dantaada ah.

Maxaa (kaliifa) inaad talooyin codsigaaga magangelyo raadsato?

Waayo haddii aanad samay waxa aad khatar gelinaysaa:

  • Inaad sharciga jebiso adoo ogaan ulla jeedin
  • Inaad nidaamka sida ugu fiican uga faa’idaysan siduu u taageero keesgaaga.

Marmar Home-Office-ku wuxuu sameeyaa khaladaad, markaa talo la’aan way adagtahay inaad ogaatid, ama dareentid sidaad isu difaacdid.

Asaxaabtaadu waxay ku siin karaan talo, laakiin nidaamku wuu is bedelaa inta badan, markaa talo sharci oo haboon doono.

Maxaad talo fiican u raadsataa?

Waayo talo ama qareen aad daacad ahayn:

  • Inanu si wanaagsan kuula talin
  • Kaa khiyaameeyo lacagtaada ama dokumentigaaga
  • Inaanu soo qaadin caddaynta dacwadaada taageeri karta, ama uu ilaawo inuu Home Office-ka tuso.
  • Inaanu dan ka gelin inuu markhaatiyada dacwadaada taageeri kara waxba waydiin
  • Inuu si xun u buuxiyo foomkaaga, ama iskaba dhaafo
  • In si xun uu kuu metelo, ama aanu iman dhagaysiga

Waxan aynu soo sheegnay oo dhami waxay dhalin karaan dacwadaada magangelyo oo la diido xataa hadii keeskaagu wanaagsanyahay.

Runta badhka ah, iyo humaaga daboolan ee ku saabsan sida talo loo helo

  • Iska jir dadka leh ‘haddii ay bilaash tahay ma fiicna’ ama ‘wixii aad bixisay baad wax ku helaysaa’. Garyaqaano iyo talo-bixiyaal badan waxa bixiya hay’ada ‘Legal Services Commission (LSC)’ sidii ay talo bilaasha u bixiyaan. Hase yeeshee qareen ama talo-bixiye aad fiicnayni wuxuu kaa qaadi karaa (wax badan kadibna) talo xun ku siin karaa.
  • Shaqaalaha dawlada, marka lagu daro sarkaalada soo galka, waxa ay kuu sheegi karaan inaanad talo xaga sharciga ah u baahnayn. Waxaanu u malaynaynaa n qof walaba oo magangelyo doon ahi u baahanyahay talo. Tan sababteedu waxa weeye garyaqaanadu waxay ogyihiin sharciga markaa jira ee ku saabsan soo galka iyo magangelayada, waxaaney u isticmaali karaan sidii dacwadaadu u noqon lahayd mid lagu guulaysto.

Home Office (wasaarada arimaha gudaha)

Home Office-ku waa qayb dawlada ee ka masuulka ah soo gelista, booliiska, maxkamada, iyo jeelasha.

  • Waxa shaki ka qabi kartaa in garyaqaanada/talobixiyaasha UK aa adkaan kartaa inaad rumaysato, waayo waayo-aragnimo hore. UK garyaqaanada/talobixiyaasha bixiyaya talooyinka magangelyada uma shaqeeyaan Home Office-ka, NASS iyo xafiis kaloo dawlada ah; waa madax banaanyihiin. garyaqaanada/talobixiyaasha ku xusan warqadan ayaa kaa caawin kara inaad mid hesho.

NASS

Ururka ‘national Asylum Support Service (NASS)’ waxay siiyaan magangelyo-doonayaasha taageero, hoy, iyo taageero dhaqaale marka ay sugayaan dacwadooda uu eegayo Home Office-ku.

  • Waxa loo maleeyaa hadii uu garyaqaanuhu/lataliyehu uu kasoo jeedo cida tahay inuu sida ugu fiican kuu caawinayo. Laakiin tanu khasab ma’aha. garyaqaane/lataliye aan daacad ahayni waxa uu isticmaali karaa fahanka dhaqankaaga siduu uu macaamiil ugu noqotid. Qaar waxay kusiin karaan in kuwa kale ee cid kale ahi ay waysiin karaan dacwadaada. Iska jir; tani waa khiyaamo ay doonayaan in lacagtaa u qaataan.
  • Inuu garyaqaanuhu/lataliyehu kuu sheego in dacawda waayesid, macnaheedu ma’aha waa lataliye xun. garyaqaane/lataliye waxa khasab ku noqon kara inuu kuu sheego in keeskaagu liito, hadii tanu tahay talo daacad ah.

Samaynta iyo samayn la’aanta raadsiga talo:

Fadlan samee:

Doono talo sharci si dhakhso ah

Iska jir shuftada
waxa aad la kulmi karata garyaqaane/lataliye ku diyaara eeriboodka ama dekaeda lagasoo galo. Waxa laga yaabaa inay kuu sheegaan inay ku caawinayaan, laakiin ujeedadoodu waxa weeye inay ku khiyaameeyaan.

Sheekadii Akbar:
Akbar waxa uu ku sii jeedey xarunta la dhaho: Refugee Arrivals Project (waa qolo tabaruca oo caawiya dadka magangelyo doonka ee hadda soo agaly)an independent charity that helps newly arrived asylum seekers and refugees), marka qof isku sheegaya inuu ahay garyaqaane uu waydiiyey waraaqihiisa iyo £200 – taas oo ahayd wixii lacag ahayd ee uu markaa haystay. Waxay ku soo wareejeen eeriboodka ilaa 45 miridh, kadib dejeen. Akbar kadib wuxuu soo noqday isagoo habsan ah, lacagna aan haysan.

Joogso oo feker intaanad dokumentigaaga dhiibin

  • Marmar garyaqaanuhu/lataliyehu waxa uu u baahanyahay dokumentigaaga asalka ah sidii Home Office-ka ugu gudbiyo. Waa inaad koobi iyo rasiidh kala hadhaa waraaqha aad u dhiibto. Laakiin iska jir garyaqaane/lataliye doonaya inuu hayo dokumentigaaga sabab la’aan. Waxa laga yaabaa inuu doonayo inaad ka tegin macaamiladooda.

Ilaasho dokumentigaaga

Waa qaali hadii ay ku danbeeyaan gacmo kale, denbiilayaashu waxay ku iibin karaan lacag aad u badan.

Fadlan ha samayn:

Markasta ha dhagaysan saaxiibo macno sameenaya

Iska jir saaxiibo kuu sheegaya inaad been abuur sanmayso; tanu inta badan mushkilad bay keentaa adiaga (asaxaabtaana) denbi baad gelaysaan.

Sheekadii Ahmed:

Ahmed waxa uu ka yimi jejniya waana Muslim. Waxa loo soo sheegay inaanu Muslim sheegan waayo reer galbeedku ma jecla muslimiinta. Sababtaa awgeed wuu rumaystay dawladana waxa uu u sheegay inuu Ruush yahay. Waxaanu buburyiyey fursadii uu ku qaadan lahaa magangelyo, beentaa awgeed.

Ha u malayn in qofkasta oo lacag doonayaa uu khaayin yahay

Tanu sax ma’aha inta badan. Waxa jira garyaqaane/lataliye fiican oo qaadan lacagta dawladu ku bixiso ee bilaashka ah. Way ka qaadaan maacaamiisha wixii adeega ku saabsan.

Taageerada sharciga (Legal aid)
tanu waa lacag lagu bixiyo dadka dakhliga yar, ama aan kayd haysan. Hadii aad qaadato NASS way taageertaa inaad u xaq leedhay kharshka sharciga. Ururka la dhaho ‘The Legal Services Commission (LSC)’ ayaa bixiya garyaqaanka/lataliyeha ay iyagu ictiraafsanyihiin.

Yaaney ku soo jiidan siinta hadyad ama lacagi
mid kastaoo ku siinaya kaash, mobil sidaad u noqoto macaamiishooda waxa ay u dhowyihiin inay yihiin shufto. Inkastoo marka hore ay mucquul u eegyihiin, waxba kuuma aha hadii aad dacwadaada weydo.

Qaladaadka dadku sameeyaan marka sharxayaan waayo arafnimadooda

Marka aad UK timaado waad daalantahay, baqaysaa, cidlana (daraymaysaa). Waxa ugu weyn aad rabtid waa inaad gashid. Waxaa ku dhiiran kartaa inaad wixii suurtogal ee ku geli karto aad dhahdo. Fadlan, ha samayn khladka dad bani sameeyaan. Haddii aad samayso waxaad waayi kartaa dacwadaada, laguguna celin karaa meeshii aad ka timid.

falan samee:

  • sheeg rumtoo dhan
    hadii Home Office-ku ogaado inaad been sheegtey – xataa mid keli ah, way adagtahay inay rumaystaan wixii kale aad sheegto xataa hadii ay run tahay. Waxay rumaysanyihiin inaanad daacad ahayn, aanad awoodid inaad been sheegto.
  • Sii tafaasiil dhan
    waxa muhii
    m inaad Home Office –ka siiso tafaasiil dhan marka ugu horaysa ee aad laq kulanto. Haddii aad wax gadaal kaga darto, ama aad bedesho wixii aad ku hadashay waxay u malayn karaan inaad been sheegayso sidaad fursadaada u hagaajiso.

Sheekada Felipe:

Marka la waydiiyey inta jeer laxidhay inta madaxa yara werwereejey ayuu ku jawaabey mar. waxa uu ka fekereyey markii labada bilood la xidhay, ee la go’aamiyey in wadanka laga saaro. Markaa kadib markii lataliye nuqul ka sameenayey wax uu qirtay in marar badan booliisku xidhay. Inta badan saacad ama laba. Felipe waa caadaystey xidhniinkan, ilaa uu u qaatay inaaney xadhigba ahayn – ee qayb nolosha caadiga ka mid ah.

Tafaashiisaa dheeraadka ah ee uu ku darau, waxay Home Office –ka gelisay inuu Felipe ka badbadinayo si fursad keeskiisa ku guulaysto u helo. Runtii waxay ka dhigtay mid aan la rumaysan karin.

  • Waa carrabka ku dhufataa wixii dhacay xataa hadii wax laga khajilo, ama laga xanuusado yihiin.
  • Way adagtahay inaad qof aanad arag u sheegto in lagu ciqaabay, ama lagu kufsaday. Laakiin waxa muhiim ah inaan sheegto, hadii ay jirto, hadii kale waxaad waayi kartaa keeskaaga. Hadii aad tahay dumar oo aad doonayso inaad qof dumar ah la hadhasho fadlan codso. Sidoo kale hadii aad tahay nin oo aad doonayso inaad nin kale la hadasho fdlan codso. Una sheeg lataliyahaaga ama qareenkaaga.

Iska jir kelmado macno kale ayey sameeyaan UK

Masalan, dadka qaar ka yimaada debeda UK waxay dhahaan walaal qof aan la dhalan, marka UK si gaar loo dhaho qofka kula dhashay oo keli ah. Hadii aad Home Office-ka ku dhahdo qof gaar ah waa walaalkay, oo ay u qaataan inuu walaalkaa yahay, oo kadib aad tidhaahdo walaalkay ma’aha waxay kasoo qaadayaan inaad been sheege tahay, aanad awoodid inaad beeno kale sheegto.

Iska caabi qaladaadka

Haddii Home Office-ku si qalad ah u qoro magac ama meel waxa fiican inaad markiiba saxdo. Hadii aanad samayn waxa ay sababi kartaa mushkilad. Masalan, hadii aanay xoojin caddaynta aad haysatid. Hadii aanay kuu hawl yareen inaad sarkaalada wasaarada u sheegto adigu, waydii qareenkaaga ma lataliyahaaga inuu u sheego.

Fadlan ha samayn:

  • Ha iska dhaafin arin ogaan
    tani waxay noqon kartaa been, haddii lagu ogaadana waxay wax u dhimaysaa dacwadaada magangelyo.
  • Ha iska dhaafin arin ogaan adoo u malaynaya (in keeska) ku shaqo lahayn
  • Tafaasiil kasta ama ha yaraato, ama ha weenaato, wax bay katari kartaa kiiska. Waxa fiican in Home Office-ku ama qareenku uu go’aamiyo waxa arinta khuseeya. Haddii aad waxa dhaafto, way ku adkaayansaa dawlada ama qareenka is guul ah kuu taageeraan. Sidoo kale culays dhusha ha iska saarin inaad wax aanad si fiican u xaxeesnayn dhahdo. Sida adoo magac, meel, taariikh,ama wax xasuusan karin.

Ha odhan waxa aad u malynayso in Home Office-ku doonayo inuu maqlo
hadii aad malayso waxa sarkaalka soo gelisto doonayo inuu maqlo, intaad runta sheegi lahyd, waxa aad naftaada usoo jiigaysaa dhibaato badan. Dawladu waxay moodi kartaa inaad waxa qarinaysid.

Noocyada kala duwan ee la taliye

Kuwa (dawladu) maal geliso

Garyaqaano/lataliyayaal qaarkood waxa kharashkooda bixiya hayada ‘Legal Services Commission (LSC)’. Tan waxa la dhahaa 'legal aid'. Waxaana awood loo siiyaa inay dadka dakhliga ama kaydka yar bilaash ula taliyaan.

Garyaqaano/lataliyayaal Legal aid, waxa ku lumin karaan xili xadidan kiis kasta, ilaa 5 saacadood bilowga hore, kadib waa inay dalbadaan in ka badan. Hadii tanu ku dhacdo macnaheedu ma’aha in Garyaqaanku/lataliyehu xun yahay, ee waa nidaamka u yaal.

  • Taageerada kharashka sharciga
    'ma haysto wax kharsh ah oo aan ku bixiyo Garyaqaanka/lataliyaha’. Waxa lacag ah uma baahnid haddi aad qaadato NASS, waxa xaq u leedahay taageero bilaash ah oo bixinayaan Garyaqaano/lataliyayaal legal aid.

Haddii aad doonayso inaad heli karto ‘Legal aid’, aanad interned leedahay eeg www.clsdirect.org.uk/legalhelp/calculator.jsp?lang=en

Si gaar ah loo maalgeliyey
Qareenadu/lataliyayaashu sida gaarka loo leeyahay adeegoodu waa lacag. Haddiii xaq u leedahay ‘Legal aid’ waa inaad kuwa dawladu maalgeliso doonataa, oo aanad kuwa lacagta ah bixinin, hadii aanad adigu sidan rabin.

Fekred 1: taageerida in nidaamku si fiican u dhaco

  • Sii Qareenada/lataliyayaasha sheekadoo dhan.
  • Sii Qareenada/lataliyayaasha wixii waayo aragnima ah oo dhan.
  • Si joogto ah xidhiidh ula yeelo Qareenada/lataliyayaasha , tanu waxay suurogelinaysaa innaan wax qaldamin, sida waraysi muhiima oo aanad tegin, ama xili aad ka habsaanto.
  • Ogaysii ‘Home Office-ka’ ama Qareenada/lataliyayaasha hadii aad cinwaanka ama tilifoonka bedesho.
  • Ku hayso dokumentida asalka ah ee xafidan.
  • Hubi inaad waraysiyada, balamaha aad timaado, adoon habsan ahayn.

Fekred 2: sidaad u ogaataa in Qareenadu/lataliyayaashu shaqo fiican qabanayaan.

  • Miyey kaa qaadeen nuqul faahfaahsan?
  • Miyey hubiyeen taariikhaha, meelaha, sida dhacdooyinku u kala horeeyeen, magacyada iyo sidaad wax isugu tihiin dadka kale ee ku shaqo leh magangelyo doonkaaga?
  • Miyey kaala taliyeen fursadaada inaad dacwada ku guulaysanaysid?
  • Si cad miyey kuugu sharxeen, iyo waxa ku xigta ee marba ay sameenayaan?
  • Miyey ku siiyeen koobiyo muhiim ah, marka lagu daro dokumentiyada Home Office-ka loo diray, iyo qof kale oo kiiska ku shaqo leh?
  • Miyey si cad kuugu sharxeen waxa ay kaa filaan iyo waxa aad xagooda ka filanaysid?
  • Miyey ku siiyeen macluumadka ku saabsan sidaad uga askoon karto adeegooda?

Hadii jawaabaha arimaha kor ku qorani yihiin haa, waxa aad ku kalsoonaan kartaa inay shaqo fiican kuu qabanayaan.

Turjubaanada

  • Turjubaanadu waa inaaney wax talo xaga sharciga ah ku siin – tanu sharciga ayey kasoo horjeedaa.
  • Inkastoo ay kalsooni tahay inaad qof afkaaga yaqaan la hadasho, waa inaad xasuusnaataa inaaney turjunadu khubaro xaga sharciga ahayn, ay isticmaali karaan qareemo ama lataliyaal aan daacad ahayn si ay macaamiil u helaan, ama waraysi ama talooyin u bixiyaan.
  • Hadii aad u malayso in turjubaanku si qalad ah u sharxayo wixii aad tidhi waa inaad markiiba u sheegtaa madaxda Home Office-ka ama qareenkaaga, xataa hadii ay tanu tahay inaad joojiso waraysiga. Hadii aanad afkooda fahmeen iska yeel mid aan turjubaanka ka raali ahayn.

Bedelista qareenka/lataliyaha hadii aanad raali ka ahyn

Waxa aad xaq u leedahay talo fiican, iyo inaad ka ashkantoon karto hadii aad qareenkaagu talo fiican ku siinayn. Hasa yeeshee xasuusnow in hadii ay yidhaahdaan waxaanad raali ka ahyn aan taa macnaheedu ahayn inay shaqo xun samaynayaan.

Bedelista qareenka/lataliyaha waa inaaney noqon wax si fudud aad u samayso, laakiin hadii adeeg xun ku siinayaa samee. Hadii aad qaadanayso taageero xaga sharciga ah ‘legal aid’ waxa aad bedeli kartaa oo keliya hadii aad u weyni jirto. Markaa waxa fiican inaad hore ka bedesho. Mana la’haan kartid laba qareen isku mar.

Hubi in qareenka/lataliyaha cusubi uu dacwadaada uu qaatay intaanda ka kale ka tegin. Waxa laga yaabaa in aanad qareen degdeg u helin, hadii aaney jirin qaar aqbali kara kiiskaaga. Waxa muhiim ah inaad horaanta ka doonato mid fiican.

Hadii aanad qareenka/lataliyaha ka helayn meel kuu dhow, waa safri kartaa. Hadii aad xaq u leedahay ‘legal aid’’ kharashka socodka waa lagaa bixinayaa. Kala hadal tan qareenka/lataliyaha intaand qaabilin.

Sidaad u ashkatooto

Qofkee baad ka ashkantoon kartaa

Hadii aad u malayso in qareenka/lataliyaha uu talo xun ku siiyey, waxa aad ka ashkantoon kartaa adoo maraya nidaamka u yaal, ama waxa aad u ashkantoon kartaa: Office of the Immigration Services Commissioner (OISC). Waa amaan inaad sidan samaysaa; OISC u gudbinmayso tafaasiishaa dawlada (Home Office-ka), xataa hadii aad UK ku joogto sharci darro.

Waxa aad ka ashkantoon kartaa qareen/lataliye kasta – xataa hadii aanad OISC –ga usoo marin markii hore. OISc –du waxa ay hubisaa in lataliyaashu ay talo fiican ixiyaan, ashkatooyinkana ka soo qaadaan qaar run ah.

Maxaad ka ashkantoon kartaa

Waxaad ka ashkantoon kartaa dhibaato kasta oo kala kulantay qareenka/lataliayaha, marka lagu daro:

  • Talo xun
  • Adeeg xun, masalan inaaney kuu sharaxin waxa jira
  • Inaaney isku hawlin inaad waxaad la kulantey ogaadaan
  • Iney si beena u qirteen in guul la gaadhayo
  • Inay ku kalifaan kharash xad dhaafa ama hawl aaney qaban wax ku qaataan
  • Inay kaa codsadaan inaad been, ama qiaraal aan sax ahayn samayso
  • Balamaha oo ay ka habsaamaan
  • Inay maxkamada iman

Hadii aad u baahanthay turjumaa OISC ayaa kuu diyaarin karta.

Maxay OISC ashkatadaada ka samayn kartaa

OISC waxay eegaysaa ashkatadaada waxaaney eegyasaa wixii shaqo ee ay qaban karto. Hadii latliyahaagu uu sharciga jebiyo, ama talo xun bixinayo waxbay ka qabanyaan.

OISC-du ma dedejin karto kiiskaaga, mana samayso wixii ashkato ee ku wajahan Home Office-ka.

Waxaad ku ashkantoon kartaa foomka ku qoran 25 af, ee ku diyaarka bogaga internedka ee OISC -da www.oisc.org.uk/complaints/00-start-complaints.asp ama inaad wacdo 0845 000 0046.

Sidee talo fiican u heshaa

Ururadan soo socda waa lagu kalsoonaan karaa, waxayna kuu gudbin karaan qareen/lataliaye:

TheOffice of the Immigration Services Commissioner (OISC) waxa uu hayaa talo layna (interned) www.oisc.org.uk/adviser-finder/00-adviser-finder.asp
Tilifone: 0845 000 0046

Community Legal Service Direct waxay kuu gudbinayaan qareen/lataliye ku takhasusa magangelyada, loona ictiraafay inuu bixiyo talo bilaash ah, oo hoos yimaada (legal aid). www.clsdirect.org.uk/directory/directorySearch?lang=en Tilifone: 0845 345 4 345

The Law Society waxay hayaa sajilaad kuwa ku shaqaysta magangelyada iyo tafaasiishooda. Waxa tan ka helaysaa internedka www.lawsociety.org.uk/professional/accreditationpanels/lawpanel.law#top

The Immigration Law Practitioners' Association (ILPA) waxay bogaga internedkooda ku hayaan diiwaanka kuwa ka tirsanas www.ilpa.org.uk/. Tilifone: 020 7251 8383

Waxa haboon inaad doonato qareen ama lataliye ku qora intan daaqadooda, ma nootkooda:

Hadii aad doonayso inaad internedka isticmaasho sidaad ururadan ku eegto, booqoto laybereeriga deegaankaaga, oo bilaash uga heli kartid. Ama waxa booqan kartaa 'internet cafés' oo aad ka helayso dariiqyada caamka ah, laakiin waa lacag isticmaalkeedu.

Ururadan soo socdaa waa kuwo tabaruc oo madxbanaan, oo la shaqeeya magangelyo doonayaasha. Intooda badanina waxay kuu gudbinayaan qareen ama lataliye.

  • Asylum Aid
    waa hay’ad deeq (tabaruca) oo bixisa talo bilaash ah, meteshana magangelyo doonayaasha
    www.asylumaid.org.uk
    Advice Line: 020 7247 8741
    Tilifone: 020 7377 5123'
  • Migrant Helpline
    waa hay’ad deeq (tabaruca) oo bixisa talo bilaash ah, meteshana magangelyo doonayaasha ku nool UK
    www.migranthelpline.org.uk
    Telephone: 020 8774 0002
  • The Medical Foundation for the Care of Victims of Torture
    c waa hay’ad deeq (tabaruca) oo bixisa daryeel iyo dib-u-dejin dadka kasoo badbaadey ciqaab iyo daawac
    www.torturecare.org.uk/
    Telephone: 020 7697 7777

Refugee Council
waa hay’ad deeq (tabaruca) oo taageerta magagan doonayaasha iyo qaxootiga.
www.refugeecouncil.org.uk/

Telephone: London 020 7346 6777. Cardiff 029 2048 9800

  • Refugee Action
    waa hay’ad deeq (tabaruca) oo siisa magangelyo doonayaasha.
    www.refugee-action.org.uk/
    Telephone: 020 7654 7700
  • Refugee Arrivals Project
    waa hay’ad deeq (tabaruca) oo siinaysa dadka cusub ee magangelyo doonka ah wixii macluumaad ah ee ku saabsan xuquuqdooda UK.
    www.refugee-arrivals.org.uk/
    Telephone: 020 8759 5740
  • Home Office

Waa qaybta dawlada u qaabilsan soo gelista wadanka, booliiska, maxkamadaha, iyo jeelasha.

  • Law Society
    waxay metelaan garyaqaanada (qareenada) ee ee Ingland iyo Wales, waxaanay dhigaan heerka shaqo, iyo hubinta inay adeeg fiican bixiyaan.
  • Legal Services Commission
    waxay maamulaan bixinta mucaawinada sharciga (legal aid) ee Ingland iyo Wales waxay hubiyaan in dadku helaan macluumaad, talooyin, iyo taageero sharci oo wax kaga qabtaa mashaakilkooda.
  • Legal aid
    waa lacag qaran oo loo isticmaalo taageerada xaga sharci ee dadka dakhliga yar ama aan kayd haysan. The Legal Services Commission (LSC) waxay wax siiyaan garyaqaanada/lataliyaasha bixiya ‘legal aid’.

NASS
Ururka ‘national Asylum Support Service (NASS)’ waxay siiyaan magangelyo-doonayaasha taageero, hoy, iyo taageero dhaqaale marka ay sugayaan dacwadooda uu eegayo Home Office-ku.

  • Office of the Immigration Services Commissioner
    xafiiska (OISC) waa unug madaxbanaan, oo loo sameeyey inuu hubiyo in lataliyaasha soo gelista iyo magangelyadu inay yihiin qaar shaqada ka adag, una dhaqmaan sidii macaamiishooda dani ugu jirto. Ma’aha qayb kamid ah Home Office-ka.
  • Nuqul
    kani waa xaqiijinta, iyo dhacdooyinka ee ku waajahan soo galkaaga wadanka UK.

This document was provided by Advicenow, June 2006, www.advicenow.org.uk.

This document was provided by Advicenow, June 2006, www.advicenow.org.uk.