Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Shaqaalaha guryaha
Domestic workers

Nuqulkanu waxa uu kuu sharxayaa haddii aad imanaysid UK si aad ugu shaqayso shaqo-bixiye adoo ah adeege guri. Waa tusmo keliya oo ka jawaabaysa su’aalaha inta badan la is waydiiyo.

Intee baan UK joogi karaa?

Marka aad codsato inaad UK ku timaado shaqaale guri, waxa lagu siinayaa inta badan lix bilood haddii qofka aad u shaqaysaa booqasho ku yimi UK. Haddii uu doonayo inuu joogo muddo dheer, waxa lagu siinaya fiise ilaa laba-iyo-toban bilood ah.

Inta aanay dhamaan mudadii laguu ogolaaday waa inaad midkood samaysaa:

  • Waa in UK ka baxdaa; ama
  • Waa inaad ka codsataa wasaarada arimaha gudaha inay muddada kuu kordhiyaan.

Shaambada lagu dhejiyo baasbaarkaagu waa inay caddaysaa cidda aad u shaqayso. Haddii aanay caddayn, waa inaad wasaarada arimaha gudaha la xidhiidhaa, ama talo sharciga wadanka ku saabsan raadsataa. Waana inaad talo raadsato haddii madmadow kaaga jiro ogolaansha aad wadanka ku joogto.

Shaqada ma bedeli karaa inta aan UK joogo?

Waxa shaqada u bedelen kartaa shaqo la mid ah oo keliya. Tan waxa ku jirta xanaanada caruurta, iyo kharajka guryaha. Uma bedelen kartid shaqo nadaafad keli ah.

Marka ugu horaysa ee shaqo-bixiyahaaga bedeshid, waa inaad ‘home-office’ ka u sheegtaa. Waa inaad qoraal ugu sheegto.

Waxay u baahanyihiin:

  • Magacaaga oo buuxa, taariikhda aad dhalatay ee baasboorka kuugu qoran;
  • Marka iyo meesha aad ka qaadatay soo gelistii kuugu horaysay;
  • Tafaashiisha shaqo-bixiyihii hore iyo kan danbe; iyo
  • Sababaha aad u bedeshay shaqada

Khasab ma’aha inaad codsi samayso inta ka horaysa xiliga cusboonaysiinta joogitaankaaga.

Hadii aad UK ka shaqaysay afar sano, laguna siiyey joogitaan aan xadidnayn ‘indefinite’ waad ka shaqayn kartaa shaqadii aad doontid.

Sidee u codsadaa inaan joogintaanka korodhsado?

Waxa aad buuxinaysaa foom. Codsigu (marka laga reebo kuwa magangelyo doonka ah ama ogolaansho shaqo haysta ama kuwa sharciga yurub u saamaxayo) lama aqbalayo haddii aan foom u gaarka ah la buuxin.

Sidaad joogitaan dheeraada u raadsato, waa inaad soo qaadataa foomka FLR(O).

Sidaad u codsato joogitaan rasmi (daain) ah waa inaad heshaa foomka SET(O).

Sidaad u hesho foomka codsiga la xidhiidh xarunta sharciyada ee ‘Coventry Law Centre’ 024 76223053.

Waxa foomka oo buuxisay boos ugu diraysaa wasaarada daakhiliga (Home Office), inta ogolaanshahaagu dhamaan. Foomka ayaa kuu sheegaya dokumentiyada aad u baahantahay inaad raaciso.

Waa inaad ku dartaa:

  • baasboorkaaga;
  • warqad aad ka soo qaadato shaqo-bixiyaha oo caddaynaysa in shaqadaadu sii socondoonto;
  • warqad aad ka soo qaadato shaqo-bixiyaha oo qeexaysa shuruuraha shaqo, marka lagu darro tafaashiisha shaqo gelis, mushaharka saacadii, saacadaha shaqo, waa in adiga iyo shaqo-bixiyuhu saxeexdaan dokumentiga;
  • warqad ka socta shaqo-bixiyaha oo xaqiijinaysa in ay dabaqayaan xeerka lacagta saacadii laqaato ee ugu yar (national minimum wage) ee UK;
  • caddayn inaad naftaada taageeri karto, adoon qaadanayn dakhli qaran.

Hadii aad doonayso inaad safarto si degdeg ah waa in aad codsataa adoo tegaya xafiisyada wasaarada ‘public enquiry offices’.

Waa inay dokumentiyadu noqdaan asal, haddii aaney jirin duruuf kaliifaysa inaad ku raacin karayn codsiga. Xafiiska wasaarada arimaha guduhu ma aqbalaan sawirka (koobi) dokumentiga ee asalka ahayn.

Hadii codsigaagu uu guul noqdo, wasaaradu waxay inta badan bixisaa 12 bilood inaad UK joogtid. Marka aad afar sano oo isku xigta ka shaqayso UK adoo ah shaqaale guri, waxa aad codsan kartaa joogitaan rasmi ah (indefinitely).

Hadii denbi la iga galo sharcigu ma idifaacayaa?

Qof kasta oo UK ku nooli waxa uu xaq u leeyhay in wixii xadgudub sharci laga difaaco, dhalashadoodu cidkasta oo ay tahay. Tusaale waa sharci darro in qof:

  • guri kugu xidho isagoo raali ka ahayn;
  • uu u galmoodo fasax la’aan; ama
  • waxyeelo gacan ka hadal ah u geesto.

Hadii qof wax ku yeelo waa in aad booliiska u sheegtaa. Waxa aad tilifoon nambarkooda ka helaysaa buuga telifoonada, isagoo ku hoos qoran ‘Police’. Xaalada degdega ah wac 999 oo weydii booliiska. Way ku caawinayaan.

Hadii aanad toos ula xidhiidhi karayn booliiska, waxa taageero qarsoodi ah ka helaysaa, iyo talooyin:

Kalayaan
St Francis Centre
Pottery Lane
London W11 4NQ

Tilifoon 020 7243 2942

Baasboorkaaga ayaa caddayna in aad ogolaansho ku joogto wadanka UK. Waa dokumenti aad u muhiim ah waana inaad meel aamin ah ku haysaa. Cidda aad u shaqaysaa waa inaanay kuu hayn. Haynta ay kuu hayaan baasboorka amar la’aan, ayna kuu diidaan inay ku siiyaan, waa inaad booliiska iyo safaarada war gelisaa.

Maxaan xuquuq shaqo leeyahay?

Adiga iyo cidda aad u shaqaysaa waa in shuraada shaqo kala qorateen. Waa inaad koobi ka haysataa dokumentigan.

Shaqo bixiyehu waxba kama bedeli karo shuruuda, hadii aanad ogolaan. Tusaale, waa in shaqo-bixiyehu:

  • ku siiyaa sicir go’an oo aad ku heshiiseen
  • ku siiyaan gunno fasax aad ku heshiiseen
  • uu ku siiyaa ogaysiiska shaqo ka tegista aad ku heshiiseen

hadii aanay tan samayn waad ashkatatyn kartaa adoo u tegaaya gudida shaqaalaha ‘Employment Tribunal’ ama maxkamadaha.

Xataa hadii aanad heshiis shaqo aydaan kala qoran sharcigu waxa uu ku siinayaa xuquuq, ay ku jirto xiliga nasashada, gunnada fasaxa, fasaxa umusha, iyo kan sinaan la’aanta. Fadlan la xidhiidh xubnaha shaqaalaha oo la dhaho ‘trade union’ wixii talooyin ah.

Trade unions –ku waxay ilaaliyaahan xuquuqda shaqaalaha. Wixii tafaasiil ah sida xubnaha shaqaalaha guud iyo gaadiidka (TGWU) ay ku caawin karaan, fadlan la xidhiidh:

Transport and General Workers Union
Transport House
16 Palace Street
London SW1E 5JD

Sidee noqonaysaa haddii aan daaweyn u baahdo?

Xaq baad u leedahay daryeel caafimaad wadankan UK waayo waxaad tahay degane caadi ah. Tan macnaheedu waxa weeye waxaad u timi UK inaad ka shaqayso, ama waxaad degentahay ilaa 12 bilood. Waa inaad iska sajishaa dhakhtar sidaad daaweyn u hesho.

Waxaad wacaysaa diiwaanka macluumaadka (directory enquiries) sidaad u ogaato dhakhtarka kuugu dhow. Ama wac khadka macluumaadka adeega caafimaad 0800 66 55 44.

Ma joogi karaa UK haddii aan wax shaqa ah hadda hayn?

Haa, waad joogi kartaa UK inta uu dhamaanayo sharciga aad ku joogto, haddii aad daryeeli karto naftaada adoon u baahnayn dakhli dawladeed (public funds).

Hadii aad UK joogtey afar sanadood, oo aad qaadatay sharciga rasmiga ah (indefinate) waad bedeli kartaa shaqadaada adoon ogolaansho ka helin wasaarada arimaha gudaha (Home Office).

Waad inaad u diyaar garowdaa inaad wadanka UK ka baxdo inta aan sharcigaagu dhamaan. Wasaarada arimaha guduhu ku siinmayso mudo dheeraad ah hadii aanad ka shaqayn shaqo guri (domestic care).

Waxaad jebinaysaa sharciga haddii aad shaqayso, ama xili dheeraad ah sii joogto marka sharcigaaga joogistu dhamaado.

Hadii aanad lacag ama tigidh noqosho haysan waa inaad la xidhiidhaa safaaradaada. Cinwaanka safaarada waxaad ka helaysaa buuga diiwaanka ee Landhan, ama wac diiwankan tilifoonada 118 500.

Waa maxay hanti qaran (public funds)?

Haddii aad UK u timi inaad ku noolaato waa inaad is taageri kartaa, hoyna iska bixin kartaa adoon u baahan dakhli qaran, waxaana ka mid ah:

  • taageero dakhli iyo gunada shaqo raadsadaha (Income Support and Jobseeker’s Allowance (JSA));
  • taageero hoy;
  • gunada hoyga iyo tan cashuur bixinta deegaanka (Housing Benefit and Council Tax Benefit);
  • cashuur celiska reeraha (Working Families Tax Credit);
  • sanduuqa bixinta ee bulsho;
  • gunada caruurta (Child Benefit), ama
  • gunada dadka naafada ah (disability allowance).

Maxaan sameeyaa hadii cidda aan u shaqeeyaa UK ka tagto?

Haddii aad soo raacday cida aad u shaqayso waa inaad la noqotaa marka ay ka baxayaan UK. Haddii aad ka soo hadho cid kale uma shaqayn kartid, haddii aanay dad ay aad isgu dhowyihiin dadka aad u shaqaynaysay aanay wadanka imanayn si aad shaqadaadii usii wadatid. Si kasta h ahaatee waa inaad wadanka ka baxdaa marka muddadaadu dhamaato.

Hadii uu cida aad u shaqaysaa UK safar uga baxayaan, khasab ma’aha inaad la baxdo maadaama ay halkan degenyihiin, kuna soo laabmayaan. Haddii ay si rasmi ah uga tegayaan UK oo aaney ku soo noqonaynin, waxaa lagaa rabaa inaad la baxdo. Hadii aanad la bixin, waxa lagaa rabaa inta aan sharcigaagu dhamaan inaad wadanka ka baxdo.

Miyaan iska sajilaa booliiska?

Haddii ay khasab tahay inaad booliiska iska sajisho ‘home office’ ka ayaa shaanbada baasboorka ku caddaynaya. Waa inaad todoba cisho gudohood aad isku sajishaa marka aad UK soo gasho.

Sidaad isu sajisho waxaad u baahantahay baasboor iyo laba sawir. Hadii aad u dhowdahay kooxda booliiska ee la dhaho ‘Metropolitan Police’ waxaad geenaysaa waraaqaha:

The Overseas Visitors Record Office
Brandon House
180 Borough High Street
London SE1 1LH

Xafiisku waxa uu furanyahay inta u dhaxaysa 9am ilaa 4:30pm Isniinta ilaa Jimcaha. Waxaaad macluumaadka xafiiskan ka helaysaa khadkan tilifoonka: 020 7230 1208

Hadii aanad degenayn inta loo yaqaan ‘Metropolitan Area’, waa inaad la xidhiidhaa booliiska deegaankaaga sidaad meesha aad tegayso iyo cinwaanka uga hesho. Waxaad bixinaysaa fiiga booliiska ee sajilaada.

Cida aan u shaqeeyaa baasboorkayga ma haysan kartaa?

Baasboorkaagu waa caddayn inaad UK joogi karto. Waa dokumenti muhiim ah waana inaad meel aamin ah ku haysataa. Cida aad u shaqaysaa waa inaaney kuu hayn. Haddii cida aad u shaqaysaa ay hayso baasboorkaaga adoon raali ka ahayn waa inaad la socodsiisaa booliska iyo safaaradaada.

Rafcaanka

Coventry Law Centre - waxay ku siinaysaa talooyin bilaash ah iyo metelaad xaga sharciga ah.

The Law Centre - waxay kaala talinaysaa sidii aad rafcaan u qaadan lahayd, waxayna ku meteli kartaa dhegaysiga maxkamada. Waxaad xarunta kala xidhiidhi kartaa balanta, ama wac khadka bilaashka ah ee xarunta maalmaha Salaasada iyo Khamiisaha inta u dhaxaysa 10ka ila 12ka duhurnimo: 024 76253168.

This document was provided by Coventry law Centre, www.covlaw.org.uk