Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Macluumaadkanu waxa uu khuseeyaa England, Wales iyo Scotland iyo Northern Ireland.
Frequently asked questions about immigration

Macluumaadkanu waxa uu khuseeyaa England, Wales iyo Scotland iyo Northern Ireland.

Anigu waxaa ahay muwaadin Biritish ah, waxaana doonayaa inaan guursado gabadh aanu saaxiibnahay oo wadanka ku joogta fiise arday. miyaanu u baahanayhay inaanu wax gaar ah samayno sidaanu joogitaankeeda wadanka wax uga bedelno?

waxaan ku imi UK fiise booqasho ah, waxaana doonayaa inaan digrii sameeeyo. miyaa la ii ogolyahay tan?

Hooyaday may u dhalan UK, waxaanay ku nooshahay debeda. waa keli, waana da' aad u jilicsan. Anaa taageerayey muddo aad u dheer. Miyaan keeni karaa sidii ay iila joogi lahayd wadankan UK?

Adeerkey waxa uu deganyahay wadan ay ka jirto qas siyaasadeed, iyo rabshado. Waxu ii sheegay inuu aad u baqo inuu gurigiisa dhaafo, waxaanu doonayaa inuu ogaado inuu UK iman karo inta xaaladu degayso.

Anigu waxaa ahay muwaadin Biritish ah, waxaana doonayaa inaan guursado gabadh aanu saaxiibnahay oo wadanka ku joogta fiise arday. miyaanu u baahanayhay inaanu wa gaar ah samayno sidaanu joogitaankeeda wadanka wax uga bedelno?

Hadii aad guursato, xaaskaaga cusub waxa aad UK waydiinaysaa ogolaansho inay kula joogto. Waxa jira shuruudo aad u adag oo ah inay buuxiso si loo hubiyo inay xaaskaagii dhabta ahaa tahay, oo ay kula joogi karto. Waxaaney tusaysaa dawlada inaaney khiyaamo rabin markii fiise arday ay wadanka ku soo gashay. Iyo inaad labadiinu aad is taageeri kartaan oo aydaan u baahnayn taageero dawladeed marka aad is guursataan. Ogolaansha markaa la siinayaa waa labo sano. Dhamaadka labada sano waxay codsan kartaa dhegenaasho weligeed ah.

Sharciga UK ee soo gelistu waa mid adag, qalad aad samaysaana wuxuu keeni karaa cawaaqib xumo. Waxa haboon inaad doonato la taliye takhasus ah.

waxaan ku imi UK fiise booqasho ah, waxaana doonayaa inaan digrii sameeeyo. miyaa la ii ogolyahay tan?

Markii aad UK soo gashay waxaa laguu ogolaaday booqasho, iyo in marka fiisahaagu dhamaadu aad ka baxdo. Marka la eego sharciga wadanka laguuma ogola inaad waxbarasho usii joogto. Hadii aad doonaysid inaad arday noqoto waa inaad ka baxdaa wadanka oo dib usoo codsataa fiiso arday mustaqbalka. Hadii aad wadanka sii joogto marka fiisahaagu dhamaado, waxaaad jebinaysaa sharciga, iyo shuruudii aad wadanka ku soo gashay. Tani waa qalad aad u weyn waa lagu ashakanteen karaa, laguna tarxiili (dhoofin) karaa.

Hooyaday may u dhalan UK, waxaanay ku nooshahay debeda. waa keli, waana da' aad u jilicsan. Anaa taageerayey muddo aad u dheer. Miyaan keeni karaa sidii ay iila joogi lahayd wadankan UK?

Waad keeni kartaa hooyadaa wadanka laakiin xaaladaha inta badan waa inay buuxisaa shuruudo aad u adag. Tan ugu muhiimsan waa inaad adigu degenaasho rasmiya leedahay, hooyadaana ay dhaqaale ahaan adiga kugu xidhantahay, oo aaney lahyn dad kale oo wadanka ay ka imanayso ku taageeri karra.

Adeerkey waxa uu deganyahay wadan ay ka jirto qas siyaasadeed, iyo rabshado. Waxa ii sheegay inuu aad u baqo inuu gurigiisa dhaafo, waxaanu doonayaa inuu ogaado inuu UK iman karo inta xaaladu degayso.

Wadanka UK waxa saxeexday xeerka qaxoontiga ee qaramada midoobey, taas macnaheedu yahay in ay siiso qofka khatar ku jira wadankooda nabadgelyo. Nidaamka la marayo waa mid adag, waxaad u baahantahay talo khabiir in adeerkaa la ogolaan karo waqti xaadirka ah. Qayb yar oo codsiyada ka mid ah baa la ogolaadaa, marka ka tasho inaad codsato, ama si kale oo aad ku keeni karto – hadii ay jirto qaraabo u dalbi karo fiise inta xaaladu degayso.

Sidii aad macluumaad uga heli sidii aad magangelyo u dalban lahayd oo af aan ingriisi ahayn ku qoran, booqo bogaga inernetka: www.languages.refugeecouncil.org.uk.

This document was provided by Citizen Advice from their website, www.adviceguide.org.uk.