Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Taageero wixii dhibaato ah ee la xidhiidha soo gelista
Help with immigration problems

Macluumaadkanu waxa khuseeyaa England, Wales, Scotland iyo Northern Ireland


Xadidista soo gelista

Xadidista soo gelista waxay ku saabsantahay dadka ka soo gelaya wadamada kale UK, sida loogu ogolaado iyo inta ay joogi karaan. Waxa kale oo ay ku saabsantahay waxa loo ogolyahay inay sameeyaan marka ay wadankan joogaan. Sida ina ay shaqayn karaan, ama reerkoodu u iman karo, ama inay dalban karaan taageero xaga caafimaadka guud, ama dhaqaale (gunooyinka dawlada).

Shuruudaha xadidista soo gelista (immigration control, kaas oo sharci ah) wuu adagyahay, waxaanu hadheeyaa sharciga dhalashada (nationality law). Kanu waa sharci qofka noqon kara British iyo noocyada kala duwan ee dhalashada.

Nidaamka kantaroolista soo galawga ee UK, waxa uu u qaybiyaa dadka laba nooc: kuwa xuquuqda asalka ah leh ee ‘inay deganaadaan’, kuwaas oo ku noolaan kara, kana shaqaysan kara wadanka, iyo kuwa u baahan sharciga in loo ogolaado inay soo galaan iyo inay degaan.

Waxa jira dad aan hoos imanayn labadaa nooc, oo aaney khasab ku ahayn inay soo gal dalbadaan xataa hadii aaney lahayn sharci ‘inay deganaadaan’. Kuwan waxa kamid ah dadka leh xuquuqda socodka ee Yurub.

Marka dadku u baahanyay ogolaansho soo gal ah, shuruudbay leedahay loogu ogolaan karo. Tusaale, waxa kamid ah: ‘booqasho’ ‘lamaane’, ‘dad isku xidhan’ iyo ‘arday’. Qayb kasta, waxa jira shuruud laga doonayo inuu buuxiyo inta aan loo ogolaan inuu soo galo. Masalan, ardaygu waa inuu tusaa inuu waxbarasho buuxda diganayo. Shuruuda ay ka simanyihiin dhamaan qaybaha aynu soo sheegnay waa in qofku is taageeri karaa noloshiisa isagoo u baahan hantida dawlada.

Shuruudaha soo gelista waxa kaloo qeexayaan inta aad joogi karto UK. Xeerka la dhaho ‘Leave to remain’ waxa noqon karaa mid ku meel gaar ah, ama weligii ah 'indefinite.' Kan ku meel gaarka ah waxa la siiyaa dadka UKsababo ku meel gaar ah u imanaya, masalan arday. Dadka kale ee dalbanaya joogitaanka ‘leave to remain’ waxa xaq u yeelan karaan weligii ah, waxaana suurtogal ah inay dhalasho codsadaan.

Dadka hoos imanaya deganaashaha ku meel gaarka ah, sida kuwa soo booqanaya, waxay looga baahanyahay inay tusaan inay wadanka ka baxayaan marka ujeedadoodu u dhamaato.

Dadka u baahan sharci ay UK ku soo galaan, waxa u baahanayaa inay caddeyaan inay saraakiisha soo gelista inay sharci buuxa haystaan. Waxa jira tafaasiil faahfaahsan oo sheegaya waxa looga baahanyahay qaybkasta oo codsadayaal soo gelayti ah. Kooxaha qaarkood, sida kuwa dalbanayaa laajinimada, loogama baahna inay sharci sitaan, laakiin kuwa kale inta badan waa looga baahanyahay.

Inta macluumadkan baaqiga ah, waxa aad ka helaysaa talooyin ku saabsan mashaakilka aad la kulmi karto ee ku saabsan soo galka wadanka. Iyo liiska kooxaha ku caawin kara. Waa inaad maskaxda ku haysaa in sharci soo galka UKdawladu hirgeliso, ay khatar kugu tahay fahan la’aanta joogitaanka wadanka UK. Waxa kamid noqon kara in dib laguu celyo meeshii aad ka timid.Waxa markaa muhiim ah inaad la tashato khabiir xaga sharciga kaa caawiya sidaad u ogaatid mowqifkaaga adiga, reerkaaga iyo asaxaabtaadaba.

Xarunta talooyinka ee la dhaho ‘Citizens Advice Bureau’, ayaa ku siin karta wixii macluumaad ah ee ku saabsan sidii aad taagero u heli lahayd.

Mashaakilka u baahan kara talooyin la xidhiidha soo gelista iyo wadanimada

Tusaalooyin mashaakilka aad talooyin uga baahan karto:-

  • in aad hesho ogolaansho kuu saamaxaya inaad UK joogto muddo ka badan intii aad ugu talogashay
  • helista ogolaansho laguugu saamaxo inaad wax aan laguu ogolayn samayso, sida inaad shaqaysato
  • inaad keensato qaraabo wadanka, sida xaaska (ninka), caruurta
  • haduu laguugu hanjabey in UK lagaa dhoofiyo
  • hadii dawladu kugu hayso xerooyinka dadka soo galowga
  • hadii aad u baahato baasboor, aanad hubin inaad xaq u leedahay kan Biritishka ama mid kale
  • aad doonayso inaad dalbato inaad noqoto muwaadin Biritish ah
  • hadii aad ku nooshahay UK aanad doonayso inaad safarto (sida fasax), hadii laguu ogolaan karo inaad kusoo noqon karto UK iyo hadii kale
  • in aad xaq u leedahay adeega dawlada ama lacagta la isa siiyo, sida waxbarashada, inaad ogaatid inaad doorashada ka qayb qaadan karto
  • qof qaraabo ama saaxiib la tahay oo eeribood laga diidey inay wadanka UK soo galaan.

Sajilida lataliyaasha (dal) soo gelista

Lataliyeyaashu dhamaantood waa inay ka sajilnaadaan xafiiska la dhaho ‘Immigration Services Commissioner (OISC), ama ay xubin ka yihiin urur, sida ‘Citizens Advice Bureaux, kuwan oo laga dhaafo sajilida. Qof kasta oo talo kabixiya soo gelista kaas oo sajilnayn, ama laga dhaafin sajilaada waxa samaynayaa denbi sharci darro ah. Xafiis kasta oo la siiyey, ama laga cafiyey, waa inay muujiyaan shahaadada ay bixisay OISC siday u tusaan inay buuxiyeen shuruudii OISC. Waxa aad kala xidhiidhi kartaa OISC –da:-

5th Floor
Counting House
53 Tooley Street
London
SE1 2QN
Helpline: 0845 000 0046 (for general enquiries)
Website: www.oisc.org.uk

liiska talo-bixiyasha ee ka sajilan ururka OISC, waxa aad ka helaysaa boga internedkooda. Bogan oo kuu sheegaya sida aad uga ashkantoon lahayd talo-bixiye. ururkaOISC –du kama shaqayso mashaakilka la xidhiidha deganaanshaha iyo soo galka wadanka.

Ururada qaran ee ku taageeri kara

Immigration Advisory Service (IAS)

(Head Office)
County House
190 Great Dover Street
London SE1 4YB
Tel: 020 7967 1200
Tel: 020 7378 9191 (khad degdeg ah – fariin baad dhaafi kartaa marka xafiisku xidhanyahay)
Website: www.iasuk.org

IAS waxa kale leedahay xafiisyo deegaan. Waxa ka heli kartaa macluumaadka boga internedka ee IAS.

Refugee Legal Centre

153-157 Commercial Road
London E1 2EB
Tel: 020 7780 3220 (khad talo 10am - 4pm)
Tel: 0800 592 398 (khad talooyin dadka xidhxidhan (lahayo))
Tel: 07831 598 057 (khad degdeg ah marka xafiisku xidhanyahay)
Fax: 020 7780 3201
Email: [email protected]
Website: www.refugee-legal-centre.org.uk

urarkan la dhaho ‘Refugee Legal Centre’ waxay siinayaan talooyin iyo taageero dadka qaxootinka iyo laajinimada dalbanaya. Waxaana kamid ah talooyin iyo caawimo marka codsiga, diidmada laajinimada, soo dhoofinta iyo isku keenida ehelka, iyo inay ku meteli karaan maxkamada. Xaruntu waxay leedahay adeeg balan ah oo ku saabsan wixii talooyin ah. Waxay qabataa laga bilaabo 9:30 maalmaha shaqada, marka laga reebo khamiista. Balanta waxa laga samaysanayaa iyadoo lasoo wacayo khadka telifoonka inta u dhaxaysa 9:30 ilaa 1 duhur. Xaruntu waxay arki kartaa dad xadidan balan la’aan. Waxay eegayaan marka aad timaado. Dadka xaalkoodu muhiim yahay ayaa lasoo horaysiiyaa.

Refugee Council

Refugee Council -ka ee England iyo Wales waxay siisaa taageero iyo talooyin dhamaan qaxoontiga iyo laaajiinta. Waxa kamid ah adeegyada ay bixiso, qayb loogu talagalay qaxoontiga cusub, ee xaga dhexgalgalka bulshada, guriyeenta, waxbarashada, iyo lacagta dawladu bixiso. Balantu khasab ma’aha, laakiin waxa loo arkaa dadka sida ay usoo kala horeeyaan.

England

3 Bondway
London SW8 1SJ
Tel: 020 7582 3000
Fax: 020 7582 9929
Information line: 020 7820 3085 (Mon-Fri, 10.00am - 1.00pm)
Email: [email protected]
Website: www.refugeecouncil.org.uk

England, Refugee Council ku waxa uu bixiyaa tababar iyo khibrad shaqo. Qaybtan waxa laga helaa:

240-250 Ferndale Road
London
SW9 8BB
Tel: 020 7346 6777 (advice line - Mon-Fri 10.00am - 4.00pm)

Wales

Phoenix House
389 Newport Road
Cardiff
CF24 1TP
Tel:029 2048 9800

Scottish Refugee Council

5 Cadogan Square
(170 Blythswood Court)
Glasgow
G2 7PH
Tel: 0141 248 9799
Helpline: 0800 085 6087
Fax: 0141 2432499
Email: [email protected]
Website: www.scottishrefugeecouncil.org.uk

Scottish Refugee Council –ku waxa uu la shaqeeyaa laajiinta ku nool Iskotland. Waxa kamid ah adeegyada ay bixiso, qayb loogu talagalay qaxoontiga cusub, ee xaga dhexgalgalka bulshada, guriyeenta, waxbarashada, iyo lacagta dawladu bixiso. Balantu khasab ma’aha, laakiin waxa loo arkaa dadka sida ay usoo kala horeeyaan.

UKCOSA - Council for International Education

9-17 St Alban’s Place
London N1 ONX
Tel: 020 7288 4330 (administration only)
Fax: 020 7288 4360
Email: [email protected]
Website: www.ukcosa.org.uk

UKCOSA waxa u doodaa ardayda debeda, waxay daabacdaa buugaag yaryar oo aad muhiim u ah oo ku saabsan dhibaatooyinka ay ardaydu la kulmaan. Ardayda talo u baahani waxa ay la xidhiidhi karaan xafiiska NUS ee deegaankooda. Wixii degdeg ah wac UKCOSA khadka furan ee bulsho: 020 7109 9922 (Mon-Fri, 1.00-4.00pm).

Joint Council for the Welfare of Immigrants (JCWI)

115 Old Street
London EC1V 9RT
Tel: 020 7251 8708
Email: [email protected]
Website: www.jcwi.org.uk

JCWI waa hay’ad madaxbanaan oo maalgelinta ku hesha tabarucaad. Waxay ku doodaa in wax laga bedelo sharciga soo gelida. Waxa ay taageertaa ururada talooyinka bixiya, mana bixiso talooyin keesaska shakhsiyeed.

Garyaqaanada gaarka ah

Garyaqaano ku takhasusay soo gelista (immigration) waxa inta badan ka shaqeeyaan meelaha dadku ku badanyihiin (magaalooyinka waaweyn).

Si aad u ogaatid in garyaqaano gaar ahi jiraan xaafadaada, waxa la xidhiidahysaa: Immigration Law Practitioners’ Association (eeg xaga hoose).

England iyo Wales, ‘Community Legal Servic’ waxa ay leedahay bogag internedka ah, kaas oo aad ka helaysid macluumaadka qareemada iyo kuwa kale ee bixiya talooyinka khaaska ah (eeg xaga hoose).

Immigration Law Practitioners’ Association (ILPA)

Immigration Law Practitioners’ Association (ILPA) waa urur garyaqaano, oo ku takhasusay sharciga soo gelista iyo dhalashada. Waxa ay kuu sheegi karaan sidaad qareen (solicitor) u heli lahayd kaa caawiya keeskaaga.

ILPA can be contacted at:-
Lindsey House
40-42 Charterhouse Street
London EC1M 6JN
Tel: 020 7251 8383
Fax: 020 7251 8384
Email: [email protected]

Northern Ireland Council for Ethnic Minorities (NICEM)

NICEM waxay meteshaa dadka laga tirada badanyahay ee degan Northern Ireland. Waxay si toos u meteshaa dantooda, waxay leedahay shirar ay hore ugu mariso ka qaybqaadasha jaaliyadahan. NICEM waxay dhiiri gelisaa cadaalada, iyo baabiinta sinaan la’aanta la xidhiidha midabka (IWM). NICEM waxay leedhay adeeg soo dhowayna, kaas oo taageera laajiinta sidii adeega ay bixiso ‘National Asylum Support Service’ iyo taageerooyin inta ay sugayaan go’aankooda.

NICEM waxa aad kala xidhiidhi kartaa:-
3rd Floor
Ascot House
24-31 Shaftesbury Square
Belfast BT2 7DB
Tel: 028 9023 8645
Fax: 028 9031 9485
Email: [email protected]
Website: www.nicem.org.uk

Community Legal Service (CLS)

England iyo Wales, ‘Community Legal Service (CLS)’ waxa leedhay baogag internedka ah, kaas uu kujiro liiska iyo macluumaadka garyaqaanada, wakaaladaha talooyinka, iyo meelaha laga helayo talooyinka khaaska ah ee deegaamada. Macluumaadku waxa uu ku qoranyahay afafka: Ingiriisirada, Welshka, Urduga, Bengaliga, Cantoneseka, Punjabiga iyo Gujaratiga.

Waxa ka daalacan kartaa kobiga CLS-ta laybereeriga deegaankaaga. Waxa kaloo telifoon u diri kartaa CLS-ta khadkan: 0845 608 1122 (waxa ku kaliifayaa sicir caadi ah).

Internedka CLS-tu waa: www.CLSdirect.org.uk.

Local help

Ururo badani waxay bixiyaan talooyin ku saabsan soo gelida iyo dhalashada, masalan xarumaha sharcigu (eeg xaga hoose) ama konsilada sinaanta cunsuriyada (midabada). Waxa kaloo jira qareemo gaar ah oo ku takhasusa arimahan (eeg cinwaanka Solicitors in private practice).

Tayada talooyinka ay bixiyaan ururadu way kala duwanaan kartaa.

Xarumaha sharciga (Law centres)

Xarumaha sharcigu intooda badani waxay leeyihiin qof ku takhasusa soo gelista (immigration). Waxa inta badan ka dhisanyihiin meel ay sahlantahay in loogu tago. Waxa muhiim ah inaad baadho in ay keeskaaga eegi karaan.

Hadii xaruntu leedahay talooyin iyo metelid ku saabsan soo gelista, waa bilaash.

In England and Wales

Law Centres’ Federation
Duchess House
18-19 Warren Street
London W1P 5DB
Tel: 020 7387 8570
Fax: 020 7387 8368
Website: www.lawcentres.org.uk

In Scotland

Secretary
Scottish Association of Law Centres (SALC)
c/o Govan Law Centre
47 Burleigh Street
Govan
Glasgow G51 3LB
Tel: 0141 440 2503
Email: [email protected]
Website: www.salc.info

In Northern Ireland

Law Centre (NI) Central Office
124 Donegal Street
Belfast BT1 2GY
Tel: 028 9024 4401
Fax: 028 9023 6340
Website: www.lawcentreni.org

Law Centre (NI) Western Area Office

9 Clarendon Street
Derry BT48 7EP
Tel: 028 7126 2433
Fax: 028 7126 2343

This document was provided by Citizen Advice from their website, www.adviceguide.org.uk.