Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Qolada Amaahda Dadka ka soo Qaada iyo Canshurta Golaha Degmada.
Bailiffs & Council Tax

Tan waa warbixin dhab ah oo ku sabsan qolada amaahda dadka kasoo qaada [bailiffs] oo ku iman kara iyago isku dayaya in ay kaa qadan canshurta golaha degmada [council-tax] ama canshurta wajibadka bulshada [community charge or poll tax.]

Canshurta golaha degmada [council-tax] iyo canshurta wajibadaka bulshada [poll tax ] waxa badana arursha shirkado madaxbanan oo qolada amaahda dadka ka soo qaada [baliliffs ]. Waxay isku dayan in ay qaatan alaabtada oo ibiyan badana (xarash) si ay u soo saran lacagta deynta. Nidamka ay maran si ay u dhahan alaabtada qasab ku qatan waxa la yiraahdaa ka gadid[distraining] ama ganaax qaadie [levying].

Laga bilaabo Oktober 1998, qolada amaahda dadka ka soo qaada oo dadka u yimada waa inay haystan shahado cadayn ah. Tani micnaheedu waxu yahay waa in ay shahado ka soo qatan maxkamada degmada logu ogolanayo in ay noqon karan qolada amaahda dadka ka soo qaada [bailiffs]. Waxad uga dacwoon karta maxkamada degmada qolada amaahda dadka ka soo qaada oo leh shahado cadeyn. Fiiri shahadada ay watan, waxa kalo fiirinysa qabka sida loga dacwodo (how to complain).

Laga bilaabo Abril 1998, waa in aad ka heshid warqad golaha degmada ku sheegaysa inta aad ka qabtid kaagana digeeysa in ay qolada amaahda dadka ka qaada (bailiffs) ku imanayan, hadadan 14 maalmood gudahooda deynta ku bixin. Waxay kaloo ku shegaysa sida aad golaha degmada (council) ula xiriraysid hadi aad su'al qabtid. La xirir golaha deqmada si aad ola heshisid habkaad deynta ku bixisinaysid oo awoodada tahay si degdeg ah. Haddi u golaha degmada ka yeelan waxay joojinayan qolada amaahda dadka ka qaada (bailiffs) in ay ku yimadan waxan ku baqaneeysa lacag dheerada ah oo aad bixin lahayd.

Ma in aan gudaha soo gashaa qolada amaahda dadka ka soo qaada?

  • Haka furin irida maxa yelay xoog bay kugu soo dhafi karan. Haddi ay mar soo galana waa soo gali karan markale, waana soo jabin karan albaabka si ay u qaatan alaabtada.
  • Ha ka tagin darishadoo furan ama irid aan xirneyn. Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) si sharci ah bay meelahaaso dhan uga soo gali karan. Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ma weydisan karan boliska cawinad si ay u jabsadan gurigaga.
  • Iska jir qolada amaahda dadka ka soo qaada qarkood namber taleefon bay kaga tagi karan, markad udirtid qorsho ay gurigaga ku soo galan ba samaynayan iyago ku leh waan wada hadleyna. Ha ogolan in ay soo galan, wax kasata oo ay sheegan.
  • Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) waxay iskudayi karan in ay u dhacan garashkaga iyo meelaha lamidka ah. Inkasto ay sharcidaro tahay, "Alaabta qaliga ah qarso, waxa dici karta in ay qatan baabuur ama moto gurigag agtiisa tala.

Si edab ah oo cad ku diid in ay guriga soo galan. U sheeg lacagta aad awoodid in aad bixisid. Haddi qolada amaahda dadka ka qaada (bailiffs) ogoladan ku dheh baabuur kooda ku noqda oo bananaka u baxa si lacagta idin siiyo, cadeyna in aad sisay ka qado.

Ha saxiixin waxba haddi ay qolada amaahda dadka kasoo qaada (bailiffs) kaga tagan wargad aad saxiixidid oo aad u celisid. In aad saas sameysid ma aha. In aad saxiixdid heeshis iridada laga soo turay ma aha.

Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) haddi ay gurigaga soo galen mar hore:

Taanu waa ka dhib badan tahay. Haddi aad mar u ogolatid in ay soo galan qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) waxay xaq u leeyihiin in ay kusoo nogdaan gurigaaga. Waxa loo ogol yahay in ay soo jabshan si ay ku soo galan.

La xiriir qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) markiiba, una gaar qaymo aad deynta tartib tartib ugu bixin kartid. Tus dagligaga si ay u arkaan in aadan intas ka badan bixin karin. Tan waa in aad waxa kugu muhimsan ka dhigta maxayeelay qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) waa soo noqon karan, waxayna qaadan karan alaabtadii ay qorqorteen markay gurigaga soo galeen haddi aadan lacagta bixin. Ka qado warqada cadeeyneysa in aad lacag bixisay iyo intay ahayd.

La xiriir golaha degmada (council) una sheeg in aad deynti bilawday bixinteeda. Waydiiso xubin gole (councilor) xafaadada cawinaad.

Maxay yahin wax yabaha loo ogolyahay qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) in ay qatan:

Waxa jira waxyaabo aan qolada amaahda dadka ka soo qaada lo ogleyn inay qaatan;waxa ka mid ah alaabta la soo ijartay. Waxa kalo nidamku leeyahay alaabtan hoos ku qoran ma qaadan karan:

Sida buugagta, baabuur iyo qalabkii kale oo muhim u ah shaqda u qofku qabto

Sido kale, dharka, waxyaabaha lagu seexdo, qalabka guriga iyo waxii kalo u ah muhim noolasha qoyska ama qofka. Liiskanu ma cada marka waxaa dhici karta in qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) in ay fagrad kale ka qaban alaabta in aad haysatid ay muhim tahay iyo kuwa ay qaadan karan. Waa ka dacwoon karta waxii ay qolada amaahdu dadka ka soo qaada (bailiffs) qaateen haddi ay kula tahay in ay yihin alaab ku jirta alaabta aan in ay qaatan loo ogoleyn.

Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ma qaadan karan alaab anan laheen?

Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiff) waxay kaliyo qadan karan alaabta aad adiga ledahay iyo alaabti aad gofka kale isla leedihin. Haddi ay damcan in ay qaatan alaab qof kale leyahay sida (caruurtaada, qof aad wada nooshihin, qof guriga ijar ugu jira 1wm.) u sharax in aadan adiga alaabta laheen. Tus hadii aad cadeyn haysid.

Ma qaadan karan alaab aad soo ijaratay. Waxa ka mid ah alaabta aad heeshiis ijar wax ka gadasho (hire purchase agreement) aad ku gaadatay. Tus Heeshiis ka amaahda haddi aad haysid.

Maxaa dhacayo haddi aan alaabta ka qarsho

Ama siyo dad?

Haddi aysan qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) guriga wali soo galin, waa ka qarin karta alabta ama meel kale baad geenkarta gurgaga aheyn. Guriga, oo aad ka bixisid alaab ey dhaheen waa qaadaneyna, dambi bad galeysa. Gurigaga dhexdiisase waa ku qarin karta lakiin qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) waa fitishi karan guriga.

Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) wadada ay racan

Haddi qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ay qasab ku qatan alaab qof leyahay (distraining) canshur golada degmad ama canshurta wajibaadka bulshada (council tax or poll tax) dartood, waxa jira talaboyin ay u bahan yihin in ay qadan. Waa in ay sitan wax yaabahan:

Qoral golaha degmadu (council) ugu fasaxayo inay gurigaga imaan karan. Waa inay ku tusan qoralkas haddi aad weydiisid.

Waa inay kaga tagan koobi ah:

Sharciga ku saabsan awoododa iyo waxa ay sameeyn karan iyo waxa aysan sameeyn karin. Kaasi waxa loo yaqana hababka qasab ku dhaqan gelinta (Enforcement Regulations)

Qaymaha loo ogolyahay inay kugu soo oogan markey ku imadan.

Waa in aad iska eegta in eyan wax badan ku darsan deynkii aad qabtay. Fiiri xisaabta kuqoran warbixintan dhamadkeeda.

Heeshiis kasto oo aad u saxiixdid iyo liiskii alaab ah oy qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ay ku shegan in ay qaadanayan waxaa loo yaqana alaab in la qaado u diyar ah (walking possession).

Sida aan qolada amaahda dadka ka soo qaada u jojin karo?

Waxa isku dayi karta in aad ugaartid qorshe aad ku bixisid deynka oo aad awoodid. Lacagata waxad toos u sin karta qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs). Inkasto ay ka fududahay inay aqbalan haddi aysan qurigaga wali soo galin. Haddi ay soo galeen marwalba cadeeyn ah in aad lacagta bixisay ka qaado.

Qolada amahda dadka ka soo qaada (bailiffs) kuma xiri karan. Haddi aysan qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) wali soo galin gurigaga eysan aqbalin waxa tiri waa bixinaya, waxa kaliyo ay sameeyn karan waa in ay golaha degmada (council) deynta ku ceshan kuwaa soo isku dayi siyalo kale sida in ay mushar kaga lacagta ka qaatan. Waa muhim in aad qorsho la gasho inta ayan talabadan qadin.

Haddi qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) didan waxad tiri waa bixinaya waxa muhim ah in lacag meel dhigto si aad u sisid golaha degmada (council) sida ugu horaysa marka deynta iyaga ku nogoto. Warqad u qor qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) iyo golaha degmadaba (council) ado u sheegaya inaad ururinaysid lacagtii ay qolada amaahda dadka ka soo qaada ( bailiffs) dideen in ay aqbalan:

Haddi aad qaadatid taageerada kaalmada dakhliga (income support) ama gunada shaqo raadiska (job seeker's allowance) golayasha deqmoyinka qarkood waxay leyihin sharciyo inaysan isticmalin qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) oo ay ogolaadan sidi aad tirahdid waa ku bixin kara ama ay lacag bixin toos ah (Direct - payment) uga qaatan lacagta aad ka heshid daryeelka dawladu bixiso (benefits). Waydi golaha degmada (council), hadday ogol yahin in aad deynta iyaga toos u sisid oo ay kaa celiyan in qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) yimadan gurigaga.

Haddi aysan golaha degmada (council) ku cawinin la xiriir xubin gole (councilor) xafadaada oo waydi in u golaha degmada (council) kula hadli karo. U sharax siday dhib kugu tahay haddi ay qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) imadan gurigaga oo alaabtada qaatan.

Sideen u dacwoon kara?

Marka hore talo doono. Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) sharcigooda ma cadda, xita haddi ay kula tahay waxaan sharci aheyn in ay sameeynayaan, waxa dhici karta in ay sharciga ku taganyihiin.

Ila iyo Oktober 1998, qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) waxay u bahan yahin in ay shahado ay maxkamada siso si ay u aruur shan canshurta golaha degmada (council tax). Haddi aad dacweyso waxay keeni karta in laga qaado shahaadada. Waydii maxkamada degmadina,haddi ay hayan foom dacwaadas logu talagalay. Haddi aysan haynin, waxaad warqada u qorikarta mamulaha maxkamada. Maxkamadu waxay qabaneeysa waqti ay idinku maqasho, waxayna ka qaadi karta shaadada u ogolaneysa in ay alaabta dadka ka qaadi karan,laguna amro qandhow bixin iyo inay allaabti soo ceshan. Qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) waxba ma qaadan karan iyago aan shahaado haysan.

Waxad u dacwoon karta maxkamada xafadaada (magistrates court), iyaado ay jiran dacwooyin kale oo go'aan maxkamad ka soo gartay waqtiyadan dambe oo ay noqotay in deynti la babiyay markii la cadeeyay in ay qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) si sharci daro ah u dhaqmeen. Taani waxay ku dhaci karta ayadoo ladacwodo iyo maxkamada la weydisto in waqti u samayso ay dacwada ku dhageeysato. Maxkamada waxay amri karta in alaabta lasoo cesho ama qaan labixiyo.

Waxa kalo u dacwoon karta golaha degmada madama ay ayaka u shaqeeyaan ayna ku dhihi karan qolada amaahda dadka ka soo qaada badala dhaqankiina.Haddi golaha degmada ku caawin waayso waxaa cawin waydin karta xubin gole xafadina, kaaso laga yaabo in diyaar u yahay in u dacwadaad ula tago golaha degmada (council).

Qolada amaahda dadka ka soo qaada lacagta ay dadka ku soo dalacan;-

Waxa laga yaaba inay qaymaha ay kugu soo dalacan qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) aad ka dacwoon kartid. Haddi aad dareensantahay in lacag badan lagugu soo dalacay, waxaa dacwad u qori karta qolada amahda dadka kasoo qaada (bailiffs). Waxana maxkamda waydin karta in ay firshaan qaymaha lagugu dalacay. Waxaa heli karta waxa macqulka ah haddi aad weydiisid xarumaha idin dhow. Matalan haddi lagugu soo dalacay £80 wayo fan bey gurigaga la yimadeen. Waxa fanla ku ijaraan karta £20 subax dii oo dhan, taanu marka waa cadahay in aysan macqul aheen, waliba waxay u badan tahay in ay dhowr guri subaxdaas soo marayeen, hadana shirkaduhu inta badan baabuurtooda iyaga leh.

Marka ugu horysa shirkada qolada amaahda dadka ka soo qaada u dacwood, oo ku dheh waan ogahay in sicir bararsi sameeyseen iyo aad dacwaaadada aad si dheerayneysid haddi eyan sacirkooda hoos u dhigin.

Marka waxa hadana u dacwooneysa golaha degmada (council) madama ey qolada amaahda dadka ka soo qaada eey iyaga matalayeen oo shaqadoda qabanayeen. Waxa jira dacwaado noocan ah oo marar aan fogeyn maxkamada la horgeyay oo ay natijadi noqotay in golaha deqmada (council) laga mamnuco inay talabo kale qadan oo lacagta ku radinayan, micnaheedu waa deyntiba waa lababi iyaay, marka ma - xuuma in la dacwoodo.

Qaar kamid ah shirkado shaqasiyaad leyihin oo qolada amahda dadka ka soo qaada waxay ka tirsan yahin uruurka qolada amahda dadka ka soo qaada ama uruurka xoojinta qaynuunka bulshada (civil enforcement) tafasiishooda hoos beey ku qorantahay.Hayadahaas mid kooda iyo golaha degmada waa u dacwoon karta.

The Secretary
Association of Civil Enforcement Agencies
Chesham House
150 Regent Street
London W1B 5SJ
0207 432 0366

The Secretary
The Certified Bailiffs Association (CBA)
Ridgefield House
14 John Dalton Street
Manchester M2 6JR
0161 8397225

Intaadan dacwoon, ogow uruurka ay ka tirsan yahin, qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ee gurigaga yimid.

Sacirka qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ku qatan canshurta golaha degamada laga bilaabo Abril 1998.
Dhacdada Sacirka

Haddi la tago guriga qofka deynka lagu leeyahay oo aan lagalin alaab liiskeedna lasoo qorin oo aan ganaax laga soo qaadin.

a) £20 tagidii ugu horaysa (£15 Canshurta Wajibka Bulshada)
b) £15 tagidii labaad (12.50 canshurta wajibaadka bulshada)
c) tagidaha danbe lacag la aan.

Haddi ganaax la soo qaaday meeshasoo ay qolada amaahda dadka ka soo qaada (bailiffs) ay sinabad ah ku galeen, liiska alaabtana sameysteen.

a) 20% £100 kaa ugu horeya ama gar (sida £20) (15% am £15 Cashurta ku wajibi tay bulshad (poll tax))
b) 4%,£400 oo ku xigta
c) 2.5%, £1500 oo ku xigta.

Markii heeshiislagaray hanti lagu diyaarsaday. (walking possession)

Sacirkeedu wa £10 (10p malinti canshur wajibka ku ah bul shada (poll tax))

Markii lagu heeshiiyay hanti markaas laqaadanayo.

£12.50 maalinti,£10 maalinti canshurka wajibaad ka bul shada (poll tax).
Markaliya oo fan lala yimada si loo qaado alaab Diyaarasan ka dib markii ganaax la qaaday (levy) Sicir macquul ah oo qarashkii ay gashay shirkada. Hal mar kaliya ba arintan la qadi kara.

Alaab la qaado iyo in maqaasin lagasho.

Sacir maqul ah oo la bixiyo.
Arima kala duwan oo la xiriira qadida alaabta ama u diyaarin iib sida misharka kuwa xarashka sameenaya. Saciro kala duwan iyo qarashka.

This document was provided by National Debtline