Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Shuftaynta – yaan lagu helin! Iska jir tuugada & khiyaamada
Tricks - don't get caught out! Beware of Fraud & Deception

Maxaadsamayn lahayd hadii telifoon ama warqad laguu soo diro laguugu sheegayo in lagugu qorey baqtiyaa-nasiib? Hadii aad yeesho waxa suurogal ah inaad kumayaal gini khasaarto. Warqadanuwaxay kaaga digaysaa shirqoolista. Shirqoolistu waa dabino lagaaga xadayo lacagta."

Waxa jira shirqoolis noocyo badan leh, laga bilaabo saliid mucjiso wadata ilaa bakhtiyaa-nasiib been abuura – markastoo aad wax ka ogaatidba waxay u dhowdahay in aanad u jabin.

Khiyaamada – qorshaha kor usii kaca

Qorshahakor usii kacu wuxuu kuu balan qaadayaa lacag ku xidhan inta qof ee aad soo geliso.

Balanqaadkalacagta aad samaynayso sax ma’aha. Waayo, waxa keli ah aad lacag ku heli kartaa waa inaad dad kale ku soo darto qorshahaa, kuwa ugu hooseeyaa ma helayaan maal gashigaa loo balan qaaday.

Suurtogalma’aha in dad ku filan la helo oo aan xadidnayn. Waxaana ugu danbayn dhaca in kuwa samaystey qorshaha ay iyagu lacagta qaataan.

Lacagcusub oo la sameenayaa ma jirto. Maal gashadayaasha ku soo biira marka hore ayaa faa’iidada ka qaadanaya kuwa danbe, marka ay heer gaadho lama helayo maal gashadeyaal cusub, taasuna waxay sababaysaa kuwa ugu hooseeyaa inay lacagtooda waayaan. Waxaanay udhowdahay inay ashkato galaan, waayo sharci ma’aha qorshaha kor ukacu.

Qorshaha kor usii kacu waxa lagu fidin karaa iimayl ama waraaqo.

Khiyaamada- telifoon sicir qaali ah iyo telifoon internetka ah

Shuftaduwaxay isticmaali karaan nambarka 090 si ay tuugo badan u sameeyaan.

Waxay ku daraan abaal-marin been abuura iyo fasaxyo. Had iyo jeer waxay ka bilaabaan marka tuugu uu kuu soo diro warqad kuugu sheegayo inaad wax heshay ama ku guulaysatey, isagoo kaa dalbanaaya inaad nambar wacdo.

Waxa uu kuu balanqaadi karaa hadyad bilaash ama fasax jaban, laakiin waxa had iyo jeer aad ka heshaa waxaan sax ahayn.

Hadii ay kuu sheegaan inaad nambar wacda adigoo guulaystey awgeed, waxba ma helaysid biil telifoon ah oo aad u qaali ah mooyee, - marmar £15 telifoon keli ah.

Hadiiaad wacdo waxaad dhegaysanaysaa fariin la duubay oo aad u dheer. Xasuuso markaa aad telifoonka ku sii dheeraataba waxa sii badanaya biilka aad ka bixinaysid. Waxa xataa suurtogal ah in laguu sii gudbiyo nambar isaguna sicir sare ah macluumaad ama hadyad dalbasho awgeed.

Waxakale oo aad ku dhici kartaa khiyaamada internedka. Tani waxay dhacdaa marka aad adoon ogayn wacdo nambar internedka oo qaali ah. Hadii aad isticmaasho internedka iska eeg biil nambar qaali ah oo aanad filayn.

Talosidii aad uga badbaadi lahayd sicirka qaaliga ah.

  • Xasuuso nambarka qaaliga ahi waxa uu kordiyaa kharash daqiiqad kastaba, had iyo jeer in aad uga badan sicirka deegaanka ama debeda.
  • Ha wacin nambarka sicirka sare wata, adoo huba inta lagaa qaadayo ama awoodid inaad bixiso mooyee.
  • Is jir, hadii marka aad wacday nambarka 090 aad maqashid fariin ku waydiinaysa inaad wacdo nambar kale oo 090 ah.

Khiyaamada- digniin qariib da’ ah baa arintaa dhibane u noqon kara

Khiyaamooyinbadan waxa loogu talogalay dadka da’da ah, kuwaas oo loo maleeyo inay aad u daganyihiin.

Calaamadaha in qof da’ahi, ama saaxiib uu dhibane khiyaamo yahay waa:

  • Waxa aad u batay waraaqaaha beenta ee tartanka, buugaagta, abaal marinta iyo faalinta
  • Korodhka nambarada la diray ama kharashyada biilka telifoonka
  • Nambaro sir ah oo qarsoon
  • Awood dari ah inaanu bixin karin biilka telifoonka ama u soo amaahdo lacag ujeedo aan caddayn

Khiyaamada – ka dib

Maalin kasta dadka ku nool UK waxay furaan boostooda oo ay ka helaan (warqad) odhanaysaa abaal marin baad hesheen ama bakhtiyaa nasiib.

Sidaadu ogaataa inay taasi khiyaamo tahay?

Hadiilagaa soo codsaday inaad lacag soo dirto sidaad abaal-marin u hesho, waxay aad ugu dhowdahay inay dabin tahay. Had iyo jeer waxa lacagta lagu sheegaa inay tahay ‘maamul’ ama ‘hawl fududeen’ ama lagaa dalbado inaad wax yar dalbato ama nambar qaali wacdo sidaad u dalbato abaal marintaa.

Sidii aad u wada xidhiidhaanba waxa kaa baxayaa lacag aanad dib u arkeen, iskaba dhaaf inaad abaal marin heshoo. Hadii aanad hubin iswaydii su’aalahan marka hore:

  • Waa maxay waxa la iyidhi bixi?
  • Ma awoodi karaa inaan lumiyo lacagtaa?
  • Miyey u eegtahay mid run u dhow?

Aad u fiiri astaamahan kale

  • waadinaad guno dirtaa sidaad u dalbato.
  • kadibna xayaysiintu waxay tahay dalka debidiisa.
  • waxa lagu waydiiye inaad lacagta u diro nambar boos PO Box ama debeda.
  • Abaal-marintu waxay tahay lacag qalaad.
  • Waxa lagu soo waydiiyey kaadhka daynka (credit card) ama tafaashiisa bangiga.
  • Waa inaad dad kale soo gelisaa qorshaha inaad dalbato abaal-marinta.
  • Waa warqad aanad rabin, telifoon, fariin ama iimayl.
  • Waa inaad markiiba ka jawaabtaa abaal-marintaa inaad dalbato.
  • Waa inaad alaabo iibsataa sidaad u dalbato abaal marintaa.
  • Waa inaad nambar qaali ah wacdo.

Hadii aanad hubin inay dabin tahay iyo in kale, xashiiska ku rid!!

This document was provided by Islington Law Centre. www.islingtonlaw.org.uk