Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Fursado loo simanyahay: maxaad ka qaban kartaa sinaan la’aanta
Equal Opportunities (4): What you can do about discrimination

Maxaadka qaban kartaa sinaan la’aanta

Hadiiaad la kulantay sinaan la’aan, marka hore ka feker waxa aad ka qaban karto. Iyadoo ku xidhan sidaad sinaan la,aan ula kulantay, waxa dooni-kartaa:

  • Inaad shaqadaada lasoo noqoto;
  • magdhaw;
  • raali gelin, ama
  • iyo muujis cad in aaney shirkadu dib u samayn doonin arin taa lamid ah mustaqbalka.

Waxakastoo aad rabto, waxa marka hore fiican in qofka ama ururka sinaan la’aanta kugula kacay inaad xal la gaadhid.

Hadii aad tan xal ku gaadhi weydo, talaabada labaad waxay ku xidhantahay sidii aad sinaan la’aan ula kulantay, iyo meesha ay ka dhacdey.

Wax ka qabadka sinaan la’aanta ka jirta shaqa

Hadii ay sinaan la’aan ka jirto meesha aad ka shaqayso, waxa aad dacwadaada u gudbin kartaa gudida shaqaalaha (employment tribunals)

Hasayeeshee sharciga hirgelaaya Oktobar 2004 waxa uu leeyahay adiga iyo shaqo-bixiyuhu waa inaad nidaam (sharcigu qoray) aad tixgelisaan inta aydaan ugidbin dacwada gudida shaqaalaha. Tan macnaheedu waa inaad shaqo-bixiyaha ugudbisaa cabasho, taas oo ah warqad sharaxaysa sababta aad sinaan la’aan ula kulantay. Waa inaad arinta samaysaa ilaa 3 bilood gudohood marka dhacdada la kulantay. Muddadanukuma khusayso hadii aad ka cabanayso sinaan la’aan xaga dakhliga ah. Tan waxaad qoraalkaaga cabashada ah u diri kartaa:

  • waqti kasta oo aad weli u shaqaynayso shaqo-bixiyaha; ama
  • ama lix bilood gudohood marka shaqada aad ka tagtay.

Markaashaqo-bixiyuhu waa inuu kuu soo diraa balan siduu kaala hadlo arinataas. Kulankaas kadib waa inuu shaqo-bixiyuhu kuu sheego waxa uu ka qabanayo arinataa. Waa inay kaloo kuu sheegaan sida aad rafcaan (appeal) uga qaadanlahayd hadii aad go’aankooda ku qanci waydo.

Markaaad cabashadaada u gudbisay shaqo-bixiyuha, waa inaad sugtaa 28 cisho inta aanad la xidhiidhin gudida shaqaalaha. Tanu way ku khusaysaa hadii shaqo-bixiyuhu kuu soo jawaabay, iyo hadii kaleba.

Nidaamkancashada waa in laraaco, xaalado yar mooyaane. Masalan, nidaamku ma khuseeyo hadii:

  • ay tahay inaad sinaan la’aan la kulantay waayo adoo shaqeeya waqti dhiman (Part-Time).
  • Aanad ahayn shaqaale shirkada ka tirsan, laakiin aad tahay mid iskii u shaqaysta, ama
  • Ay ashkatadaadu tahay eri, uu shaqo-bixiyuhu ku eryey, ama ku eryi doono.

Hadiiaad shaqadaadii aad ka tagtay, adiga iyo shaqo-bixiyehu waxa aad kuwada xidhiidhi kartaan qoraal, idinkoon kulmin. Laakiin shaqo-bixiyehu kuguma khasbi karo arintan.

Hadiimuran gaadho gudida shaqaalahu hadii ay ogaadaan inaad raacin nidaamkii u yaaley muranka shaqaalaha (ee dacwada ka horeeyey), waxay dhimi karaan magdhowga aad xaq u leedahay.

Hadiiuu shaqo-bixiyehu doonayo inuu ku eryo ama ku edbiyo, waa inuu raaco nidaam qoran. Hadii ay ku eryaan ayagoo raacin nidaamkaa, gudida shaqaalahu wey kuu xukumayaan, waxayna ku siinayaan ugu yaraan 4 wiig oo mushaharkaaga ah.

Wixii faahfaahina ee wixii xuquuqdaada hadii lagu eryey, ama shaqo lagaa fadhiisiyey eeg bogaga ‘Community Legal Service Direct leaflet, ‘Employment’.

U tegista gudida shaqaalaha (employment tribunal)

Waxa aad dacwadaada la tegi kartaa gudida shaqaalaha hadii:

  • Aad markii hore aad raacdey nidaamkii muran saarka shirkada, laakiin aanad ku qanacsanayn natiijada;
  • Aanu shaqo-bixiyehu raacin nidaamkii muran saarka, Ama
  • Aanu nidaamka muran saarku adiga ku khusayn.

Xaaladkasta waa inay ka soo wareegtey 28 cisho markii aad ashkatada muranka aad shirkada u gudbisay.

Kharashkaku baxa u tegista gudida shaqaalaha aad buu u yaryahay. Xataa hadii aad waydo dacwada, bixin maysid kharashka shaqo-bixiyaha, hadii aan gudida shaqaaluhu u malayn inaad macquul ahayn in aad dacwada soo gudbiso.

Waxaaad dacwada u gudbin kartaa dacwada gudida shaqaalaha adoo buuxinaya foomka la dhaho ET1. waxa aad foomkan ka soo qaadan kartaa xarunta shaqada ‘Jobcentre Plus, Citizens Advice Bureau, ama khadka internedka ee Employment Tribunal Service (eeg taageero dheeraad ah).

Waxasida caadiga ah aad gudbinaysaa foomka sadex bilood oo maalin dhiman markii aad ogaatey in sinaan la’aani jirto. Hasa yeeshee hadii ay sinaan la;aantu tahay mid joogto ah, muddadanu kuma khusayso.

Sidookale muddadanukuma khusayso hadii aad ka ashkatoonayso sinaan la’aan xaga mushaharka. Waxa arintan aad dacwadaada u gudbinaysaa:

  • Xili kasto oo aad u shaqaynayso shaqo-bixiyeha; ama
  • Lix bilood oo maalin dhiman markii aad shaqada ka tagtey.

Hadii aad weli ku jirto muran saarka shirkada, waxa aad haysataa 3 bilood oo dheeraad ah inaad dacwada soo gudbiso; waa hadii:

  • Aad u gudbisey shaqo-bixiyeha ashkatada xiliga laguu ogalyahay gudahooda; ama
  • Ay socoto dacwadii eriga, ama aad rumaysantahay inay socoto.

Isticmaalista nidaamka su’aal waydiinta

Hadiiaad doonaysid inaad dacwad u gudbisid gudida shaqaalaha (employment tribunals) waa inaad shaqo-bixiyahaaga u dirtaa foomka su’aal waydiinta (questionnaire). Waxaad ka helaysaa

  • Xarunta shaqada (Jobcetre Plus); ama
  • Kooxda sinaanta fursadaha (Equal Opportunities Commission), hadii dacwadadaadu ku saabsantahay sinaan la’aan la xidhiidha lab iyo dhadig, ama dakhliga (mushaharka).

Foomkanwaxa aad ku weydiin kartaa shaqo-bixiyaha wixii macluumaad ah ee ku saabsan arintaada. Masalan, hadii aanad shaqada helin, waayo jinsigaaga (lab-iyo-dhadig) kaad tahay, waxa weydiin kartaa wixii faahfaahina ee:

  • Nidaamka u yaala shaqo-bixiyaha ee ku saabsan qorista shaqaalaha; iyo
  • Shahaadooyinka iyo khibrada looga baahanyahay qofka shaqada la siinayo, si aad u barbar dhigtid taada.

Hadiiaad rumaysantahay inaad qaadandakhli lamida, foomku waxa uu kaa caawinayaa hadii arintanu jirto, iyo hadii ay jirto sababta.

Waa inaad foomka u dirtaa shaqo-bixiyaha:

  • 3 bilood gudahood marka mushkiladu bilaabantay; ama
  • 21 cisho marka aad dacwada u gudbisay gudida shaqaalaha.

Ma’ahakhasab inaad foomka su’aal weydiinta buuxiso, laakiin waxa uu kaa caawinayaa dacwadaada. Sidoo kale shaqo-bixiyehu ma’aha khasab inuu buuxiyo foomka, laakiin hadii uu diido, waxa ay wax u dhimi kartaa dacwadiisa. Xataa hadii aad buuxisaan waad ka noqon kartaa inta ka horaysa inta aaney dacwadiina dhagaysan gudida shaqaaalahu.

Sida magdhowga loo xisaabiyo

Hadii gudida shaqaaluhu xukumaan inaad la kulantey sinaan la’aan, waxa ay ku xuki karaan magdhow:

  • wixii dhakhli aad weydey (marka lagu daro lacagta aad shaqaysan lahayd hadii aanad la kulmin sinaan la’aan);
  • magdhow la xidhiidha wax u dhinka dareenkaaga;
  • iyo wax u dhinka shakhsiyadaada, hadii sinaan la’aantu sababtay.

Hadiiaanad ku qanacsanayn go’aanka gudida shaqaalaha, ama shaqo-bixiyehu aanu ku qanacsanayn go’aanka waxa aad qaadankartaan racfaan (appeal). Laakiin waxa rafcaankaagu noqon karaa hadii aad u malaynayso in aad sharciga la tixgelin, ama laga boodey meelo ka mid ah.

Taageerodheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxaydiyaarisaa macluumaad bilaash ah, caawimo iyo talooyin loogu talagalay shacabka oo ka kooban arimo khuseeya qawaaniinta guud.

Wac 0845 345 4 345

La hadal lataliye aqoonyahan ah wixii arimo ku saabsan gunooyinka, cashuuraha, deynka, waxbarashada, guriyeenta, ama shaqaynta, ama kuu raadiaya qolooyin kale oo talo ku siiya wixii arimo kale ku saabsan.

Riix halkan: www.clsdirect.org.uk

Baadholataliye xaga sharciga oo deegaankaaga ah. Iyo wixii kale ee macluumaad internetka ah iyo taageerooyin.

Equal Opportunities Commission

phone: 08456 015 901

www.eoc.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talooyin ee ku saabsan sinaa la’aanta xaga iskuulada

Helpline open Monday to Friday 2 to 5pm

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidaad u ogaatid goobta macluumaadka bulsho ee kuugu dhow

phone: 08457 474747

www.acas.org.uk

Age Concern

phone: 0800 00 99 66

www.ace.org.uk

Employment Tribunal Service

Khadka macluumaadka Gudida shaqaalaha

08457 95 9775

www.employmenttribunals.gov.uk

The Gender Trust

For transgender people

phone: 0700 0790 347

www.gendertrust.org.uk

Stonewall

For lesbians, gay men and bisexual people

phone: 020 7881 9440

www.stonewall.org.uk

Terrence Higgins Trust

Waxa loogu talogalay Dadka qaba HIV ama AIDS

phone: 0845 1221 200

www.tht.org.uk

Third Age Employment Network

phone: 020 7843 1590

www.taen.org.uk

wixii ku saabsan nidaamka ku dhaqanka ee la xidhiidha shaqaalaha da’dooda ee xafiiska shaqada iyo gunooyinka shaqo ka fadhiisiaga ‘Age Positive Team within the Department for Work and Pensions

phone: 08457 330 360

www.agepositive.gov.uk

This leaflet is published by the Legal Services Commission (LSC). It was written in association with Sara Leslie of LeslieOwen

This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk