Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Fursado loo simanyahay
Equal opportunities

Wax ka qabashada sinaan la’aanta

Waxajira xaalado badanoo sinaan la’aan aad la kulmi karto, sababtoo ah da’daada, lab, dhadig midkaad tahay ama jinsigaaga. Warqadanuwaxay turjumaysaa sharciga sinaan la’aanta kaa difaacaya, iyo wixii aad samayn lahayd hadii aad sinaan la’aan la kulanto.

  • Marka sinaan la’aani dhici karto
  • Noocyada sinaan la’aanta
  • sinaan la’aanta la xidhiidha lab-iyo-dhadig kii aad tahay
  • sinaan la’aanta la xidhiidha dadka jinsigooda bedela
  • sinaan la’aanta la xidhiidha jinsiga
  • sinaan la’aanta la xidhiidha diinta iyo waxa qofku rumaysanyahay
  • Waxaad ka qaban karto sinaan la’aanta
  • Wax kaqabadka sinaan la’aanta shaqada
  • Tegestisa xarunta gudida shaqaalaha (employment tribunal)
  • Wax ka qabadka noocyada kale ee sinaan la’aanta
  • Xeerka xuquuqda bani-Adamka (The Human Rights Act)
  • Sinaan la’aanta la xidhiidha da’daada

Waraaqahamaqaaladanahi waxay soo koobayaan waxii sharcigu xaq kuu siiyey. Ma’aha sharaaxad buuxda oo sharciga ah. Looguma talogelin inay kuu fasiraan sidii sharcigu kuu khuseeyo, ama arim gaar ah u khuseeyo. Maqaaladan waanu cusboonaysiinaa, waxaana dhici karta in shrcigu is bedelay inta aanu dhaabacayney qoraaladan, sababtaa awgeed waxa suurtogal ah in macluumaadku qalad yahay, ama wax laga bedelay.

Hadiiaad mushkulad la kulantay, waxaad u baahantahay inaaad macluumaad dheeraad ah, ma talooyin kale raadsato oo sida ugu fiican mushkiladaada u xalila.

Marka sinaan la’aantu dhici karto

Sinaanla’aantu waxay dhici kartaa marka qof loola macaamilo si nusqaan ku jirto, oo aan la sinayn dadka kale. Sinaan la’aan waxay dhici kartaa xaalado badan:

  • Shaqada – tusaale ahaan, qof madow oo loo diiday shaqada sabab la’aan, ama cadaadis ay ku sameeyeen shaqaalaha kale. Gabadh waxa laga yaabaa in mushahar dadka kale lamida la siinwaayo, ama sida loola macaamilay hadii uur leedhay, ama ilma yar korinayso.
  • Markaaad iibsanayso alaabo, ama adeeg – tusaale, qofka wata gaadhiga curyaamiinta oo lagu yidhi ma geli kartid madcamka waayo, in badan oo ‘space’ buu qaadanayaa.
  • Markaaad iibsanaysid, ama kiraysanaysid meel aad ku noolaato – tusaale, qofka daarta lehi oo diiday inuu ka kireeyo dad Aasiya ka yimi.
  • Iskuulkaama kuliyada – tusaale, iskuulku waxa uu ula macaamilay ardayga madow macaamilo ka dhuwan tan dadka kele, marka uu ka saarayo waxbarashda.

Waxa aad sinaan la’aan badan ula kulmi kartaa siyaabo kala duwan, waxa inta badan sababa:

  • qolada aad tahay;
  • lab iyo dhadig midkaad tahay;
  • diintaada ama waxa aad rumaysantahay;
  • waxaad tahay naafo;
  • waxaad tahay da’;
  • Jinsigaaga, ama cida kugu lamaan;

Difaacasharciga ah ee helaysaa waxa ay ku xidhantahay sida aad sinaan la’aan ula kulantay, tusaale, waxa jira qawaaniin gaara oo sheegaya marka ay qalad tahay in qof kale sinaan la’aan kugula kaco. Sharcigu waxa uu kuu ogolyahay in tagto xarunta gudida shaqaalaha (employment tribunal), ama maxkamada. Waxa laga yaabaa in magdhow lagu siiyo hadii dareenkaaga wax loo dhimay, taasoo ku xidhan sinaan la’aanta aad la kulantay nooca ay tahay. Waxa kale oo ay u dhowdahay in utegista gudida shaqaalaha ay hagaajiso macaamilada uu shaqo-bixiyuhu kula kaco dadka kale.

Sinaanla’aanta qaarkood sida da’da ma jiraan qawaaniin xadidan, laakiin dawladu waxay keenaysaa sharci kuwan ku saabsan Oktober 2006. inta aan xiligaa lagaadhin, waxa jira waxyaalo aad samayn karto si aad u joojiso in sinaan la’aani kugu dhacdo.

Bogaganu waxay sharxayaan:

  • Sida sharciga fursadaha loo simanyahay, iyo la dagaalanka sinaan la’aantu u shaqeeyo, iyo noocyada cadaalad darrada lagaa difaacayo;
  • Eegaysaa sharciga sinaan la’aantaa ku waajahan diinta, lab-iyo-dhadiga, iyo jinsigiisa; iyo
  • Waxii aad samayn karto hadii aad sinaan la’aan la kulantay.

Bogaga sharciga jaaliyadaha ee tooska ah ‘Racial discrimination’ iyo ‘Rights for disabled people’, ku waas oo kala ah sinaan la’aanta laxidhiidha midabka iyo xuquuqda naafada ayaa ka bixiya faah-faahin ka badan tan halkan ku qoran.

Marmarqofku waxa uu la kulmi karaa sinaan la’aan dhowr sababood. Hadii aad u malaynayso inaad xaaladanku jirto, waxa aad raadsataa talada ugu fiican wixii aad samayn lahayd. Waxa aad talooyin ka raadsan kartaa:

  • Ururka, ama kooxaha shaqaalaha (trade union) hadii aad xubin katahay
  • Xarumaha sharciga
  • Xarunta talooyinka bilaashka ee muwaadininta (Citizens Advice Bureau); ama
  • garyaqaanada

eeg wxii ‘taageero dheeraad ah’ meesha aad talo ka helaysid.

Noocyadasinaan la’aanta

Sharciga sinaantu waxa uu ka hadlayaa laba nooc oo sinaan la’aan ah

  • sinaan la’aan toos ah, tan oo ah marmar aad la kulanto macaamilo xun, waayo madow aad tahay ama dumar, IWM.
  • Sinaan la’aan aan toos ahayn, waa marka nidaam ama shuruudo ay jiraan shaqooyinka dadkoo dhan khuseeya, laakiin qolo dhibaya. Sida shirkad leh habeenkii oo keliya ha la shaqeeyo, waxa ay dhibaysaa dumarka caruurta leh.

Xaaladahaqaarkood sinaan la’aanta waa la ogolaadaa, sharcigu wuxuu ogolyahay in xarumaha dumarku ay shaqaale dumar ah qortaan.

Dhibanaanta

Hadiiaad ka ashkatoonaysid sinaan la’aan (ama aad caawinaysid qof kula shaqeeya oo ashkatoonaya) waxa aad ka biqi kartaa in shaqo-bixiyuhu kuula dhaqmo macaamilo xun. Hadii ay jirto tan waxa loo yaqaan dhibanaan ‘victimisation’, waana sharci darro sida sinaan la’aantu sharci darro u tahay.

Taageerodheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxaybixisaa macluumaad, taageero xaga sharciga guud ah oo loogu talogalay bulsho-weynta.

Wac 0845 345 4 345

La hadal lataliye xaga sharciga ah wixii gunooyinka, cashuur-celiska, waxbarasho, guriyeen, ama talooyinka deegaanka iyo wixii dhibaato kale.

Riix www.clsdirect.org.uk

Baadhlataliye tayo leh, ama qareen ama wixii xidhiidh kale ee taageero iyo macluumaad ah.

Equal Opportunities Commission

phone: 08456 015 901

www.eoc.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talo ama sinaan la’aanta xaga iskuulada

Khadka taageeradu wuxuu furanyahay Monday to Friday 2 to 5pm

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidaad u ogaatid meesha kuugu dhow ee macluumaad ka heli karto

phone: 08457 474747

www.acas.org.uk

Age Concern

phone: 0800 00 99 66

www.ace.org.uk

Employment Tribunal Service

Shaqaalaha iyo gudida shaqaalaha

08457 95 9775

www.employmenttribunals.gov.uk

The Gender Trust

For transgender people

phone: 0700 0790 347

www.gendertrust.org.uk

Stonewall

phone: 020 7881 9440

www.stonewall.org.uk

Terrence Higgins Trust

Dadka aydhiska iyo HIV qaba

phone: 0845 1221 200

www.tht.org.uk

Third Age Employment Network

phone: 020 7843 1590

www.taen.org.uk

wixii ku saabsan nidaamka ku dhaqanka ee la xidhiidha shaqaalaha da’dooda ee xafiiska shaqada iyo gunooyinka shaqo ka fadhiisiaga ‘Age Positive Team within the Department for Work and Pensions

phone: 08457 330 360

www.agepositive.gov.uk

This leaflet is published by the Legal Services Commission (LSC). It was written in association with Sara Leslie of LeslieOwen

This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk