Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Sinaan la’aanta la xidhiidha midabka (cida aad tahay) –xuquuqdaadi sharci
Racial Discrimination - Your legal rights

Ma’aha in cadaadiska iyo sinaan la’aanta la xidhiidha midabkaaga, ama qolada aad ka soo jeedo u dul qaadatid. Waxa jira sharci adag oo wax ka qabta. Warqadanu waxay kuu sharxaysaa xuquuqdaada, iyo waxaad samayn lahayd hadii ay arintanu kugu dhacdo.

  • Marka sinaan la’aantu dhaci karto.
  • Waxa sharcigu leeyahay
  • Sinaan la’aanta ka dhacda shaqooyinka
  • Cadaadiska ka dhacda shaqooyinka
  • Sinaan la’aanta marka aad guri iibsanayso ama kiraysanayso
  • Sinaan la’aanta ka dhacda kuliyadaha ama iskuulda
  • Sinaan la’aanta marka aad alaabo ama adeeg iibsanayso
  • Sinaan la’aanta ka dhaca hay’adaha dawlada
  • Waxa aad ka qaban karto sinaan la’aanta
  • Aadista gudida shaqaalaha
  • Aadista maxkamadaha
  • Xeerka xuquuqda bani-aadnimo

Nuqulka qoraalkan waxa uu ku siinayaa jihayn ku saabsan xuquuqdaada sharci. Ma’ha jihayn tafatiran, oo sheegaya sida sharcigu arintaada gaarka ah u khuseeyo. Qoraalkan marba waa la cusboonaysiiyaa, waxaana suurtogal in sharcigu isbedelay intii qoraakan la daabacay kadib, sababtaa awgeed waxa suurtogal ah in inaanu saxnayn waxa halkan ku qorani, ama taariikhdii daafey.

Hadii aad wax mushkilad ah la kulanto, waxaad u baahantahay inaad macluumaad dheeraad ah raadsato, ama lataliye, sidaad waxii mushkilad ah u xalisho. Eeg ‘Taageero dheeraad ah’.

Marka sinaan la’aantu dhici karto

Sinaan la’aantu waxa ay dhici kartaa marka qof loola macaamilo si xun (si ka hoosaysa sida caadiga, marka sharciga la eegayo). qoraalkanu waxa uu khuseeyaa xuquuqdaada hadii aad sinaan la’aan la kulantay waayo:

  • Cida aad tahay;
  • Midabkaaga;
  • Dhalashada; ama
  • Cida ama kooxda aad kasoo jeedo.

Dhamaan qoraalkan oo dhan, waxa aynu isticmaalaynaa ‘cid’ ama ‘cidaada’ si aynu qodobadaa wax uga nidhaahno.

Dadku waxa ay sinaan la’aa kala kulmi karaan:

  • Shaqada;
  • Marka aad iibsanayso alaabo ama adeeg;
  • Marka aad doonayso inaad meel aad degto iibsato ama kiraysato;
  • Kuliyada ama iskuulka; ama
  • Marka aad la macaamilayso dawlada (sida booliiska).

Sharcigu waxa uu kaa difaacayaa sinaan la’aanta, waxa ku siinayaa xaquuqdaada aad dacwadaada la tegayso gudida shaqaalaha ama maxkamada hadii aad u malaynayso in cadaalad dari ah laguula macaamilay.

Waxa ogaan kartaa in siyaabo badan sinaan la’aan laguugu sameeyey. Hadii, ay tanu jirto, waxa aad u baahantahay inaad talo raadsato wixii aad samayn lahayd. Waxa aad talooyin ka raadsan kartaa:

  • Ururka shaqaalaha ( trade union);
  • Xarunta sharciyada ee xaafadaada;
  • Ururka latalinta muwaadinka (Citizens Advice Bureau); ama
  • Garyaqaan.

Sinaan la’aanta la xidhiidha cida aad tahay, lama mid aha waxyeelka cida aad tahay (sida adoo lagula dagaalamey). Waxyeelka qolo waa denbi (criminal), hadii ay tanu ku dhacdeyna waa inaad booliiska la socodsiisaa.

Waxa sharcigu dhigayo

  • Xeerka xidhiidhka dadka (The Race Relations Act 1976) (oo wax laga bedelay 2000) waxa uu kaa difaacayaa sinaan la’aanta iyo cadaadiska la xidhiidha cunsuriyada (ama cida aad ka soo jeedo) waxaanu ku siinayaa xuquuq aad latagto maxkamadaha iyo gudida shaqaalaha. Keenista qolo ama qof maxkamada ama gudida shaqaalaha hortooda, waxa suurtogal ah inay wax ka bedesho sida ay dadka kale ula dhaqmayaan mustaqbalka.
  • Xeerku, waxa kale oo sharci darro ka dhigayaa in hay’adaha dawladu (sida booliiska) ay sinaan la’aan ku kacdo. Waa inay lahaadaan nidaam ay ku dhiiri gelinayaan sinaanta bulsho.
  • Sharcigu waxa uu difaacayaa dadkoo dhan – ma’aha oo keliya dadka madow, ama laga tirada badanyahay.

Sinaan la’aan

  • Sharcigu sinaantu waxa uu ka hadlayaa sadex nooc oo sinaan la’aan ah:

  • Sinaan la’aan toos ah – Marka cidda aad tahay awgeed laguula dhaqmo si xun. Tani waa hadii si ka hoosaysa sida dadka kale loo dhaqmayo, laguula dhaqmo. Waxa kale oo aan sharci ahayn qofka kale hadii uu midabkiisu kaa duwanyahay aad amar fuliso si xun loola dhaqmo (masalan hadii shaqo-bixiye kugu amro inaad dadka qaarkood si xun ula dhaqanto oo aad diido, kadibna shaqada lagaa eryo shaqada waxa aad ku doodi kartaa in adiga sinaan la’aan lagugu sameeyey la xidhiidha cidda aad tahay.
  • Sinaan la’aan aan toos ahayn – marka shuruudaha si aan haboonayn loo fuliyo, kadibna dadka qaar ay cidda ay yihiin awgeed wax u yeesho. Masalan, waxa sinaan la’aan ah marka shaqada lagu xayaysiiyo in afka hooyo uu noqdo ingriisi, waayo wixii aad wadanka ku dhalan bay sinaan la’aan ku tahay. Waxa xayaysiiska shaqo loo dhigi karaa ‘waa inuu ku hadlo af aad u fiican oo ingiriis ah’.
  • Dhibista dhibane - marka si xun laguula dhaqmo, waayo waxa aad ka cabatay dhibaato ama sinaan la’aan la sameeyey, ama qof kula shaqeeya lagu sameeyey.

Cadaadis

Cadaadisku waa dhaqan aan la jeclayn, oo sharafta wax u dhinta dadkana iska hor-imaad, iyo colaad ku keenta.

Qoraalaknu waxa uu daboolayaa lix qaybood oo waaweyn, oo ah marka uu cadaadisku dhaco:

  • Shaqada;
  • Marka aad iibsanayso alaabo ama adeeg;
  • Marka aad doonayso inaad meel aad degto iibsato ama kiraysato;
  • Kuliyada ama iskuulka; ama
  • Marka aad la macaamilayso dawlada (sida booliiska).

Siaan l’aanta ka dhacda shaqada

Waa sharci darro in sahqo-bixiye uu sinaan sameeyo (qolo takooraysa) marka uu shaqo bixinayo, ama dad shaqaalaysiinayo, ama uu doonayo in:

  • In la dalacsiiyo;
  • Faa’iida la siiyo, sida tababar;
  • La toosiyo;
  • La eryo; ama
  • Shaqo ka fadhiisi lagu sameeyo.

Dalbasho shaqo

Waa sharci darro in shaqo-bixiye uu arimahan soo socda awgood sinaan la’aan sameeyo:

  • Marka doonayo cida shaqo la siinayo. Tan waxa ku jirta, tafaasiisha shaqada ‘tafaasiisha shakhsiga’ (tafaasiisha farsamada, khibrada, shahaadooyinka shaqada lagu qabto), foomka shaqada, marka dadka qaar la xulanayo, waraysiga, iyo doorashada ugu danbaysa.
  • Heshiiska shaqada, sida mushaharka, fasaxa, iyo shuruudaha shaqada.
  • Iyo in toos loo diido in la eego codsigaaga shaqo.

Xeerka xidhiidhka waxa uu difaacaa shaqaalaha (marka lagu darro kuwa ku meel gaadhka ah)iyo qandaraas-layaasha. Sidoo kale waa sharci darro in wakaaladaha, kooxaha shaqooyinka inay sinaan la’aan sameeyaan.

Cadaadiska shaqaalaha

Waa sharci darro in shaqo-bixiye ama qof kula shaqeeyaa uu cadaadis kugu sameeyo. Hadii aanu qofku joojin cadaadiska marka aad u sheegtay, waa inaad uga ashkatootaa shaqo-bixiyeha.

Shaqo-bixiyeyaal badan waxay ka dhigaan cadaadiska la xidhiidha cida aad tahay mid qofka sameeya shaqada laga eryi karo. Hadii shaqo-bixiye aanu waxba ka qaban, ama si’aan ku qancin wax uga qaban, waxa aad keeska la tegi kartaa gudida shaqaalha (employment tribunal).

Marar badan, waxa kaloo aad samayn kartaa in aad:

  • Wax ka qabato qofka ama shaqo-bixiyeha ku cadaadinaya adoo adeegsanaya xeerka difaaca ama ka hortaga cadaadiska ee 1977 (Protection from Harassment Act 19770; ama
  • Aad ku dacwayso shaqo-bixiyeha dayacaad heshiish.

Hadii lagu weeraro (wax laguu geesto) waa inaad booliiska gaadhsiisaa. Xeerka qaska iyo denbiyada (crime nd Disorder Act 1998), cadaadiska, iyo wax yeelada waxay leedhay ciqaab deeraada hadii ay wadato cunsiriyad.

Sinaan la’aanta ama cadaadiska uu qofku la kulmo marka uu shaqda ka tago

shaqo-bixiye waa inaanu sinaan la’aan ama cadaadis la xidhiidha midabkaaga ama cida aad tahay kugu samayn marka aad shaqada ka tagto, sida isagoo kuu diiday inuu oqoonsigii (reference) shaqo kuu diido.

Waajibaadka shaqo-bixiye

Xeerka xidhiidka waxa waajib kaga dhigayaa shaqo-bixiye inuu masuul ka noqdo wixii cadaadis iyo sinaan la’aan la xidhiidha shaqaalaha, waa inuu sameeyaa nidaam wax ka qabanaya.

Waxa aad dacwadaada la tegi kartaa gudida shaqaalaha hadii aad la kulantay cadaadis ama sinaan la’aan la xidhiidha midabkaaga ama qolada aad kasoo jeedo (eeg qaybta ‘u tegista gudida shaqaalaha’ wixii macluumaad dheeraad ah)

Marka shaqo-bixiye loo ogolyahay inuu sinaan la’aan sameeyo

Waxa jira xaalado yaryar oo loo ogolyahay in shaqo-bixiye sinaan la’aan sameeyo:

  • Hadii midabka, qolada ama dhalashada qofku tahay shardi shaqo, oo la aanteed aan qof kale shaqada qaban karin..
  • Hadii jirto mamnuuc aan loo ogalyn dhalashooyinka qaar, ama meesha qofku kasoo jeedo shaqo, waxaana kamid ah shaqooyinka boqortooyada, ama hay’aha dawlada.
  • Iyo hadii aan arintu hoos imanayn xeerka xidhiidhka bulsho (Race Relations Act).

Sinaan la’aanta marka aad guri iibsanayso, ama kiraysanayso.

Waa mamnuuc in wakaaladaha guriyeenta ama mulkiilaha gurigu sinaan la’aan kugu sameeyo marka aad guri iibinayso, ama kiraynayso. Masalan, hadii wakiil-guriyeeni ku diido inuu guri iiba ku soo tuso, ama kaa iibiyo waayo midabkaaga. Sidoo kale looma ogola in mulkiile guri diido inuu qof modow ka kirayn waayo guri. sharciganu waxa kale oo uu khuseeyaa ganacsiga, ama daaraha ganacsiga.

Hadii cadaadis ay ku sameeyeen dadka jaarka kula ah waayo cida aad tahay, waxa ogaysiinaysaa konsilka ama ururka guriyeenta (housing association). Ururadu waxay leeyihiim nidaam ay ku joojiyaan cadaadiska iyo dhibaatada kiraystayaashu jaarkooda ku sameeyaan. Waxay gaynkaraan maxkamada si looga saaro guriga, IWM.

Sinaan la’aanta ka dhacda kuliyadaha iyo iskuulada

Waa mamnuuc in kuliyad ama iskuul sinaan la’aan ku sameeyo ilmahaaga, midabkaaga ama cida aad tahay awgood.

  • Sida ilmaha waxbarashada ugu ogolaan karaan;
  • Marka ay go’aan ka gaadhayaan in laga saaro ilmahaaga; ama
  • Sida ilmaha wax loo baro.

Iskuulku ama kuliyadu waa inay wax ka qabataa cadaadis iyo sinaan laaan la xidhiidha midab-takoorka oo ka dhaca ama sameeyaan shaqaaluhu.

Sidoo kale waa mamnuuc in dawlada hoose ee xaafadaadu sinaan la’aan sameeyaan marka ay eegayaan baahida ardayga ee gaarka ah.

Hadii aad u malaynayso in ilmahaagu la kulmay siaan la’aan, marka hore waa inaad la xidhiidhaa macalinka ama maamulaha waxbarashada. Xafiiska waxbarshada iyo tababarka (Department for Education and Skills) ayaa haya macluumaad ku saabsan sidii aad ka yeelilahayd arintan (eeg ‘taageero dheeraad ah’ tafaasiisha xidhiidhkooda).

Hadii aaney tanu shaqayn, la xidhiidh dawlada hoose, ama gudida iskuulka. Hadii aad u baahntahy waxa talooyin aad yeeli waxa lahayd ka helaysaa xafiiyadan:

  • Commission for Racial Equality;
  • Local Racial Equality Council; or
  • Advisory Centre for Education helpline.

Hadii aad tahay ardey waxbarashada sare, waa inay jaamacadu ama kuliyadu lahaataa siyaasad ku waajahan sidii cadaadiska ama sinaan la’aanta wax looga qaban lahaa, taas oo khuseesa ardaeda iyo shaqaalahaba.

Sinaan la’aanta marka aad iisanayso, ama isticmaalayso alaabada iyo adeega (goods and services)

Waa sharci daro in ganacsigu ama adeeg bixiyehu uu sinaan sameeyo la xidhiidha midabkaaga, ama cidaa aad ka soo jeedo:

  • Isagoo si toos ah kuugu diidaya alaabada, adeega; ama
  • Inuu kuu diido in alaabo caadiga ee tayada leh ee dadka kale la siiyo, ama laga iibiyo.

Waxa ku jira waxayaalha bilaashka ah. Waxaana soo hoos gelaaya ganacsi, adeeg bixiye, marka lagu daro:

  • Dukaamada;
  • Meelaha bulshadu isugu timaado, sida huteelada, madcamyada, meelaha lagu ciyaaro ama lagu nasto.
  • Marka baan aad furanaysid, ama kaadh, ama caymis dalbanaysid;
  • Adeega gaadiidka, ka dawlada iyo ka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo wakiilada hay’ada socodka; iyo
  • Adeega ay bixiyaan hay’adaha dawladu (sida meelaha lagu ciyaaro).

Marka ganacsi ama adeeg-bixiye loo ogolyahay inay sinaan la’aan sameeyaan

Ganacsi ama adeeg-bixiye waxa loo ogolyahay inay sinaan la’aan sameeyaan hadii:

  • Ay tahay hay’ad tabaruca oo ujeedadeedu tahay inay dad gaar ah caawiyaan (in kastoo aan weli loo ogalayn inay midab takoor ku kacaan);
  • Arintan ma daboolayso xeerka xidhiidhka bulsho;
  • Waxa jira xafis uu dhigayo xeerka xidhiidhka bulsho. Masalan xarun ama kalaab leh macaamiil 25 qof ah, oo ujeedadiisu tahay inay adeeg bixiyaan khuseeya dadka qaar (in kastoo aan weli loo ogalayn inay midab takoor ku kacaan);

Sinaan la’aanta ay ku kacaan hay’adaha dawladu

Waa sharci daro in hay’adaha ay sinaan sameeyo la xidhiidha midabkaaga, ama cidaa aad ka soo jeedo, marka lagu daro:

  • Booliiska (sida, jooji oo baadh);
  • Dawlada hoose (sida, baadhista la xidhiidha caafimaadka);
  • Jeelasha (sida maxbuuska oo la edbiyo);
  • Kooxda cashuuraha iyo dekedha (sida baadhis cashuureed oo ay sameeyaan)

Waxa kale, oo muhiima marka hay’adi ay doonayso inay hawl shaqo fuliso inay eegto sidii ay:

  • Ay u baabiin lahaayeen sinaan la’aanta; iyo
  • Ay u dhiiri gelin lahaayeen is dhexgal bulsho iyo xidhiidh tayo leh

Waxa aad ka qaadi kartaa talaabo sharci hay’ada fulin wayda masuuliydeeda. Hay’aha qaar waa inay yeeshaan qorshe wax lagaga qabanayo cunsiriyada. Kaas oo qeexaysa sidii ay u sameen la’aayeen ka hortaga midab-takoorka iyo cunsiriyada. Hadii ay tan sameen waayaan waxa talaabo ka qaadaya gudida sinaanta bulsho (Commission for Racial Equality)

Taageero dheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxay bulsho waynta siisaa macluumaad bilaash oo ku saabsan shuruucda caadiga ah.

Call 0845 345 4 345

Hadii aad xaq u leedahay, ka qaado talo bilaash ah xeer yaqaanka wixii khuseeya dakhliga, cashuur celiska, deynka, waxbarashada, shaqada, ama guriyeenta. Sidoo kale doono qareen iyo khabiir xaga xeerarka ah.

riix www.clsdirect.org.uk

doono qareen iyo khabiir xaga xeerarka ah, xidhiidhin ku geenayo khadad kale, sidaad u eegtid inaad u xaq leedhay taageero, adoo isticmaalaya xiaabiha.

Commission for Racial Equality (CRE)

phone: 020 7939 0000

www.cre.gov.uk

sidii aad u ogaatid xafiiska kuugu dhow, wac nambarka CRE-da, ama baadh buuga telifoonada.

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidii aad u ogaatid meesha macluumaadka bulsho.

phone: 08457 47 47 47

www.acas.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talooyin ku saabsan sinaan la’aanta cida aad tahay ee ka dhaca iskuulada

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

Department for Education and Skills (DfES)

Dalbo Maqaalka bulshada la takooray ‘Social Inclusion: Pupil Support Circular 10/99’

phone: 0845 6022260 ama kala soo bax:

www.dfes.gov.uk

bogagan waxa daabacay kooxda ‘the Legal Services Commission (LSC). Waxaana kula socda daabcaada ururka ‘Commission for Racial Equality’.

This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk