Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Sinaan la’aanta cida aad tahay (ama midabkaaga) – iyo waxaad ka qaban karto sinaan la’aanta
Racial Discrimination - What you can do about discrimination

Hadii aad la kulantay sinaan la’aan, marka hore ka feker waxaad ka qaban karto. Iyadoo ku xidhan sida aad sinaan la’aan (cadaadis) ula kulantay waxa aad samayn kartaa:

  • Inaad shaqadaada soo ceshato;
  • magdhow;
  • raali geli; ama
  • in uu kuu cadeeyo shakhsiga ama ururka kugula kacay sinaan la’aanta inaaney dib u samayn doonin.

Wax kastoo aad doonaysid, waxa fiican inaad marka hore mushkilada xal kala gaadhid ururka, ama shakhsiga kugula kacay sinaan la’aanta ama cadaadiska. Hadii ay mushkiladu tahay shaqo-bixiyahaaga waa inaad isticmaashaa nidaamka ashkato ee u yaala, ama aad nuqul qoraal ah u gudbisaa shaqo-bixiyaaga. Hadii ay mushkiladu tahay kuwa bixiya adeegaaga, waa inaad qoraal ashkato ah u qortaa ku sharaxayso mushkilada aad la kulantay, iyo inta aad magdhow rabto.

Hadii tani aaney ku caawin, waxa aad dacwadaada geen kartaa:

  • gudida shaqaalaha (employment tribunal) hadii (mushkiladu) tahay xaga shaqada; ama
  • maxkamada deegaanka (county court).

Ururka sinaanta cunsirada ‘Commission for Racial Equality (CRE) waxa samayey dawlada si u hirgeliso sinaanta. Waxa kaala talin karaan hadii aad sinaan la’aan la xidhiidha midabkaaga (cida aad tahay) la kulantay. Waxa kaloo ad taageero ka heli kartaa:

  • ururka shaqaalaha (union) hadii aad ka tirsantahay (aaney mushkilad shaqada la xidhiidha tahay);
  • xarunta sharciga ee deegaankaaga;
  • ururka latalinta muwaadinka (Citizens Advice Bureau);
  • ururku sinaanta ee (Racial Equality Council); ama
  • qareen, lataliye sita calaamada adeega ee xaga sharciga.

Eeg ‘Taageero dheeraad ah’ sidii aad ururadan ula xidhiidhi lahayd.

CRE –tu marmar waxay bixisaa taageero xaga sharciga sidaad dacwadaada maxkamada ugu gudbin lahayd, sidii aanad u bixn lahayn qareen arintan kuu sameeya. Sidaad arintan u hesho, waa inaad foom gaar ah oo laga helaayo CRE –ta buuxisaa. Hadii aaney waxba arintaada kaala qaban karayn, waxay ku siinaysaa macluumad ku saabsan qareemo, ama kooxo kale oo kaa caawin kara sidii aad sinaan la’aantaa aad la kulantay dacwad uga furanlahayd.

Hadii dacwadaadu ku saabsantahay shaqo, ururka talooyinka, gudoominta, iyo go’aan ka gaadhista, marka lasoo gaabiyo la dhaho(ACAS) ayaa ku caawin kara. Waxay kaa caawin karaan inaad shaqo-bixeyahaaga go’aan la gaadho ku saabsan sidii mushkiladaada xal ugu heli lahayd intaanad dhagaysi maxkamadeed u gudbin. Hadii aanad shaqo-bixiyaha go’aan la gaadhin, waxa dacwadaada u sii gudbin kartaa gudida shaqaalaha (employment tribunal). Hasa yeeshee, waxa jira waqti xadidan (sidaad dacwada u samayn lahayd) eeg ‘u tegista gudida shaqaalaha’.

Hadii gudidu, ama maxkamadu xukunto inaad sinaan la’aan lagugu sameeyey, waxay kugu abaal marin kartaa magdhow ku saabsan:

  • khasaraha kaasoo gaadhey wixii dakhliya; ama dhaqaale kale ah;
  • daawaca dareenkaaga; ama
  • shakhsiyeedka ah ee ay sababtey sinaan la’aantaasu.

U tegista gudida shaqaalaha (employment tribunal)

Hadii aad doonayso inaad ashkato samayso hoos imanaya xeerka xidhiidhka dadka (Race Relations Act), waa inaad ashkatdaada ku soo dirtaa foomka ET1 ama warqad aad u qorto xafiiska gobolkaaga ee gudida shaqaalaha. Waxa aad foomkan ka helaysaa:

  • Xafiiska shaqo raadsiga (Jobcentres);
  • Ururka CRE; ama
  • Xafiiska gudida shaqaalaha.

Waa inaad ashkatada samaysaa sadex bilood gudohood oo maalin dhiman, marka laga soo bilaabo marka sinaan la’aantu dhacday. Hadii aad adeegsatay nidaamka muran saarta ee shaqo-bixiyahaaga mudadu waa 6 bilood oo maalin dhiman. Hasa yeeshee, waa inaad shaqo-bixiyaha sii hal bil sidii uu mushkilada wax uga qaban lahaa intaanad u gudbin gudida shaqaalaha. Markaa waa inaad tan samaysaa sida ugu dhakhsoha badan (si aan wakhti kaaga lumin).

Kharashka kaaga baxayaa u tegista gudida shaqaaluhu waa yaryahay. Gudidu waxay eegaysaa inay sinaan l’aani ku dhacday. Waxay eegaysaa inay macquul tahay inaad dacwad samayso. Xataa hadii dacwada lagaa helo, wax kharasha dhinaca kale ma siinaysid, iyadoo gudidu gooyaan inaad dacwadaadu aaney macquul ahayn mooyaane.

Hadii aad doonaysid inaad ashkato u gudbisid gudida shaqaalaha waxa aad buuxinaysaa foom, la dhaho ‘Section 65’ questionnaire, oo aad u qorayso shaqa-bixiyaha. Waxa aad foom kan ka helaysaa:

  • Xafiiska shaqo raadsiga (Jobcentres);
  • Ururka CRE; ama
  • Xafiiska gudida shaqaalaha.

Foomku wuxuu kuu saamaxayaa inaad waydiiso shaqa-bixiyaha macaamilada aad kala kulantay. Masalan, waxaad rumaysantahay inaad shaqada helin, waayo cida aad tahay, waxa aad shaqa bixiyaha waydiin kartaa nidaamka uu shaqada ku bixinayo, iyo cida shaqada ku guulaysatey farsamada ay wadato, sidaad taada u barbar dhigtid. Waxa kale oo aad waydiin kartaa cida uu yahay qofka shaqada ku guulastey.

Waad inaad foomka u dirtaa muddo 3 bilood gudahood ah marka aad ogaatey in sinaan la’aantu dhacdey. Ama in aan ka badnayd marka gudida shaqaluhu heleen ashkatadaada.

Ma aha khasab inaad isticmaasho ‘Section 65 procedure’,laakiin waxa kaa caawin kartaa keeskaaga. shaqa-bixiyaha khasab ku maha – sharciyan- inuu ka jawaabo foomakan su’aalaha ah, laakiin hadii aaney ka jawaabin, gudidu shaqaaluhu waxay xukmi karaan inay sinaan la’aan ku kaceen. Hadii aad foomka dirtay, waad gudbin kartaa, ama ka noqon kartaa ashkataada aad u gudbisay gudida shaqaalaha.

Adiaga ama shaqa-bixiyahu waad ka qaadan kartaan rafcaan aad u gudinaysaa kooxda rafcaanka ee gudida shaqaalaha 42 cisho gudohood. Waxa keli ah oo rafcaan ka qaadan kartaa hadii aaney gudidu sharci si saxa u raacin oo keli ah, mana aha hadii aad u malayso in go’aanku gudidu qaldanyahay.

Tegista maxkamada

Hadii aad doonaysid inaad keeskaaga la aadid maxkamada deegaankaaga waa inaad samaysaa muddo 6 bilood oo maalin dhiman marka dhacdada sinaan la’aantu timi. Waxa jira maxkamado gaar ah, oo la macaamula keesaska, oo ku siin kara foomka (N1) iyo wixii macluumaad ah ee dacwada ku saabsan. Waxa aad tafaasiisha maxkamadaha sinaan la’aanta ka heli kartaa

  • Maxkamadaha deegaanka;
  • Xafiiska CRE.

Sidee u bixiyaa dacwada?

Hadii aad ku anadacoonaysid in ka yar £5000, keeskaaga waxa loo fulinayaa si hawl yar iyadoo la raacayo nidaamka ‘small claims track’. Hadii aad tan samayso, uma baahnid qareen (solicitor), hasa yeeshee waxa haboon inaad talo raadsataa inta aan keesku bilaamin.

Hadii aad dalbanaysid in kabadan £5,000, waxa aad u baahanatahay in si taxadir leh uga fekerto keeskaaga, waayo waxa badan kara kharashka. Hadii aanad bixin karin keeskaaga, waxa jira siyaabo dhowr ah aad ku bixin karto:

  • CRE waxa ay keeskaaga ka dhigi kartaa ‘mid tijaabo’.
  • Waxa kaa bixin kara kooxda ‘Community Legal Service’ (oo markii hore loo yaqaaney Legal Aid), hadii aad shuruudaha u yaal buuxiso.
  • Waxa aad heli kartaa qareen dacwadaada ka dhiga mid aan lacag ku qaadan hadii aan lagu guulaysan ‘no-win, no-fee’.

Xeerka xuquuqda bani-aadnimo ‘The Human Rights Act’

Xeerka xuquuqda bani-aadnimo ee 1998, waxa uu difaacaa sinaan la’aan badan – marka lagu daro qaar xeerarka kale difaacaan. Hasa yeeshee, waxa keli ah oo aad xeerkan adeegsan kartaa marka dhacdadu khusayso sida ‘ku xadgudubka sharafta qarsoodida shakhsi iyo reer’

Xeerka xuquuqda bani-aadnimo, waxa aad dacwada ku oogi kartaa hayadaha dawlada (sida, booliska, konsilka, ama xafiiska dakhli bixinta) ee ma’aha shirkada gaarka loo leeyahay. Hasa yeeshee maxkamaduhu, iyo gudidu waa inay tixgeliyaan Xeerka xuquuqda bani-aadnimo marka ay dacwada qaadayaan.

Taageero dheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxay bulsho waynta siisaa macluumaad bilaash oo ku saabsan shuruucda caadiga ah.

Call 0845 345 4 345

Hadii aad xaq u leedahay, ka qaado talo bilaash ah xeer yaqaanka wixii khuseeya dakhliga, cashuur celiska, deynka, waxbarashada, shaqada, ama guriyeenta. Sidoo kale doono qareen iyo khabiir xaga xeerarka ah.

riix www.clsdirect.org.uk

doono qareen iyo khabiir xaga xeerarka ah, xidhiidhin ku geenayo khadad kale, sidaad u eegtid inaad u xaq leedhay taageero, adoo isticmaalaya xiaabiha.

Commission for Racial Equality (CRE)

phone: 020 7939 0000

www.cre.gov.uk

sidii aad u ogaatid xafiiska kuugu dhow, wac nambarka CRE-da, ama baadh buuga telifoonada.

The Advisory, Conciliation and Arbitration Service (ACAS)

Sidii aad u ogaatid meesha macluumaadka bulsho.

phone: 08457 47 47 47

www.acas.org.uk

Advisory Centre for Education (ACE)

Wixii talooyin ku saabsan sinaan la’aanta cida aad tahay ee ka dhaca iskuulada

phone: 0808 800 5793

www.ace-ed.org.uk

Department for Education and Skills (DfES)

Dalbo Maqaalka bulshada la takooray ‘Social Inclusion: Pupil Support Circular 10/99’

phone: 0845 6022260 ama kala soo bax:

www.dfes.gov.uk

bogagan waxa daabacay kooxda ‘the Legal Services Commission (LSC). Waxaana kula socda daabcaada ururka ‘Commission for Racial Equality’.

This document was provided by Community Legal Service Direct, December 2005, www.clsdirect.org.uk