Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

SINAAN LA’AANTA LAB-IYO-DHADIG (ee meelaha shaqada)
SEX DISCRIMINATION (In the work place)

Waamaxay sinaan la’aanta lab-iyo-dhadig?

Sinaanla’aantu waxay dhacdaa marka qof, ama koox, lagula macaamilo si ay sinaani ka madhantahay waayo waa dhadig ama lab. Sharcigu waxa uu kala saarayaa labada kala ah sinaan la’aan toos ah iyo mid aan toos ahayn. Warqadanu waxay kala sheegaysaa sinaan la’aan ka jirta meelaha shaqada. Sinaan la’aanta aan sharciga ahayn waxay ka dhacdaa meelaha shaqada, oo lagu sameeyaa kuwa shaqada dalbada iyo kuwa shaqeeyaba.

Sinaanla’aan toos ahi waxay dhacdaa marka qofku la kulmo macaamilo dhiman waayo waa lab ama dhadig.

Sinaanla’aan aan toos ahayn waxay dhacdaa marka shaqo bixiye uu la yimaado macaamilo, nidaam, ama qorshe qof walba khuseesa laakiin aan ku haboonayn qofka goonida ah oo noqonaya dhadig ama lab.

Keesharcigu daboolayaa?

Sharciguwaxa ka dhigyaa sinaan la’aan lab iyo dhadig mid aan sharci ahayn. Waxa jira meelo xadidan oo la dhaho dalbasho shaqo oo khasab ah(GOR); masalan, waxa ay noqon karta dalbasho shaqo oo khasab ah in dhadig shaqo siiyaan meelaha dumarka lagu xanaaneeyo oo gabadh uun looga baahanyahay.

Nasiib daro, dumar badan oo uguta shaqadooda sida raga la midka ah, ayaa la siiyaa lacag ka yar tan ragu qaato. Mar labaad, tani waa sharci daro. Waxaad samayn kartaa inaad ogaatid inta raga ka shaqeeya shaqadaa mid la mid ah la siiyo.

Macaamilo kasta oo dumarka siinaysa wax hooseeya (mushahar, iwm) marka ay uurka leeyihiin, ama umusha ku maqanyihiin waa sharci daro. Sidoo kale shaqaale kasta oo la eryo, sababtoo ah uur bay leeyihiin waxa dalban karaan ashkato ah ‘eri sharco daro ah’. ‘Coventry Law Centre produces’ waxa ay soo saartaa laba warqadood oo kala ah ‘reeraha iyo shaqada’ iyo ‘reeraha iyo shaqo eriga iyo shaqo fadhiisinta’ kuwaas macluumaad intan ka badan siinaya arimahan.

Shaqaalahaqaar kamid ahi waxa laga yaabaa inay macaamulo aan fiicnayn la kulmeen waayo jinsigooda, ama iyagoo jinsigooda bedelay. Qaybahanu ma’aha qaybaha uu daboolayo sharsiga lab iyo dhadig, laakiin hadii aad rumaysantahay in arimo (macaamilo xumo) ahi jiraan raadso talooyin kale.

Cadaadisiyo Dhibista dhibane

Cadaadiskuwaa dhaqan kasta oo shaqaale ah dhadig ama lab siiya macaamilo sinaani ka maqantahay, qofka sharaftiisa wax u dhimaaya, oo ah waxyeelo, cabsi-gelin, ama diiqad beerid. Tan waxa ka mid ah waxa loo yaqaano ‘bulling’ama wax udhimis wax lagu yeelayo qof, sida jeesjeesida, naanees ugu yeedhida, ama magac xun u bixinta. Dhaqamada noocaas ah qofka wax bay u dhimi karaan, waxaan shaqo bixiyaha ku qasab ah in uu baadho arimaha noocaas ah waxna ka qabto.

Dhibista dhibane ama ‘Victimisation’ waxa ay dhacdaa marka qof loola macaamilo si xun waayo waxa ay gudbiyeen cabasho, ama doonyaan inay gudbiyaan cabasho, ama koox sadexaad oo doonaysa inay taageerto qof ashkato u gudbinaya gudi.

Lagu lahaansho

Shaqo bixiyaha waxa lagu leeyahay inay wax ka qabto wixii ay sameeyaan shaqaaluhu ama koox sadexaad, hadii uu awood u leeyahay in qaladkii dhacay dib u saxo waa inuu sameeyaa, haddii kale waxa aad samayn karaa ashkato aad wax kaga qabatid..

Hirgelinta Sharciga

Sidaloo hirgeliyo sharciga (aan lagu dhaqmin) ee sinaan la’aanta ku salaysan diinta, jinsiga, ama qofka lab iyo dhadig midka uu yahay, waxa aad ashkato u gudbin kartaa gudida shaqaalaha ‘Employment Tribunal’. Hasa yeeshee intaanad cabasho gaadhsiin gudida, waa inaad tijaabisey wixii nidaam ashkato ama cabasho kuu furan ee uu leeyahay shaqo bixyahaagu. Waa inaad soo gaadsiisaa gudida shaqaalaha codsigaaga 3 bilood gudahood marka arinta aad ka cabanaysaa dhacday, ama hadii dhoor cabasho jireen 3 bilood gudohood marka laga soo bilaabo tii ugu danbaysey.

Waxa muhiim noqon kara inaad talo ku saabsan sharciga iyo ashkatadaada raadsato goor hore si aad u ogaatid inaad kees haysatid iyo inta awoodiisu, ama ku guulaysigiisu leegyahay.

This document has provided by Coventry Law Centre, February 2004, www.covlaw.org.uk