Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

SINAAN LA’AANTA IYO CANBAARAYNTA LA XIDHIIDHA HIV-DA
HIV-RELATED STIGMA AND DISCRIMINATION

AIDS-ku waa xanuun weyn oo aduunka ka jira. Dadka qaba HIV waa la cabudhiyaa (la cadaadiyaa) siyaabo kala duwan aduunka oo dhan.

Dunida damaanteed (dadka qaba) HIV –da waa la cambaareeyaa iyadoo la isticmaalayo diidmo shakhsi iyo mid bulsho, iyo sinaan la’aan ay lakulmaan dadka qaba HIV –du oo kaga yimaada xaga sharciga tooska ah, ama tooska ahayn oo la isku hortaagayo xuquuqdoodii asaasiga ahayd. UKwaxa la caddeeyey in ay ka jirto cadaalad darro dhinaca shaqada, caafimaadka, caymiska iyo waxbarashada, intii xanuunku bilaamay.

Waa maxay canbaaraynta iyo sinaan la’aantu?

Cambaarayntu waa feker, ama nusqaamin qaldan oo lagula kaco shakhsi ama koox waayo way inaga duwan yihiin, ama bulshada inteeda badan bay ka duwanyihiin. Marka dadku ay ku daqmaan canbaaraynta waxay isu bedeshaa sinaan la’aan.

Sinaan la’aan waxa lagu qeexi karaa fal ama qorshe keena in qof lagula kaco cadaalad daro waayo waxay ka midyihiin koox.

Waa maxay canbaaraynta iyo sinaan la’aanta la xidhiidha HIV -du?

Cambaaraynta la xidhiidha HIV-da waxa inta badan ka dhalataa baqdin iyo aqoon daro laga qabo xanuunka ama/iyo cadaawad iyo tuhun laga qabo dadka xanuunka qaba.

Sinaan la’aanta la xidhiidha HIV-da waxa lagula kacaa dadka laga shakisanyahay inay qabaan HIV dhaqn aan macquul ahayn. Dadka qaba HIV iyo Aydhisku iyana way lawadaagaan (dhibaatada) kuwaa laga shaki qabo.

Sinaan la’aanta (dadka qaba) HIV-da waa gaar. Iyadoo ka duwan sinaan la’aanta ay qabaan dadka kale ee naafada ahi, waxay la kulmaan sinaan la’aan, midab kala sooca iyo cadaadisyada kale ee jira.

Waa maxay sababaha keena canbaaraynta iyo sinaan la’aanta HIV-da?

  • HIV-du waa astaamo nafta khatar geliya;
  • Fahan la’aan xanuunka (mala-awaal iyo fahan la’aan waxa xanuunka gudbiya);
  • Ku lamaanaynta HIV-da dhaqamo kale sida( homosexuality-ga, iyo mukhaadaraadka la isku mudo);
  • Jiritaan nacayb kooxo hore ula kulmay cadaadis dhinaca midabka, IWM.
  • Saxaafad qayrul-masuul ah oo gudbisa war aan dheeli tirnayn oo ku saabsan HIV-ga.

Tusaale ah sinaan la’aan (dadka) qaba HIV-da

Dadka qaba HIV, ama loo maleeyey inay qaadeen HIV ma jirto qayb noloshooda ka mid ah oo aan helin canbaarayn ama aaney la kulmin sinaan la’aani.

Shaqada

Tusaalooyinka sinaan la’aanta lagula kaco dadka qaba HIV-da waxa ka mid ah waydiinta shaqaalaha inay isbaadhaan, shaqo udiidka dadka qaba xanuunka, culayska iyo cadaadis lagula kaco, iyo waydiin inay is casilaan. NAT ayaa haysa warar loogu talagalay shaqo bixiyaasha si ay uga hortagaan canbaaraynta iyo sinaan la’aanta ka jirta meelaha shaqada. Sidaad waxa uga ogaatid booqo bogaga internedka ee www.areyouhivprejudiced.org

guriyeenta

tusaalooyinka sinaan la’aanta waxa kamid ah diidmada in guri lagaa kireeyo sababo aan la xusin awgii, caga juglaynta iyo hoy ka saarista sababo aan xadidnayn.

Caymiska

Caymisyada qaar oo dalbada in HIV baadhis lagu sameeyo, iyo inay diidaan in caymis caafimaadka la xidhiidha ama qaybha kale ee caymisyada.

waxbarashada

Macalimiinta ah HIV-positive oo la eryi karo baqdin laga qabo inay caruurta u gudbiyaan, iyo fidida HIV-da oo caruur badan (waalidkood) ka joojey inay kasoo qayb galaan iskuulada.

Adeega

Kooxaha adeega bixiya waxay sameen karaan sinaan la’aan, khaasatan markay timaado daryeelka caafimaadka. Tusaalaha waxa kamid ah dhakhaatiirta guud, kuwa wax qala, neerasta, ama dhakhaatiirta ilkaha oo diida inay daweeyaan dadka qaba HIV, ama la tuhunsanyahay inay qabaan HIV, bandhigis adeeg caafimaad oo sinaani ka maqantahay. Ma inay sameeyaan kantrool adag oo aan loo baahnayn. NAT waxay haysaa macluumaad ku saabsan sinaan la’aanta iyo canbaaraynta dadka xanuunka qaba, oo ku saabsan daryeelka caafimaadka, eeg bgaga inernedka www.areyouhivprejudiced.org to find out more.

Waa maxay aafada sinaan la’aanta iyo cambaaraynta HIV-da?

Ugu jawaabista HIV-da iyo Aydhiska iyo dadka qaba eedayn ama waxyeelayn waxay keentaa in xanuunka uu noqdo mid qarsoon oo sidaan la ogayn ama qarsoodi u fida, taas oo sababta inuu xanuunku fido.

waayo:

  • Canbaarayntu iyo sinaan la’aantu waxay khatar gelisaa barnaamijyada xanuun ladagaalanka ah, iyo darkeelka, iyadoo aaney dhiiri-gelin ku samaynayn dadka xanuunka qabaa inay baadhis isku sameeyaan, ama raadsadaan macluumaad ku saabsan sidii ay iyagu ama dadka kale u ilaalin lahaayeen.
  • Canbaaraynta iyo sinaan la’aanu waxay burbur ku keentaa jaaliyadaha hore u dhibanaa, bulshadana dhinac ka ahaa.
  • Sinaan la’aanta dadka qaba HIV ama AID-iska waxay ka soo horjeeda xoriyada bani-aadanimo, gaar ahaan inaan xadgudub xor ka ahaato.

Ujawaabista cambaaraynta iyo sinaan la’aanta HIV-da

Si aad si fiican uga-jawaabtid cambaaraynta iyo cadaalad darida lagula kaco dadka qaba HIV-da, qorsheyaal kala duwan ayaa jira oo wax lagaga qabanayo dadka baahan si loo ilaaliyo xuquuqdooda.

Sharciga jira ee lidka ku ah sinaan la’aanta

Sharciga sinaan la’aanta ee hadda jira waxa loo qaybinaa sadex ka shaqeeya oo kala ah kan lab iyo dhadig, midab kala-soca, iyo naafada. Waxay kala yihiin xeerka lab iyo dhadig (sinaan la’aan) 1975, xeerka cilaaqaadka midabka 1976, iyo xeerka naafada 1995 (kan oo dhawaan wax laga bedelayo). Iyo intii laga soo bilaabay 2003 xeerka sinaan la’aanta jinsiga, kan oo xarimaya sinaan la’aanta la xidhiidha qof jinsigiisa ee sinaan la’aaneed ee wixii laxidhiidha shaqo, tababar. Waxa kaloo la xooginayaa xeerarka sinaan la’aanta la xidhiidha diinta, iyo waxa uu qofku aaminsanyahay.

Asaasida Sharciga

Xaashida xeerka sinaan la’aanta naafada ee 2003, waxa la hirgeliyey gugii 2005. qaybo kamid ahna waxa la xoojinayaa ama ay qasab noqonaysaa 2005. bedelistan sharciga waxay hagaajisay shargiga u yaala dadka qaba HIV-ga, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda marka uu qofka ku dhaco HIV. Xeerarkii hore waxay u qornaayeen si fudud oo astaan uun ah.

Maayo 2004 waxa dawladu samaysay warqada cad oo samaynaya gudi keli ah oo u xilsaaran cadaalada iyo xuquuqda dadka (CEHR), waana la dhameeyey wixii la talin ah. CEHR waxay awooda kala wareegaysaa CRE-da, iyo DRCiyo EOC, waxay taageero siinaysaa xeerka bani-aadanimo. Dawladu waxay doonaysaa in xeerkan CEHR uu hirgalo 2007, iyadoo la doonayo gudiyada xeer ilaalinta ee hadda jira in isku mid laga dhiga sanadada 2008/2009.

Hasa yeeshee, waxa jira meelo in la hagaajo u baahan. Xeerarka loo sameeyey sinaan la’aantu waa inay noqdaan qaar la fahmayo, ayna hawl yartahay isticmaal keedu. Hadda waxa jira sharciyo ku waajahan lab-iyo-dhadig, midab kal-sooca, iyo naafada oo ilaalin xadidan u samaynaya. Markaa CEHR iyo xeerka sinaan la’aantu waa horumar weyn ooo lagaaarey. Xeerarkan oo dhan waa in laga dhigayaa mid keliya kaas asaas u noqonaya in aan qofna lagu samayn sinaan la’aan, khaasatan xaga shaqo bixiyayaasha, kuwa adeega caafimaadka, iyo bixiyayaasha adeega bulshada guud. Wixii faahfaahina eeg bogaga inernedka NAT ee ku saabsab xeerka keliya ee ku waajahan sinaan la’aanta, eeg http://www.nat.org.uk/documents/KIS.pdf

waxbarashada

waxbarashadu waa shayga ugu muhiimsan ee wixii qorshe lagu yareenayo sinaan la’aanta iyo cambaaraynta ee ku waajahan dadka qaba HIV-da, iyo jaaliyadaha ay waxyeeshay xanuunku. Sadex nooc oo waxbarasho waa ahmiyada la siiyaa: bulsho, farsamo, iyo waxbarasho kooban.

Waxbarashada bulsho waxa lagu kordhinayaa aqoonta bulshada ee ku waajahan HIV-da. Waxa intaa dheeraad ku ah, iyadoo inta badan ay dhacdo in sinaan la’aan ka dhacdo xarumaha caafimaadka, tabarka shaqaalaha caafimaadka waa muhiim, sida ay muhiim u tahay waxbarashada iyo kooxaha farsamo ee kale. Waxbarashada bulsho waa inay taageertaa jaalidaha gaarka ah iyo bulsho waynta. Kuwan waxa kamid noqon kara iskuulada, meelaha cibaadada, meelaha shaqada, ama kooxada sida gaarka ah xanuunku u helay.

NAT's ARE YOU HIV PREJUDICED? Waa kaambayn loo qorsheeyey inuu waajaho sinaan la’aanta iyo cambaaraynta dadka HIV-da qaba isagoo macluumaad bixinaya, sheegayana natiijada ka soo baxaysa sinaan la’aanta, iyo sidii xal loogu heli lahaa. Laba qorshe oo waxbarasho ayaa la sameeyey sidii hawshan loo dhimi lahaa mid waa meelaha caafimaadka (sida G.P-ga), midna waa meelaha waxbarashada. Laba da qorsheba waxay bixiyaan macluumaad dhacdooyinka ah, iyo fekredo, iyo jihayn sidii wax looga qaban lahaa sinaan la’aanta ee sharciga loogu dhaqmi lahaa.

Dhaqaajinta bulsho

Shabakado iyo ururo wax ka qabta jaaliyadaha ay haleeshay HIV-du iyo AIDS waa in la dhisaa.

Shabkadahan iyo ururadu waxa taariikh ahaan loo adeegsaday wax kabedelista la doonayey in lagu joojo sinaan la’aanta dadka qaba HIV-da.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan NAT’s HIV ee barnaamijyada sinaan la’aanta iyo cambaaraynta booqo bogaga internedka: www.areyouhivprejudiced.org

This document was provided by The National AIDS Trust, July 2005. www.nat.org.uk