Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Codsiga magangelyo: xuquuqdaada marka aad sugaysid
Claiming asylum: your right while you are waiting

Maxaan ku nolaan karaa marka aan sugaayo?

Hadii aanad lacag haysan, taageero waad waydiisan kartaa marka codsigaaga la eegayo. Qorshahan waxa wada kooxda ‘National Asylum Support Service (NASS). Caruurta codsanaysa keligood waxay taageerada ka helayaan konsilka deegaanka (local councils).

Wasaarada arimaha guduhu (Home Office) way kaa mamnuuci kartaa hadii ay u malayso inaanad si dakhso ah u codsan (magangelyada).

Codsiga taageero

Hadii laguu ogolaado taageero, waxaad buuxinaysaa foom dheer oo ingriisi ku qoran. Waxaad helaysaa taagero xaga foomka ah meelkasta oo aad UK ka degantahay. Waxa aad taageeradan ka helaysaa ururada bixiya adeega marka ah ‘one-stop services’. Waxa aad tafaasiishooda ka helaysaa ‘Home Office’ ka, marka aad foomka soo qaadanaysid, ama wakaalada taageerada qaxootiga (refugee support agency).

Waxa aad codsan kartaa hoy, taageero lacag, ama labadaba. Waxa taageerada lagu siinayaa oo keliya hadii aad faqiir tahay (aanad lacag haysan). Hadii aad lacag haysato, ama NASS u malayso inaad heli karto, waa inaad lacagtaa marka hore ku noolaataa intaanad taageero lagu siin.

Hadii taageero laguu diiday, ama lagaala noqday inta codsigaaga magangelyo go’aan laga gaadhin, waxa aad rafcaan u gudbin kartaan gudida garsoorka ee madax banaan (independent asylum support adjudicators). Waxa lagu siinayaa foomka rafcaanka hadii taageero laguu diiday. Waxa aad heli kartaa taageero xaga sharciga sidaad rafcaankaaga u diyaarisid, oo aaney ku metelayn dhagaysiga. Waxa jiri kara wakiil xaga sharciga oo ku taageeri kara marka aad dhagaysiga rafcaanka aado.

Maxaad heli kartaa

Taageerada waxa loo bixiyaa iyadoo ah tigidho aad boostada lacag ku dhaafsan karto. Laakiin hadii adiga ama cid reerkaaga kamid ahi u baahantahay daween kharsh dheeraad leh, waad codsan kartaa kharashkan.

Xagee aad hoy ka helaysaa

Hadii laguugu deeqay taageero, aanad u baahantahay meel aad degto, marka waxaad helaysaa guriyeen degdeg ah (inta badan huteel ku yaala Landhan ama Kent – Koonfurta Landhan). Markaa kadib waxaa lagu geenayaa meel kamid ah wadanka, hadii aaney jirin sabab weyn oo Landhan aad u jooji kartaa, Masalan, hadii lagu ciqaabay, oo daryeel gaar ah u baahantahay. Inaad Landhan qaraabo ku leedahay inta badan ma’aha sabab laguugu ogalaanayo.

Hadii laguu gudbiyo meel kale, ikhtiyaar uma lehid meesha lagu geenayo. Meel kasta oo wadanka kamid ahiba waxay leedahay adeegaa ‘one-stop service’ kanoo ku siinaya wixii talooyin iyo taageero, waana lagula xidhiidhsiinayaa.

Hadii aanad doonayn in meel lagugu tuuro (lagu geeyo), waxa inta badan aad helaysaa taageero aan hoy wadan. Adaa doonanaya meel aad degto (sida asaxaabtaa)

Marka taageeradu joogsanayso

Taageeradaadu waxay ku dhamaanaysaa sidan:

  • Hadii lagu magangelyo, ama difaac bani-aadnimo (humanitarian protection) ama joogitaan laguu ogolaado waxa aad haysataa 28 cisho inaad kaga baxdo hoygan degdeg ah oo meel kale raadsato. one-stop service ama wakaaladaha talooyink ayaa kaa caawin kara arimahan.
  • Hadii magangelyadaada la diiday, waxa lagu siinayaa xili aad rafcaan ku qaadato, waxaad sii wadanaysaa taageeradaa inta rafcaanku dhamaanayo, iyo 21 cisho oo kale.
  • Hadii aad ka baxdo, ama dhaawac u gaysato hoyga aad ku nooshahay, ama NASS u malayso inaad lacag kale haysato, ma helaysid taageeradaa.

‘Keesaska Adag’

Marmar suurtogal ma’aha inaad wadankii aad ka timi ku noqoto, xataa marka rafcaan kaaga la diido. Tanu waxay dhici kartaa hadii la waayo diyaarad tegaysa meesha aad ka timi, ama dagaal ka soconayo, oo Home-office-ku u maleeyo inaad xiligan noqon. Tan waxa laguu ogolaan karaa inaad muddo sii joogto, laakiin keeskaagii oo dhamaadey awgii wax taageero oo aad helaysaa ma jirto. Waxa aad NASS ka dalban kartaa taageero ay xor u tahay ‘discretionary help’. Waxa laga codsan kartaa in shaqo deegaanka ah qabato sidaad taageero u hesho.

Hadii reerkaaga ay kamidyihiin caruuri, konsilka xaafadaada ayaa taageero ka helaysaa. Hasa yeeshee, tan waa lajoojinayaa hadii loo maleeyo inaad taageero ka geesanayn sidii aad wadankaagii ugu noqon lahayd. Sida adoon codsigii baasboorka u gudbin safaarda. Dhinaca kale, hadii aad u baahantahay taageero xaga daaweenta ah konsilka xaafada ayaa ka heli kartaa.

Maxaad xuquuq leedahay marka aad sugaysid?

Dadka magangelyo doonka ah ee isla markay soo galaan codsada intooda badan la hayo (xidho), laakiin waxa la siiyaa meel ku meel-gaar ah. Hadii lagu siiyey mee ku meel-gaar ah, waa inaad:

  • Dib ugu soo warantaa sarkaalka soo gelista xili laguu sheegi doono;
  • Inaad ku noolaato cinwaan gaar ah; iyo
  • Inaad shaqayn.

Waxa kale oo si joogta ah aad ugu soo warami kartaa sarkaal soo gelista sidaad u saxeexdid, ama aad aqbashid qalabka elektaroonikada ee dadka lagula socdo, ama lagu ogaado meesha ay joogaan. Tanu waa qalab aad xidhanaysid oo Home-office-ka u sheegaysa inaad cinwaan gaar ah joogtid.

Hadii aad jebisho shuruuda degenaashaha ku meel gaarka ah, waa lagu xidhi karaa. Hadii aanad dib usoo waramin markii lagaa codsaday, waxa lagaa soo qaadayaa ‘soo gale aan sharci lahayn’. Hadii aad ka baxdo meeshii aad ku jirtay waa inaad dawlada u sheegtaa markiiba.

Home Office –ku waxa uu samaynayaa balanta xiliga waraysiga, waxaanuu cinwaankaaga ku meel gaar ah kuugu soo dhirayaa warqad. Hadii aanad tegin balantaa waxa Home Office –ku kuu diidi karaa codsiga. Waxa lumi kara rafcaanka hadii laguu qabtay uu ku dhaafo, sababtan awgeed.

Hadii aanad helayn ogolaansho ku meelgaar ah

Hadii aanad heli karin aogolaansho ku meelgaar ah, waa lagu haynayaa, laakiin waxa aad qaadan kartaa rafcaan todoba cisho kadib. Tan macnaheedu waxa weeye meesha lagugu hayo waad ka bixi kartaa, hadii aad bixin karto kharashka maxkamada hadii aad jebiso shuruuda sii daynta. Waxa ku caawin kara hadii aad taqaano qof, ama laba UK ku nool oo damaanad qaadaya inaanad jebinayn shuraada sii daynta. Dadkan oo loo yaqaano ‘sureties’ waxa la waydiinayaa inay balan qaadaan inay lacagtaa bixinayaan hadii aad dib usoo noqon waydo marka lagaa codsaday. waxa jira buug gaar ah oo talooyin oo ku saabsan dadka la hayo ‘Challenging Legal Detention: A Best Practice Guide’, kaas oo aad ka helayso:

  • Kooxda booqashada, taas oo ah dad tabaruca oo booqda dadka la hayo, oo kula xidhiidhsiin kara adeega debeda; ama
  • Kooxda la dhaho ‘the charity Bail for Immigration Detainees’.

Waxa jira shuruudo kale oo damaanada la xidhiidha, oo la mida kuwa ogaalanshaha ku meelgaarka ah. Waa inaad si joojto ah u aadid booliiska ama sarkaalka soo gelista si aad u saxeexdid. Hadii aad shuruudan jebisid, waxaad jebinaysaa sharciga, dadkii ku damaanad qaadayna waxay waayi karaan lacagtii ay balan qaadeen.

Kharshka codsiga damaanada waxa laga bixinayaa sanduuqa bulsho ee taageerada sharci hadii aad xaq u yeelato. Waa inaad wakiilkaaga sharci waydiisaa inuu kuu dalbo.

Laguuma ogolaanayo inaad shaqayso inta aad tahay magangelyo doone. Hasa yeeshee, hadii Home-office-ku uu go’aanka keeskaaga daahiyo muddo ka badan 12 bilood, waxa aad codsan kartaa ogolaansho shaqo.

Xuquuqda kale

Maqangelyo doone waxa uu heli karaa dawo bilaash ah, waxa aad iska qori kartaa dhakhtarka xaafadaada si aad dawo bilaasha u hesho. Inta badan waxbarsho af ingriisi ah oo bilaasha waa la helaa. Waanad qaadan kartaa waxbarsho kale.

Lacag yar ayaa diyaar ah, marka laga reebo taageerada aad heshid. Kharshka gaadiidka waa laga bixin karaa. Tan waxa kamid ah kharshka tigidhka gaadiidka marka aadaysid xafiiska soo gelista ama maxkamada. Waa inaad codsataa kharashka safarka hadii aad booliska iska xaadiri-naysid. Si aad kharshkan laguu siiyo waa inaad NASS u sheegtaa ilaa 6 cisho ka hor balanta. Waxa kaloo kharashk lagaa bixinayaa hadii meel kaloo UK ah laguu diro.

Hadii aad taageero ka hesho sanduuqa bulsho (publicly funded legal help), waxa aad helaysaa kharashka aaditaanka waraysiga.

Xagee taageero codsigayga ku saabsan ka helaa?

Hadii aanad lacag kugu filan oo xaga sharciga ku bixiso aanad haysan, waxa aad helaysaa talo khaas ah oo bilaash ah. Tan waxay diyaar ku tahay qareen ama urur qandaraas ka haysta kooxda ‘Legal Services Commission’. Labada urur ee ugu wayn ee talooyin bixiya waa: ‘Refugee Legal Centre’ iyo ‘Immigration Advisory Service’.

Sidoo kale adeeg bilaash ah waxa bixiya ururo kale, iyo wakaaladaha deegaanka, gaar ahaan ku xaga sharciga ah. ‘one-stop service’ ama ‘Citizens Advice Bureau’ ayaa kuu baadhi kara kuwan, inkastoo ay suurtogal tahay inaad markiiba mid ku caawiya aanad helin.

hadii lagu hayo (xidhay) ururadan ma aadi kartid, tijaabi inaad mid tilifoon kula xidhiidho, ama la xidhiidha xubin kamida kooxda booqashada ‘visitors group’. Kooxdan tabaruca ah waxay kula xidhiidh siin karaan ururada debada ka ah meesha lagugu hayo.

Lataliyahaagu waa inuu qoraal kuugu sheegaa:

  • Adeega aad heli karto;
  • Cida aad u ashkatoon karto, hadii aad ka werwersantahay adeeg ama lataliye;
  • In aad bixinayso kharash, iyo inta ay leegtahay; iyo
  • Sidii aad adeeg ula xidhiidhi lahayd marka aad u baahantahay.

Sharciga ururada ayey kasoo jeedaa inay talo, ama adeeg magangelyada ku saabsan bixiyaan, hadii aaney garyaqaano (solicitors) ama aaney ka diiwaan gashanayn ururka ‘Office of the Immigration Services Commissioner (OISC)’. Qofkasta oo talo lacag ku siiyaa, waa inuu kuu sheegaa hadii ay jirto mid bilaash ahi.

Isticmaalka turjumaanada

Hayada soo galku waxay ku siinayaan turjumaan xiliga waraysiga. Qofka xaga sharciga kaa metalaana waa inuu mid kuu helaa marka aad la kulanto. hadii aad fahmi waydo turjumaanka waa inaad markiiba sheegtaa. Way adagtahay in qaladka mar danbe la saxo. Xasuusnow in turjumaanku uu ku caawinayo sidii aad u hadli lahayd, mana aha inuu macneeyo wixii aad tidhi, ama talo ku siiyo, ama jawaab. Waa inaanad qaraabada iyo asxaabada wixii fudud mooyaane wax kale u isticmaalin.

Taageero dheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxay bulsho-waynta siisaa macluumaad bilaash ah oo ku saabsan dhibaatooyinka caadiga ah ee xaga sharciga.

Wac 0845 345 4 345

Hadii aad xaq u yeelato taageero sharci (legal aid), waxa kale oo ka helaysaa khabiir sharci wixii talooyin ee ku saabsan dakhliga, cashuur celiska, deynka, waxbarashada, shaqada, iyo guriyeenta. Waxa kale oo raadsan kartaa talo-bixiye deegaankaaga, ama qareen.

Riix www.clsdirect.org.uk sidii wixii dheeraad ah u ogaatid.

Amnesty International

telifoon: England: 020 7033 1500

Wales: 029 2037 5610

www.amnesty.org.uk

Immigration Law Practitioners Association (ILPA)

Wixii macluumaad ee sidaad taageero u heli-lahayd, waydii diiwaanka (Directory of Members).

telifoon: 020 7251 8383

www.ilpa.org.uk

Immigration Advisory Service

www.iasuk.org

telifoon: 020 7967 1200 (head office)

Eeg boga internedka wixii ku saabsan tafaasiisha (cinwaanada, iwm) ee xaafadaada Ingland iyo Wales

Law Society

Law Society waxay ku siin karaan macluumaadka garyaqaanada ku meteli kara wixii ku saabsan dacwadaha magangelyada.

telifoon: 0870 606 6575

www.solicitors-online.com

National Asylum Support Service

Frank Corrigan, 27 Old Gloucester Street,

Bloomsbury, London WC1N 3XX

www.asylumsupport.info

Office of the Immigration Services Commissioner (OISC)

telifoon: 0845 000 0046

www.oisc.org.uk

Refugee Legal Centre

telifoon: 020 7780 3200

www.refugee-legal-centre.org.uk

maqaal kale, ‘Legal Advice for People who are Detained by the Immigration Service’ ayaa waxa soo saarey Law Society, Law Society of Scotland, OISC, CLS and ILPA, waxaana laga heli karaa ururadaa aynu soo sheegney.

Maqaalkan waxa la qoray, iyadoo la kaashanayo ‘Immigration Law Practitioners Association iyo Mick Chatwin, garyaqaane iyo qareen ku takhasusay sharciga soo galka (immigration law).

This document was provided by Community Legal Service Direct, April 2006, www.clsdirect.org.uk