Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Taageerista dadka magangelyo doonka ee UK
Support for asylum seekers in the UK

Sheekada Samaan
'waxaan imi goor danbe eeriboodka Heathrow, waxaana u sheegey saraakiishii inaan magangelyo doon ahay. Waxa la i waydiiyey meesha aan ka imi, magacayga, iyo waxaan ku soo socdaaley marka aan UK imanayey. Kadibna waxa la ii gudbiyey hoteel u dhow eeriboodka, waxaaney shaqaalihii i siiyeen cuno, kadibana waxa la i geeyey qolkii aan seexan lahaa. Subaxii danbe waxay iga caawiyeen sidii aan u biixin lahaa foomka lagu seexdo hoteelka, waxna lagu cuno. Waxa kujiray su’aalo badan foomka.

tanu waxay ahayd wiig ka hor, haddana waxaan weli sugayaa jawaabtoodii. Ma hubo meesha ay ii diri doonaan, iyo in wax lacag la i siin doono. Hadii la ii diido ma hubo waxaan samayn lahaa….’

Haddii aad UK magangelyo waydiisatay waxaad xaq u leedhay in taageero lagu siiyo (meel aad degto, iyo lacag aad cuno iyo maryo siisato) inta codsigaaga go’aan laga gaarayo. Tanu waa muhiim waayo laguuma ogola in aad shaqayso inta codsigaagu maqan yahay. Qaybta wasaarada daakhilga (Home Office) ee ku shaqo leh magangelyada waa (NASS). Tusmadanu waxay kuu sheegaysaa sidii aad kaalmo uga heli lahayd NASS, iyo waxaad yeeli lahayd hadii ay joojaan taageeradaa.


Ma heli karaa taageero NASS ah?

sidaad xaq ugu yeelato NASS waa inaad shuruudahan buuxisaa:

Miyaad tahay 18?
Caruurta ka yar 18 ee UK kiligood yimid ma heli karaan taageerada NASS, laakiin waxa daryeela dawlada hoose (local authority).

  • Waxa aad codsatay magangelyo ama xeerka 3aad ee xuquuqda bani Aadnimo ee midawga Yurub.
  • Codsigaaga waxa loo gudbiyey meelo gaar ah sida ‘Home Office’ka Croydon ama Liverpool ama Solihull.
  • Codsigaaga go’aan baa Hadda laga gaarayaa.
  • Waxa aad tahay ama ka weentahay 18 jir.
  • Waxaad tahay qof baahan. Tan macnaheedu waxa weeye waxaanad haysan lacag kugu filan, ama meel aad ku noolaato.

  • hadii ay kula socdaan dad aad masuul katahay sida caruur ka yar 18 sano, nin ama xaas, waxa lagu siinayaa wixii taageeradooda ah.

    Sidee NASS ii taageeri kartaa?

  • Waxa jira laba nooc oo taageerada NASS. Tan hore waa taageero loogu talogalay dadka dalbaday magangelyo. Tan labaad waxa loogu talogalay dadka la diiday magangelyadoodii.

    'Qaybta 95' taageero

    marka aad dalbato magangelyo, aanad codsato kaalmo, waxa sida inta badan lagu siinayaa waxa loo yaqaano taageerada ‘qaybta 95’ ka. Tan waxa lagu siinayaa marka go’aan laga gaadhayo codsigaaga magangelyo. Waxa lagu geenayaa meel aad ku noolaato, waxaana lagu siinayaa lacag u dhaxaysa £31 ilaa £40 wiigiiba, marka la eego da’daada. Sidaad u codsato waa inaad buuxiso foomka NASS 1, kan oo aad kasoo dejin karto internetka ‘Home Office’ka ama xafiisyada loo yaqaano 'one stop services'. Xafiiskanu waxay kaa caawin karaa sidii aad u buuxin lahayd foomka, waanay kuu diri karaan.

    marka NASS ay codsigaaga aqbasho, waxa lagu siinayaa meel aad degto, iyo lacag aad wax ku iibsato. Ikhtiyaar uma lehid meesha aad degayso, sida dadka magangelyada ah loo kalo diro qaybo kala duwan oo wadanka kamida (siday u degaan). Tan waxa la yidhaahdaa kala fogayn. Magangelyo doonka qaar waxa loo ogolyhay inay London degaan, laakiin waa duruufo khaas ah.

    haddii aad haysato meel aad degto waxa keli ah oo aad dalban kartaa kaalmada lacagta ah. Tan waxa la dhahaa kaalmada lacageed ee keli ah. Sidii aan hore u sheegnay waxa ka dalban kartaa xafiisyada kuugu dhow ee ‘one stop services’.
  • Mudo intee leeg ayaan taageero helayaa?

Reeranaha caruurta haysta
haddii aad caruur haysato waxaad helaysaa taageero inta aad katagayso UK, ama ay gaarayaan 18 jir.

Waxaad u baahnathay inaad is taageerto inta go’aan laga gaarayo codsigaaga. Tan waxa kamid ah rafcaanka. Hadii lagu siiyo joogitaanka la dhaho ‘leave to remain’, waxa lagaa jarayaa taageerada 28 maalmood kadib marka go’aanka kusoo gaaro. Markaa kadib waa inaad dalbataa taageerada qaran (welfare benefits) ama shaqo raadsataa.

hadii magangelyadaada la diido waxaa lagaa jarayaa gunooyinka NASS ee aad qaadato 21 maalmood kadib marka go’aan lagaa gaaro. Markan wasaaradu (Home office) waxay kaa doonaysaa inaad wadankaaga ku noqoto. Hasa Yeeshee hadii aad noqon kari-waydo, waxa aad xaq u leedahay taageerada qaybta 4aad (Section 4 support).

'Qaybta 4aad' taageerada dadka magangelyadooda la diiday.

Hadii magangelyadaada la diido, oo aad noqon kari-waydo, waxa aad xaq u leedahay taageerada qaybta 4aad (Section 4 support). Laakiin shuruurada qofka qadan kara way adagthay. Marka hore waa inaad sabool ahaatid. Marka labaad waa inaad shuuradahan buuxisaa:

Sabool
Tan macnaheedu waxa weeye waxaanad haysan lacag kugu filan adiga iyo caruurtaada, ama meel aad degto.

  • Waxa aad codsatay inaad wadankaaga ku noqoto, waxaanad sugaysaa in laguu diyaariyo noqosho. Waxa lagaa doonayaa inaad u cadayso tan NASS.
  • Waxaad qabtaa xanuun khatar ah, kamana bixi kartid UK waayo waxaan kuu suurto gelinayn xanuunkaa. Waxa aad u baahantahay caddayn aad kasoo qoroto
  • Wasiirka daakhilaga ayaa sheegay inaanay jirin jid fiican oo wadankaaga loo maro (xilaga qoraalkan ma jiro wadan gaar ah oo uu sheegay).
  • Waxa aad codsatay dib u eegis sharci oo ku saabsab go’aanka codsigaaga.
  • Waxa aad codsatay codsi cusub oo ku saabsan magangelyadaada ama xeerka 3aad ee bani aadnimo, ama ‘Home office’ka ayaa ka tashanaaya codsiyo kale oo aad samaysay.

  • hadii aad xaq u yeelato taageerada qaybta 4aad (Section 4 support) waxa lagu siinayaa hoy iyo £35.00 oo tigidho ah wiigii. Wax kaash oo lagu siinayaa ma jirto.

    Barnaamijka taageerada rafcaanka magangelyo, October 2006

This document was provided by Advicenow (Asylum Support Appeals Project, October 2006). Updated June 2007, www.advicenow.org.uk