Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Is Booqashada Qoysaska
Family Visitors

Xaashidan waxa leh dadka doonaaya in ay u yimaadaan xubin qoyska ka mid ah oo degan UK.Waxay kuu macnaynaysaa xaashidani, waxaad doonayso inta aanad arjiga qoran, sida maxaa dhacaaya markaad dalbato fiisaha, sided abiil u qaadan lahayd haddii codsigaaga la diido. Waxaa kale oo ay faa’ido u leedahay dadk doonaaya in ay keenaan qof qoyska ka mid ah.

Qaybta hore ee xaashidani waxay ka hadlaysaa socodsiinta arjiga ,waana mid si guud uga waramaysa arjiyada codsiga oo dhan.Qaybta labaad waa abiilka.Qoysas gaar ah ayaa mudan abiil qaadashada.Xaashidani waxay sharaxaysa kuwa ay yihiin marka heerark qaarkood la gaadho.

Inta Aanad codsan ka Hor

Waqti bqdan ugu talo gal

Arrimaha badankooda waxa laguu dhammaynaaya maalint aaad fiisaha dalbatoLaakii mararka qarkood wuu ka dheeraada inta.Haddii ay diidaan codsigaaga oo aad abiil ka qaadato,waxay qaadanaysaa dhowr wiik ama ka badan inta aan fiisaha lagu siin, haddii codsigaaga la ogolaado.Waxaan ku talin lahayn in la codsado fiisaha seddex bilood ka hor xiliga aad doonayso in aad socotayso.

Sida dhabta ah waxa jira marar ay kugu iman karto socoto degdeg ahi-sida qof ehelka oo xannuun deg deg ihi ku yimid.Sida darted haddii aad u baahato fiisa degdeg ah, sida ugu fiican baanu kuu caawin, laakiin fadlan u codso fiisaha sida ugu dhakhsaha badan ee ay kugu suurtawdo.

Hore U Qorshayn

Go’aanso sababta aad u imanayso Uk.Dadka badankoodu waxay qorshaystaan,oo ay codsadaan fiise lix bilood ah.Haddii aad doonayso inaad joogto muddo intaa ka dheer sabab darteed (sida shaqo, ama guur), waxaad u baahan tahay fiise kaa ka duwan.Haddii aad codsato fiisaha booqashada ,oo ay ujeedadaadu tahay in aad ka shaqayso ama aad degto UK fiisaha laguma siin doono.

Waxa kale oo aad isku daydaa in aad wax ka ogaato hay’adda Socdaalka Ingiriiska.Marka ad wax ka ogaataba waxa ku fududaanaysa habkii aad wax u bilaabi lahayd,inta aanad fiisaha codsan.waxaa kale oo aad fahmaysaa waxa dhacaya marka aad codsato ka dib.gaar ahaan shuruucda iyo qawaaniinta hayadda socdaalka Ingiriiska iyo arjigaagu xaaladaha u maraayo.

Ka fakir in aad qaado talaabo dhinaca sharciga ah iyo in kale .Haddii aad akhriday xaashidan oo uu walina kaaga jiro shaki wixii aad yeeli lahayd marka xiga,waxaa suura gal ah in aad u baahato khabiir ku caawiya.Talada wanaagsani waa mid wax la hubo keenaysa. Inkasta oo haddii arrin fudud ay tahay, laga yaabi in aan talo weyn oo caynkaas ah loo baahan,haddiise aad go’aansato talo raadin, ha noqdo la taliye la aqoonsanyahay.

Ogow xeerarka iyoqawaaniinta

Xeerarka afafka iyo qawaaniintu waa mid farsamo.waxaadse u baahanaysa in aad fikrad ka haysato waxay macnahoodu adiga kula yihiin.marka laga reebo wadiniyiinta suuqa dhaqaalaha yurub,qof wal oo kaste oo yimaad Uk waa in uu qanciya xeerka 41 aad ee ka mid ah xeerarka hay’adda socdaalka.rt from citizens of the European Economic Area, everyone who comes to the UK as a visitor must satisfy rule 41 of the Immigration Rules.

  • Waxyaabaha looga baahan yahay in uu buuxiyo, qofka doonayng in uu soo galo UK isaga oo booqasho u socda;waxay yihiin:l

(i) ma qof booqasho dhab ah doonaya waqtiga loo sheegay,oo aan ka badnayn 6 bilood;isla markaana

(ii) aan isku dayeyn in uu si joogta ah ugu noolaado waddanka boqortooyada Ingiriiska.marka waqtigiisu dhammaado sidii isaga loo sheegay; isla markaana

(iii) aan isku dayeyn in uu shaqo ka qabtoo dalka Boqortooyada Ingiriiska.

(iv) Iskuna dayeyn in uu soo saaro alaabooyin ama uu adeegyo ka bxiyo dalka Boqortooyada Ingiriiska, marka lagu daro alaabooyin ama adeegyo kuwaas oo qof qof dadweynaha ka mid loola macaamilo.

(v) aanad isku dayin in aad wax ka barato dugsi dawladeed oo lacag la’aan ah.

(vi) Waa in uu si fiican u dabari karaa, isagan iyo wixii dad ah ee ku tiirsanba, isaga oo aan wax dhaqaale ah ka qaadan gunada loogu talo galay dadka dalk degen ama aan wax shaqo ah qaban ama aan qaraabo iyo saaxiib wqaxba weydiisan.

(vii)In uu haysto kharashkii uu ku noqon lahaa.

Diyaar garee caddeyntaada

Inta aanad codsan ka hor,waa in aad ururisaa wixx cadaymo aad hayso ee aad tusi karto ,si aa buuxiso waxyaabahabay doonaayaan.Soo jeedinahani waxay kuu yihiin uun jihayn. Ee waxaa jira waraaqo(documents) kale la aqbali karo.Ha ka war warin haddii aanad wada keeni karayn dhamaantood, hana u malaynin in aad fiisaha helaysid haddii aad wadsa keento dhamaantood.

Xeerarka (i) ila (v) ee kor kuxusan waxay kusaabsan yihiin sababaynta fiisaha socotadaada.Waa in aad tusisaa in ujeedada socotadaadu tahay mid booqasho ama dal xiis oo kali ah, waana in aanad joogayn in ka badan intii aad tidhi waan joogaaaya (ugu badnaan 6 bilood).Hadaba, kaysaska badankooda, waxa waxaad u baahantahay in aad tus cadayn sababtabaad u doonaydso in aad sii joogto UK marka uu dhamaado fiisahaagii hore.Waraaqaha laga yabo in ay gacan kaa siiyaan waxa ka ka mid ah:

  • Warqad aad ka keento meesha aad ka shaqayso, taas oo damaanad qaadaysa waqtiga aad ka maqnaanayso shaqadaada, waqtigaas oo ah mid xadidan ama mudaysan.Warqaddu waa in ay xusnata mudada aad shaqaynaysay iyo shaqooyinka aad qaban jirtay.
  • Haddi aad tahay qof gaarkiisa u shaqaysta oo ganacsae ah, waxa lagaa doonaayaa caddayn ku saabsan ganacsigaaga dhaqdhaqaaqiisii iyo hayntaada maaliyadeed.
  • Caddyn la xidhiidha wixii hanti ma guurto ah aad ku leedahay dalka aad joogto.
  • Haddii aad tahay arday waxa laga doonaaya warqad cadayn ah in aad ka keento schoolka aad dhigato, taas oo sheegaysa waxa aad barato,xilliga aad billowday xilliga oo dhammaanaayo iyo fasaxa aad doonayso in aad ku timaad UK into le’eg yahay.
  • Waxa laga yaba in ay ku caawin karto, haddii aad cadayso in aad haddii aad leedahay qoys ama xidhiidh adag oo bulshanimo iyo ma’uuliyado aad u noqonaysa.
  • Caddayn safar qorshaysan oo aad u samaysay shirkad.

Xeerarka (vi)Ila (vii) waxay ku saabsanaayeen sidii dhiaca kharashka aad isku dabari lahayd int aad joogto ingiriiska iyo in aad haysato kii aad ku noqonlahayd(ama aad meel kale ugu bixilahayd). Waa in aad caddysaa meeshii aad ku noolaan lahayd iyo wixii aad ku bixin lahayd intaad joogto UK,ama ay caddayn keentaa cidda ku marti qaaday in ay ku caawinaayaan.Xusuusnow in kharashka ku noolaansha UK,in uu ka duwan yahay ka dalka aad joogto.In kaste oo laga yaabo waraaqaha ku cawinaay ay ka mid yihiin:

  • Warqad xisaabta baankaaga oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey ah.
  • Warqo caddaynaaya in aad haysato kaydad kale oo maaliyadeed.
  • Warqad ay ku ay ku cadaynayaan in ay ku cawin doonan inta aad joogtoUK,kuna siinayaan meel aad gasho.Waxa kale oo lagaaga bahan yahay in aad cadayso in cidda ku marti qaaday awood u leedahay in ay ku cawin karayaan,waxa dhici karta in aad keento xisaab baan ama warqad mushahar laguugu siiyey.

Liiskani wax kaste ma soo koobaayo,laakiin wuxu ku siinaayaa noocyada waraaqo ah ee aad isticmaali kartid si u caawiyaan codsiga arjigaaga.Haddii aad waraaqo kale hayso,oo aad doonayso in aad isticmaasho, qusuliyadda gudaha ee fiisayaasha bixisa ayaa kuu sheegi in ay aqbalaayaan iyo in kale.

Codsashada Arjigaaga

Xagaad ka dalban lahad

Waa in aad codsiga dalbashada arjigaaga ka samaysaa qusuliyadda Safaaradda Ingiriiska eetaal dalka aad u dhalatay, ama dalka aad ku nooshahay.Safaaradaha iyo qusuliyadaha Ingiriiska qaarkood baan samayn,laakiin waxay kuu sheegaayaan meeshii aad ka codsan lahayd.Waa in aad shaqaalaha weydiisa foomka la yidhaa VAF1, kaas oo ah arjiga lagu codsanaayo fiisaha, waana bilaash.Waxaad sidoo kale ka helaysaa websaadka UKvisas(Xafiiska Dawladda) ee www.ukvisas.gov.uk. Fadlan si degen u akhri arjiga iyo tusaha la socdaba.

Waxaa u baahan tahay

  • Foomaka arjiga oo buuxa.
  • Basaa Boorkaaga (waana in aanu dhacsanayn inta aad socotada ku jirto dhan.
  • Laba sawir oo kuwii u dambeeyey, aad leedahay.
  • Lacagta fiisaha , oo ah lacagta laga isticmaalo dalka ,qaybta fiisuhu ku taal.
  • Wax alaale iyo wixii waraaq ah ee aad is leedahay waa la xiisan kara.

Waxa suura gal ah inaad waraaqaha adigu geyso.Qaar ka mid qaybta fiisayaashu waxay aqbalqaan uun in lagu soo diro Boota.Xafiiska Boosta ee degaankaaga ayaa kuu sheegaaya in lagu diri karo iyo in kale, waxa kale oo kuu sheegi doona sida nidaamku u shaqeeyo.

Markaad foomka am arjiga dirto.

Markaad arjiga dirto , si dhakhso ayaa loo hubinaaya.Markaas ka dib bay ama:

  • Aqbalaayaan arjigaaga; ama
  • Waxay ku weydinayaa in aad u keento waraaqo dheeraad ah inta aanay aqbalin arjigaaga.Haddii ay arrintani dhacdo, macnaheedu ma aha fiisihii waa lagu diiday, waxase laga yabaa in uu habsaan yimaado inta aad waraaqaha keenayso. Si aanay arrintan oo kale u dhicin waxa fiican in laga sii fakiro wax yaabaha (eeg xagga sare).Mararka qaarkood adiga iyo cidda ku marti qaadayba waxa laga yabaa in la idin weydiistay in ‘foomka marti qaadka’ haddii ay arrintani kugu dhacdo,waaxda fiisahu waxay ku siinaysa foomka, waanay kuu sharxayaan waxaad samayn lahayd.

Sida badanaa dhacda ,fiisaha waa lagu siinaaya iyada oon wax waraysi dheeraad ah la doonin.Laakiin mararka qaarkood ayaa laga yabaa in waraysi lama huraan yahay adiga iyo marti qaaadahaba.

Waraysi

Haddii lagugu marti qaado waraysi buuxa ,waxa dhici karta in lagu weydiiyo waraaqo caddetn ah oo dheeraad ah,sida kuwa kor ku xusan oo kale. Waraaqaha caddeynta ah oo aad keentaa, macnaheedu maaha waad helaysaa feesaha; laakiin way caawinaysaa.

Isku siyaari waraysiga sidii aad isugu diyaarisay codsiga feesaha oo kale (fadlan eeg xagga hore ayey ku xusan tahay).Waa in aad hubtaa sababta aad fiisaha u doonayso.waa in aad caddaysaa meesha aad ka helayso kharashka iyo meesha aad joogayso. Waa in aad si cad u sheegtaa sababta aad uga soo noqonayso UK marka socotadaadu dhamaato.

Waraysiga waxa lagu diyaarin karaa tarjume, haddii aad u baahato.Uga jawaab su’aalaha oo dhan si degan oo daacadnimo ku jirto.Xusuusnow, waxa olaga yabaa in lagu weydiiyo su’aalo toos ah iyo qaar naf ahaantaada wax lagaaga weydiiyo. Haddii aad su’aalaha qaar fahmi weydid , ma famin deh, haddii aanad jawaabaha qaarkood garanayn, ma garanayo deh.arrimaha iska fudadso, laakiin ha iska malayn waxay doonayaan; si aad u qanciso.Haddii aad wareerto,take yara naso oo neefso. Iyaguba way fahmayaan in aad yara kacsan tahay eh. Is degi; oo xusuuso in dadka weydiista fiisayaasha ay siiyaan 9 qof 10 kiiba.

Haddii ay u maleeyaan in aanad qancin;waxyaabihii sharciga socdaalku doonaayey (eeg sharciga 41aad xagga sare),way diidaayaan codsigaagii fiisaha.Sarkaalka fiisaha bixiya wuxu ku siinaaya qoraal sababta uu go’aanka diidmada u qaatay.Haddii aad ahayd mid qoyskooda u imanaayey, sida ku xusan sharciga UK waxaad xaq u leedahay in aad qaadato abiil, waxaana lagu siinaaya arji (appeal form) iyo qoraal kaa cawinaaya buuxintiisa.

Sidoo kakle waxaad ka heli kartaan jahayn,talo bixin iyo warar la iska siiyo fiisayaasha xarunta dhexe ee sharciyada Coventry. .

Xarrunta dhexe ee sharciyadu waxay ku deeqaysaa talo bixin lacag la’aan ah iyo in ay kaga noqoto wakiil dhinaca sharciga.

Abiilada

Xarunta dhexe ee sharciyadu waxay talo bixin kaa siin doontaa sidii ay ugu diyaar garoobi olahayd iyo sidii aad u qaadan lahayd abiilkaga,waanay ku matalaysaa dhegeysiga maxkamadda.waad la soo xidhiidhi kartaa xaruntayada sharciga ama waad soo telefoonin kartaa maalmaha Salaasada(talaadada) iyokhamiista inta u dhaxaysa 10.00am ilaa 12.00 duhurnimo. Telefoon nambar 02476253168

Coventry Law Centre

The Bridge

Broadgate

Coventry

CV1 1NG

Tel: 024 76223053

Registered with Charity Commission as Coventry Law Centre: 1087312

Registered as a limited company in England & Wales: 4149673

Inkaste oo la isku dayey in ay noqdaan wararka ku qoran xaashidani kuwii u dambeeyey oo sax ah, hadana waa in aan loo qaadan kuwo dhamays tiran oo sharci ah; waana in aan loo qadan talo bixin sharciyeysan oo aanu idin siinayno-la nooma qabsan karo la noomana raaci karo wixii qaladaad ah ee ay leedahay iyo dhibaato ka timaadaba.Warar xaashidan ku qoran waxa loogu talo galay dadka degen ama xidhiidhada dhow la leh sharciga UK kali ah.

This document was provided by Coventry law Centre, www.covlaw.org.uk