Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Waa sidee hadaan doonayo inaan ka shaqeeyo UK (What if I want to work in the UK)?
What if I want to work in the UK?

Haddii aad doonayso inaad UK shaqo u joogtid, inta badan waxaad u baahantahay ogolaansho “work permit”. Haddii shirkad wadankan ku taalaa doonayso inay shaqo ku siiso waa inay iyadu kuu codsataa ogolaanshaha.

Wasaarda arimaha gudahu “Home Office” waxay ogoshahay dad gaara oo farsamo iyo shahaadooyin wata loo ogaolyahay inay wadanka soo galaan iyagoon shaqo sii diyaarsan – waana barnaamijka soo gelista dadka farsamada aad u saraysa wata.

Inta badan ninkaaga ama xaaskaaga, caruurtaada ka yar 18 sano ayaa laguu ogalyahay inay ku soo raacaan. Tan waxa keli ah oo la ogolyahay haddii aad kharshkooda adigu daboolaysid, adoon u baahan kaalmada dawlada. Waxa kale oo xadidaad la saaraa soo gelista dadka kula socda haddii aad si ku meel gaar ah uga shaqaynayso, marka lagu daro:

  • Adoo shaqaynaya muddada fasaxa ku jirto;
  • Adoo ka shaqaynaya shaqooyinka xiliyada keliya, sida gurista midhaha beeraha, ama
  • qorshaha dhinaca dhaqaalaha qayb 'sector-based schemes', ee dadka loogu ogolaado inay qayb gooniya ka shaqeeyaan.

Nidaamka (shuruuda) soo gelista waxa kale oo qeexaysaa in laguu ogolyahay inaad qayb shaqo ah ku bedeshid qayb kale oo la dhaho ‘switching’ kadib marka aad UK soo gasho, waxaana ka mid ah:

  • Hadii aad wadanka soo gashay fiise ‘booqasho’ laguu ogola inaad mid ardaynimo ah ku bedeshid, laakiin waa inaad ka baxdaa wadanka oo debeda kasoo codsataa.
  • Hadii aad doonaysid in halkan shaqo lagaa siiyo waa inaad debeda kasoo codsataa, haddii aanad arday ahayn digrii samaynaya, ama aanad ahayn qof dhakhtar, neears loo tababarayo, ama ahayn qof fasax shaqo loo ogolyahay. Waxa jira nidaam gaar ah oo loo ogolyahay qofka digrii cilmiya (saynis) ama injineerin ka qaatay jaamacad ingiriis ah, haddii aad dhamaysay shahaadada MA ama Phd, ama digriigaaga Iskotland ka qaadatay.
  • Haddii aad wadanka fiise booqasho ah kusoo gashay, kadibna guursatay qof UK si rasmi ah u degan, waxaa lagaa doonayaa inaad wadanka debediisa kasoo codsato haddii aad fiise shaqo ama deganaasho rabtid.
  • Hadii aad doonaysid inaad guursato, ama cilaaqad bulsho samaysato marka hore waxaa lagaa doonayaa inaad ‘home office’ ogolaansho ka hesho. Ogolaansho la’aanta xafiiska diiwaanka guurka wuu ku diidayaa. Eeg qoraalka ‘haddii aan doonayo in reerkayka qaar kamid ahi halkan kula degaan’ wixii macluumaad dheeraad ah.

Home Office –ku waxu eegayaa codsiyada xataa hadaanay shuruurada ogolaanshaha ee shaqo bedelista buuxin. Laakiin haddii markaa la diido wax rafcaan (appeal) oo aad ka qaadan kartaa ma jirto go’aankaa.

Community Legal Service Direct

www.clsdirect.org.uk

0845 345 4345

This document was provided by Community Legal Service Direct, June 2006, www.clsdirect.org.uk