Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Ma waxa aad tahay dumar laajinimo ka dalbanaya UK
Are you a woman seeking asylum in the UK

Qoraalkanuwuxuu caawinayaa dumarka sheeganaya magangalyo.

Wuxuukuu sheegayaa waxa aad filan karto markaad sheeganeyso magangalyo.

Wuxukuu sheegayaa waxa aad ka filan karto wareysiga aad la yeelaneyso Wasaarada Arrimaha Gudaha (Home Office).

Wuxukuu sheegayaa waxa uu tixgelin doono Home Office- ku marka uu go’aan ka gaarayo magangalyo sheegashadaada.

Waxa ‘Home Office’-ku leeyahay nidaam shaqaalahooda arrinka ka caawineysa waxkaqabashada magangalyo sheegashooyinka. Tan waxa la dhahaa Tusmada Jinsiga (Gender Guidance). Qoralkani wuxu fasirayaa waxa shaqaalaha arrinka ee ‘Home Office’-ku eegayaan marka ay qiimeynayaan sheegashadaada. Waxay fiirinayaan nidaamka ku qeexan Tusmada Jinsiga.


Magabgalyosheegashada

Si toos ah – adoon ku xidhnayn aabe, nin, (ama qaraabo kale oo rag ah) ayaad xaq u leedahay magangalyo sheegasho. Haddii aad doonaysid inaad arrintan ka tashato, waxad u baahantahay inaad kala hadasho qareenkaaga (looyarka).

Waxajira saddex heer markaad ka sheeganeyso magangalyo UK.

Heerka 1

Wareysiga ‘Home Office’-ka ee ugu horeeya waxa la dhahaa wareysiga baadhista (screening interview). Waxa lagu qabtaa Qaybta Baadhista Magangalyada (Asylum Screening Unit) ee (badanaa Croydon ama Liverpool). Wareysigan waxa lagugu waydiin doonaa tafaasiishaada shakhsiyeed, sida magacaaga, cinwaankaaga, dhalashadaada, iyo kuwa qoyskaaga.

a. Waxa fiican inaad timaado11 subaxnimo ; nasiib daro waa inaad diyaar u

tahay inaad muddo dheer sugtid.

b. Haddaad xijaab xidhantahay, marka sawirka lagaa qaadayo ayaa

lagaa codsanayaa inaad iska qaado.

Markalagaa qaado waraysigan, waxa aad ka dalban kartaa NASS (National Asylum Support Service) hoy iyo lacag. Si lagaaga caawino arrinkan, la xidhiidh qareenkaaga, Refugee Council, Refugee Action, Refugee Arrivals Project ama Migrant Helpline.

Waraysigan, waxa lagugu siin karaa foom la dhaho ‘Self Completion Form (SEF) kaas oo aad ku sharxayso waxa aad u sheeganeyso badbaado caalami hostimaado Heshiiska Qaxootiga (Refugee Convention). Waxa fiican inaad qabsato qareen kaa caawiyo foomkan. Waa inaad foomkan ku celisaa muddo 10 cisho gudohood ah.

Heerka 2

Intaa kadib, waxa laguugu yeedhayaa waraysi magangalyo dhan (full asylum interview, eeg bogga soo socda).

Heerka 3

Dhowrwiig kadib marka aad waraysiga magangalyada dhan lagaa qaadey, waxa aad helaysaa go’aankiigii ‘Home Office’-ka. Haddii laguu diidey magangalyo waxa aad rafcaan u qaadan kareysaa ‘the Asylum and Immigration Tribunal’.

Waainaad la xidhiidhaa qareen isla markiiba si aad ugu heshid caawinaad rafcaankaaga.

Waraysi magangalyo dhan (Full asylum interview)

Waraysigadhan ee magangalyada, waxa lagugu waydiinayaa maacluumaad dheeraad ah oo ku saabsan magangalyo sheegashadaada.

Dumarka ay asiibtey dhibaato la xidhiidhta jinsiga (sida kufsi, iwm), waxa laga yaabaa inay u sahlanaato inay qof dumara oo kale u waramaan.

a. Waxa aad waydiisan kartaa gabadh ku waraysata (female interviewer),

haddii aad u baahantahay.

b. Waxa aad waydiisan kartaa gabadh kuu turjunta, haddii aad u baahantahay

c. Waxa aad codsan kartaa in waraysiga cajalad laguugu duubo, kadibna waxad

waraysan kartaa inaad qaadato cajaladda.

(waxa habboon in aad codsigan hore u dalbato)

d. Haddii ay ku asiibtey dhibaato la xidhiidha jinsiga, ama dhacdooyin kale

oo qaracan leh, shaqaalaha arrinka qaadayaa waa inay fahmaan in dhib kugu noqon karaan fikirka iyo xasuustu. Waa kaloo ay aqoonsanayaan inay dhib kugu noqon karto inaad dadka kale u sheegto waxa dhacay. Muddada waraysigu socdo, waxa aad waydiisan kartaa fasax yar (break), haddii aad u baahato. Haddii aanad nafsiyan diyaar u ahayn waraysiga, waxa aad codsan kartaa in dib laguugu dhigo.

e. Haddii ay surtogal tahay, isku day inaad diyaarsato qof carruurta kaasii

haya intaad aad ku maqantahay waraysiga.

f. Waa in gooni laguu waraystaa, oo aan carruur iyo ehel kale kula joogin.

g. Wuu iman karaa qareenkaagu (lawyer) waraysiga, gaar ahaan haddii dhibaato

u nugushahay.

Waxa ‘Home Office’-ku tixgelin doono marka uu go’aanka ka gaadhayo sheegashadaada

Marka la eego Tusmada Jinsiga (lab iyo dhadig), kolka aad sheegato magangalyo shaqaalaha ‘Home Office’-ka ee arrinkaaga waa inuu eego

a. In asbaabo siyaayadeed laguugu cadaadiyay, xataa haddii ay yartahay, sida

guriyeenta iyo cunno siinta dadka

b. In laguugu cadaadiyay hawlo siyaasaddeed ee ninkaaga, aabahaa, walaalkaa

(ama rag kale oo qaraabo ah) awgood, ama loo maleeyey in aad la fikrad siyaasadeed tahay.

c. In saraakiil dawladeed (sida ciidan, boolis) kuu cadaadiyeen si aalaaba

saameysa dumarka sida iyagoo isticmaalaya kufsi, ama ku hanjabaad kufsi, iyo wixii la mida

d. In laguu ciqaabay adoon dhar u gaara wadanka xidhan, sida xijaabka

e. In sharciga wadankaaga oggolyahay in lagugula kaco takoor waayo dumar

baad tahay (sida sharciyada xaqa haysashada carruurta iyo dhaxalka)

f. Xubno qoyskaaga ama mujtamcaaga ay ku dhibaateeyeen (sida rebshada

guriga, guurka khasabka ah, dilka sharfta lagu ilaaliyo) saraakiisha dawladuna ayan karayn ama donayn ina ku difaacaan.

Waxakale oo la qadarinayaa xataa haddii aad ka baqday cadaadis noocaasa, inkastoo ayan wax kugu dhacin dhab ahaan.

Waxamuhiim ah in aad si faahfaahsan u sharaxdo waxa aad la kulantay iyo waxa aad ka baqsantahay inay kugu dhacaan haddii lagugu celiyo wadankaaga asalka. Waxa kale oo muhiima inaad sheegto asbaabaha ad is leedahay waa laguu waxyeelleeyay ama waa laguu waxyeelleyn karayaa.

Markago’aan laga qaadanayo sheegashadaada, shaqaalaha arrinka ee ‘Home Office’-ku waa inay muujiyaan inaay eegeen warbixinnada xuquuqda dumarka ee wadankii aad katimi. Haddii ay ogaadaan inaadan si ammaan ah wadankii ugu noqon karin, waxay haddana eegayaan in aad meel kale oo wadankaaga ah nabdgelyo ugu noolan karayso. Waxay eegayaan macluumaadka wadankaaga in meel kale oo wadanka kamid ah ay dumarka kula xaalka ahi nabad ugu noolaan karaan. Haddii aad go’aankooda wax ka qabto, qareenkaaga ayaa kaa caawin kara sidii aad uga doodi lahayd.


Talo xaga sharciga ah (Legal advice)

Waxalagugula talinayaa inaad talo sharci u raadsato qareen inta hawlgalka magangalyadu kuu socoto. Qareenkaagu waa inuu hoos yimaadaa nidaamka OISC (Office of the Immigration Services Commissioner). Guddiga Adeegyada Sharciga, waxay bixiyaan kharajka qareenka si uu u siiyo adeeg lacag-la’aana

dadka aan dakhliga lahayn, ama dakhligoodu yaryahay. Tan waxa ladhahaa ‘Legal Aid’. Qareenku waxa uu marka ugu horaysa ee aad sheeganeyso magangalyo ku siin karaa talo, haddii sheegashadaada macquul tahay. Qareen waxa kale oo talo bilaash ah bixin karaan rafcaanka, haddii ku guulaysiga arrinkaadu suurtogal tahay. Waxa kale oo talo waydiin kartaa qareen kale, haddii qarenkaagu u maleeyo inuusan arrinkaagu lahayn rajo guul macquul ah leh.

Qareenkaaguwaa inuu kaala hadlaa asbaabaha aad u sheeganeyso magangalyo.

Waainay kula gorfeeyaan arrimaha ku xusan qoraalkan, sida cadaadiska aad la kulantay, ama aad ka baqaysid, sababta laguu cadaadiyay, difaaca ay mas’uuliyiintu siiyaan dumarka adoo kale ah ee wadankaaga, iyo suurgalka inaad meel kale oo wadankaaga ah aad ugu noolaan karto si ammaan ah.

Intaa waxa ku dheeraad ah, in qareenkaagu eego in shaqaalaha arrinka uu raacaan Tusmadooda Jinsiga (Gender Guidance).

Haddii aad wax su’aalo ah hayso oo ku saabsan qoraalkan, fadlan la xidhiidh wakiilkaaga sharci ama khadka talooyinka ee nambarada hoos ku qoran:

Asylum Aid

020 7247 8741

Monday 2.00 - 4.30 and Thursday 10.00 -12.30

www.asylumaid.org.uk

Immigration Advisory Service

020 7967 1200

Monday 10 - 1.00 and Wednesday 2.00 - 5.00

www.iasuk.org

Refugee Legal Centre

Free advice service for detainees

020 7780 3220

0800 592398

Monday, Wednesday, Friday

10.30 - 1.00 and 2.00 - 4.30

www.refugee-legal-centre.org.uk

Waxaqoraalkan soo saaray kooxda ‘Refugee Women’s Resource Project ee hoos timaada ‘Asylum Aid’. Waana qayb kamida kaanbaynka ay doonayaan inay sare ugu qaadaan jihayn wasaarada gudaha (Home Office Gender Guidance).

Wixii faahfaahina eeg boga www.asylumaid.org.uk

Tusmada Jinsiga dhammeystiran waxa la yiraahdaa Arrimaha jinsiga ee sheegashada magangalyada Isfaridda Siyaasadda Magangalyada (Asylum Policy

Instruction) (API) ‘Home Office’-ka (March2004). Waxaad ka heli kartaa http://www.ind.homeoffice.gov.uk/ind/en/home/laws___policy/policy_instructions/apis/gender_issues_in_the.html

Macluumaadkanu waxa uu saxnaa markii lasoo saaaray qoraalkan oo ah Juun 2006

This document was provided by Asylum Aid, June 2006, www.asylumaid.org.uk