Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Korsiga caruurta
Adopted Children

Maqaalkanu wuxuu sharaxayaa sharciga soo gelista ee ku saabsan caruurta waalidiintood u imanaya, ama waalidkood degan wadanka U K.

Sidee baan xaq ugu yeelan karaa inaan caruurtayda keeno U K?

Waa inaad awood u leedahay inaad tusdo:

  • Inaad hadda si sharci ah u degantahay U K, sidaas oo xadidnayn joogitaankaagu; iyo
  • Inaad si buuxda aad u taageerayso, una guriyeenayso ilmahaaga adoon qaadanayn maal qaran.

Sidee ilmahayga aan korsanayo uu xaq ugu yeelayaan inuu iigu yimaado U K?

Waa in ilmahagaa aad tusdo inuu:

  • Aanu madaxbanaaneen, aanu reer lahayn, ama aanu samaysan reer u gaar ah;
  • Uu ka yaryahay 18 jir;
  • Uu la korsadey mar labada waalid ay debada wada deganaayeen, ama midkood U K deganyhay;
  • Uu leeyahay xuquuq lamid ah caruurta kale, ama waalidiinta korsanaya;
  • In sababta loo korsanayaa ay tahay in walidkoodii dhalay uu korin kari waayey, ayna jirto duruuf khasbaysa in ilmaha qof kale masuul ka noqdo;
  • In xidhiidhkii ka dhexeeyey reerkii dhalay uu go’ay; iyo
  • In aaney sababta loo korsanyaa aaney ahayn sidii si hawl yar U K loogu soo gelin lahaa.

Waa in ilmaha aad korsanaysaa uu helo soo gelis fiise intaaney u safrin wadankan U K.

Amarka korsiga ajnebiga U K malaga ictiraafsanyahay?

Waxa amarka (sharciga) korsiga wadanka kale la ictiraafayaa hadii uu ku jiro wadamada ajnebiga ah ee la ogolyhay ee xeerka 1973. kan waxa loo yaqaana wadamada la doortay. Hadii sharciga korsiga uu bixiyey wadan aan ku jirin wadamada la doortay, ilmuhu waa inuu maxkamadaha wadankan ka codsadaa korsiga.

Muddo intee leeg ayuu ilmaha la korsadey joogi karaa halakn U K?

Hadii ilmaha lagu korsaday wadamada la doortay, ama aana xaaskaaga ama ninkaaga iyo adigu aad halkan degentihiin, ama keligaa aad masuul katahay ilmaha, isagu ama iyadu marka wadanka yimaadaan bay helayaan sharci degenaasha weligeed ah.

Hadii ilmaha wadamada la doortay aan laga soo korsan, sida caadiga ah waxa la siinayaa 24 bilood oo deganaasho ah inta maxkada U K la marinayo, si loogu codsado sharci.

Ilmaha aan korsanayaa ma waxa noqonayaa muwaadin UK ah si toos ah?

Ilmahaagu waxa keli ah oo uu muwaadin noqonayaa hadii la mariyey maxkamadaha U K aanu mid ka mida waalidka korsanayaa uu ahaa muwaadin markii la codsaday korsiga.

Waa maxay hantida qaran?

Hadii aad keentay ilmaha U K waa inaad taageri karto, hoyna dejin karto adoo codsanayn guno qaran. Kuwan waxa kamid ah:

  • Dakhliga taageero, ama shaqo (Income Support and Jobseeker’s Allowance (JSA);
  • Gunada guriyeenta, ama taageero (housing and homelessness assistance);
  • Gunada hoy, ama casuureed (Housing Benefit and Council Tax Benefit);
  • Casuur celis dadka shaqeeya iyo reeraha (Working Families Tax Credit);
  • Bixin bulsho (social fund payment)
  • Gunada ilmaha (Child Benefit), ama
  • Gunada naafo (any disability allowance).

Waa maxay dhamaystirka soo gelista (entry clearance)?

Dhamaystirka soo gelistu waa fiise, shahaado soo geliseed oo lagu siiyo sidaad ugu safarto U K. waxa aad ka dalbanaysaa qunsulka ingiriiska ama safaarada ingiriiska ee wadanka ilmuhu ku noolyahay.

Waxa aad talo ka heli kartaa ku saabsan sida iyo cida bixisa meel kasta oo aad ku aragto safaarad Biritish ah.

Xarunta ‘Coventry Law Centre’ ayaa bixisa talooyin bilaash ah iyo qareenimo.

Rafcaanka

Xarunta sharciyadu waxaa kaala talin karaan rafcaanka waana ku meteli karaan dhagaysiga (maxkamada). Waad la xidhiidhi kartaa xarunta sidaad balan uga samaysato, ama soo wac khadka tilifoonkayaga Salaasada ama Khamiista inta u dhaxaysa 10:00 ilaa 12:00 Subaxnimo. Nambarku waa: 024 76253168.

Coventry Law Centre

The Bridge

Broadgate

Coventry

CV1 1NG

Inkastoo aanu aad ugu dadaalanay in macluumaadkan saxno, aanu sharci laga guurayna ahayn, haddana waa inaan laga soo qaadin nuqul dawladi bixisay, ama aanu bedelin talo aad u baahnayd – kama masuul nihin wixii isdhaaf ama qalad yimaada. Macluumaadkanu wuxuu khuseeyaa oo keliya dadka degan UK ama, ama saameeyo shuruucda wadanka U K .

This document was provided by Coventry law Centre, www.covlaw.org.uk