Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Maxay noqonaysaa natiijada codsigayga magangelyo?
What will be the outcome of claiming asylum?

Waamaxay natiijada codsigaygu?

Hadii aan la diidin codsigaaga, waxa lagu siinayaa sadex darajo midkood:

Magangelyo (degenaasho joogto ah)

Hadii lagu aqbalo magangelyo ahaan, waxa lagu siinayaa degenaasho shan sano ah. Hadii sidan laguu aqbalo, ninkaaga, ama xaaskaaga, iyo caruurtaada ka yar 18 sano iyana waa la ogolaanayaa. Waxa kale oo laguu ogalyahay dokementiga safarka (buluukiga), kan uu kuu saamaxaya inaa ku safarto wadamadoo dhan, marka laga reebo wadankaaga aad ka timid. Waad shaqaysan kartaa, ama waxbaran kartaa, sidoo kale waxa laguu ogolyahay dakhliyada uu mudaanku qaato. Hadii aad dakhli (guno) qaadatid, waxa kale oo aad ka qaadan kartaa Home Office-ka marka lagu siiyo magangelyada. Waxa aad lacagtan ka bixinaysaa gadaal.

Shantasano kadib waxa aad u degi kartaa si joogto ah.

Ilaaladabani-aadnimo (Humanitarian protection)

Hadiiaanad buuxin shuruuda magangelyo, waxa lagu siinay karaa ilaalo bani-aadnimo. Waxa lagu siinayaa darajadan hadii loo maleeyo hadii lagu celiyo in naftaadu khatar geli karto, ama la kulmi karto ciqaab, ama mucaamilo aad xun. Ilaalada bani-aadnimo waxay ku eegtahay shan sano, intaa kadib waxa aad codsan kartaa degenaasho rasmi ah hadii aad weli khatar wadankaagii ka jiro. ninkaaga, ama xaaskaaga, iyo caruurtaada ka yar 18 sano iyana waa la ogolaanayaa, laakiin waxay leeyihiin xuquuq safar, waxbarasho oo ka yar kuwa magangelyada buuxda haysta.

Joogitaan xor loo yahay (Discretionary leave)

hadiiHome Office-ku aqbalo in sababo kale oo sheegaya in ay cadaalad daro tahay in wadanka lagaa saaro, waayo caafimaad daro, reerkaaga awgii, waxa lagu siin karaa ‘Discretionary leave’. Tanu waa ilaa 6 bilood ilaa 12 bilood markiiba, laguumana ogola in rasmi ah u degto ilaa la cusboonaysiiyo joogitaankaaga lix sano (marka la isku daro).

Maxaadhacaya hadii codsigayga la diido?

Hadiicodsiga la diido, waxan inta aad awoodaa inaad rafcaan ka qaadato go’aanka. Laakiin hadii aad doonayso rafcaan waa inaad talo degdeg ah raadsataa.

Waainaad toban maalmood ku soo celisaa rafcaankaaga (intan way ka yartahay marka aad xidhantahay). Waa inaad ku muujisaa wixii codsi ee adiga iyo reekaagu samayayaan sidii ay UK u jiigi lahaayeen (sida, hadii wadanka lagaa saaro ay xuquuqdada ban-aadnimo wax u dhimayso).

Waxaa aad helaysaa taageero xaga sharciga oo lagaa bixiyo hadii:

  • Aanad lacag haysan aad ku bixiso talooyinka;
  • Ay fursad fiican aad dacwadaada ku guulaysan karto haysato.

Kooxda ‘Refugee Legal Centre’ ama ‘Immigration Advisory Service’ ayaa rafcaankaaga kaa caawin kara, waana bilaash hadii aad shuruudaa buuxiso. Tafaasiishoodu waxa uu ku qoranyahay nuqulka (ogaysiiska) rafcaanka, iyo boga 18 ee qoraalkan. Rafcaanku waxa uu qaadan karaa in kabadan go’aankii hore, waxaanad maxkamada tegi kartaa dhowr jeer.

Rafcaanka marka ah (One-stop appeals)

Hadiiay jirto sabab kale oo adiga iyo reerkaaga laguu ogolaado UK, waa inaad marka aad magangelyo codsanayso ku qortaa. Sababaha kale waxa kamid ah in xuquuqdaada bani-aadnimo wax loo dhimayo hadii lagu celiyo. Sidoo kale hadii ay jirto sabab kale sida daaweyn ama arin reerkaaga la xidhiidha waa inaad sheegtaa. Dhagaysigadacwadaada waxa la eegayaa sababaha oo dhan, markaa hadii aanad markaa sheegin waa adkaanaysaa inaad gadaal ka sheegto.

Maxaadhacaya hadii rafcaankaygu fashilmo?

Xasuusnowcodsiyada magangelyo ee UK intooda badan waa la diidaa, in kastoo qaarkood rafcaanka lagu ogolaado. Hadii laguu diido, aanad waydo rafcaanka waxa lagaa doonayaa inaad wadanka ka baxdo, hadii aan sababo kale aan lagu odhan halkan u joog (sida waxa halkan jooga reerkaaga). Haydaha dawlada ee u qaabilsan soo galaka waxa xoog kaaga saarayaan wadanka, hadii aanad si xor ah uga bixin. Hadii aanad xidhiidh la samayn marka dokumenti aad ku dhoofto laguu samaynayo, waxa lagaa qaadayaa talaabo, ama waa lagu xidhayaa.

Noqosho xor ah (Voluntary return)

Hadiiwadankaaga xaalkiisu fiicnaado, waxa lagu siin karaa taageero dhaqaale oo wadankaaga aad ugu noqoto. Waxa jira qorshayaal dadka qaar lacag ay wadankooda ku degaan la siiyo. Waxa jira qorshayaal, iyadoo ay ku xidhantahay meesha aad ka timi, iyo xiliga aad codsiga aad samaysay. Waa inaad latliyahaaga xaga sharciga, ama ‘one-stop service’ waydiisaa wixii macluumaad ee ku saabsan qorshahan.

Taageerodheeraad ah

Community Legal Service Direct

Waxaybulsho-waynta siisaa macluumaad bilaash ah oo ku saabsan dhibaatooyinka caadiga ah ee xaga sharciga.

Wac 0845 345 4 345

Hadiiaad xaq u yeelato taageero sharci (legal aid), waxa kale oo ka helaysaa khabiir sharci wixii talooyin ee ku saabsan dakhliga, cashuur celiska, deynka, waxbarashada, shaqada, iyo guriyeenta. Waxa kale oo raadsan kartaa talo-bixiye deegaankaaga, ama qareen.

Riix www.clsdirect.org.uk sidii wixii dheeraad ah u ogaatid.

Amnesty International

telifoon: England: 020 7033 1500

Wales: 029 2037 5610

www.amnesty.org.uk

Immigration Law Practitioners Association (ILPA)

Wixiimacluumaad ee sidaad taageero u heli-lahayd, waydii diiwaanka (Directory of Members).

telifoon: 020 7251 8383

www.ilpa.org.uk

Immigration Advisory Service

www.iasuk.org

telifoon: 020 7967 1200 (head office)

Eeg boga internedka wixii ku saabsan tafaasiisha (cinwaanada, iwm) ee xaafadaada Ingland iyo Wales

Law Society

Law Society waxay ku siin karaan macluumaadka garyaqaanada ku meteli kara wixii ku saabsan dacwadaha magangelyada.

telifoon: 0870 606 6575

www.solicitors-online.com

National Asylum Support Service

Frank Corrigan, 27 Old Gloucester Street,

Bloomsbury, London WC1N 3XX

www.asylumsupport.info

Office of the Immigration Services Commissioner (OISC)

telifoon: 0845 000 0046

www.oisc.org.uk

Refugee Legal Centre

telifoon: 020 7780 3200

www.refugee-legal-centre.org.uk

maqaal kale, ‘Legal Advice for People who are Detained by the Immigration Service’ ayaa waxa soo saarey Law Society, Law Society of Scotland, OISC, CLS and ILPA, waxaana laga heli karaa ururadaa aynu soo sheegney.

Maqaalkan waxa la qoray, iyadoo la kaashanayo ‘Immigration Law Practitioners Association iyo Mick Chatwin, garyaqaane iyo qareen ku takhasusay sharciga soo galka (immigration law).

This document was provided by Community Legal Service Direct, April 2006, www.clsdirect.org.uk