Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Astaamaha iyo daweenta jabtida, Chlamydia-da iyo Xabada.
Gonorrhoea, Chlamydia and Syphilis Symptoms, treatment and facts

Macluumaad halkan ku qoran intiisa badan waa dabaqi kartaa meelkasta oo aad joogtid ee kuma xidhna wadan keli ah. Hasa yeeshee meelaha qaarkood sida ‘xagee taageero u raadsataa’, ‘daweenta’ iyo ‘tijaabada’ waxa ay khuseeyaan oo keliya UK.

Jabtida

Jabtidu waa infekshan bakteeriya dhaliso. Waa lagu kala qaadaa galmada (isutaga), waxayna ku dhacdaa xubnaha hoose iyo luqunta.

Calaamadaha iyo astaamaha.

Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 14 cisho,kadib markii uu infekshanka qaaday. Waxa suurogal ah in jabti kugu dhacday oo aaney lahayn wax astaan ah. Raga ayaa inta badan ay astaamo ka muuqdaan

Dumarka

Astaamaha jabtidu waxa kamida:

  • Caadada dumarka iyo wixii lamida oo isbedela, waxa laga yaabaa in midab huruudi ama doogo ah yeesho, oo ur culisi la socoto.
  • Xanuun marka la kaajayo.
  • Cuncun ama wax ka yimaada dabada.

Raga

Astaamaha waxa kamida:

  • Dheecaan huruudi ama cadaana oo raga kayimaada.
  • Cuncun ama wax ka yimaada dabada
  • Barar ku dhaca midhicirka, iyo kaadi mareenka.

Sidee Jabtida loo kala qaadaa

  • Galmo (isutag)
  • Taabasho xubnaha qaba jabtida (sida cawrada).

Xagee aad ka raadsan kartaa taageero

  • Xarunta NHS-ta ee deegaanka ee ku shaqo leh xanuunada galamada (GUM).

UK waxa aad ka heli kartaa macluumaadka buuga tilifoonka ee sidan u qora ‘genito-urinary medicine (GUM), sexually transmitted diseases (STD) or venereal diseases (VD). Ama tilifoon u dir cisbitaalka xaafadaada oo waydii daweenta ‘khaaska’ ah ama ‘GUM’. Bogan taageero ee internedka ayaa ku gelinaya interdka, oo aad ka heli doonto halka ugu dhow ee xarunta caafimaad ka helayso help and advice

Waxa helaysaa daween qarsoodi ah oo bilaasha. Waxa aad u tegi kartaa xarunta aad doonto ee UK – mana aha khasab inaad meesha kuu dhow tagto. Manaha khasan in GP-gaagu ku gudbiyo. (xarumaha aan ku takhasusin xaanuunada STD –ga had iyo jeer ma bixiyaan adeeg buuxa.)

Tijaabada (baadhista) jabtida

  • Baadhisbaa dhakhtar ama neeras ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
  • Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
  • Dumarka waxa laga qaadaa baadhis.
  • Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.

Baadhista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa laga yaabaa inaad diiqad yar dareento.

Waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacday.

Daweenta

Baadhista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada ‘microscope’ hadii uu jiro infekshanka jabtida. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa laabka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.

Hadii aad xasaasiyad leedhay diida kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegtaa. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray dhamayso (qaadashadeeda).

Hadii laguu sheegay inaad jabti qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kiiso wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baadho inay xanuunka qabaan.

Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.

Dabagal

Marka aad dhamaysato dawadaada waa inaad xarunta caafimaadka ku noqotaa wixii baadhis ah ama GP-gaaga.

Xanuunada jabtida qaar waxay adkaysi u leyihiin antibiotics-ka, khusuusan hadii aad debeda kasoo qaaday. Baadhis dheeraad ah baa loo baahanayaa si loo hubiyo in xanuun baaba’ay. Hadii aaney baabi’in antibiotics kale ayaa loo baahanayaa.

Wixii isku-murga

Dumarka

Hadii aan la daweyn jabtidu waxay isu bedeli kartaa xanuunka ‘pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaadhaa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta. PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma. Qoraal gooniya oo ku saabsan PID ayaa jira.

Hadii aad jabti leedhay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. Tan waa in la daweeyaa, hadii kale waxay sababi kartaa indha la’aan. Laakiin waxa fiican inta aanu dhalan in lagu daweeyo

Raga

Jabtidu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. Hadii aan la daween xanuuno kale oo tuubabka oo barara ayaa ka dhalan kara.

Marka jabtida lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.

Xasuusnow, marka aad ka bugsato isticmaal caaga la isku xafido, waxa uu kaa yareen karaa kala qaadista xanuunada lagu kala qaado galmada

Chlamydia

waa xanuunka ugu dawada sahlan ee kamida STD-ga. Waxa dhalin kartaa natiijo xun hadii muddadu dheeraato, hadii aan hore loo daween.. Chlamydiyadu waxa waxyeeshaa madaxa ilma-dhaleenka. Iyo indhaha lab iyo dhadigba. Astaamaha xanuunku xili kasta way soo bixi karaan. Inta badan waa 1 ilaa 3 wiig marka uu qofka ku dhaco. Hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaaney muuqan ilaa muddo dheer laga soo wareego.

Astaamaha iyo calaamadaha

dumarka

astaamaha marka ay doonaan bay soo baxaan. Inta badan 1 ilaa 3 wiig kadib marka aad qaado. Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto. Dadka qaar baan wax astaamo ah aan lagu arag. Astaamaha suurtogal ahi waa kuwan:

  • Caadada oo yara badata – taas oo sababtay tuubka oo yara weenada.
  • Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso
  • Qaybta hoose ee caloosha oo ku xanuunta
  • Xanuun aad dareento galamada
  • Caaadada oo si aan nidaamsanayn u timaada
  • Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaadho).

Raga

Astaamaha infekshanku markasta way soo bixi karaan. Inta badan ilaa 1 ilaa 3 wiig kadib marka aad qaaday. Hasa yeeshee, waxa suurtogal ah inaanad wax astaana isku arag ilaa ay mudo kasoo wareegto. Raga ayaa inta badan astaamuhu ka muuqdaan laakiin iyaguna waxa suurtogal ah inaaney waxa astaami ka muuqan. Astaamaha ka muuqan karaa waxa kamida:

  • Dhicaan cad oo cawrada ka yimaada.
  • Kaadida oo badata/ama xanuun aad dareento marka aad kaajayso
  • Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaadho).

Sidee chlamydiyadu loo qaadaa

Chlamydia waxa loo kala qaadaa:

  • Adoo la seexda qof qaba xanuunka
  • Hooyadoo dhalmada ugu gudbisa ilmaha
  • Marmar faraha oo marka ay cawrada taabtaan xanuunka u gudbiya indhaha.

Xagee aad ka raadsan kartaa taageero

  • Xarunta NHS-ta ee deegaanka ee ku shaqo leh xanuunada galamada (GUM).

UK waxa aad ka heli kartaa macluumaadka buuga tifoonka ee sidan u qora ‘genito-urinary medicine (GUM), sexually transmitted diseases (STD) or venereal diseases (VD). Ama tilifoon u dir cisbitaalka xaafadaada oo waydii daweenta ‘khaaska’ ah ama ‘GUM’. Bogan taageero ee internedka ayaa ku geliya interdka, oo aad ka heli doontohalka ugu dhow ee xarunta caafimaad ka helayso help and advice

Waxa helaysaa daween qarsoodi ah oo bilaasha. Waxa aad u tegi kartaa xarunta aad doonto ee UK – mana aha khasab inaad meesha kuu dhow tagto. Manaha khasan in GP-gaagu ku gudbiyo. (xarumaha aan ku takhasusin xaanuunada STD –ga had iyo jeer ma bixiyaan adeeg buuxa.)

Tijaabada (baadhista) jabtida

  • Baadhisbaa dhakhtar ama neeras ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
  • Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
  • Dumarka waxa laga qaadaa baadhis.
  • Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.

Baadhista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa lag ayaabaa inaad diiqad yar dareento.

Waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacdayea.

Daweenta

Baadhista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada ‘microscope’ hadii uu jiro infekshanka jabtida. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa laabka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.

Hadii aad xasaasiyad leedhay diida kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegtaa. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray dhamayso (qaadashadeeda).

Hadii laguu sheegay inaad jabti qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kiiso wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baadho inay xanuunka qabaan.

Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.

Dabagal

Marka aad dhamaysato dawadaada waa inaad xarunta caafimaadka ku noqotaa wixii baadhis ah ama GP-gaaga.

Xanuunada jabtida qaar waxay adkaysi u leyihiin antibiotics-ka, khusuusan hadii aad debeda kasoo qaaday. Baadhis dheeraad ah baa loo baahanayaa si loo hubiyo in xanuun baaba’ay. Hadii aaney baabi’in antibiotics kale ayaa loo baahanayaa.

Wixii isku-murga

Dumarka

Hadii aan la daweyn chlamydiyada waxay isu bedeli kartaa xanuunka ‘pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaadhaa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta. PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma. Qoraal gooniya oo ku saabsan PID ayaa jira.

Hadii aad chlamydiyada leedhay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. Tan waa in la daweeyaa, hadii kale waxay sababi kartaa indha la’aan. Laakiin waxa fiican inta aanu dhalan in lagu daweeyo

Raga

chlamydiyadu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. Hadii aan la daween xanuuno kale oo tuubabka oo barara ayaa ka dhalan kara.

Marka chlamydiyada lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.

Xasuusnow, marka aad ka bugsato isticmaal caaga la isku xafido, waxa uu kaa yareen karaa kala qaadista xanuunada lagu kala qaado galmada

Xabada

Xabadu ma’aha xanuun ku badan UK, laakiin wadamada qaar buu ku badanyahay. Waa infekshan bakreeriya ah. Waxa inta badan lagu kala qaadaa isu-taga (galmada), laakiin hooyaduna waxay u gudbin kartaa ilmaheeda aan dhalan.

Astaamaha iyo calaamadaha

Astaamaha xabadu waa isku mid raga iyo dumarkaba. Way adkaan kartaa inaad ogaatid, waxayna qaadan karaan ilaa 3 bilood, kadib markii aad u tagtay qof qaba xanuunka. Waxay xabadu leedahay dhowr darajo. Labada darajo ee hore way xunyihiin.

Darajada hore

Waxa soo baxa nabar aan xanuun lahayn meesha xabadu jidhka ka gashay. Inta badan waa 21 cisho. Waxa laga yaabaa inaad ahmiyad badan siin.

Nabarkanu waxa ka muuqan karaa meesha uu doono ee jidhka, inta badan:

  • Afka hore ee dibnaha cawrada, iyo kaadimareenka.
  • Luqunta ilma dhaleenka, iyo cadka cawrada raga.
  • Dabada qofka iyo afka

Nabaradu waa infekshan badan yihiin waxayna qaadan karaan ilaa 2 ilaa 6 wiig inay ku bugsadaan.

Darajada labaad

Hadii aan la daween 3 ilaa 6 wiig ee hore, astaamaha soo baxa waxa kamida:

  • Finan aan cuncun lahayn oo jidhkoo dhan ka soo baxa, ama koox-koox
  • Cad dheeraada oo kasoo baxa afka cawrada dumarka, iyo dabada rag iyo dumarba.
  • Xanuun hargab aad moodo, daal, cuno diid, iyo cunaha oo barara (tani waxay qaadan kartaa wiigag ama bilo)
  • Harag cad oo carabka ama afka
  • Timaha oo go’a

Marka ay astaamuhu joogaaan xabadu waa infekshan badantahay, waana qaadsiin kartaa lamaanahaaga.

Daweentu waxbay taraysaa labadan darajo, wayna baabiinaysaa infekshanka.

Darajada ugu danbaysa

Darajadanu waxay sheegayshaa hadii aan ladaween xanuunka. Waxa suurtogal ah inaan wax astaami jirin. Hadii aan la daween, waxay isu bedeli kartaa xabad danbe oo qaadan karta ama iman karta 10 sano kadib. Markaas oo wax yeeli karto wadnaha iyo neerafyada.

Darajada danbe hadii dawo la siiyo waa daweesmi karaa qofku, laakiin hadii ay wadnaha ama neerafyada wax yeesho, waxba lagama qaban karo.

Sida xabada loo kala qaado

Xabada waxa loo kala qaadi karaa:

  • La seexato (utagto) qof qaba infekshanka
  • Hooyada oo ilmheeda u gudbisa

Xagee aad ka raadsan kartaa taageero

  • Xarunta NHS-ta ee deegaanka ee ku shaqo leh xanuunada galamada (GUM).

UK waxa aad ka heli kartaa macluumaadka buuga tifoonka ee sidan u qora ‘genito-urinary medicine (GUM), sexually transmitted diseases (STD) or venereal diseases (VD). Ama tilifoon u dir cisbitaalka xaafadaada oo waydii daweenta ‘khaaska’ ah ama ‘GUM’. Bogan taageero ee internedka ayaa ku geliya interdka, oo aad ka heli doontohalka ugu dhow ee xarunta caafimaad ka helayso help and advice

Waxa helaysaa daween qarsoodi ah oo bilaasha. Waxa aad u tegi kartaa xarunta aad doonto ee UK – mana aha khasab inaad meesha kuu dhow tagto. Manaha khasan in GP-gaagu ku gudbiyo. (xarumaha aan ku takhasusin xaanuunada STD –ga had iyo jeer ma bixiyaan adeeg buuxa.)

Tijaabada (baadhista) jabtida

  • Baadhisbaa dhakhtar ama neeras ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
  • Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
  • Dumarka waxa laga qaadaa baadhis.
  • Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.

Baadhista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa lag ayaabaa inaad diiqad yar dareento.

Waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga sida ugu hakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad xabad kugu dhacday.

Daweenta

Baadhista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada ‘microscope’ hadii uu jiro infekshanka xabada. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa laabka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.

Hadii aad xasaasiyad leedhay diida kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegtaa. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray hamayso (qaadashadeeda).

Hadii laguu sheegay inaad xabad qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kiiso wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baadho inay xanuunka qabaan.

Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.

Uurka iyo xabada

UK waxa laga baadhaa dhiiga dumarka uurka leh dhamaantood marka ay tagaan xarunta ‘ante-natal’. Hadii laga helo waa la daweeyaan, iyadoo aan ilmaha wax dhibaato ahi u imanayn. Hadii aan dumarka la daween waxay qaadsiin karaan ilmahooda aan dhalan. Marmar waxay keeni kartaa dhicis.

Marka la daweeyo xabada dib ugu soo noqon mayso, laakiin dhiiga ayaa mudo sheegaya xanuunka. Ka qaado shahaado cadaynaysa in lagu daweeyey, hadii aad safraysid.

Xasuusnow, isticmaalka cinjirka la isga difaaco xanuunada lagu kala qaado galmada, waxa uu hoos u dhigi karaa infekshanka gudbintiisa.

AVERT.org waxay haysaa macluumaad dheeraad ah other STDs marka lagu daro tirokoobka iyo buug ah STD.

This document was provided by AVERT, last updated July 26, 2005. www.avert.org.uk