Skip Navigation | Accessibility

information, advice, guidance and learning materials in community languages

Daryeelka caafimaad ee qaran (NHS): xalilida khilaafka
NHS health care: Resolving disagreements

Hadii lagaa soo qaaday inaad xaq ulahayn daryeelka joogtada ee NHS, ama aad ka muransantahay xadka xanaano ee aad heshid, marka hore kala tasho agaasimaha PCT-da. Waxa jira agaasime ku shaqo leh daryeelka caafimaad ee joogtada ah iyo isuduwe ka masuul ah RNCC-da.

Hadii la hadalka PCT-du xalili-waydo arinta, waxa aad haysataa sadex ikhtiyaar – inaad dalbato baadhis madax banana, iyo inaad u gudbiso ashkato adoo raacaya nidaamka u yaala NHS-ta, ama labadaa arimood.

Baadhis madax banaan

Waxaad codsan kartaa baadhis madax banana (IR), adoo u qoraya qolada haboon ee SHA-da, hadii:

  • Aanad ku qanacsanayn go’aanka inaad u baahnayn daryeelka caafimaad ee joogtada ah;
  • Marka uu ku eegay isuduwaha xanaanada caafimaad, aanad ku qanacsanayn xadka caafimaad ee laguu qoray.

Waa in laguu sheegay inaad xaq u leedahay inaad dalbato baadhis markii laguu sheegay go’aankii.

IR-ta waxa aad isticmaali kartaa hadii aanad raali ka ahyn:

  • Nidaamka ay gaadhay PCT-du inaad xaq u leedahay (daryeelka caafimaad ee joogtada ah) iyo in kale;
  • Foomka codsiga ee la xidhiidha go’aanka.

Dariiqan kuuma saxna hadii aad khilaafsantahay nidaamka laftiisa.

Gudida eegista waxa sameeya SHA-da, taas ooleedahay PCT-du. Ma aha khasab in SHA-du samayso gudida. Dawlada ayaa xaq u siisay inaaney samayn Karin gudi hadii baahidaada caafimaad aaney soo hoos galayn nidaamka. Intaan la qaban gudida, waxa PCT-du waydiinaysaa gudoomiyaha talo. Hadii la diido waa inaad heshaa qoraal buuxa sababaha, laguna xasuusiyaa waxa aad xaq uleedahay ee askatada NHS-ta.

Hadii la sameeyo gudida (baadhista), waxa aad xaq u leedahay doode, sida qof madax banana oo kaa caawiya inaad dacwadaada isku hagaajisato.

Ujeedadu waa in la dhameeyo eegista laba wiig codsiga kadib. Hadii aad cisbitaal ku jirtid oo lagaa doonayo inaad ka baxdo, waa ku sii jiri kartaa inta baadhistu socoto.

Mawqifka gudidu waa la talin, khasabna ma’aha in go’aankoodu sharci khasab ahaado. Hase yeeshee waxay rajaysaa in inta badan in la qaato, xaalado aad u yar moooyee.

Natiijada gudida waa in la gaadsiiyo qofka soo codsaday iyadoo loo soo mariyo SHA (qofkanu wuxuu noqon karaa kan buka, ehel ama daryeele), ama koox kale oo arintu khusayso – sida PCT-da, dhakhtarka, cisbitaalka iyo wixii xarun caafimaad ee arintanu khusayn karto.

Nidaamka ashkato ee NHS –ta.

  • Waa inaad nidaamka ashkato ee NHS-ta aad isticmaasho hadii aad doonaysid inaad ka doodo:
  • Qodobada u xaqyeelashada ee aan ahayn codsigiisa;
  • Go’aanka ah inaan laguu gudbin gudida baadhista;
  • Go’aanka ah in aan caafimaadkaaga joogtada lagaa wada bixiyo, kadib marka aad kooxdaa gudida laguu gudbiyey.

Kooxda latalinta dadka buka (PALS) ee hoos timaada PCT ayaa kusiin wixii faahfaahin ah ee ku saabsan ashkatada NHS-ta. Hadii aad u baahantahay doode madaxbanaan oo kaa taageera ashkatada, kooxdan PALS-ta ayaa ku siin kara macluumaadka kooxda ‘Independent Complaints and Advocacy Service (ICAS). Kooxda dadka waaweyn ‘Age Concern’ ayaa iyana kusiin kara adeeg dood ah. NHS-tu way kaa caawin karta cidii aad la xidhiidhi lahayd ee kooxda PALS deegaankaaga ah.

Waxaad ashkato qoraal ah u gudbin kartaa madaxa PCT-da ‘Chief Executive of the PCT’ adoo ka codsanaya inuu baadho, adoo adeegsanaya nidaamka ashkatada ee NHS-ta. Waa in aad muddo 20 cisho ku heshaa jawaab. Waa in lagula taliyaa in hadii aad ku qanci waydo inaad la xidhhdho gudida madaxa banana ‘Independent Review (IR)’. Kuwanu lama mid aha gudida madaxa banana ee ay samayso kuwa daryeelka caafimaadka taxanaha ah eek u xusan qodobka 7.1

Baadhista madaxa baanaan ee NHS-ta waxa masuul ka ah ‘Healthcare Commission (HC)’ marka qaanuunkan ‘National Health Service (Complaints) Regulations 2004’ uu hirgalo 30 July 2004. HC-tu waa komishin madaxbanaan oo NHS-ta. Kooxaha caafimaad ee samafalka ah (voluntary) wax xidhiidha lama leh SHA ama PCT ee dacwadaada wada.

Kooxda madaxa banana waxay u qaybsantahay sadex darajo – eegis marka hore iyo jawaab katimaada xubin kooxda HC-da ah; eegistu waa inay noqotaa mid kama danbays ah, kuuna siisa fursad aad ku codsato baadhista gudida. Arintan waxa si faahfaahsan looga hadlaa qoraalka ‘Unhappy with the way your complaint has been handled by the NHS?’ – ee ay soo saartao HC-du. Qoraalkan oo uu ku jiro foomka aad ku codsan karto baadhista madaxa banaan. Waxa aad iimayl ugu diri kartaa foomkan: [email protected] ama la hadal khadka ashkatada 0845 601 3012 (local call rate). Askhatada ay xalili kariwaydo HC-du waxa loo gudbin karaa ‘Health Service Ombudsman’.

Health Service Ombudsman

Hadii aanad raali ku ahayn kadib baadhista IR, waxa laguu gudbin karaa komishanka adeega caafimaadka sare ‘Health Service Ombudsman’.

Waxay baadhi karaan ashkatooyinka:

  • Adeega cafimaadka;
  • In lagu siinwaayo, ama lagaa iibin waayo adeeg aad xaq uleedahay;
  • Maamul xumo jirta;
  • Adeeg uu bixiyo farsama-yaqaane NHS-ta ah.

Komishanku ma baadhayo ashkata kasta. Inta aanay arintaada eegin waxa rajeenaysaa in la dhameeyey eegista PCT-da ama NHS trust.

Hadii go’aan lagu gaadho in arintaada la baadho, baadhis balaadhan baa la sameeyaa, oo dhowr bilood qaadan kara. Marka baadhistu dhamaatu adiga iyo kooxda NHS-tuba waxa la idiin soo dirayaa natiijada baadhista. Hadii ashkatadaadu macquul noqoto, komishamku waxa sameeyaa raali gelin iyo xalilis.

This document was provided by Age Concern, May 2005. www.ageconcern.org.uk